HALBEEG NEWS

Daawo Video Barnaamij- Xildhibaan Maxamed Farax Qabiile oo ka hadlay dhulka La Xayiray ee Berbera Digreetadii Madaxweynahana Naqdiyay Talooyina Madaxweynaha Usoo jeediyay
Hargeysa (Halbeegnews)–19/06/2013– Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile oo ka tirsan mudanayaasha aqalka sharci dajinta ama golaha wakiiladda ee Somaliland ayaa shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaalo madaxda gobolka Saaxil ee Berbera oo uu ku suganyahay si weyn u qaadacay digreetadii xayiraadda dhulka ee madaxweyne Siilaanyo soo saaray, waxaana shirkisa jaraa’id joogay weriyaha Halbeegnews ee gobolka Saaxil Maxamed Cabdilaahi soo fadhiiste, hoos ka daawo shirka jaraa’id

Halbeegnews, Hargeysa

contact@halbeegnews.com

Kulmiye wuu tegi doonaaye ha tahriibina ! Waa Qalinkii: Maxamed Fu’aad Xasan (Dhagacade) Qaybtii: 3aad
Sidii aynu ku soo sheegnay qaybihii hore ee maqaalkan oo taxane ahaa kaasi oo aan kaga hadlaynay xilgudasho la’aanta xaga dhalinyarada tahriibaysa ee ay xukuumada iyo xisbigii lagu doortay ee kulmiye  masuulka ka yihiin.

Ugu horayn dawlada oo aan isleeyahay iyada lafteeduba waxay ku timid tahriib, oo tahriibe tahriibe kale waxba uma qabto, tiisuun baanuu ku mashquulaa, ayaa waxa la odhan karaa waxay ka leedahay arinta tahriibka dhalinyarada Somaliland dano siyaasadeed, maxaa yeelay halkii looga baahnaa in xukuumadu dhalinyarada dhiirigaliso, oo ay guubaabiso kuna jihayso wax ay kaga joogsadaan tahriibka, ayaa aad ila dareemi kartaa doorka maanta uu ardayga wax soo bartay ee ka baxay jaamacad ku dhex leeyahay dalkiisii inuu marayo in lagu niyad jabiyo nin aan u dhalan wadanka, oo wasiirada kuwooda ku shaqada leh shaqada iyo arimaha hay’adaha  ay ku doodayaan ninkii hay’ad la socdaa ee ajaanibka ahi waa mid aan la’aantii shaqadu soconayn, waxaana istaagaya mashruuca oo waxa soo raacisay hay’ada.

Haddaba waxaan ku waday in ay dawladan qurba jooga ahi leedahay kaliya waayo aragnimo iyo hanaanka waxqabad ee ay u kobcaan dawladaha caalamku, tusaale ahaan wadanka Kenya waxaa ka shaqeeya hay’ado badan oo toos uga soo duula xafiiska guud ee UN ta iyo wadamada ay hay’adahaasi ka dhisan yihiin, waxaana soo raaca hay’adahaas marka ay dalkooda imanayaan shaqaale kaliya tababara shaqaalaha reer Kenya ee ka helaya fursada shaqo, iyadoo loo dajinayo hanaan lagu maamulo  oo aan laga leexan ,taasi waxay sababtay in Somaliland hay’adaha ka shaqeeya badan koodu qaar saldhig ay u noqonayaaan tahay kenaya oo shaqaalaha ay qaadanayaana yihiin qaar hay’ada la socda  oo loo asteeyo mushahar aad u badan  ay iskuna dhigmaan mushaharka u qadanayo nin madow oo africaan ahi ama nin cadaana oo ajaanib ah u dhigmo shan inamood oo Somalilander shaqaale mushaharkood ah xaga shaqadana looga aminaad badan yahay ninka ajinabka ah.

Waxaan leeyahay wasiirada iyo masuuliyiinta muxaafidka ahba; waar ka daaya dhalinyaradan dagaalka maskaxda ee aad kula jirtaan, ka daaya ubaxa soo kacaya hadalka deel-qaafka ah ee aad ku shaashaynaysaan marka aad ugu timaadaan fagaarayaasha.

Haddaba iyada oo ay jirto dhamaan waxyabaabahaas oo dhami ayaan haddana la arag wax is badal ah oo ku saabsan xaga shaqo abuurka dhalinyarada oo uu xisbiga kulmiye ku baaqayay wakhtigii ololihii doorashadii 2010kii, waxaan ku soo gaba gabaynayaa maqaalkaygan manta;

“hala rido kulmiyeba anigu waan raacsanaan jiraye mase rabin raad gab caqli xun in la isku soo raro waase amar illaah xaajadu tii allay noqone.” ……………………………..

La soco qayba 4 aad

Wabilaahi tawfiiq.

W/Q: Maxamed Fu’aad Xasan (Dhagacade)

E-Mail: Xiinfiniin_10@Hotmail.Com

Xaaladda Ammaanka Oo Magaalooyinka Somaliland Faraha Ka Baxay Iyo Wasiirkii Arrimaha Gudaha Duur Oo Barkimo Dheer Sarajooga Dhigtay Iyo Taliyahii Ciidanka Booliiska Oo Shaqadiisii Noqotay Inuu Cayaaraha Kubadda Ku Daawado Garoonka Marna Shaashadaha Warbaahinta Ka Muuqdo
Hargeysa (Halbeegnews)–18/06/2013– Dhimashada ayaa gaadhay afartii maalmood ee ugu danbeeyey ilaa shan qof oo ku dhintay magaalooyinka Hargeysa, Xariirad, Dacar Budhuq, Iyo Gariyaad oo dhammaantoodba dadkaasi lagu dilay gaadmo iyo rasaas nool oo aan ciddii dishay weli aan loo qabanin.

Habeen seddexaadkii ayey ahayd markii Hooyo seddex caruur ah dhashay oo magaceeda alla ha u naxariistee la odhan jiray Raxma Maxamed Xaashi lagu khaarajiyey xaafadda callaamadaha ee caasimadda Hargeysa wakhti cadceedu dhinac ka soo jeedo dilkaasi marxuumadda ayaan habayaraate cid loo qabtay jirin ciidamadda ammaankuna wax faahfaahin ah oo ay ka soo saareen ma jirto, waxaana maydkii marxuumadaasi la keenay cisbitaalka dhexe ee magaalada Hargeysa.

Habeen hore ayaa magaalada Xariirad ee gobolka Salal waxaa lagu dilay sidoo kale nin deegaankaasi u dhashay marxuum Daahir Yuusuf Dugsiiye  maalin cad isagoo dhex jooga magaalada xariirad dhexdeeda, iyadoo wararku tilmaamayaan in koox hubaysan oo madaxa soo duubatay ay ninkaasi si fool xun ugu dileen magaalada, iyadoo lagu sababeeyey dilkiisa aano qabiil, ma jirto cid loo xidhay iyo cid loo qabtay iyo cid wax iska weydiisay dilka qofkaasi muwaadinka ah ee lagu khaarajiyey magaalada Xariirad.

Xallaytoole ayaa xaafadda Jigjiga yar ee magaalada Hargeysa waxaa lagu dilay gabadh uu adeer u yahay abwaanka caanka ah ee reer Somaliland Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame Hadraawi oo la odhan jiray marxuumadda alla ha u naxariistee Cawo Qaasim Walanwal oo iyadu wakhtigaasi la sheegay inay usii caraabaysay goob ay ka degenayd magaalada, ma jirto cid loo qabtay dilkaasi iyo wax la iska weydiiyey midna toona.

Horaantii todobaadkii hore ayaa duleedka magaalada Dacar-budhuq ee kala qaybiya xuduudka caasimadda Hargeysa iyo gobolka Saaxil waxaa lagu dilay Wiil dhalinyar ah oo wakhti aroornimo ah maydkiisa laga hellay deegaankaasi, ma jirto cid loo qabtay dilka ninkaasi iyo cid wax iska weydiisay habayaraate.

Falalkani ayaa waxay dhacayaan xilli wasiirkii arrimaha gudaha Somaliland aan muddo dheer lagu arag xafiiskiisa xarunta wasaaradda arrimaha gudaha isla markaana la sheegay inuu ku dhex milmay ololaha xisbiyadda siyaasadda iyo barnaamij la sheegay in tirikoob lagu samaynayo dadka reer Somaliland, oo la sheegay in Wasiir Duur uu doonayo inuu kharash weyn ka qabto maadama midawga yurub iyo dalka maraykanku ay lacag malaayiin dollar ah ku maal gelinayaan barnaamijkaasi, waxaana lagu arkaayey maalmaha ugu danbeeyey isagoo olole ugu jira barnaamijkaasi diiwan gelinta.

Halka dhinaca kale taliyahii ciidanka Booliiska Cabdilaahi Fadal Iiman aanu ka faaruqin garoonka lagu cayaaro kubadda cagta ee magaalada Hargeysa, oo uu wakhtigiisa inta ugu badan ku qaato, waxaa ka sii yaxyax iyo amakaag badan isagoo mar walba lagu arko isagoo ka muuqda shaashada telefishanadda mar walbana jecel in la weraysto.

Xaaladda ammaanka dalka ayaa ka sii daraysa, waxaana habeenaddii ugu danbeeyey magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland noqotay goob dadka shacabka ahi aanay lugta aaminin ee ay badanka gawaadhi ku socdaan, iyadoo dumarka iyo haweenkuna ay la soo daristay cabsi horleh.

Marka gabalku dhaco waxaa magaalada Hargeysa gacan ku haynteeda la wareega kooxo iskugu jira tuugo iyo dhalinyaro ay shaqo la’aantu baday inay habeenkii furtaan dumarka iyo dadka jilicdsan ee ka ganacsiga ku haysta xaafadaha dhexdooda.

Xaaladda ayaa hadday sidaasi ku sii socoto waxay Hargeysa qarka u saarantahay inay la mid noqoto magaalooyinka dalka Soomaaliya ee la dariska ah Somaliland

Halbeegnews, Hargeysa

contact@halbeegnews.com

Shirkii Beesha Sacad Muuse Oo Dib Loo Dhigay Ka Dib Markii Ergooyinka Shirka Iyo Labadii Garab Ee Kala Qaybsana Ay Sidaasi Isku Afgarteen
Hargeysa (Halbeegnews)–18/06/2013–  kulankii u danbeeyay ee lagu soo af jarayay shirka sacad muuse oo ay goob joog ka ahaayeen salaadiinta beesha Sacad Muuse iyo gudidii dhex dhexaadinta ayaa soo saaray in shirkii Sacad Muuse laqabandoono 17-ka bisha 8aad ee 2013-ka. Sidoo kale waxa ay go’aamiyeen gudida qaban qaabada in ay salaadiintu soo xuli doonto, tiradooduna noqon doonto 39 xubnood, iyadoo shirka laga fogeeyay arrimaha siyaasadda oo uu noqon doono mid dhaqan oo ay madax dhaqameedku hogaamiyaan.

Ugu horeyn waxaa halkaasi ka hadlay Gudoomiyaha Gudida dhex dhexaadinta Beesha yidhi Muxumed Aw-Axmed waxaana hadalkiisa ka mid ahaa “Halkan waxaa fadhiya madax dhaqameedkii iyo Salaadiintii Beesha sacad muuse iyo Gudi khilaafaad yar oo jiray si ay u xaliso u soo dhexgalay oo Gudiga khilaafsaarka la yidhaa runtii arinku wuxuu u dhacay si aad u qiimo badan khilaafkiina wuu naga baxay  si wanaagsan oo aan turxaan lahayn ayaa loo heshiiyey waxaana lagu heshiiyey in shirkii la qabto oo uu socdo ayaa lagu heshiiyey oo shirqudha ahi uu qabsoomo markii hore khilaafaad baa jiray, hada meesh wuu ka baxay oo shir qudha ayaa lagu heshiiyey iyo gudi qudha oo qaban qaabo iyo madax dhaqameedka oo wada”. Ayuu yidhi Muxumed Aw-Axmed

Dhanka waxa isna halkaasi ka hadlay Suldaanka Guud ee Beeshaasi waxaana hadalkiisii ka mid ahaa “Waxaanu shacabka yaga u sheegaynaa inuu shirkii najaxay  oo uu noqonayo shir wanaagsan oo qiimo badan, waxaa kale oo aanu u sheegaynaa dhan walba markaanu ka eegnay waxaanu ka fikirnay maadaama oo bilo cibaado la galayo in aanu shirkii dibu dhigno oo hore ugu mudaysnaa 24-ka June oo aanu ka dhignay 17-ka bisha august hadii alle idmo, waxaanu leeyahay shacabka guud ahaan gudo iyo dibad reer ka labeentisii wataa fadhida ee ay  Guurtidiisii, madaxa dhaqameed kii sii, iyo salaadiintiisii halkaa wada fadhiyaan”.

Suldaanku isaga oo Hadalkiisa sii wata waxa uu beeleha kale ee Reer Somaliland u soo jeediyey inuu shirkan noqondoono mid walaaleeya waxaanu yidhi “waxaanu beelaha kale ee shacbiga reer Somaliland-na u sheegaynaa shirkaasi inuu noqondoono shir aanu kaga shaqayno walaalaynta, oo aanu beelaha dariska-na kula noolaano walaaltinimo kuna dhisno Qaranka oo danta Guud ee Qaranka ee Caamka ahna waafaqasan”. Ayuu yidhi Suldaan ku.

Salaadiinta iyo gudida xalinta arrimaha shirku waxa ay meesha ka saareen guddiyadii hore ee kala taageersanaa garabyada siyaasada isku hayey ee khilaafku hadheeyay, waxaana guddida cusub ee ay salaadiintu soo xulaysaa noqon doonaan kuwo tusmo kaga yimaada jilibyada beeshu ka kooban tahay.

Halbeegnews, Hargeysa

contact@halbeegnews.com

Qarax Lala Beegsaday Goor Dhawayd Ciidamadda Kenya Ee Ku Sugan Magaalada Kismaanyo Oo Sababay Khasaare
Kismaanyo (Halbeegnews)–18/06/2013–Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ee koonfuurta Soomaaliya ayaa sheegaya in qarax lala eegtey gaadiid ay wateen ciidamada Kenya oo ka mid ah xoogagga nabad ilaalinta ee AMISOM.

Dad goobjoogeyaal ah ayaa VOA u sheegey in saddex askari oo ka tirsan ciidamada Kenya ay ku dhaawacmeen qaraxaasi. Hase yeeshee afhayeenka ciidamada Kenya Major Emmanuel Chirchir ayaa boogga twitterka ku sheegey in aaney jirin wax dhaawac ah oo soo gaarey ciidankooda, balse ay waxyeelo soo gaartay oo keliya gaariga ay wateen oo qarax miino lagula eegtey bartamaha magaalada Kismaayo.

Dhanka kale waxaa maanta isla magaalada Kismaayo lagu dhaawacey Yaasiin Nuur Gaas (Raadaar),Guddoomiye ku xigeenkii maamulkii KMG ahaa ee Ahmed Madobe, kaddib markii kooxo hubeysan ay rasaas ku fureen gaadiid uu watay.

Hadaba Cabdullaahi Nuur Maxamed Kolombo ayaa hadka telefoonka ee Kismaayo kula xidhiidhay mid ka mid ah dadweynaha magaalada oo aanu magaciisa qarinay sababo dhinaca amniga ah, barnaamijka oo dhan halkan hoose ka dhageyso.

Xigasho VOA SOMALI SERVICE

Halbeegnews, Kismaanyo

contact@halbeegnews.com

SONYO Oo Walaac Xoog Leh Ka Muujisay Tahriibka Da’yarta S/Land Ee Sii Kordhaya, Qaylo-Dhaan-Na U Dirtay Xukuumadda, Waalidiinta Iyo Bulshadda S/Land
“Waa In Xukumada JSL Gacan Bir Ah Ku Qabato, Xididadana U Siibto, Waxa Ka Hadhay Inta La Qab-Qabtay Mooyee, Shabakadaha Aboolayaasha Ah Ee Tahriibiya Dhalinyarada”Warmurtiyeedka SONYO

Hargeysa, June 18, 2013 (Halbeegnews) – Dallada Dhalinyarada Heer Qaran ee Jamhuuriyada Soomaaliland ee SONYO ayaa wal-wal iyo walaac xoogleh ka muujisay Tahriibta da’yarta dalku ay ku le’deen oo gaadhay halkii ugu saraysay ee abid ka gaadho Somaliland.

SONYO waxay sidoo kale xukuumadda talada haysa ee Somaliland, Waalidiinta iyo bulshaddaba ugu baaqday inay iska kaashadaan sidii wax looga qaban  lahaa aafada Tahriibta ee dalka ku habsatey, kuwaas oo sidoo kale xukuumadda ugu baaqay inay wada-shaqayn dhaw kala yeelato joojinta Tahriibta dawladda Ethiopia.

Dallada Dhalinyarada Heer Qaran ee Jamhuuriyada Soomaaliland ee SONYO waxay Tacsi Tiiraanyo leh u direen dhamaan Qoysaskii, Asxaabtii iyo bulshadda Somaliland ee ay ka baxeen dhamaan dhalinyaradii ku naf-waayey Tahriibta faraha ka baxday, kuwaas oo ku taliyey inaan la dhayalsan qadiyadaas.

Waxa sidaas lagu sheegay Warsaxaafadeed uu ku saxeexan yahay Gudoomiyaha Dallada Dhalinyarada Heer Qaran ee SONYO Mubarak Ismail Taani oo uu Maanta soo saaray, kaas oo isaga oo dhamaystiran u dhignaa sidan:- “Tahriibka dhalinyarada JSL ayaa noqday masiibo qaran oo haligta dhalinyarada JSL qarnigan 21aad. Dhalinyarada JSL oo war-war ka qaba dihnaanta mustaqbalka, leeleel iyo ladnaan midkuu u sido, iyo waayaha mustaqbalku ku qaabili doono dalkooda hooyo, ayaa raxan raxan maalin walba uga suudala dalka, una badheedha saxare kulayl badan oo baaxad leh iyo badweyn aan lahayn geed la cuskado. Waxa sii kordhaya qul-qulka dhalinyarada tahriibaysa, una suudalaysa dhul iyo gayi ayna xoq badan ka haynin, iyaga oo miidaaminaya noloshooda.

Dallada Dhalinyarada Heer Qaran ee Jamhuuriyada Soomaaliland ee SONYO, oo wal-wal iyo walaac balaadhan ka qabta tahriibka dhalinyarada dalka JSL oo sii kordhaya oo gaadhay heerkii ugu sareeyey ee abid uu gaadho tahriibku, waxay tacsi tiiraanyo iyo murugo badan leh u diraysaa dhalinyarada JSL iyo qaranka dhammaantii, gaar ahaan waalidkii ubadkoodii ku haligmeen doonyaha dhawaan qarqoomay. Waxaanu leenahay dhalinyaradu waa xoogii iyo dhuuxii dalka, geeridooduna waa laf-jabkii dalka hooyo.

Korodhka tahriibka iyo sibiq dhaqaaqa dhalinyarada JSL oo halacsanaya nolol dhalaan habaabis iyo dhalanteed ah, waxa qaybta ugu wayn ka qaatay shabakad aboolayaal ah oo tahriibiya dhalinyarada, kuna macaasha surmiga iyo shalaqsiga dhiiga dhalinyarada iyo ilmada ka tif leh waalidkii dhalay. Waxaanu ku baaqaynaa:

1.            In Xukumada JSL gacan bir ah ku qabato, xididadna u siibto, waxa ka hadhay inta la qab-qabtay mooyee, shabakadaha aboolayaasha ah ee tahriibiya dhalinyarada JSL, oo ah shabakado dambiilayaal ah oo ku macaasha geerida iyo diihaalka dhalinyarteena. Dallada Dhalinyarada Heer Qaran ee SONYO-yana waxa ay gacan buuxda ku siin doontaa arintan dawlada sidii ay horeba u siisay, si loo xaqiijiyo cidhib tirka shabakadahan.

2.            In Xukuumada JSL iskaashi dawliya kala samayso dalka Ethiopia cidhib tirka shabakadahan tahriibiya dhalinyarada wixii ka baxsan xuduudka JSL.

3.            In waalidku ka warhayo waxa laabta ubadkooda kohanayso, wacyi fiicana ka siiyo khatarta dhabta ah ee tahriibta, ka hor intaanu ilmuhu u xadhko xidhan tahriib.

4.            Waxaanu ugu baaqaynaa dhalinyarada JSL in ay ka dhawrsadaan khatarta Tahriibka.

5.            Waxa kale oo aanu ku boorinaynaa Shacbi weynaha Jamhuuriyada Somaliland in dhan looga soo wada jeesto bad-baadinta dhalinyarada JSL”.Halbeegnews/Hargeysa Office.

Wasiirka arimaha dibadu wuxu garan la’ yahay inu xildhibaan Ibrahim Buube yahay xildhibaan la so doorte oo codka shacabka ku hadali kara
Waxan maanta aad iyo aad ugu faraxsan nahay sida geesinimada leh ee golihii wakiiladu heeryadii xumeyd ee guulwadeynta isaga rogeyn, waxan leeyahay mudanyaasha heeryada tuurey halka ka wada shacabkaad matashaane wa waajibaad idin saaran inaad toosisan maamulkeena qaloocday, ”

waxan maanta leeyahay NOOLATEY IDIDIILADII NAXASHKA SAARNEYD. waxa hambalyo iyo bogaadin iga mudan Xildhibaan Ibrahim M Buuba, Xildhibaan Bashiir Tukaale iyo Xildhibaan Hoori oo runtii maanta waajibaadkoodi si geesinimo leh u gutey waan mid ay taarikhdu qori doonto, mudo badan bu golahan wahabsaarna oo guulweyntu badneyd o uu shacabku amakaagsanaayeen, waase guul maanta inoo kowsate haddii ad kaga yoomiseen wasiirkii arimaha dibada ee warbixinta xaqiiqda ka fog idinla yimid..

Waxan talo ahaan odhan laha mudanyaasha kale ee wali heeryadu saarantahay waxan leeyahay waar shacabkaad matashan oo idin soo doortey codkooda ku fadhidan golayaasha qaranka ee wa inaad waajibaadkiina kaso baxdan o ad ogaatan wixi la idin igmadey iyo hawsh qaranbku idinka sugayo,

Waxa qoraalkan gaaban igu kalifey markii aan saxaafada iyo warbaahinta ku arkey habdhaqanka wasiirkeena arimaha dibada somaliland md M A Omar oo warbixin siineyay golaha wakiilada JSLand,  Waxa runtii nasiib daro ah oo an markale aad uga xumahey wasiirkii oo ku margaday su’aalihii xildhibaanadu weydiineyeen islamarkan u adkeysan waayay su’aalihi islamarkan uu jawaab waafiya u waayay inu ka bixiyo su’aalahaasi.

Waxa iyduna mid laga xumaado ah marku wasiirku kala garan waayay xildhibaanadu shaqada ey qaranka u hayaan. waxa ka mid aha hadaladii ee uu ku dureyay xildhibaanada adigu xildhibaan shacabka uma hadali karti ee shakhsiyadaada u hadal intaasa inagaga filan wasiirku in anu garneyba mas’uuliyada xildhibaanada golaha wakiilada iyo cida soo doortey cida ay tahay, miyaanu ogeyn inu xildhibaanku yahay mid shacabku soo doortey o codkii shacabku hadali kara, wa nasiibdaro in maanta madaxdeeni aqoontoodu heerkaasi mareyso, waxba kusii dheeran maayo wasiirka iyo maamulkeena qalcoon waxaad kaga bogon doonta qoraalka hoostiisa sheekadii dhex martey wakiilada iyo wasiirka arimaha dibada.

Waxa na hadalkeyga kuso gabagabeynaya xildhibaan waajibaad ba kusaaran ee ka soo bax shacabku adigu ku igmaday ee wa inaad toosisa maamulka iyo shuruucada qaranka oo anad cidna uga habran.

Waxan halkan idinkuso lifaaqey sidu aha jawiga golaha wakiiladu maalintaasi wasiirku warbixinta la hore yimid golaha wakiilanda iyo sida u ha jawiga wasiirku iyo xildhibaanadii geesiyada aha ee ku boobey su’aalaha

http://www.gargaarnews.com/<wbr />radio-gargaar-xildhibaan-<wbr />buubaa-oo-suaalo-ku-qarqiyey-<wbr />wasiirka-arimaha-dibada-iyo-<wbr />wasiirka-oo-si-cadho-leh-uga-<wbr />jawaabay-halkan-ka-dhagayso/

Omar Darood Hassan

Norway

Xululka Maroodi Jeex Iyo Hawd Oo Iskugu Soo Baxay Ciyaarta Kama-Danbaysta Ah Ee Tartanka Gobolada Ka Dib Markii Ay Xulalka Gabiley Iyo Daad-Madheedh Ku Durduriyeen
Hargeysa, June 18, 2013 (Halbeegnews) – Ciyaaryahanada Xulka Gobolka Maroodi Jeex ayaa 2-1 kaga badiyay  dhigooda ciyaaryahanadda xulka Gobolka Gabiley,

Ciyaartan oo ahayd mid aad u xiiso badan,ayaa  ciyaarta qaybteedii hore lagu kala nastay 1-1 barbaro ah, waxaanay labadda xul dib isugu soo laabteen  garoonka ayadoo ay sare u sii kacday xamaasada ciyartu,

ayaa markii  ciyaarta markii la isugu soo laabtay waxa  u suuro gashay xulka Gobolka Maroodi-jeex Goolkii labaad ,oo ay ciyaartii sidaas ku noqotay 2 iyo hal in kastoo ay isku dayeen Xulka Gabilay in ay dhashadan wax goolal ah balse may u suuro galin,ciyaartiina waxa ay ku soo gaba-gabawday 2 iyo 1 gool oo ay guushu ku raacday Maroodi-jeex,sidaasna waxa uu Gobolka maroodi-jeex ugu gudbay final-ka oo waxa ay sugaysaa  labada kooxood ee wada ciyaaraya hada midka soo baxa  ee Hawd Iyo Maroodijeex.

Dhinaca kale Xulka kubadda cagta Gobolka Hawd ayaa u soo baxay ciyaarta kama dambaysta tartanka ciyaaraha goboladda dalka ee ka socda garoonka kubadda cagta ee Hargeysa Stadium ka dib markii ay 1-0 ugu awood sheegteen xulka Gobolka Daad-madheedh oo ay ciyaartii semifinal-ka wada yeesheen.

Ciyaartan oo ahayd tii ugu xamaasadda kululayd tartankan waxay labada xulba soo bandhigeen ciyaar adag oo xeelad leh, waxaanay juhdigii labada kooxoodba sababeen in qeybtii hore lagu kala nasto eber iyo eber.

Ciyaarta qeybtii dambe oo labada xulba xarakaadkoodii ciyaarta iyo xeeladoodiiba kordhiyeen ayaa badhtamihii qeybtii labaad waxa xulka gobolka Hawd u suurto-gashay inay la yimaadaan goolkii ay ku badiyeen oo uu u saxeexay ciyaar yahanka la yidhaahdo C/Kariin Sheekhaawi oo ka ciyaara weerarka.

Goolkaasi waxa uu sii shiday xaraaradii ciyaarta oo isu bedeshay weerar iyo weerar celis aan kala go’ lahayn tan iyo intii ay ka dhamaanaysay, waxaanay 1 gool guushu ku raacday xulka gobolka Hawd oo xaqiijiyay inay sanadkii labaad gaadhaan ciyaarta kama dambaysta tartanka goboladda, waxaanay ciyaarta final-ka is haleeli doonaan xulka gobolka Maroodi-jeex oo ay sanadkii 2012-kii tartankii lagu qabtay Magaaladda Burco iskugu soo baxeen, ka dibna xulka Gobolka Maroodi-jeex ka adkaadeen markii ay ku kala baxeen 1-0 ay guushu ku raacday Gobolka Maroodi-jeex.Halbeegnews/Hargeysa Office.

Dalladda Lagu Sheego Sonyo Ambrella Ma Matalaan Dhalinyarada Somaliland, Meel Ay Joogaan Iyo Xaaladoodana Waxba Kama Oga Qallinkii Maxamed Cali Axmed
Waxa hubaal ah oo aan ahayn wax la iska samaystay ama hadal la iska idhi in dalada magaceeda lagu sheegay SONYO UMPRELA  oo inta badan sheegata ama ku abtirsata dhalinyarta Somaliland in ay tahay urur aanay meelnaba iska soo galin dhalinyarta Somaliland meelkasta oo ay joogaan  marka laga reebo sheegashada ah inay dhalinyarta Somaliland matasho.

Hadaynu isyar dultaagno dalada sonyo wax qabadkii ay sheegatay maalintii dhawayd ee la xusayay 10 guuradeedii anuu mabaaban islahayn 10sano ayay jirtee  tobankaa sonoba waxay cunaysay oo aanay habayaraatee  dhalinyarta Somaliland kasoo gaadhsiin waxyaabaha ay ugusoo dhiibeen hay’adaha kale oo ay tahay meeshii barigii dhawayd dadka badani lacagta ku waayeen ee la odhan jiray JIIFOO JAQ oo kale ay tahay SONYO UMPRELA malaha anuu waxaaban mooday in la badalay magacii hore ee JIIFOO JAQ la odhanjiray laguna  badalay ama lagu edit gareeyay SONYO UMPRELA waasiday aniga ila tahaye in aanay waxba ka jirin waxqabad kii ay maalintii dhawayd sheegaysay ee ahaa inay dhalinyarta Somaliland  u qabatay waxyaabo badan taasina ay tahay waxba kama jiraan,

Aniga shakhsiyan Ahmed ahaan waxa iigu horaysay magaceeda marka laga reebo inaan arko boodhadhka ama sticgerska meelahaas lagu dhajiyo waxa SONYO UMPRELA iigo horaysay 2011 ma xasuusto maalin ay ahayd iyo bishay ahayd  laakiin waxay ahayd maalin loogu magacdaray MAALINTA CARWADA DHALINYARTA  waxaan umalayaaa inay badankiinu imika garateen ama xasuusateen maalintaase, waliba maalintaasi aniga iyo laba inamood oo aanu asaxaabnahay iyo dhalinyar kale umaanu tagin carwo ahaan  ama SONYO  ee  waxaanu u tagnay organization magaciisa la yidhaahdo  DOSES OF HOPE foundation kaasi oo noowaday tababar ku saabsan ganacsiga.

Waxyarka dib waxaa naloo sheegay inaanu  ka qayb galayno carwada dhalinyarta kadib waanu ka qayb galnay goobta ayka dhacaysay waxay ahayd CROWN HOTEL HARGEISA hool la yidhaahdo UNDERGROUND HOLL  waxaanu bilownay inaanu waraysano dhalinyartii lagu soo casuumay  carwada intaas ka dib waxaanu ogaanay in lacagta ku baxday carwadan ama kirada HOLL KA CROWN ay tahay lacag qayrul waali ah marka laga reebo refreshment  ama qado markii danbe lanagu rasaaseeyay oo xitaa xabada hoos lanuugu dhigay taayada uunbaan galin maalintaase.wwaxa bilaabmatay xafladii  waxyar markay socotey show xafladu maahaba xaflad gaara ee waa micnihii sidii baadhi oo kale oo waxa lagu bilaabay heeso kadibna hadalo yaryar ka dib waxay gaadhay wakhtigii break ga waalasoo dareeray kadibna waalagu noqday hadana heeso kale iyo hadalkadib waxay gaadhay wakhtigii lunch ka ama qadadii marka laga reebo dhalinyarta in poring  ka qaaday oo ku caajistay oo debada usoo baxday  waxa gudaha ka baxayay heesta nuur daalacay oo barigaa, cusbayd oo dhalinyarta badankeedu waxay ku jeedeen heestaasi oo mabay ogayn waxa dibada ka dhacaya.

Waxaa bilaabmatay inqadadii la yidhaahdo waala qaybiniyaa waxa dhacday in dhalinyartu ay u diyaar garoobeen inay cunaan qadadii waxase dhacay inay qadadii raagtay  oo xagaa iyo qolo madax ah lagu habayay qadadii saacadu waa abaaro 1:40pm waa goor cadceedu aad u kulushahay dhalinyarta qaar kamida ayaa u dhaqaaqday xaga qadada si ay usoo eegaan halka xaaladu marayso waxyar ka dib waxaaba loogusoo jawaabay ama bilaabmatay RASAAS argagax iyo naxdin ka dib waanu soo kacnay mise nin Askari ah oo magaciisa lagu sheegay JIRDE oo macangag ah oo malaha ka mid ahaa faqashtii ayaaba xabada  hoos u dhigaya yaab iyo amakaag, nin waliba wuu cararay oo wuxuu is idhi naftaada la carar , yaa soo diray askariga yaase  abaabulka lahaa waa SONYO UMPRELA oo ah dalad sheegatay inay dhalinyarta matasho  runta marka laga hadlo  waxa  hubal ah in SONYO habayaratee dhalinyarta Somaliland matalin hadayba sheeganayso oo ay leedahay dhalintaan matalaa may waxka qabato dhalinyartan dhamaatay ee saxaraha ku dhamaatay ee maalinba qaar lasoo sheegayo , dhalinyartii wadanku wa dhamaatee yaase ay matashaa maanta anuu magaranayo meel ay waxka wado iyo meel ay waxku wado.

Qallinkii Mohamed Ali Ahmed

00252-063-4113351

Taariikhda Somaliweyn iyo Dhibaatada Ay Ku Hayso Somalia Maanta
Ummadaha Afrika, Aasiya, iyo Laatiin Ameerika waxay ka gilgisheen Gumasigii Reer Yurub ee ku habsaday taariikho kala duwanaa iskana rideen heeryadii gumeysiga. Kacdoonadii iyo halgamadii xornimadoonka ahaa ee ka kacay Afrika iyo Caaalamka Carabta kontameeyadii iyo lixdameeyadii (1950s and 1960s) waxay ku salaysnaayeen hilow wadaninimo iyo himilo weyn. Qaar ka mid ah dadyowgii gumaystuhu kala qaybiyay waxay hiyiga ku hayeen inay midoobaan oo la hoos keeno hal calan iyo hal dawlad. Dalalka Carabta waxaa ka jiray aragtida Carabweyn oo hayd in la mideeyo dalalka Carabta taas oo uu hormood ka ahaa dalka Masar oo uu hoggaaminayay Jamaal Cabdi Naasir. In kasta oo madaxdii kala geddisanayd ee Carabtu ay

dhabarka u jeedisay Falsafaddii Carabweyn xukun jacayl iyo qabyaalad awgeed, ayaa waxaa haddana madaxweyne Jamaal Cabdinaasir ku guullaystay sannadkii 1958 inuu mideeyo dalalka Masar iyo Suuriya. Midowgaas ma raagin oo waxa uu burburay 1961 markii Suuriya ka baxday si lama filaan ah, sidaasna waxaa ku fashilmay Aragtidii Carabweyn ee bilowga ahayd.

Sidaas oo kale, waxaa Geeska Afrika ka soo shaac-baxday Aragtidii Somaliweyn. Aragtidaas xoogeedu waxay bilaamatay badhtamihii Dagaalkii Labaad ee Dunida (1939-1945). Halgamadii xornimadoonka ee dadyowgii Somalida ee ku noolaa Geeska Afrika oo ay kala hoggaaminayeen Ururkii SNL iyo SUP ee Somaliland, iyo Ururkii SYL ee Somalia waxay hilowga himaladoodu iyo riyaaqooda wadaninimo ku salaysnaa in la xoreeyo, mideeyo, hal calan iyo hal dawladna la hooskeeno 5tii Somaliyeed si loo helo dawladweyn oo Somaliyeed oo ka dhalata Geeska Afrika. Somaliland ayaa noqotay dalkii ugu horreeyay ee Somaliyeed oo xorooba isla markaana hirgesha figradda Somaliweyn.

Markii Somaliland ka xorowday Boqortooyadii Ingiriiska Bishii June 26dii, 1960 waxay markiiba  la midowday Somalia oo ka xorowday dawladdii Talyaaniga bishii July 1dii, 1960. Nasiib-darrose waxaa dhacday laba arrimood oo burburiyay himiladii Somaliweyn sidii Carabweyn ay u burburtay. Waa midda kowaade, Dalka Jabuuti ayaa markii uu xornimada qaatay 1977 diiday inuu ku soo biiro Somaliweyn isla markaana noqday dawlad madaxbanaan kadib markuu arkay in Somalia ka duudsiday Somaliland saamigii ay ku lahayd dawladdii midowga ahayd. Waa midda labaade, Somaliland oo ka noqotay midowgii ay la lahayd Somalia 1991 ka dib markii Somalia kula kacday Somaliland dulmi iyo tacadiyo ka baxsan Islaamnimada iyo Somalinimada mudadii uu jiray midowgu (1960-1990). Waxaa lagu maahmahaa, “Dambas aadan dabkiisa ku guban  kama leexatid”. Somaliland waa ku gubatay midowgii waana ka noqotay. Somaliland iyo Somalia ma ahayn labadii dal ee midowgoodu burburo. Waxaa sidaas oo kale u burburay Midowgii Masar iyo Suuriya sannadkii 1961, Midowgii Sofiyatka sannadkii 1989, iyo Midowgii Fedaraaalka Yugoslavia sannadkii 1995,

Maanta dadyowga Somalidu waxay u kala fadhiyaan 5tii meelood ee gumaysigu u qaybiyay sida dalal badan. Somaliland, Jabuuti, iyo Somalia waa xor. Somali Galbeed iyo Somali Waqooyi Bari waxay kala raacsanyihiin Itoobiya iyo Kenya. Saddexda xorta ah ma muuqato inay midoobi. Labada la haysto ma muuqato goor ay xoroobi, haddii ay xoroobaanna ma muuqato inay aaminsanyihiin figradda Somaliweyn. Sababta ay Somaliweyn u fashilantay waxa weeye Somalida oo si foolxun sida Carabta u aaminsan qabyaaladda iyo xukun-jacaylka taas oo keentay inay si foolxun isugu tacadiyaan. Somalidu waxay isku dishaa iskuna xasuuqdaa magac qabiil taas oo ka baxsan Diinta Islaamka iyo nidaamka dawladnimada. Sidaas awgeed Somalidu way kala aamin-ka-baxday, kala aamin-ka-baxaas waxaa uu noqday wedka Somaliweyn.

Dadyowga Dalalka Somalida xorta ah awood uma laha inay xorreeyaan labada gobol ee Somaliyeed ee ka kala tirsan Itoobiya iyo Kenya balse niyad ahaan way u taageerikaraan.  Waxaa xorraynkara oo qudha Somalida u dhalatay gobolladaas sida ay isku xorreeyeen dadka Koonfurta Sudan. Markii Jamhuuriyadii la odhanjiray Somalia ee ka koobnayd Somaliland iyo Somalia ay ku duushay Itoobiya sannadkii 1977 si ay u xorrayso dhulka Somali Galbeed waatii la ogaa ee adduunku ku kacay kuna khasbay dawladdii Somalia inay ka baxdo xuduudda Itoobiya kuna noqoto xuduudeeda, dagaalkaas oo dhaqaale iyo ciidanba lagu burburay.

Dawladdii Rayidka ahayd ee Jamhuuriyadii la odhanjiray Somalia kuna midoobeen Reer Waqooyiga iyo Reer Koonfurta, jirtayna mudada 9 sano ahayd (1960-1969) waxay ahayd mid ay lahaayeen labadii ummadood ee midoobay 1960 inkasta oo Reer Waqooyiga laga duudsiyay sedweyn oo ay ku lahaayeen dawladnimadaas. Madaxdii xilligaas waxay ka ilaaliyeen dawladnimada inay noqoto mid loo loogo 5ta Somaliyeed (Somaliweyn) ee aan wada lahayn si looga hortago fawdo ka dhalata dal iyo dawladnimo aan la kala lahayn.

Markii Siyaad Barre Afgembiga Milatari ku qabsaday Jamhuuriyaddi Somalia sannadkii 1969 waxa uu dawladnimadii ka dhaxaysay Reer Waqooyiga iyo Reer Koonfurta ka dhigay mid aan la kala lahayn oo ka dhaxaysa 5ta Somaliyeed. Waxaa uu u gacan-haadshay dadkii beeshiisa guud ka tirsanaa ee deganaa Gobolka Somaliyeed ee Itoobiya iyo Gobolka Somaliyeed ee Kenya. Waxaa uu qaxootigii ka dhigay Gole Sare, baarlaman, wasiirro, guddoomiyayaal gobollo, janano, taliyayaal ciidan iwm. Dadkii gobolladaas ka yimid ee qabsaday dawladnimadii Jahuuriyaddii Somalia waxay dadkii dalka u dhashay kula kaceen cadaadis siyaasadeed waxayna si weyn uga qaybgaleen dilkii, xasuuqii, iyo burburkii loo geystay dadkii iyo dalkii  Jamhuuriyaddii ay martida ku ahaayeen.

Qaxootigii ayaa noqday wadani, wadanigiina waxaa uu noqday qaxooti. Waxa uu ahaa xilli daran oo qabyaaladdu ka xoog-roonaatay oo legaday wadaninimadii, qaranimadii, iyo dawladnimadii Jamhuuriyaddii Somalia oo loo loogay loona shidheeyay Somaliweyn aan waxba wada lahayn. Ninka Reer Masar ah ee gala Jordan ama dal kale oo Carbeed marnaba uma suurtowdo inuu ka helo jago wasiir ama uu darajo ka qaato dalkaas. Dalalka Carabta ee kala deggan Waqooyiga Afrika iyo Bariga  Dhexe (18 dal) midkasta dawladnimadiisa isagaa leh oo ay gaar u tahay iskumana xad-guudbaan iyaga oo ah isku af, Diin, midab, dhaqan, iyo caado. Qofku dal kale waa ka shaqaysankaraa haddii aanu faragelin ku samayn dawladnimadiisa.

Waa Maxay Dhibaatooyinka Somaliweyn ku Hayso Somalia Maanta?

Dhibaatooyinka ugu waaweyn ee maanta Somaliweyn ku hayso Somalia waxaa ka mid ah:

1. Somalia (Koonfurta) oo ay maanta ka dhacayaan waxyaabo la yaab leh, taas oo caddayn u ah dhibaatada ay Somaliweyn ku hayso dalkaas. Kismaayo waa magaalo madaxda Jubbada Hoose ee Somalia oo ah dal xor ah. Waxaa la xaqiijinayaa in hogaamiyaha iyo milliishiyada Kismaayo dagaalka ku  qabsaday iyaga oo taageero ka haysta ciidamada dalka Kenya kana soo horjeeda  dawladda Somalia uu xoogoodu ka yimid Somalida Kilinka 5aad ee Itoobiya iyo Waqooyi Bari Keenya. Kooxdan oo ku soo gashay gobolladaas magaca Somaliweyn ayaa waxa la sheegayaa in qorshahoodu yahay inay goostaan Gobollada Jubooyinka iyaga oo taageero ka haysta  ciidamada dalka Kenya ee ku sugan Kismaayo oo aan amar ka  qaadan Unisom iyo dawladda Somalia. Gobolladan waxaa deggan oo leh beelo badan oo dagaal kula jira kooxdan si aan looga barokicin dhulkooda loogana goyn Somalia.

Sannadkii 1977 ee Jamhuuriyaddii la odhanjiray Somalia qabsatay Gobolka Somaliyeed ee Itoobiya ka tirsan, ayaa waxaa dhacday in Jabhaddii la odhanjiray Somali Galbeed ay diiday in calankii Somalia laga taago dhulkii la xorreeyay kana taagtay calankii jabhadda qaybtii ay ku lahaayeen dhulkaas, maantana waxaa la rabaa in magaca Somaliweyn lagu  boobo gobollada ugu muhiimsan Somalia. Jubbooyinku waa gobollada ugu qanisan Somalia, waa  isha nolosha iyo nafta dadkeeda, waxbana Somalia la hadhimayso si ay u badbaadiso jiritaankeeda haddii xiisadda Kismaayo sii socota Kenyana si cad ula safato kooxda qabsatay magaalada. Dagaal ka dhex-qarxa Kenya iyo Somalia waxaa suurtogal ah inuu  Kenya u soo jiido jab,  burbur dhaqaale,  iyo qalalaase ku fida Waqooyi Bari Kenya.

2.  Dadka xukuumadda Somalia la dabajooga markasta shirqoolada iyo mooshinada lagu ridayo ee ku salaysan qabyaaladda iyo laaluush-raadinta oo Somalia ka degila’dahay sida xukuumadda Talyaaniga waa xubno baarlamaan iyo wasiirro ka soo kala jeeda Kilinka Shanaad ee Itoobiya, Waqooyi Bariga Keenya, iyo Somaliland, waxaanay dhammaantood ku soo galeen baarlamaaanka Somalia magaca Somaliweyn.

3. In badan oo ka tirsan  baarlamaanka iyo wasiirada Somalia waxay ka kala socdaan 5ta Somaliyeed iyaga oo ku soo galay Somalia magaca Somaliweyn waxayna Somalia  ka dhiseen Fadaraalka Somaliweyn ku salaysan wax lagu magacaabo 4.5 oo ah dawladnimo ku dhisan qabyaalad si ay ugu danaystaan, arrintaas oo beelo badan oo ka tirsan dadka Somalia ka duudsiyay jagooyin iyo darajooyin badan oo ay xaq u lahaayeen. Beelahan ayaa maalinkasta ka cawda dawladda kadib markii ay waayeen saamigii dawladnimada ee ay xaqa u lahaayeen oo loo loogay magaca Somaliweyn.

4. Xubnaha barlamaanka iyo xukuumadda Fadaraalka Somaliweyn ee ka soo jeeda Somaliland, Jabuuti, Waqooyi Bari Kenya, iyo Kilinka 5aad ee Itoobiya ma matalaan dalalka iyo gobollada ay ka soo jeedaan awoodna uma laha inay tagaan. Kooxdan kuma kaalmaynkaraan Somalia ciidamo iyo cashuur dhaqaale lagula dagaallamo laguna jebiyo Kooxda Al-Shabaab ee dhibaatada weyn ku haysa Somalia. Baarlamaanada iyo Xukuumadaha Somaliland, Jabuuti, Kilinka 5aad, iyo Waqooyi Bari kuma jiraan dad u dhashay Somalia.Markaas su’aashu waxay tahay: Maxay ku mutaysteen inay xubno ka noqdaan baarlamaanka iyo xukuumadda Somalia? Malaha dawladnimada ayaan weli la fahmin Somalia.

5. Kuwa ku danaysta magaca Somaliweyn ee ka tirsan barlamaaanka iyo xukuumadda Fadaraalka Somaliweyn ee Somalia kana kala yimid Somaliland, Kilinka 5aad, iyo Waqooyi Bari Kenya waxay si joogta ah isugu diraan Somaliland iyo Somalia si ay u sii kala fogaadaan.

Maanta kuwa Somaliweyn aan jirin u qaylinaya waxaa u badan Somalida ka tirsan Itoobiya iyo Kenya waayo waxay ku mameen hantida iyo xukunka Somalida Xorta ah laga soo bilaabo xukunkii Siyaad Barre. Arrintanu waxay caddaynaysaa in Somaliweyn noqotay maanta siyaasad la isku dul-noolaado (Somaliweyn has become parasitic philosophy), siyaasad kuwa aan xorta ahayn ku soo gabbadaan magaca Somaliweyn si ay u soo galaan Somalida xorta ah oo ay u dulmiyaan kana jeestaan inay xorraystaan dhulkooda. Waxaa kale oo ay maanta Somaliweyn isu bedeshay siyaasad lagu boobo gobollo ka tirsan dal kale sida maanta ka socota Jubbooyinaka Somalia.

Nabadgelyo la’aanta maanta Somalia ka jirta waxaa u sabab ah hugun Somaliweyn aan jirin oo u diidan in dadka Somalia gacantooda ku maamushaan dawladnimadooda soona ceshaan nabadgelyadooda. Somalia waxaa leh dadka Somalia waxaana ku waajib ah madaxdooda, siyaasiyiintooda, madaxdooda dhaqanka, iyo indheer-garadkooda inay ka baxaan hugunka aan jirin ee Somaliweyn oo gacanta ku dhigaan talada iyo aayaha ummadooda iyo dalkooda iskana caydhiyaan kuwa ku soo galay dalkooda magaca Somaliweyn oo isku taxay jagooyinka iyo darajooyinka aanay xaq u lahayn ee laga boobay dadka Somalia isla markaana guranaya maalkooda si ay daaro uga dhistaan gobollada ay ka soo jeedaan.

Haddii ummadda Somalia aaminsantahay in Hugunka Fadaraalka Somaliweyn ee Mqudisho ka jira uu u keenayo Somaliland waa wax aan marnaba dhacayn waana ku gef ummadda Somaliland in dalkeeda oo ay xukunto ku tuurto fawdada ka jirta Somalia ee ku salaysan Somaliweyn aan waxba ka dhaxayn. Sida lala wada socdo 1960 waxaa israacay Somaliland iyo Somalia oo qudha ee isma raacin Somaliland iyo Somaliweyn. Wada hadallada u socda Somalia iyo Somaliland marnaba lagama sugayo  inay midho dhalaan inta Somalia ay gacanta ugu jirto hugunka iyo buuqa magaca aan jirin ee Somaliweyn oo ay Somaliland ka xorrayday 1991. Haddii Somalia ay ka jirilahayd dawlad ay  leeyihiin dadka Somalia waxaa suurtogal noqonlahayd inay labada ummadood si weyn isku fahmilahaayeen oo uu dhexmarilahaa is-aqoonsi iyo xidhiidh walaaltinimo maadaama ay markii horeba ahaayeen laba dawladood oo is-raacay

Dulmiga iyo tacadiyada Somalia iyo Somaliweyn u geysteen ummadda

Somaliland xilligii midowgu ka sokow, waxaa kale oo Somailand aanay marnaba ula midoobayn Somalia waa dawladda fawdada ah ee aan la kala lahayn kuna salaysan Somaliweyn aan jirin maanta lana garanayn inay rumoobi iyo in kale. Lama saadaalinkaro samanka 5ta Somaliyeed oo xor ah inta la arko ay Figradda Somaliweyn madaxa la soo kacdo mar labaad, lamana garanayo inay midoobi iyo in kale. Haddaba su’aashu waxay tahay: Maxay ummadda Somalia danaheeda ugu seegaysaa dadyow Somaliyeed oo aan la hubin inay isku imanayaan? Samankan Figradda Somaliweyn waxay isku bedashay Siyaasad ku dhisan dulmiweyn iyo  isku-dul-noolaasho taas oo Somalida aan xorta ahayn ku soo qulqulaan kuna mamaan xukunka iyo hantida Somalida xorta ah kana jeestaan inay xorreeyaan dhulkooda. Ummadda Somaliland marnaba ma aqbalayso in magaca Somaliweyn mar labaad lagu xukumo, lagu dulmiyo, lagu boobo, lagu xasuuqo, laguna burburiyo dadkeeda iyo dalkeeda sidii dhacday intii u dhaxaysay 1970-1990.

Nabadgelyada iyo horumarka maanta ka jira Somaliland iyo Jabuuti waxaa sabab u ah dawladnimada oo ku jirta gacanta dadka iska leh oo ka ilaaliya Somaliweyn aan jirin, una daacad ah horumarka dalalkooda. Gobolka Kilinka 5aad ee  Itoobiya waxa uu leeyahay maamul u gaar ah oo gacanta ugu jira Somalida gobolkaas u dhalatay oo qudha. Sidaas oo kale, dadka metala gobolka Somaliyeed ee Waqooyi Bari Kenya waa dadka u dhashay gobolkaas oo qudha. Dadbaa aaminsan in haddii qofku diido magaca Somaliweyn uu ka baxayo Somalinimada. Somaliweyn diin maaha balse waxay ahayd aragti isbahaysi qawmiyad ama jinsi rabay inay midoobaan oo suurtogeliweyday laakiin Somalinimo waa dareen qawmiyadnimo ama  jinsinimo oo ka dhaxeeya 5ta Somaliyeed oo astaan u ah  xidhiidh sokeeye iyo walaaltinimo.

Waxaa Qoray: Ibrahim Hassan Gagale

Email: ibrahim_hg@yahoo.com

Taariikh: June 15,  2013.