Somaliland Media Law

Bismillaahi Raxmaani Raxiim

“ Waxa aannu ku Dhaarannay Nuun iyo Qalinka iyo waxa kasta oo sadr qoro..” Masxafka Eebbe (Suurta Nuun)

Dastuurka Somaliland

“Muwaadin kasta waxa uu xaq u leeyahay in la xurmeeyo karaamadiisa, dhegtiisa iyo noloshiisa u gaarka ah”, Qodobka 24aad, Faqradda 3aad

“Xorriyadda shakhsiga ahi kama korreeyo xeerarka lagu dhawrayo danta qawmiga ah, nabadgelyada Qaranka iyo xuquuqda muwaadiniinta kale,” Qodobka 25aad, Faqradda 4aad

“Muwaadin kasta waxa uu xor u yahay, sida sharcigu oggol yahay, in uu ku cabbiro ra’yigiisa af ahaan, muuqaal ah, farshaxan ahaan, qoraal ahaan iyo siyaabo kaleba”, Qodobka 32aad, Faqradda 1aad

“Saxaafadda iyo warbaahinta kaleba waxa ay qayb ka yihiin xorriyadaha asaasiga ah ee fakir-cabbirka, waana kuwo iskood u taagan oo isu maamula. Fal kasta oo lagu cabbudhinayaa waa reebban yahay, xeer ayaana qeexi doona”, Qodobka 32aad, Faqradda 3aad

 


Tusmaha

 

Cutubka 1aad

Qeexidaha iyo Mabaadii’da Guud

Cutubka 2aad

Shuruudaha Weriyeyaasha muwaadiniinta ah iyo kuwa Ajanebiga ah

Qaybta 1aad:     Shuruudaha ku-hawlgalka Saxaafadda

Qaybta 2aad:     Xuquuqda iyo Waajibaadka Suxufiyiinta

Qaybta 3aad:     Mas’uuliyadda Saxaafadda

Qaybta 4aad:     Shuruudaha Lagu dhaqayo Suxufiyiinta Ajinebiga ah

Cutubka 3aad

Asaasidda Wargeys ama Warside Muddaale ah

Qaybta 1aad:     Soosaaridda iyo Lahaanshaha Wargeys iyo Warside Muddaale ah

Qaybta 2aad:     Qaab-dhismeedka Saxaafadda Daabacan

Qaybta 3aad:     Kormeerka Maaliyadeed ee Wargeysyada iyo Majalladaha

Qaybta 4aad:     Faafinta Wargeysyada, Majalladaha iyo Daabacaadaha kale

Qaybta 5aad:     Xaqa Sixidda, Warcelinta/Jawaabidda iyo Warsaxaafadeedyada Rasmiga ah

Qaybta 6aad:     Xayaysiisyada

Cutubka 4aad

Shuruucda Lagu Maamulayo

Madbacadaha, Xafiisyada Baahiya Daabacaadaha & Kaydka Sharciga ah

Qaybta 1aad:     Madbacadaha

Qaybta 2aad:     Xafiisyada Baahiya Daabacaadaha

Qaybta 3aad:     Kaydinta Sharciga ah

Cutubka 5aad

Waxa ka Reebban Daabacaadaha iyo Ciqaabaha

Qaybta 1aad:     Waxa ka Reebban Daabacaadaha

Qaybta 2aad:     Ciqaabaha

Qaybta 3aad:     Habsocodka Garsoor-marinta iyo Ciqaabidda

Qaybta 4aad:     Cidda Xaq u Leh ka sharci-qaadashada & Habsocodkooda

 


Cutubka 1aad

Qeexidaha iyo Mabaadii’da Guud

Qaybta 1aad

Qeexidaha

Qodobka 1aad

Xeerkan waxa loo aqoon doonaa Xeerka Saxaafadda iyo Waxyaabaha La Daabaaco

Qodobka 2aad:

Si uu dhaqangal u noqdo sharcigani, erayada hoos lagu taxay waxa ay wadan doonaan macnayaasha lagu qeexay ee ka hor muuqda, haddii mar kale si kale loo qeexin.

DAABACAAD: Waxa ay la macne tahay wax kasta oo la daabaco si joogto ah, magac, taariikh iyo lambar taxane ah leh oo ay ku jiraan mawaadiic kala duduwan sida war, faallo iyo mawduucyo bulsho, siyaasadeed, dhaqaale, beereed, dhaqan, diineed, cilmi, farsamo, gaashaandhig, farshaxan, ciyaaro, iwm.

SAXAAFAD: Mihnadda lagu baadigoobo xaqaa’iqa, xogta iyo warka oo la ururiyo, lagu qoro ama loo beddelo qaab maqaal, baadhis ama taxliil iyo diyaarinta barnaamijyo iyo faallooyin, sawiraadda kartuunno, bandhigidda sawirro, daabacaad iyo qaabaynta u-magac-bixinnada (headlines) iyada oo la adeegsanayo habka qoraalka ama maqalka ama baahinta muuqa.

WARGEYS: Wargeys ama joornaal si joogto ah ugu soo baxa magac u gaar ah si loogu baahiyo dadweynaha dhexdiisa.

WAKAALAD WAREED: Hay’ad ka mid ah saaxaafadda oo danaysa, doonta wararka, diyaarisa warbixinno wareed, soo saarta warar qoran, sawiran iyo kuwa muuqaal oo ku qotoma baadhitaanno iyo taxliil, ka dibna u fidisa ama u baahisa siyaabo kal duwan.

MADBACAD: Mishiin ama mishiinno ama qalab kale oo loogu talo galay in lagu daabaco ama lagu sajilo/duubo erayo, sawirro ama muuqaallo kale oo loogu talo galay in la baahiyo.Kuma jiraan qalabka sawirrada lagu qaado, teebabka, qalabka footokoobiga loo addeegsado dukumentiga iyo waraaqaha.

XAFIISYADA ISKU DUBARIDA DAABACAADAHA (Publishing Houses): Cid kasta oo diyaarisa oo isku dubaridda walxo la daabacayo si loo baahiyo oo loo/ama baahiyo.

BAAHIYE (Publisher): qof ama shirkad faafiya walxo daabacan oo magaca qofka ama shirkadda lagu muujiyo.

FIDIYE: Qof kasta ama shirkad kasta oo mihnad ka dhigata iibinta iyo fidinta wargeysyada iyo waxyaabaha kale ee la daabaco oo ku dhex baahisa bulshada/Dadweynaha.

WALAX DAABACAN: Qoraal kasta, ama sawirro ama maqal iyo muuqaallo duuban, miyuusikyo iyo sawirro farsamada casriga lagu agaasimay si loo baahiyo ama loogu fidiyo bulshada.

KU-DHEX-BAAHINTA BULSHO (Public Circulation): Soo bandhigidda lagu muujiyo wargeysyo, majallado ama walxo kale oo daabacan meelaha wax laga iibsado si loo gato oo dadweynuhu u arkaan.

BUUG-IIBIYE (Bookshop): Goob loogu talo galay in lagu soo bandhigo oo lagu iibiyo walaxaha daabacan.

BUUG_KAYDIYE QARAN: Goob loogu talo galay kaydinta qoraallada taariikhiga ah iyo kuwa kale ee la daabaco ama kuwo wakhti goa’n ku soo baxa ha ahaadeen ama ayay ahaanine.

KAYDIN: Kaydinta ama madhxinta walxaaha daabacan lagu kaydiyo goobaha loogu talo galay.

Qaybta 2aad

Mabaadii’da Guud

Qodobka 3aad

Xorriyadda aqoon-korodhsiga, fikirka, saxaafadda, is-cabbirka, war-isu-gudbinta iyo helidda wararku waa xaqa muwadinka u oggolaado inuu fikirkiisa ku cabbiro af, qoraal, sawir iyo si kasta oo kale oo awoodda is-cabirka siinaya. Waxa xuquuqdan ka dammaanad qaadaya muwaadinka Qodobka 32aad (1/3) ee Dastuurka Qaranka iyo qodobada Xeer-nidaamiyahan. Baaxadda xorriyaddan waxa xaddidi kara sida hadba bulsho dimuqraadi ahi uga baahato ilaalinta sumcadda iyo karaamada muwaadiniinta kale iyo Ilaalinta caafimaadka iyo dhawrsoonaanta bulshada, nabadgelyada Qaranka, badbaadada bulshada, sugidda kala-qaybsanaan la’aanta dalkeeda, ka hortegidda fal-dambiyeed dhaca; in la sugo in xog loo arko sir qaran baxdo iyo in la sugo in waaxaha Caddaaladda iyo garsoorku u dhawrsoonaato awood-fulintooda iyo dhexdhexaadnimado.

Qodobka 4aad

Saxaafaddu waxa ay ahaan doontaa mid iskeed u taagan oo xor ah, si xor ahna u gudato waajibaadkeeda.Waxa ay u adeegi doontaa bulshada, wax ku kordhin doontaa afkaarta dadweynaha, oo hawlaheeda kala duwan u gudan doontaa iyada oo aan ka bixin caqiidada Islaamiga, mabaadii’da Dastuurka iyo hadafka ah xoojinta midnimada qaran: wax carqalad ah lama hor dhigi doono saxaafadda si hawlaheeda u gudato aan ka ahayn kuwa uu tilmaamo xeerkani.

Qodobka 5aad

Saxaafaddu wax dan ula muuqata ayay daabici kartaa, ilaheeda wararkana way ka doonan kartaa oo ka urursan kartaa wixii xog ah. Sharciga hortiisa iyada ayaa mas’uul ka ah waxa ay daabacdo.

Qodobka 6aad

Sharcigu waxa uu dammaanad qaadayaa badbaadada weriyeyaasha iyo curiyeyaasha ama qorayaasha, waxana uu siinayaa dammaanadda sharciyeed ee daruuriga u ah fulinta hawlahooda; waxa uu ka dammaanad qaadayaa xorriyadda fakir-cabbirkooda, waxana uu gabbood uga yahay faragelin ku timaadda in Alla inta ay iyagu ku dhaqmayaan sifo sharciyeedka xeerkani u oggol yahay.

Qodobka 7aad

Qodobbada hoos ku teedan ayaa ah ujeddooyinka iyo ahdaafta laga rabo in saxaafaddu ku dhaqanto ama buuxiso Jamhuuriyadda Somaliland:

1.            Inay fikirka iyo ra’yiga dadweynaha wax ku biiriso wax tara, aqoontoodana kordhiso

2.            Inay sii hormariso ujeeddooyinka uu tilmaamayo Dastuurka jamhuuriyadda Somaliland

3.            Inay u guntato sidii ay uga hor tegi lahayd waxyaabaha ku-tidhi ku-teenka ah ee bulshada lagu kala qaybinayo, ama kooxaheeda kala dudduwan la iskaga hor keenayo sida iyada oo la adeegsanayo qabiil, jinsi, caado, dhaqannada maxalliga ah, iwm.

4.            Inay ka ololeyso in aan la adeegsan dhaqammo aan jirin ama faasid ah, oo ay ka hawl gasho sidii dhqanka suubban ee Islaamiga ah iyo maabaadii’ fayo qaba loogu dhaqmi lahaa.

5.            In ay dhawrto oo xoojiso ku-dhaqanka mabaadii’da dhexdhexaadnimada ah.

Cutubka 2aad

Shuruudaha Weriyeyaasha muwaadiniinta ah iyo kuwa Ajinebiga ah

Qaybta 1aad

Shuruudaha ku-hawlgalka Mihnadda Saxaafadda

Qodobka 8aad

Qof kasta oo weriyenimo ama suxufinimo ku shaqaynaya, waa:

·               In uu Somalilander ahaado

·               In uu ugu yaraan 21 jir yahay

·               In uu mutaystay xuquuqda muwadin oo dhan

·                In aan maxkamadi ku helin gef uu ka galay karaamada iyo akhlaaqda haddii aan maxkamadi ka burin xukunkaa hore

·               Inuu leeyahay khibrad aqooneed oo jaamicadeed ama machad ama wayo aragnimo aan ka yarayn 3 sannadood

·               In uu si joogto ah oo muuqata ugu dhex jirey saxaafadda

Qodobka 9aad

Ka sokow fulinta shuruudaha Qodobka 7aad ku qeexan, Tifatire-sare waa:

a)            In aanu u shaqayn dal qalaad

b)            In uu ugu yaraan 25 jir yahay

c)            In uu aad ugu xeeldheer yahay luqadda uu wargeyska uu hoggaamiyaa ku soo baxo

d)            In uu waayo-aragnimo iyo aqoon xirfadeed oo aan ka yarayn 5 sannadood u leeyahay saxaafadda haddii uu yahay mid aqoon jaamicadeed ama machad leh, haddii kalena waa in aan waayo-aragnimadiisu ka yaraan 8 sannadood.

e)            In uu hawsha yahay mid ku guta wakhti buuxa.

Qodobka 10aad

Weriyuhu waxa uu suxufinimadiisa ku waayaya, haddii uu:

a)            Ka soo bixi waayo mid aama ka badan shuruudaha Qodobka 8aad qeexayo

b)            Laga eryo/caydhiyo shaqada iyada oo lagu helay faldembiyeed ceeb iyo sharaf-dhac u sii jiidaya mihnadda saxaafadda

c)            Iskii uga tago ama uga dibed-baxo shaqada isaga oo ku doorsaday mihnad ama hawl  kale.

Qodobka 11aad

Wasaaradda Warfaafinta ayaa waxa ay bixinaysaa kaadhadh loo yaqaan ‘Press Facility Cards’.

Ka sokow shuruudaha ku qeexan Qodobka 8aad, waxa qof kasta oo la siinayo kaadhkan uu:

a)            Haysto shahaadad jaamicadeed ama machad oo suxufinimo ama warfaafineed, uuna ugu yaraan hal sano ku dhex jirey saxaafadda

b)            Haysto shahaado jaamicadeed ama machad iyo waaayo-aragnimo saxaafadeed oo aan ka yarayn 2 sannadood

c)            Sito shahaadada guud ee dugsiyada sare ama mid u dhiganta iyo ugu yaraan 5 sannadood oo waayo-aragnimo ah

d)            Leeyahay waayo-aragnimo ku filan oo aan ka yarayn 10 sannadood

e)            Haysto tasdiiq ay Ururka suxufiyiinntu saareen shahaadadiisa/deeda oo marag-fur ah

f)             Sida uu u ekaanayo Kaadhku, waxa ku yaalla, cusboonaysiintiisa iyo xuquuqda u gaarka ahba waxa xaddidaya oo qeexaya Wasaaradda Warfaafinta.

Qodobka 12aad

Cid kasta oo haysata kaadhka saxaafadda waxa ay xaq u leedahay xorriyadaha iyo xuquuqda uu siinayo xeerkani suxufiyiinta ee Dastuuriga ah.

Qodobka 13aad

Iyada oo la xeerinayo shuruudaha Qodobka 11aad ee sharcigan, codsiyada lagu codsanayo Kaadhka Saxaafadda waxa loo qoranayaa Wasaaradda Warfaafinta iyada oo ay la socdaan dukumentiga kale ee loo baahan yahay. Haddii diidmo la sababeeyey kaga soo noqoto ama warceliniba ka soo noqon weydo muddo dhan 30 maalmood , waxa uu codsaduhu u racfaan qaadanayaa cidda ku habboon muddo ku siman 30 beri gudahood markii uu diidmada helay ama ay ka soo wareegtey codsigiisa  warcelin la’aantu ku dhacday.

Qaybta 2aad

Xuquuqda & Waajibaadka Suxufiyiinta

Qodobka 14aad

Suxufiga si ba’an wax loogama weydiin karo ra’yi uu cabbiray ama faafiyey si loogu waxyeeleeyo haddii aanay waxaasi ahayn kuwo si toos ah uga hor imanaya sharciga iyo qaanuunka

Qodobka 15aad

Suxufigu waxa uu xaq u leeyahay in uu war  iyo ka raadsado ilihiisa oo uu baahiyo ama iska dhaafo. Waxa uu suxufigu xaq u leeyahay in uu ilaaliyo oo xafido ilahiisa wareed, lagumana khasbi karo in uu sheego ama daaha ka faydo cidda ay tahay.

Qodobka 16aad

Suxufigu waxa uu xaq u leeyahay in uu diido in uu qoro ama diyaariyo wax ka soo horjeeda oo khilaafsan waxa  uu aaminsan yahay amase dhibaya damiirkiisa suxufi ahaan. Waxa uu xaq u leeyahay in uu uga hadlo sida uu u arko tooska ee waafaqsan Dastuurka si uu u cabbiro aragtidiisa si kastaba ha loogu kala tagganaado fikirka iyo aragtida e.

Qodobka 17aad

Suxufigu waxa uu xaq u leeyahay in uu akhristo warbixinnada rasmiga ah/dawliga ah, wararkooda iyo macluumaadka kale ee dawliga ah, saraakiisha gacanta ku haysaana waa in ay u suurto geliyaan ka faa’iidaysiga xogahaas.

Qodobka 18aad

a)            Suxufigu weriye waa uu u noqon karaa dhawr hay’ad saxaafadeed oo maxalli ah ama ajinebi ah isla mar keliya haddii uu ruqsad labadii sannadoodba mar la cusboonaysiinayo ka haysto Wasaaradda Warfaafinta.

b)            Suxufigu xaq ayuu u leeyahay in uu ka warramo/ka warbixiyo dhacdo kasta oo maxalli ah ama caalami ah iyada oo aanu dabrayn xidhiidhka dalkaasi laga warbixinayaa la leeyahay Jamhuuriyadda Somaliland.

Qodobka 19aad

Suxufigu lagama eryi karo, lagamana beddeli karo mihnaddiisa, shaqadiisa lagama joojin karo, lagama hor istaagi karo in uu wax qoro, oo looma qabsan karo maqaalladiisa sida uu sharcigani oggol yahay mooyaane.

Qodobka 20aad

Suxufigu waxa uu ku badbaadin karaa xuquudiisa isaga oo adeegsanaya ururkiisa saxaafadeed iyo jid kasta oo sharci oo uu u bannaynayo Datuurku, dammaanadna uu u siiyey sharcigu, waxana uu si toos ah ula kaashan karaa hay’adaha caddaaladda ee waafaqsan shuruucda.

Qodobka 21aad

Suxufigu waa inuu ixtiraamaa mabaadii’da la xidhiidha Qarannimada Somaliland iyo madaxbannaanideeda mar kasta oo uu baahin samaynayo oo aanu jebin qaanuunkan

Qaybta 3aad

Mas’uuliyadda Saxaafadda

Qodobka 22aad

Suxufiyiintu Waxa ay xaq u leeyihiin inay samaystaan Ururro/xidhiidho. Ururadaasi kuwo madax bannaan ayay ahaanayaan. Iyada oo la adeegsanayo cod, waxa ururradu samaysan karaan xeer-nidaamiyeyaal aan ka hor imanayn sharcigan. Guddoomiyaha ururka, oo ka mid noqonayaa Golaha Agaasinka (Board of Directors) waxa lagu soo dooranayaa si dimuqraadi ah.

Qodobka 23aad

Ururada suxufiyiintu waxa ay samaysanayaan xeerar anshax oo ururku dhexdiisa ka hirgeliyo, oo ay ka jiraan mabaadii’da aasaasiga ah ee waajibka ku ah suxufiyiinta:

a.            In uu ixtiraamo xaqiiqada iyo xaqa dadweynuhu u leeyahay ogaanshaha xaqiiqada

b.            In Suxufigu u fidiyo warka isaga oo Lillaahi ka tahay oo aan dan kale ka lahayn, u faalleeyo wararka ama u naqdiyo si turxaan la’ oo garsoor leh

c.             In uu ka war bixiyo ama fidiyo war ishiisa la og yahay. Suxufiyiinta waa in aanay ka been abuurin wararka ama dukumentiga

d.            In uu adeegsado tabo iyo xeelado caddaali ah oo quman si uu war ama sawir ama dukumenti u helo

e.            In uu ka noqdo war kasta oo la ogaado in uu isfahan darro keeni karo ama sugnaantiisu liidato

f.              In uu ka fogaado in uu baahiyo war kasta oo abuuri karaa khalkhal iyo iskahor-imaadyo ku dhisan qabiil, jinsi, caqiido, diin, siyaasad ama u-janjeedhsanaan dhinac, qawmiyadnimo ama isir, hayn hantiyeed ama maqaam bulsho.

g.            In uu ixtiraamo waxa u dhawrsoon ee u gaarka ah qofka

h.            In uu ka reebbanaado daabacadda iyo baahinta qoraallada iyo sawirrada anshaxa ka arradan ama cunfigu ku jiro oo sidoodaba mamnuuc ah

i.              In la jebiyo xaqa qofku u leeyahay dhegeysi maxkamadeed oo caddaaladda ku qotonto sida Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland dhigayo waa reebban tahay.

j.              Dhicidda qodobbada ama amuuraha hoos ka taxan waa tacadi iyo gabbod-fal saxaafadda ka dhan ah:

  • Xatooyo qoraallo ama xogo cid kale ledhay oo sidooda loo soo minguuriyo
  • Si qaldan oo war loo soo bandhigay si ula kac loo majara habaabiyo fikradda laga qabo shakhsi ama cid kaleba
  • Been-ka-sheeg, ceebayn iyo sharaf-ridid
  • Laaluush-qaadasho ama baadidoonimo ku arooraysa war la fidiyey ama hoos la dhigay

Qaybta 4aad

Shuruudaha hawlgal ee Suxufiga Ajinebiga ah

Qodobka 24aad

Suxufiga waxa loo aqoonsan doonaa weriye u werinaya hay’ad saxaafadeed oo ajinebi ah ama ka badan  oo dal kale laga leeyahay ama hay’ado ajinebi ahi leeyihiin marka la siiyo aqoonsi sidaa tilmaamaya

Qodobka 25aad

Wasaaradda Warfaafintu waxa ay u aqoonsan kartaa suxufi in uu weriye u yahay wakaalad wareed, wargeys, idaacad ama telifishan ajinebi ah muddo sannad ah markiiba, oo la cusboonaysiin karo. Waxa weriyayaashaasi awood loo siinaya in ay hawshooda ka fushadaan dalka gudihiisa. Xaqani waa in uu ahaado mid laba-dhinacle ah. Wasaaraddu waa diidi kartaa, waana la noqon kartaa aqoonsi-bixinta.

Qodobka 26aad

Weriyeyaasha saxaafadda maxalliga ah iyo kuwa ajinebiga ahiba waxa ay xaq u yeelanayaan xurmooyinkan:

a.            Xaqa degganaanta shakhsi iyo mid qoysba

b.            Xaqa helid dal-ku-gelid isaga ah ama qoyska

c.             Furashada Xafiis ay u oggolaatay Wasaaradda Warfaafintu

d.            Socdaallo waddanka oo dhan ah oo xog doon ah oo la sii ogeysiiyey Wasaradda Warfaafinta

e.            Xuquuqda iyo xurmooyinka ku dhan xeer-nidaamiyeyaasha iyo shuruucda oo idil

Qodobka 27aad

a)            Suxufiga ama weriyaha u shaqaynaya wargeys ama saxaafad kale waa in uu ixtiraamaa, kuna dhaqma sharciyada waddanka u yaalla, uuna xurmeeyaa qarannimada iyo madaxbannaanida Dalka, caqiidada, shuruucda diineed iyo dhaqanka iyo caadooyinka ummadda Somaliland. Waa in uu ka reebbanaado fal kasta oo wax u dhimi kara nabadgelyada iyo ammaanka Dalka.

b)            Suxufiyiinta lagu soo qaaday xubinta (a) waa in ay warkooda ku raadsadaan sifo sharci ah oo keli ah.

Qodobka 28aad

Wasaaradda Warfaafintu iyada ayaa xaq u leh inay kaadh aqoonsi saxaafadeed siiso weriye ajinebi ah, ama ka noqoto mid ay bixisay ama diido in ay cusboonaysiiso iyada oo aan sababayn lagu lahayn. Haddii kaadhkan lagala noqdo waxa iyadana buraysa xaq-u-lahaanshaha degganaanta ama ku-noolaanshaha ku lahaa weriyaha ajinebi dalka, haddii aanay jirin sabab kale oo aan ka hor imanayn inta uu oggol yahay sharcigani oo oggolaanaysa.

Qodobka 29aad

Wasaaradda Warfaafintu waxa ay soo saaraysaa xeer-nidaamiyeyaa xaddidaya  shuruudaha ay suxufiyiinta ajaanibka ahi kaga shaqayn karaan Somaliland warbaahinteeda kala duwan – teeda qoraalka ah, maqalka ah ama muuqaalka ah.

Cutubka 3aad

Abaabulka Hawlaha Wargeysyada iyo Majalladaha

Qaybta 1aad

Baahinta iyo Lahaanshaha Wargeysyada & Majalladaha

Qodobka 30aad

Xaqa lahaanshaha iyo fidinta wargeysyo iyo majalladu waxa uu Dastuurku ka dammaanad qaaday muwaadiniinta, axsaabta siyaasiga ah, sharikadaha khaaska ah iyo kuwa dawladeedba, ururrada caalamiga ah iyo Wasaaradaha Dawaladda iyo hay’adaha sifo waafaqsan sharcigan.

Qodobka 31aad

Cid kasta oo danaynaysa baahinta iyo furashada Wargeys ama majallad waxa ay codsi u qoranaysaa Wasaaradda Warfaafinta ay ka muuqdaan:

a)            Magaca oo buuxa, cinwaanka iyo magaca ruqsada lagu qaadanayo

b)            Magaca oo buuxa, mansabka, cinwaanka iyo derejada aqooneed ee Tifatiraha Sare, Tifatirayaasha iyo fidiyeyaasha/baahiyeyaasha (publishers), haddii ay munaasib tahay

c)            Magaca madbacadda wargeyska ama majallada lagu daabici doono haddii aan baahiyuhu isagu madbacaddiisa lahayn

d)            Magaca Wargeyska ama Majalladda, luqadda ay ku soo bixi doonto, wakhtiyada ay soo bixi doonto, nooca iyo tilmaanta. Wargeysna ama majalladina ma sidan karto magac la mid ah ama u eg mid hore u soo baxay/baxday.

e)            Astaanta ama imbalamka wargeyska ama majalladdu lama mid noqon karto umana ekaan karo mid hore u jirey

f)             Warbixin koobeysa lahaanshaha hantiyeed ee wargeyska ama majalladda, magacyada cidda u bangi ah, iyada oo la raacayo sida uu oggolaanayso nudda (para) ‘a’ ee qodobka 26aad ee sharcigan.

Qodobka 32aad

Go’aanka Wasiirka Warfaafinta ruqsadda bixinayaa waa in laga helaa:

a)            Magaca Wargeyska ama majalladda

b)            Cinwaanka

c)            Madbacadeeda/diisa – haddii ay munaasib tahay sida sharcigani dhigayo

d)            Noociyadeeda – siyaasi, dhaqaale, bulsho, dhaqan, farshaxan, iwm.

e)            Wakhtiyada uu soo baxayo/baxayso

f)             Tifatiraha mas’uulka ka ah

Qodobka 33aad

Ruqsadda Wargeys ama Majallad waxa ay ku buraysaa:

a)            Dhalanrog lagu sameeyo maclumaadkii la gudbiyey markii ruqsadda la dalbayey, haddii aan beddelaadda hore loo ogeysiin Wasaaradda Warfaafinta

b)            Maalinlayaasha haddii aanay soo bixin muddo saddex bilood ah oo xidhiidh ah. Hadduu toddobaadle yahay ama laba-toddobaadlena muddo lix bilood ah. Hadduu 3dii-biloodba-mar uu yahayna muddo hal sano ah

c)            Haddii aan lixda bilood ee ku xigta helidda ruqsadda aan la soo sarin ama la baahin Wargeyska ama Majalladda

d)            Haddii mulkiiluhu codsado in la buriyo ruqsadda

e)            Haddii shirkadda ruqsadda la siiyey ay baaba’do ama la kala diro

f)             Haddii uu geeriyoodo mulkiilaha ruqsadda leh, ciddii dhaxalka lahaydna soo saari weydo muddo hal sano ku siman geerida ka dib

Qodobka 34aad

Laba iyo in ka badan oo wargeysyo ahi waa isu tegi karaan, markaana ruqsadihi kala goongoonnida ahaa waxa lagu beddelayaa mid hor leh oo loo codsado

Qodobka 35aad

a)            Cid kasta oo ruqso u haysata inay soo saarto wargeys ama majallad, waxa ay Wasaaradda Warfaafinta kula socodsiinaysa qoraal isbeddel kasta oo la filayo inuu ku dhaco tafaasiisha ruqsadda lagu soo saaray ugu yaraan hal toddobaad ka hor, haddii aan la filaynna hal toddobaad gudihii xilliga isbeddelku dhacay.

b)            Haddii isbeddelku yahay mid la xidhiidha Tifatiraha Sare, waxa lagu dabbaqayaa shuruudaha laga rabo Tifatiraha Sare, isbeddelkana waa la baahinayaa. Haddii isbeddelku la xidhiidho magaca ama astaanta ama mulkiilaha, waxa isbeddellada lagu daabacayaa wargeys kale

Qodobka 36aad

Shuruudaha ku cad Qodobbada 31aad iyo 32aad ee sharcigan ee aasaasidda iyo baahinta wargeysyada iyo majalladaha saamayn kuma laha wargeysyada xisbiyada siyaasadda, kuwa Ururrada caalamiga ah, Wasaaradaha iyo hay’adaha kale ee dawladeed

Qodobka 37aad

Axsaabta Siyaasadda, wasaaradaha, hay’adaha kale ee dawladda, ururrada caalamiga ah waxa ay u soo gudbinayaan Wasaaradda Warfaafinta Tifatiraha mas’uulka ah iyo magacyada kooxda weriyeyaasha ah; waxana ay muddo 10 maalmood gudahood ku soo wargelinayaan wasaaradda wixii isbeddel ah ee ku yimaadda.

Qodobka 38aad

Tifatiraha ayaa mas’uul buuxa ka ah wxii ku soo baxaya wargeysyada iyo majalladaha Axsabta Siyaasiga ah, hay’adaha dawladda, iyo ururrada caalamiga ah sifo waafaqsan sharcigan

Qodobka 39aad

Wargeys kastaa waa in uu leeyahay Tifatire Sare oo ka mas’uul ah waxa ku soo baxaya wargeyskaa ama majalladdaa, awoodda xakamaynteedana leh. Tifatireyaal isaga hoos yimaadda oo qaybo ka mid ah wargeyska maamulaa waa in ay iyana jiraan. Mulkiilaha Wargeysku waa noqon karaa Tifatiraha Sare ama Tifatiraha mas’uulka ah haddii uu buuxiyo shuruudaha laga rabo ee sharcigani qeexayo.

Qodobka 40aad

Wargeysyadu waa inay nuqul walba ku daabacaan magaca Tifatiraha Sare, Baahiyaha iyo madbacadda lagu daabacay si ay sahal u muuqato. Waxa kale oo nuqul walba lagu daabacayaa taariikhda uu soo baxay, qiimaha biil-ku-qaadashada, kan nuqulka iyo wakhtiyada ama inta jeer ee uu soo baxo.

Qodobka 41aad

Daabacaado dheeraad ah oo wakhtiyo ka duwan kuwa hore waa samayn karaan wargeysyada iyo majalladuhu waa se inay sidaa caddeeyaan oo inay daabac-dheeraad (supplement) yihiin sheegaan, sitaanna magaca iyo astaanta asalka ah.

Qodobka 42aad

Mulkiilaha wargeys ama majallad waa in uu:

a)            Yahay muwaadin

b)            Haystaa xuquuqda muwaadin buuxa

c)            Aan maxakamadi hore ugu helin in uu dembi karaamo ama sharaf gelin, haddii aan maxkamad ama dhegeysi kale ka tirtirin

d)            Haddii mulkiiluhu yahay shirkad saamiley ah waa in saamiyada oo dhan ay leeyihiin muwaadiniin reer Somaliland ah

e)            Raasamaal ku kordhiyaa/kaabaa wargeyska ma majalladda sida ay qeexayaan xeer-nidaamiyeyaasha Wasaaradda Warfaafinta. Wargeysyada Axsaabta siyaasiga ah, ururrada caalamiga ah, wasaaradaha iyo hay’adaha dawladda waa ka dhawrsoon yihiin sharcigan oo saamayn kuma leh.

Qodobka 43aad

a)            Marka fasax qoraal ah laga helo Wasiirka Warfaafinta, muwaadin mulkiile ahi waa ku wareejin karaa mulkiyadda wargeyskiisa ama majalladdiisa muwaadin kale oo buuxinaya shuruudaha ku qeexan sharcigan

b)            Qofka xilka mulkiyadda wareejinayaa waa in uu Wasiirka Warfaafinta u soo qaddimaa codsi caddaynaya oo muujinaya in cidda xilka la wareegeysaa lahayd dhammaan shuruudaha looga baahan yahay mulkiile sida sharcigani qabo/qeexayo

Qodobka 44aad

Wargeys waa uu daabici karaa maqaal qoruhu adeegsanayo magac-qalin haddii uu wargeysku yaqaan ama og yahay magaca dhabta ah ee qoraaga

Qodobka 45aad

Wargeys xog iyo warar uu ka kala helay ilahiisa xaq ayuu u leeyahay in uu daabaco iyo in uu isks dhaafo labadaba

Qodobka 46aad

Tifatiraha Sare waxa uu oggolaan karaa qoraallo/maqaallo dadweynuhu u soo gudbiyeen. Waa uu diidi karaa daabacaadda qoraalladaa haddii ay ka hor imanayaan qodobbada sharcigan. Qorayaasha la diidey in la daabaco qoraalladooda waxa ay racfaan u qoran karaan Wasiirka Warfaafinta.

Qaybta 2aad

Qaab-dhismeedka Saxaafadda Daabacan

Qodobka 47aad

a)            Saxaafad daabacan oo kasti waa in ay magacaabataa Agaasime  reer Somaliland ah oo gebi ahaanba xuquudiisa siyaasadeed iyo muwaadinnimo u dhan tahay , ka hor inta aanay bilaabin hawl-maalmeedkeeda, ayna badheedhaheeda ama sharciga tifatirka (editorial statute) baahisaa

b)            Agaasimaha waxa kaalinayaa ku-xigeenno ama kaaliye-yaal agaasime

c)            Haddii cillad uu u gudan waayo hawshiisa ku timaaddo, waxa beddelaya Ku-Xigeenkiisa, Kaaliyaha ama Tifatiraha.

Qodobka 48aad

Waxa, guud ahaanba, la gudboon Agaasimuhu:

a)             Diyaarinta/gudbinta majaraha, la-socodka iyo go’aaminta waxa gelaya qoraal ahaan wargeyska ama majalladda

b)             Guddoominta kulannadda Golaha Agaasinka

c)            Magacaabidda Tifatiraha Sare sida Golaha agaasinku ku talo bixiyaan

d)            Metelidda wargeyska ama majalladda kulannada sare si waafaqsan awooddiisa, xirfaddiisa iyo xilka mas’uuliyaddiisa

Qodobka 49aad

Meelaha weriyeyaashu ka badan yihiin shan (5) xirfad-yahan, waxa la magacaabayaa Guddi Tifatir oo weriyeyaasha xirfadlayaasha ee u shaqeeya wargeyskaa ama majalladdaasi iska dhex doortaan si waafaqsan sharcigan

Qodobka 50aad

Golaha Agaasinka waxa ay tahay:

a)            In uu iskaashi la sameeyo maamulka Daabacaad-baahiyaha (publisher) si uu u sugnado majaraha uu ku hawlgalo wargeyska ama majalladdu

b)            In uu ka talo bixiyo qaybaha kala duwan ee nolosha wargeyska ama majalladda oo la xidhiidha ama si uun u soo gelaya hawlaha suxufinimo ee wargeyska

c)            In uu ka talo bixiyo magaacibadda Tifatiraha Sare

d)            In uu ka talo bixiyo shaqaalaynta, anshax-marinta ama erinta weriyeyaasha xirfadlayaasha ah

e)            In uu ra’yi ka geysto samaynta iyo wax-ka-beddelka Nidaamiyaha Tifatirka

Qaybta 3aad

Kormeerka Maaliyadeed ee Wargeysyada iyo Majalladaha

Qodobka 51aad

Wargeysyada iyo majalladaha waxa ka reebban in ay ka qaataan kaalmooyin ama hadiyado haba yaraatee cid aan reer Somaliland ahayn

Qodobka 52aad

Waxa ka reebban inay liisas tabaruc u furtaan ganaax ku waajibey, cashuuro ama cawed-celin shaqaalahooda ama daabacaad-biihiyeyaashoodu ku leeyihiin

Qodobka 53aad

Mulkilayaasha wargeysyada iyo majalladuhu waxa ay samaynayaan buugagga xisaabaadka oo mabaad’ii sax ah lagu hawl geliyo, waxana ay u diranayaan xisaabiyeyaal cayiman iyo hanti-dhawrayaal inay u eegaan ama u xidhaan xisabaad-sannadeedka

Qodobka 54aad

Wasaaradda Maaliyadda ayaa faaqidaysa buugaagta xisaabaadka ee wargeysyada, miisaaniyadooda iyo foojarradooda si loo sugo in ay raaceen habdhaqanka qaybtani tilmaamayso. Saraakiisha Wasaaradda Maaliyaddu waxa ay dhawraysaa sirta wargeyska laga reebo meelaha sharciga lagu gefey

Qaybta 4aad

Faafinta Wargeysyada, Majalladaha & Daabacaadaha Kale

Qodobka 55aad

Wargeysa ama majallad ama qoraal kale toona lama faafin karo ilaa bogaggiisa mid ka mid ah ku muujiyo magaca wargeyska, majalladda ama daabacanaha kale, cidda baahisa iyo magaca Tifatiraheeda Sare, taariikhda iyo goobta ay ka soo baxday, qiimaha nuqulku joogo, qiimaha biil-ku-qaadashada, tirsiga cadadka iyo magacyada cidda daabacday iyo cidda baahinta iska leh.

Qodobka 56aad

Ciddii danaynaysa Soo-warididda, iibinta iyo faafinta wargeysyo iyo majallado, waa in ay ruqso/fasax qoraal ah ka heshaa Wasaaradda Warfaafinta ka hor inta aan hawsha la gudo gelin

Qodobka 57aad

Wargeysyada iyo majalladaha laga soo saaro gobo ka baxsan Somaliland, waa lagu faafin karaa dalka sifo waafaqsan sharciga  haddii aan waxyaalo reebbani ku jirin. Wasiirka ay khuseysaa xaq ayuu u leeyahay in uu joojiyo faafinta wargeys ama majallad ama daabacane kale haddii uu ka hor imanayo sharciyada waddanka u degsan

Qodobka 58aad

a)            Mulkiilaha wargeys ama majallad ama daabacane kale waxa uu xaq u leeyahay in uu ka rafcaan qaato xayiraad laga saaray faafin

b)            Xayiraad lagu qaaday wargeys ama majalad ama daabacane kale oo lagaga hor istaagay in uu faafo ka joojin mayso in la qaado tallaabo sharciga waafaqsan

Qodobka 59aad

Meheradaha lagu iibiyo qalabka xafiisyada, wargeysyada, majalladaha iyo daabacaneyaasha kale waxa lagu furi karaa o keliya fasax qoraal ah oo laga helay waaxda qaabilsan ee Wasaaradda Ganacsiga. Dukaannada iyagu faafiya wargeysyada, majalladaha iyo daabacanayaal kale, hase yeeshee, ay u tahay hawl-dheeraad aan dakhligooda kowaad ku tiirsanayn loogama baahna ruqsaddaa.

Qaybta 5aad

Xaqa Sixidda, Jawaabidda & Warsaxaafadeedyada

Rasmiga ah

Qodobka 60aad

Xaqa u jawaabidda iyo sixiddu waa mid u sugantay muwaadiniinta, axsaabta siyaasiga ah, ururrada qawmiga ah iyo kuwa caalamiga ahba, wasaaradaha, hay’adaha kale ee dawliga ah iyo shirkadaha, waxana waajibkaa u fulin karaa wakiilladooda haddii wax laga daabacay ay saamayn ku yeeshaan.

Qodobka 61aad

Mar kasta oo wargeys ama majalladi ka baahiso/faafiso maqaal siinaysa qof ama hay’ad xaqa jawaabidda oo waafaqsan sifaha sharcigani siinayo, waa mid la danayn karo xataa haddii aan dhaleecayn ba’an ama aflagaadayni aanay si cad uga muuqan

Qodobka 62 aad

Tifatiraha Sare waxa uu ku soo saaraya jawaabta iyo sixidd isla boggii, noocii farta, luqaddii iyo bedkii qoraalka laga jawaabayaa ku soo baxay, iyada oo aan kharaj laga bixin, sidana waafaqsan:

a)            Codsiga cidda ay khuseyso

b)            Cidda dhaxalka leh ama u ah wakiil rasmi ah haddii qoraalku khuseeyo qof xijaabtey

c)            Sixidda ama jawaabta oo soo gaadhey muddo saddex bilood gudahood ah ilaa xilligii qoraalka  la saxayaa soo baxay

Qodobka 63 aad

Tifatiraha Sare waxa uu ku soo saaraya sixidda ama jawaabta saddex (3( beri gudahood marka ay soo gaadho haddii wargeyski maalinle yahay, haddii uu muddaale yahayna cadadka ku xiga.

Qodobka 64 aad

Tifatiruhu waxa ku soo daabacaya, iyada oo aan wax kharaj ah laga bixin, cadadka ku xiga, siiba goobta loo dhawray wararka muhimka ah, wararka saxaafadeed/rasmiha ah ee ka soo baxay axsaabta siyaasadeed oo ku lug leh danta dadweynaha, saxayana qoraal  hore uga soo baxay mawduucaa.

Qodobka 65 aad

Wargeyska ama majalladdu waxa ay diidi kartaa sixid haddii:

a)            Shuruudaha ku qeexan Qodobka 62aad ay dhaqan-gab yihiin

b)            Wargeyska ama majalladdu iyaba samaysay sixidda

c)            Codsiga lagu saxeexay naanays/magac-beenaad, ama lagu soo gudbiyey luqad aan tii uu ku soo baxay ama qoraalku ku qornaa ahayn

Qodobka 66 aad

Muducigu waxa uu rafcaan u qoran karaa Wasiirka Warfaafinta haddii Tifatiraha Sare soo saari/baahin waayo sixidda ama jawaabta

Qodobka 67 aad

Qoraal-baahiyuhu (Publisher) waxa uu saxaya warka aan sugnayn iyo werinta dhacdada isla marka uu ogaado sida xaqiiqadu tahay. Mudda-caligu waxa uu rafcaan u qoranaya Wasiirka Warfaafinta ama maxkamadaha haddii uu qoraal-baahiyuhu soo saari waayo jawaabta.

Qaybta 6aad

Xayaysiisyada

Qodobka 68 aad

Marka ruqsad qoraal ah laga helo Wasiirka Warfaafinta ayaa wakaaladaha xayaysiisyadu hawshooda xayaysiineed fushaan karaan iyaga oo adeegsanaya qaab kasta oo u munaasib ah, kuna soo bandhigaya xayaysiis-ganacsigooda filin iyo qaab kasta oo kale.

Qodobka 69 aad

Wargeysyadu waxa ay goynayaan qiimeyaasha xayaysiisyada iyaga oo la kaashanaya ururrada weriyeyaasha, nuqulna la dhigaya, iyo wixii isbeddel ah ee hadba ku yimaadda, Wasaaradda Warfaafinta si loo hubiyo in wargeysyadu ku dhaqmayaan go’aannadooda?

Qodobka 70 aad

Xayaysiisyada waxa lagaga soocayaa qoraallada kale ee wargeys sido ciwaan tilmaamaya “Xayaysiis”.

Qodobka 71 aad

Haddii wargeys iska daabaco xayaysiis iyada oo aanu fasax/codsi qoraal ah ka haysan cidda ay khusayso, laguma laha kharajka xayaysiiskaa ciddii loo daabacay?

Qodobka 72 aad

Sawirrada, faallooyinka iyo qoraallada ururrada caalamiga ahi u soo diraan si loo daabaco si ay raadreeb ugu noqoto hawlqabadkooda, waxa loo aqoonsanayaa xayaysiis.

Qodobka 73 aad

Kharajka laga bixinayo xayasiisyadni kama badnaan doonaan kuwa kale ee la dhigga ah.

Qodobka 74 aad

Xayaysiina waa in aanay ku jirin waxyaalo uu reebayo sharcigani. Tifatiraha Sare ayaa ka joojin karaa xayaysiiska noocan ah daabacaad iyo in uu baho.

Qodobka 75 aad

Wasaaradda Warfaafinta ayaa ka mas’uul ah bixinta liisamada/ruqsadaha meheradaha/wakaaladaha xayaysiiska iyo meelaha lagu samaynayo. Waxa ay Wasaaraddu qeexaysaa shuruudaha lagu soo codsan karo ruqsaddaa.

Cutubka 4aad

Shuruucda Lagu Maamulayo

Madbacadaha, Xafiisyada Baahiya Daabacaadaha & Kaydka Sharciga ah

Qaybta 1aad

Madbacadaha

Qodobka 76 aad

Ruqsad ayaa laga helayaa Wasaaradda Warshadaha si loo aasaaso madbacad, sidaasi awgeed, codsiga oo lagu hagaajinayo Waaxda ku habboon ee Wasaaradda, waa in laga helaa oo ay ku jirtaa:

a)            Magaca, cinwaanka degganaanshaha iyo wakhtiga dhalashada mulkiilaha madbacadda

b)            Magaca madbacadda, tirade iyo noocyada mishiinnada la rakibayo iyo goobta iyo cinwaanka maamulkeedu noqonayo

c)            Magaca, cinwaanka degganaanshaha iyo wakhtiga dhalashada qofka mas’uulka ka noqonaya madbacadda

d)            Tirsiga Diiwaanka Ganacsiga

Qodobka 77aad

Agaasimaha mas’uulka ka ah madbacad waa in uu:

a)            Haysto xuquuqda buuxda ee muwaadin

b)            Aan hore loogu helin dembi uu mihnadda ka galay haddii aan maxkamadi u soo celin karaamadiisii

c)            Yahay ugu yaraan 25 jir (i) u leeyahay waayo-aragnimo hawlaha madbacadda  muddo aan ka yarayn 5 sannadood (ii) aanu ka hayn madbacad kale jagadan Agaasinka isla wakhtigaa

d)            Haddii madbacaddu ay u dhisan tahay qaab mu’sasadeed ama saamiley: (i) Waa in saamiyadu  wataan magacyada saamileyda (ii) In xogta looga baahan yahay mulkiilaha madbacadda iyo Golaheeda Agaasinka la horgeeyo Wasaaradda Ganacsiga si waafaqsan Sharciga Kambaniyada (Company Law).

Qodobka 78aad

Wasaaradda Wershaduhu waxay ka go’aan qaadanaysaa codsiga liisanka 30 maalmood gudahood. Haddii 30 maalmood dhammaato iyada oo aan jawaab laga helin codsiga ama Wasaaradduba diido, waxa uu xaq u leeyahay codsaduhu rafcaan in uu u qaato maxkamada ku habboon muddo 30 beri aan ka badnayn xilliga la diidey codsiga.

Qodobka 79aad

Mulkiilaha ama Agaasimaha shirkad daabacaadeed waa in uu Wasaaradda Wershadaha u sheegaa wax kasta oo isbeddel ah oo lagu samayn doono xogta ku qornayd codsiga Wasaaradda hore loogu gudbiyey toddobaad ka hor haddii la sii og yahay, haddii aan la filaynna toddobaad gudihii marka isbeddelku dhacay.

Qodobka 80aad

Mulkiile madbacadeed waxa uu wareejin karaa mulkiyadda madbacadda marka qoraal oggolaansho awoodsiin ah ka helo Wasaaradda. Codsiga awoodsiinta waa in ay ku dhan tahay xogaha lagama-maarmanka ah, uuna wataa dukumeti marag-fur ah oo tageeraya si loo buuxiyo shuruudaha aan laga maarmayn in la buuxiyo.

Qodobka 81aad

Haddii ay geeriyi ku timaaddo mulkiile, dadka dhaxalka lihi waa inay muddo laba bilood gudaheed ah oo ka dambaysa wakhtiga geerida soo ogeysiiyaan Wasaaradda si uu magaca mulkiyaddu ugu wareego, haddii aanay dooran inay joojiyaan madbacaddaba iyo sii-wadideedaba.

Qodobka 82aad

a)            Mulkiilaha ama Agaasimaha Madbacaddu waxa uu haynayaa diiwaan boggagiisa la shaabbadeeyo oo lagu sajilayo hawl kasta oo lagu daabaco madbacadda iyo tafaasiisheeda. Wax ka mid ah cinwaannada/magacyada hawsha la daabacay, taariikhda, curiyaha/curiyeyaasha qoraalka iyo tirade nuqullada la daabacay.

b)            Mulkiilaha ama Agaasimaha Madbacaddu waa in uu diiwaanka u geeyaa Waaxda Wasaaradda ee ku habboon si bogga u horreeya ama kan u dambeeya loogu caddeeto tiradda bogagga diiwaanka, maalinta Wasaaradda la keenay diiwaanka, magaca madbacadda iyo mulkiileheeda ama Agaasimaha ka mas’uulka ah iyo tirsiga ruqsadda.

Qodobka 83aad

Wax kasta oo la daabacayaa waa in bogageeda mid ka mid ah si cad ay uga muuqataa magaca iyo cinwaanka madbacadda, magaca iyo cinwaanka baahiyaha-daabacaneyaassha (publisher) iyo wakhtiga daabacaadda. Bog ku habboon waa in iyana laga helaa qoraha/curiyaha iyo xuquuqda u dhawrsoon.

Qodobka 84aad

Daabacane la daabici karo ama loo cusboonaysiin karo daabacaaddiisa ma jirto iyada oo aan fasax laga helin cidda xuquuqda daabacaaddu u dhawrsoon tahay, qof ha noqdo ama shirkad ha noqdee.

Qodobka 85aad

Mulkiilaha iyo Agaasimaha mas’uulka ahi iyaga ayaa si buuxda uga mas’uul ah oo loo raacaa qoraal kasta oo aan waafaqsanayn sharciga oo madbacadooda ka soo baxa.

Qodobka 86aad

Qodobbada 83, 84 iyo 85 ee sharcigani ma saameeyaan walxaha ganacsiga loo daabaco.

Qaybta 2aad

Xafiisyada Baahiyha Daabacaadaha

Qodobka 87aad

Cid kasta oo dooneysa in ay furato xafiisyada/meheradaha laga baahiyo daabacanayaasha, waa in ay codsi u qorataa Waaxda ku habboon ee Wasaaradda Warfaafinta. Codsiga waa in laga helaa oo ay ku jiraan:

a.            Magaca, cinwaanka iyo taariikhda dhalashada mulkiilaha baahiyaha

b.            Meesha uu ku nool yahay ama cinwaanka oo buuxa

c.             Magaca iyo goobta uu ku yaallo xafiisku/meheraddu

d.            Nooca

e.            Magaca, cinwaanka, mansabka iyo taariikhda dhalashada Agaasimaha Mas’uulka ah

f.              Magaca madbacadda uu adeegsado daabacaadda qoraallada uu baahiyo/fidiyo haddii aanu isaguba lahayn madbacaddiisa

g.            Haddii xafiiska baahintu uu yahay shirkad saamiley ah, magaca iyo cinwaanka ka-tirsane kasta oo golaha Agaasinka/Hoggaaminta ah, ama Guddiga la-talinta iyo raasamaalka shirkadda. Nuqul dastuurka ah iyo sharciga aasaasidda ayaa lala dhigayaa Wasaaradda Warfaafinta.

Qodobka 88aad

a.            Qofka Xafiis baahineed/fidin-daabacane furanayaa, waa in (i) in aan hore loogu helin fal-dembiyeed mihnadda laga galay haddii aan dhegeysi maxkameed oo kale ka burin xukunka hore; (ii) Haddii uu xafiisku yahay saamile, waa in saami kasta iyo magaca cidda leh ay la socotaa

b.            Agaasimaha Xafiis baahin/Fidin daabacane waa in uu ka soo baxaa oo uu buuxiyaa shuruudaha ku qeexan Qodobka 77aad.

Qodobka 89aad

Xafiis kasta oo fidineed ama baahineed (Publishing House) waa in  uu leeyahay Gole La-talineed oo ka kooban ashkhaas awood, aqoon iyo waayo-aragnimo u leh hawlaha hor yaalla.

Qodobka 90aad

Magaca baahiyuhu wa in uu bogga u horreeya ama kan u dambeeya ee daabacane kasta oo uu mas’uul ka yahay ka muuqdaa.

Qaybta 3aad

Kaydinta Sharciga Ah

Qodobka 91aad

a.            Daabacane kastaa waa in uu bogga u horreeya ama kan u dambeeyaa ku muujiyaa tirsiga lambarka uu kaga kaydsan yahay Maktabadda Qaranka.

b.            Daabacane kasta, wargeysyada, majalladaha, buugagta, qoraallada suugaaneed ama farshaxan waxa nuqullo laga dhigayaa Kaydka Guud.

Qodobka 92aad

Mar kasta oo wargeys ama qoraaalo la xidhiidha, majallado ama daabacane kale la soo saaro, shan nuqul ayaa laga dhigayaa Wasaaradaha ku habboon iyo waaxahooda ay khuseyso sida Wasaaradda Warfaafinta iyo Wasaaradda Dhaqanka ama laamahooda gobollada daabacanuhu ka soo baxay; shan nuqul oo kalena waxa la dhigayaa Maktabadda Qaranka caasimadda ama Gobolka. Rasiidh ayaa laga bixnayaa qabashada nuqulladaa.

Qodobka 93aad

Haddii daabacaad dambe laga sameeye daabacane iyada oo aan wax bedbeddel ahi ku dhicin, shan nuqul ayaa lala dhigayaa waaxaha ku habboon ee wasaaradaha Warfaafinta iyo Dhaqanka ama xafiisyadooda ku yaalla gobollada daabacanuhu ka soo baxay, laba nuqulna Maktabadda Qaranka.

Qodobka 94aad

Shan nuqul ayaa daabacane kasta oo qoraa reer Somaliland oo aan ku noolayn dalka qoray ama tarjumay lala dhigayaa waaxaha ku habboon ee Wasaaradda Dhaqanka.

Qodobka 95aad

Waaridayaasha qoraallada/daabacanayaashu waxa ay laba nuqul oo daabacane kasta oo ay soo waarideen la dhigayaan  Wasaaradda Dhaqanka ka hor inta aanay faafin. Haddii nuqullada la soo waariday ay kooban yihiin, nuqul keliya ayaa lala dhigayaa.

Qodobka 96aad

Daabacane lama faafin karo ilaa la sajelo oo kayd la dhigo sifo sharcigan waafaqsan.

Qodobka 97aad

Shuruudaha ku qeexan qodobada 91, 92, 93, 94 iyo 95 ma samayn doonaan daabacanayaasha ganacsi.

Cutubka 5aad

Waxa ka Reebban Daabacaadaha iyo Ciqaabaha

Qaybta 1aad

Waxa ka Reebban Daabacaneyaasha

Qodobka 98aad

Cid kasta oo u shaqaysa idaacad, telefishan ama saxaafadda qoran, gaar ahaan kuwa mansabyada sare ka haya idaacadaha, telefishannada; mulkiilayaasha iyo tifatirayaasha sare ee wargeysyada; mulkilayaasha madbacadaha iyo guryaha/xafiisyada baahinta daabacaneyaasha iyo suxufiyiintaba, waxa ku waajib ah in ay ka reebanaadaan oo ka fogaadaan faafinta, daabacaadda iyo baahinta:

a.            Wax kasta oo yasaya ama dhaleecayn u soo jiidaya caqiidada Islaamka iyo mabaadii’deeda korreeya ama hoos u dhigaya diimo iyo caqiidooyin kale oo Aadane.

b.            Si sharciga waafaqsan, dukumenti kasta oo sir ah ama xog waxyeellayn karta danta guud ee qaranka ama daboolka ka rogi karta ammaanka iyo gaashaandhigga qaranka

c.             Wax kasta oo sabab u noqon kara kala-qoqob qabiileed, diineed, asal/isir iyo abtirsiinyo, ama fidin kara fadqallalo iyo kala-qaybsanaan ka dhex abuuranta ummadda Somaliland ama ugu baaqaya diin-ka-bixid

d.            Wax kasta oo fidinaya afkaar ku liddi ah mabaadii’da qarannimada, midnimada qaran ama qaloocinaya aragtida iyo qiyamka muwaadiniinta iyo dhaxalkooda caqiidoba

e.            Wax kasta oo hoos u dhigaya niyadda dadweynaha iyo hankooda ama nuqsaan ku ah karaamada iyo sharafta qofka iyada oo ceebayn iyo wax-ka=-sheegid turxaan leh lala xidhiidhinayo.

f.              Go’aamo ay gaadheen hay’adaha sare ee qaranka oo aan loogu talo gelin fidin oo qarsoodi sare ah

g.            Tafaasiisha dacwooyin baadhis ku jira oo sababi kara  in go’aanka kama-dambaysta ah ay wax ka beddelmaan. Marxaladahana hay’adaha dembi-baadhista, bilayska, xeer-ilaalinta iyo garsoorka ayaa xaddidaya waxa ka reebban fidinta

h.            Fidinta u kaska ah ee xogo been ah ama warar loola jeedo in majaraha dhaqaalaha  ama wadci jira wax lagaga beddelayo ama lagu fidinayo khalkhal iyo kharbudaad dalka gudihiisa.

i.              Ugu yeedhaya dadweynaha kacdoon iyo cunfi

j.              Xayaysiisyo ay ku jiraan qoraallo iyo sawirro aan si togan ula falgeli karin qiyamka islaamiga ah si loo ceebeeyo ama loo dhaleeceeyo ashkhaas, loona weeraro xuquuqda dadka kale ama si loo majara-habaabiyo dadweynaha

k.             In la fidiyo war, sawiro iyo xaradh u suurtogelineysa akhristaha ama dhegeystaha magacyada:

    1.            cid kasta oo ku dhex jirta kiis waalidnimo la isku haysto, guur iyo furiin ama ilmo la isku haysto hayntiisa

    2.            Dhallinyaro/ilmo da’diisu ka yar tahay 18 oo kiis fal-dambiyeed ah ku dhex jira

    3.            Qof haween ah oo kiis kufsi ama fara-xumayn ku dhex jirta

l.              Xayaysiisnta samaynta daawooyinka, waxyaalaha dumarku isku qurxiyo ama waxyaalaha la quuto iyada oo aan ruqsad/fasax laga haysan cidda ya khuseyso.

m.           Shuruudaha ku qeexan Qodobkan ma qabanayo naqdiga wax-dhiska ah/wax-ku-oolka ah.

Qaybta 2aad

Ciqaabaha

Qodobka 99aad

Iyada oo aan waxba laga garoocanayn ciqaab ka ba’an oo xeer kale tilmaamayo, cidda ku gefta sharciga waxa ay mutaysanaysaa ganaax lacageed oo aan ka badnayn labaatan (20) milyan oo Shilin Somaliland ah, ama xadhig aan ka badnayn laba sannadood.

Qodobka 100aad

Maxkamadu waxa ay amri kartaa xidhidda wargeys, madbacad, Xafiis baahineed ama hoy kale oo loogu talo galay in laga faafiyo daabacane ama waxyaalo kale oo u dhigma haddii aanay haysan ruqsadaha uu jidaynayo sharcigani.

Qodobka 101aad

Maxkamaddu waxa ay amri kartaa in la dhaqan geliyo ciqaabahan soo socda, ka sokow kuwa kor ku xusan:

a.            Laga joojiyo eedaysanaha ku-sii-shaqaynta saxaafadeed, daabacaadda iyo fidinta daabacane, ama keenista iyo dhoofintooda, kiraynta iyo iibka filimada iyo si kasta oo kale oo wax lagu soo bandhigo oo lagu carrab-dhebey sharcigan muddo aan ka badnayn sannad

b.            La-wareegid hantiyeed (waras-garayn)

Qodobka 102aad

Wargeys ama dabacane kale muddo ku-meel-gaadh ah waa loogu xayiri karaa amarka Wasiirka Warfaafinta ama Ku-Xigeenkiisa haddii lagu daabacay ama lagu faafiyey iyada oo la baal marayo shuruudaha uu qeexayo sharcigani. Maxkamad ayaa lala tegayaa si loo kala ogaado in hantida la hakiyey lala wada wareego iyo in kale. Cidda ay khuseysaa rafcaan ayuu ka qaadan karaa  xayiraadda ama uu ku soo oogi karaa ciddii wax xayirtay qaan-dhaw isagoo abbaaraya maxkamada ku habboon.

Qodobka 103aad

Tifatiraha Sare ayaa mas’uul buuxa ka ah oo u qoolan haddii qora ama farshaxan ku soo baxay daabacanahiisa  uu jebiyo sharciga haddii aan la caddayn in aan xog ogaal u ahayn falkaa daabacaad ka hor

Qodobka 104aad

Soo-dejiye ama dhoofiye ka ganacsada daabacaneyaal, wargeysyo, majallado, farshaxan kale oo ay ku jiraan qoraallo, astaamo, sawirro laga baahiyey meelo ka baxsan Dalka oo jebinaya sharcigan, waxa ay mutaysan doonaan ciqaabaha ku qeexan Qodobka 99aad.

Qodobka 105aad

Suxufi kasta, ama Mulkiile wargeys, xafiis baahin daabacane oo lagu caddeeyo in uu laaluush ama hadiyado ku qaatay/oogolaaday si uu u abuuro khalkhal iyo jahawareer ka dhex abuurma dadweynaha, waxa uu mutaysan doonaa ciqaabaha ku cad Qodobka 99aad ee sharcigan.

Qaybta 3aad

Habsocodka Garsoor-marinta iyo Ciqaabidda

Qodobka 106aad: : [Dareerinta Garsoor-marinta]

1.            Ku-xadgudubyada sharcigani tilmaamayo iyo gabbod-falyada saxaafaddu geysato ee qodobbada xadhigga ah leh, sida Xeerka Ciqaabta tilmaamayo, Xeer Ilaaliyaha Guud ayaa ku amraya hay’adaha shaqada ku leh in ay dhaqaajiyaan habsocodka garsoor-marinta iyada oo aan waxba laga doorinayn habsocodka baadhiseed ee Ciidanka Nabadgelyada ee ay khusayso ama cid eedaymo si gaar  ah ula beegsanaysa eedaysanaha.

2.            Sidoo kale, Xeer Ilaaliyaha Guud waxa uu amraya in la bilaabo tallaabooyinka garsoor-marinta ee ku aaddan eedaymo xadhig yeelan kara, oo uu sharcigani tilmaamayo,  isaga oo amraya in la hubiyo in dhinaca saxaafadda dembi ka dhacay iyo in kale, iyada oo aan waxba laga doorinayn habsocodka baadhiseed ee Ciidanka Nabadgelyada ee ay khusayso.

3.            Gabbood-falyada ay la timaaddo saxaafaddu ee ku tilmaaman sharcigan, iyo kuwa aan ciqaabtoodu gaadhsiisnayn xadhigba, sida ku cad Xeer-Ciqaabeedka, bilaabidda garsoor-marintu waa inay ka timaaddo cidda tirsanaysa in dembi laga galay ama wakiilkooda.

Qodobka 107aad: [Ciqaabta]

1.            Ciqaab-qaadashada dembiyada/gabbood-falyada ku cad Nudda? 1aad ee Qodobka sare waxa awoodeeda leh Adeegga Xeer-Ilaalinta Dadweynaha.

2.            Fulinta ka-ciqaab-qaadashada waxa ay xilkooda tahay Adeegga Xeer Ilaalinta Dadweynaha haddii ay suurtowdo in fal-demiyeed dhacay sida ku cad Nukda 2aad ee Qodobka sare.

3.            Marka ay jiraan dembiyada ku xusan Nudda 3aad ee Qodobka sare, eed-gudbinta garsoor-marineed waxa iska leh cidda wax tirsanaysa ama cidda u wakiilka ah

Qaybta 4aad

Xaqa Garsoorka & Habsocodka

Qodobka 108aad : [Xaq-U-lahaanshaha Garsoor Dembi]

Fal-dambiyeedyada lagu soo qaaday sharcigan waxa xaq u leh oo ay hoos imanayaan maxkamadaha dalka ee caadiga ah.

Qodobka 109aad : [Aqoonsiga Goobta Dembi la galay lagu Garsoorayo]

1.            Si loo aqoonsado dembiyada ku xusan sharcigan, maxkamadda halka xarun u ah saxaafadda dembiga gashay ayaa xaq u leh in ay qaado, haddii aan dembigu la xidhiidhin karaama-rid , dhaleecayn, aflagaado ama  handadaad markaas oo cidda dembiga laga galay halka ay joogto maxkamadda lagu qaadayo

2.            Haddii arrintu ay ku soo baxday oo ay khusayso daabacaado si qarsoodi ah loo soo saaro, ama kuwo aan lahayn wakhti la yaqaan oo ay soo baxaan, waxa maxkamadda lagu qaadayaa halka hadba lagu qabto daabacaneyaasha

Qodobka 110aad : [Qaabka Habsocodka Garsoor-marinta]

1.            Qaabka ama hab-maamulka u dhigma ee sharci ee Ciqaabeed ayaa dembiyada ciqaabta leh ee saxaafaddu gasho lagu maamulayaa

2.            Sida hadba lagu qeexo qodobbo mar dambe lagu kordhiyo hab-maamulka Xeerka Ciqaabta ayaa lagu maamulayaa dembiyada karaama-ridka, dhaleecaynta iyo aflagaadada.

Qodobka 111aad : [Degdegsiinyaha Habsocodka Garsoor-marinta]

1.            Habsocodka dembiyada saxaafaddu gasho sidoodaba waxa ay leeyihiin degdegsiinyo, xataa haddii aan la-tuhmuhu xadhig ku sugnayn markaa.

2.            Degdegsiinyaha habsocodka garsoor ee dembiyada saxaafaddu waxa loo fahmaya in ay kala-badh ka yar yihiin muddooyinka hab-maamulka xeerka Ciqaabbtu sheegayo iyada oo aan waxba laga doorinayn qaab-fulinta amarka, dirista iyo la-kulanka, sida hadba sharciga ama cidda awoodda haysaa tilmaanto.

3.            Haddii eedaysanuhu xidhan yahay, habsocodka maxkamadda iyo dhegeysiga lagu hor geynayaa waa in aanay ka badan 30 maalmood.

Qodobka 112aad: [Marag-Furka]

1.            Si loo caddeeyo in waxyeello, xumaan ama gef ku jiro baahin ama daabacaad dhacday, iyada oo aan la doorinayn marag-fur kale oo maxkamadda la hor keenayo, cidda ay saamaynta ku samaysay waxa ay, iyada oo raacaysa hab-dhaqanka Xeerka Ciqaabtu tilmaamayo, codsan kartaa in saxaafadda mas’uulka la weydiiyo inay maxkamadda soo hor dhigto daabacaadda ama baahinta codeed oo duuban.

2.            Ka sokow marag-furka Nudda sare lagu xusay, qoraallo kale oo lagu ladho gal-dacwadeedka eedaynta iyo codsiga hore ee mudduciga ayuun baa jiri kara

3.            Garsooruhu waa uu diidi karaa ama yeeli karaa codsi racfaan muddada u badan oo ah 3 maalmood gudahood.

Qodobka 114aad : [Daabacaadda go’aannada Garsoor]

1.            Go’aannada dembi-ku-helka ah ee gabbod-fal saxaafaddu geysatey waxa lagu daabacayaa/baahinayaa iyaga oo dhan isla noocyada saxaafadeed ee cidda dembiga lagu qaaday, waxana ku jiri doona xaqaa’iqa la caddeeyey, aqoonsiga cidda eedda laga galay, xakamaynaha la go’aamiyey iyo mag-dhawga la xukumay.

2.            Haddii dembi lagu waayo eedaysanaha, guddoonkaa isagana waa la daabacayaa iyada oo aan la soo koobin, lana caddaynayo in eedaysanaha lagu waayey fal-dembiyeed uu galay

Qodobka 115aad

Wargeys, majallad iyo daabacane kale toona lalama wareegi karo haddii aanay ku gabbood-falin sharcigan

Qodobka 116aad

Mulkiilayaasha daabacaneyaal, madbacado, wargeysyo iyo xafiisyada baahinta daabacenyaashu waxa ay dabbaqayaan sharcigan muddoo saddex bilood gudahood ah ka billaabmaysa maalinta sharcigani soo baxo. Mudddadaa wixii ka dib dhaca waxa loo aqoonsayaa sharci-ka-bax

Qodobka 117aad

Aasaasidda xafiisyo iyo wakaaldo saxaafadeed ama adeeg warfaafineed loogu talo galay, ama barxado bandhig ama xafiisyo tarjumadaha lagu qabto dhammaan waxa lagu dhaqayaa sharcigan iyo xeer-nidaamiyeyaashiisa la xidhiidha.

Qodobka 118aad

Wasiirka Warfaafinta ayaa soo saaraya go’aamada, xeer-nidaamiyeyaasha iyo amarrada awooddiisu u oggolaanayso si loo meel mariyo sharcigan.

Qodobka 119aad

Sharci kasta oo kale oo ka hor imanaya sharcigan waa la laalay.

Qodobka 120aad

Sharcigani waxa uu dhaqan-gal noqonayaa marka Madaxweynuhu saxeexo, ka dib meelmarinta Baarlamaanka, waxana lagu daabacayaa Bulatiinka Rasmiga ah.

Xeerkan qodobadiisa haddii la isku qabto, fasiraadooda ama macnahooda waxa loo noqonayaa asalkiisii oo ku qornaa afka Ingiriiska.

Dhammaad


This post has been viewed 7908 times.

Advertisement

The Most Popular Posts

Halbeeg Archives

Onlined by Halbeegnews.com Copyright