HALBEEG NEWS

SOLJA Oo Sida Fiinta Uga Qayliyey Xeer Xukuumadu Dabada Ka Riixaysay Oo Khatar Wayn Ku Ah Maxabanaanida Saxaafada Iyo Xoriyatul Qawlka Oo Hutelka Ambassador Lagu Saxeexay
“Cabdilaahi Cukusoow Shalay Suxufi Baad Ahayd, Hadana Wasiir Baad Noqotay, Hadana Waad Ka Tagtay Oo Suxufi Baad Noqotay, Hadana Waad Ka Tagtay Oo Wasiir Baad Noqotay, Berrina Waxa Laga Yaabaa In Aad Suxufi Ku Soo Noqoto”

Hargeysa, May 24, 2013 (Halbeegnews) – Ururka  Ay Ku Bahoobeen Saxafiyiinta Somaliland ee SOLJA, ayaa  sida Fiinta uga qayliyey Xeerka Xukuumadu dabada ka riixaysay oo lagu Ansixiyey Aqoon korodhsi Warbaahinta loogu qabtey Huteelka Maansoor, kaas oo Madaxda SOLJA ay shaaca ka qaadeen in aanay u hogaansami doonin xeer cusub oo ay gadh-wadeen ka tahay Xukuumaddu kaas oo xubno ka qayb galay Aqoon korodhsi dhawr maalmood ka socday Hoteel Ambasador lagaga saxeexay.

Sidoo kale Shir jaraa’id oo ay maanta ku qabteen Xarunta Ururka SOLJA ee Magaaladda Hargeysa ayaa waxa ay ku sheegeen in aanu xeerkaasi ahayn mid u yaala isla markaana aan qaban Karin saxafayiinta Reer Somaliland ee ka talo qaata ururka Suxufiyiinta SOLJA.

Ugu horeyn waxa halkaasi ka hadlay Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta ee SOLJA Xasan Maxamed Yuusuf, waxaanu yidhi “Maanta waxa aanu doonaynaynay in aanu halkan kaga hadalno xeer la sheegay In uu yahay ka anshaxa, kaas oo siminaar arbacadii aqoon korodhsi lagu qabtay hoteel Ambasaddor ay ku kala saxeexdeen dawladda iyo xubno saxafiyiin ah oo ka socday warbaahinta ay xukunto dawladu.

Waxa aan halkan ka cadaynayaa in ururka suxufiyiinta Somaliland ee Solja oo metela saxaafadda Somaliland aanu waxba ka ogeyn, waxaanan halkan idiin sheegayaa in xeerkaasi hadii uu shaqaynayo iyo hadii kaleba aanu ahayn mid anaga na qabanayo.

Anaga nalagama talo gelin, nalooma soo sheegin, maanaan saxeexin, manaan ogeyn markaa sidaas darted sabab uu noo qabtaana meesha ma taalo, warbaahinta sida wargeysyadda iyo telefishanadda intooda badani waxa ay na soo weydiiyeen bal waxa aanu ka ognahay xeerkaas, anaga oo ah ururka Suxufiyiinta ee SOLJA ayaanba waxba ka ogeyn, ilaahay beeni waa ka xaaraan, masuuliyiinta Wargeysyadda iyo idinka oo suxufiyiin ah ayaaba noo sheegay in uu aqoon korodhsi ahaa”.

Isaga oo hadalka sii wata Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee Solja Xasan Maxamed Yuusuf, waxa uu yidhi “Xalaal iftiin baa la qashaa, maanaan garan waxa busta loo saarayo, hadii uu xeer saxaafadda u yaala uu yahay waxa ay ahayd in saxaafadda badankeeda loo sheego, xeerkani intaa waa ka balaadhan yahay, hadaan meesha wax la qarsanayaa uu ku jirin, maxaa naloogu soo sheegi waayay, maxaa hay’adaha warbaahinta markii la lahaa waa siminaar loogu sheegi waayay, arrintaasi waxa ay u taalaa akadamiga.

Waxa aan cadaynayaa hadii aanu nahay ururka suxufiyiinta Somaliland in aanu xeerkaasi ahayn mid noo yaala cida lagu dhaqayaana aanay anaga ahayn, laakiin masuuliyiintii dawladda ee meesha ka hadlayay iyaga ayaa garanaya cida uu xeerkaasi qabanayo ee lagu hogaaminaayo”.

Xasan Maxamed Yuusuf Guddoomiyaha Ururka Saxaafadda Somaliland ee SOLJA Mar uu daba socday khudbad dhinacyo badan uu madashaas ka jeediyay Wasiir Ku Xigeenka Warfaafinta Somaliland Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse), waxa uu yidhi “Waxa aan doonayaa in aan wax kaga noqdo khudbad uu madashaas ka jeediyay Wasiir Ku Xigeenka Warfaafinta Somaliland Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse), saxaafadii Somaliland oo dhami sidii ay hortiisa fadhido waxa uu yidhi xeerkani waa kii aad samaysateen, Cabdilaahiyoow shalay suxufi baad ahayd, hadana wasiir baad noqotay, hadana waad ka tagtay oo suxufi baad noqotay, hadana waad ka tagtay oo wasiir baad noqotay, Berrina waxa laga yaabaa in aad suxufi ku soo noqoto.

Hadaladaadii waxa ku jirtay in aanu dalku bilaa sharci noqon, anaga ayaa rabna in la helo wax kala haga xukuumadda iyo warbaahinta, laakiin wasiir kan aad adigu samaysatay ee aad labadda jeer saxeexday, USJ adiga uun baanu kaa maqli jirnay”. Isaga oo hadalkiisa sii watana, waxa uu intaas ku daray “Arrin kale ayaa jirta oo xarun warbaahineed oo wargeyska Hubaal ah ayaa la weeraray 30 cisho ayaa ka soo wareegtay markii uu dhacay arrintaasi ilaa hadda wax jawaab ah oo aanu haynaana ma jirto, nalama odhan waxbaanu idiinku maqanahay, xitaa iska samrana nalama odhan, iyada oo ay qodaxdaas labaad nagu mudan tahay, ayaa xildhibaan soo fadhiistay warbaahinta qaarkeed, markaasuu sheegay in xeerkii saxaafadda la soo saaray oo si degdeg ah mooshin loogu dhigayo, mooshin weynu naqaanaa oo ragii shuruucda naqaanay mooshin waa wax si degdeg ah lagu soo dhaafiyo golaha wakiiladda, iminkana xeer anshax oo uu cabdilaahi laba jeer saxeexay ayaa nala yidhi kana waa kan, dalkan iyo dadkan anaga ayaa iska leh oo ubadkayagii iyo waalidkayagii baa jooga, warbaahintu iyada oo qori la sito ayuu rikoodhku shaqaynayay, warbaahintu iyada ayaa hubka dadka ka dhigtay”.

Dhinaca Kala guddoomiya ku xigeenka ururka suxufiyiinta Somaliland e SOLJA Maxamed Cabdi Curad oo isna shirkaasi jaraa’id ka hadlay ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay xeerkaasi waxaanu yidhi “Xeerkan soo hadal qaadkiisaba ayaa xaaran ah, waayo loogu talogalay in lagaga gudbo doorashooyinkii baynu ognahay ceebtii iyo fadeexadii ka dhacday in arrimadeedii iyo utuntoodii, rag badan oo dalkan qaranimadiisii iyo madax banaanidiisiiba naf iyo maalba u soo huray oo uu Xasan ciise ka mid yahay, runtiina sidaas uu guddoomiyaha ururka suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA sheegay, ururkaasi SOLJA ayaa hogaaminayo oo loo dabo fadhiisanayaa, mana jiro marka laga yimaado ururka Wija, mid kale oo soo raaca”Halbeegnews/Hargeysa Office.

Waa Yaabe Xukuumadda Kulmiye Maxaa Qidhim Ka Siiyay; By Ibrahim Duale Sulaiman Talaabo
In muddo ah waxa aan maqlaynay  oo dhegaha dadka somaliland ku soo dhacayay

cantra- bashleyn ka soo burqanaysa kooxda Muqdisho ku xayiran ee horboodaha u

yahay Xasan shiikh iyo wiilkan nacaybku dhaamiyay ee lagu magacaabo Saacid.

waxa inoo muuqda sida ay ugu talax tageen kooxda Muqdisho naca iyo nacaybka

shacabka somaliland iyo jamhuuriyadan xalaasha ah ee ay iyaku dhisteen iyo calankan

tawxiidka lagu xardhay ee lagu waraabiyay dhiiggii dadkiisa.

Haddaba waxa isweydiin leh xukuumadda Kulmiye maxay afka oga xidhatay

daandaansiga iyo xadgudubkan joogtada ah ee ka soo butaacaya kooxda Muqdisho.

Wasiirkii warfaafinta Kulmiye sawkii la cidhibsanayay u jawaabidda Guddoomiyaha

Xisbiga UCID oo aan wax dhib ah gaysan, mise waxa weeyaan gabaygii ahaa

“Canda dheregtay caash boodhigay Caynad leedahay e’ Cunbulayta reeraha

xigay kula carawdaaye Cadwga iyo shisheeyahana way u cabanaataa”Laanjeer.

Wada hadalada kooxdan qayr masuulka ah waa inay xukuumadda somaliland

ka qaaddo talaabo wax ku ool ah oo loo aayo mustaqbalka dhaw.

Dhinaca kale Xukuumadda somaliland waa ku nusqaan haddii nimaka dhaqankan

leh ay sii wado wada hadalkooda, aniga oo qaba xitaa hor-fadhiisad koodu waa ceeb.

Madaxweynaha Somaliland waa la doortay oo cod shacbi ayuu ku fadhiyaa, markaas

maaha in uu soo hor-fadhiisto kooxdan ku timi gacan ku rimiska shisheeye laguna

ilaaliyo kaaraha Amisom. Si buuxda Xukuumadda somaliland ha oga baxdo waxan

lagu sheegay wada hadalka balse u muuqda in dhinaca muqdisho joogaan dad

aqoon darro hayso ama nacaybka shacabka somaliland ku fogaaday.

Somaliland Guul

Ibrahim Duale Sulaiman Talaabo.

Ethiopian Prime Minister’s Speech On Somaliland On The 18th May 2013: Why Should Ethiopia Think Regional Solution Is Panacea To The Regional Problems?
I would like take this opportunity to thank the Ethiopian Prime Minister for his support and solidarity to our country as he spelled out in his eloquent speech to the Ethiopian Parliament on the 18th May 2013. His speech coincided on the 22nd anniversary Independence Day encompassed with a stark warning to the international community that the horn of Africa can manage to deal with its own affairs.  Poignantly, the Prime Minister was elucidating that Somaliland has unacceptably waited too long for the world to resolve its status; and he vehemently demystified the regional leaders and the world remains stubborn to resolve the status of Somaliland. This will serve victory to terrorism and piracy in the horn of Africa with serious regional and international security implications.

For the Somalilanders, the support of the Prime Minister was a fresh impetus for the dream of the internationally recognised Somaliland ebbing closer after twenty two years of long wait.  Furthermore, the speech was a vindication that Ethiopia should not be betwixt and between to recognising Somaliland. In addition to that, his   speech was aimed at the international community in action to resolve the status of region is a time bomb that will not only engulf Somaliland but Ethiopia and beyond afield. The message of his Excellency Hailemariam Daselegn was that Ethiopia should not or could not be complacent to castrating Somaliland to its rightful existence as a nation.  In coinciding his speech on the day of Somaliland’s independence, his excellence, Ato Deselegn,  the message to international community meant that the region of the horn of Africa has now got the capacity to deal with its own affair, and prescribing policies and imposition of decision have for long gone. In short, the speech explicates, Ethiopia as the super power of the region, will step in and take ownership and bring in a regional solution to the case of the long outstanding Somaliland quest for independence. With this regards,   it means Ethiopia should not be deluded into believing that the international inference is a panacea to the region problem. If Somaliland failed to exist, it would insinuate insecurity in the region where evil forces have been trying to get afoot. Regional solution to the regional issues with Ethiopia taking a lead role will pre-empty the insecurity adversaries that threaten the stability and the security of the region.

Furthermore, the speech of the Ethiopian Prime minster was a call upon international community to resolve the status of the Somaliland.  As over twenty years, Somaliland has produced thousands of youths of school leavers and university graduates who have ended up unemployed and with no opportunities. In denying opportunities to Somaliland youths to fulfil their dream by withholding international recognition bound to constructing them to destitution, hopelessness and violation of their basic human rights to live in decent live. This is a critical conjecture for the region as whole that if our diligent hard work are not rewarded in return for full international recognition, it will in turn be paid at a hefty price missing this opportunity and handing in to terrorism and piracy. Today, in streets of all major towns, thousands of Somaliland trained and educated youths are unemployed. In escaping from poverty and hopelessness, Somaliland’s youth have started risking their lives to seas to reach Europe to escape poverty and those who remained in the country are being exploited by those with terrorism agendas. The prime minister of Ethiopian was cognisant of the situation of Somaliland and his speech coincided with the 22nd anniversary of Somaliland was a dire warning to the international community to be ashamed of predisposing Somaliland to fail.

His Excellency, the Prime Minister, Ato Deseleigm, as a progressive leader committed to trying to finding regional solutions to regional problems. With this in mind, international recognition will mean Somaliland get access to international financial assistance for loans to develop and to have the legal contractual capacity requirements to form contracts to tape in its natural resources.  With this, thousands of Somalilanders should have the opportunity to fulfil their dreams to work in their country and contribute the development and economic growth of their country and to the wider region.

Nevertheless, the Ethiopian Prime Ministers support to Somaliland came a time when it was needed; a friend’s help at most.  Somaliland has always seen Ethiopia as their closest friend in the region and indebt to Ethiopia people for welcoming into their country when the late Somalia’s dictator bombarded all the major towns and massacred tens of thousands of civilians. And thousands   succumbed to diseases and hundreds of thousands are being forced fleeing into Ethiopia. Equally, Somaliland has always seen Ethiopian, as their brethren, and when the late Ethiopian Prime minister, Ato Meles Zenawi passed away, Somalilanders were shocked and sent their condolences to Ethiopian government to have shown that they were shoulder to shoulder with Ethiopians at difficult time. At the time, I wrote letters below to the Ethiopian authority expressing my deepest shock at the loss of a great leader:

http://www.somalilandlive.com/view.php?id=1501

http://oodweynenews.com/v1/2012/07/get-well-soon-letter-to-the-ethiopian-prime-minister-ato-meles-zenawi-by-ahmed-abdi-isse.html

Finally, I will kindly request the Ethiopian prime minster and his government to recognise Somaliland with immediate effect as a local solution will spare Ethiopia and Somaliland into economic and security crisis. Both countries could not avoid the hard work of economic growth and prosperity reversed back into the dark ages. I am sure regional solution by far will emulate than seeking a hand out solutions from the outside world, and the Ethiopian Prime Minster understands fully the region has come to stage to resolve the Somaliland status. Somalilanders are pleased with the Prime Minister’s concern and support he has shown to Somaliland and will request from him to go further than words and recognise Somaliland for the sake of our regional stability and prosperity. In doing so, his name will forever be remembered by Somaliland and will bring the relationship between Ethiopia and Somaliland closer than ever before.

Ahmed Abdi Isse, BSc (hons) and Msc in Social Science

NB: This letter was sent to:

Somaliland president via Somaliland mission to London;

Ethiopian Prime Minister via Ethiopian Embassy in London; and

Somaliland general public via Somaliland media.

Laba Shaqo!!! Qalinkii Saddaam Carab
Si arxan darro ah ayaa loo garaacayey, qofkasta oo soo gaadhaa wax buu ku dhufanayey. Mid feedh daamanka ku wareejiya, mid laad ku jiida, mid suxul iyo jilib ku aasa iyo kuwo indhaha iyo wajiga ka candhuufeeya. Waxa xataa la la dhacayey budhadh iyo dhagxaan aad u waawayn. Afka iyo sanka waxa ka da’ayey dhiig cas, meel dhaqaaqdana waa loo diiday. Askartu qori dabadii ayey kalxan walba kaga garaacayeen. Markaas ayaa miyir iyo maan ugu dambaysay. Waxa lagu riday bir-qalax madow oo shabag madow leh oo dad gubtay saarnaayeen oo sida warshadda u guuxaysa. Waxa loo qaaday maxbuus tuug ahaaneed laakiin wuxuu ahaa noole mayd ahaan u yaalley. Habeen iyo maalin ayuu ku jiray koomadaas xabsiga dhexdiisa oo lagu tirinayey inuu  iska jiifo ama daroogo ku mudan tahay. Laakiin wuu suuxsanaa oo wuxuu ahaa noole mayd ahaan u yaalley, waayo aad baa loo garaacay!

Indhaha ayuu kala qaaday, marba hareer ayuu jalleecay afartii gidaar. Haa, waa uu gartay qolkan yar ee madow iyo in badan oo ka mid ah dadka wada madow ee ku jiray qolka. Qof-qof ayuu u garanayaa. Toban jeer oo hore haddii aanay ka badnayn waa lagu soo xidhay meeshan. Waa saldhigii magaalada! Inta meesha kula xidhan badankooda waa uu yaqaan oo waa isku koox, koox budhcad ah oo boobta dadka ayey isku ahaayeen ama ahaan doonaan haddii la sii daayo.  Waxa si degdeg ah loogu dhaadhiciyey maxkamadda si loogu rido xukun xatooyo iyo budhcadnimo. Waxa loo haystaa gabadh uu duhur cad magaalada badhtankeeda ku boobay oo dahab ay xidhnayd dhagta ku goostay. Waxa uu ahaa fal aad u xun oo axmaqnimo ah. Inanta ehelkoodu aad ayey uga xanaaqeen falkaas, waxaanay xoogga saareen in ninkaas  ciqaab adag laga marsiiyo. Sidii ay rabeen ama aanay rabin ka ay tahayba waxa lagu xukumay lix bilood iyo lagac magdhow ah ninkii tuugga ahaa. Waxaa loo dhaadhiciyey xabsi ka baxsan magaalada oo dadka bahaloobay lagu hayo.

Cid kama garanayo xabsigan cusub, waxa ku jira dad dadnimo-baxay oo qaarkood lix sano ku jireen. Qaarkood  dad bay qudha ka jareen, qaarna waa ay ka heer hooseeyaan xagga dambiga kuwaas. Waxa uu soo dhex galay hool wayn oo dusha sabad ah, markiiba waa lagu soo xoomay oo la baadhey maadaama oo uu imika ifkii ka yimid! Wixii laga helay waa laga qaatay. Waa lagu dhex garaacay meesha oo loo cago jugleeyay, waxa ka taliya qolka gudihiisa koox  maxaabiista ka mid ah. Waa ay xuurteysteen meesha oo ciddii amarkooda diidda way naaraan oo si aad ah u ciqaabaan. Muddo kooban waxa uu ku milmay maxaabiistii uu meesha ugu tagay oo uu noqday sidoodii. Meeshu waa naartii ifka ayaad is odhanaysaa, cuntada daaniyuhu dhex siqayo, dhaxanta gidaarrada ka soo tafaysa, mararna kulaylkka iyo dhididka isku baxaya sida foox dabka lagu riday iyo daranyada  kale ee haysata ayaa dambiilayaasha sii bahalaynaysa oo sii beehoofinaysa. Kuwoyaw aan sii ba’nayn ayaa markii meesha lagu soo xidhay ku baaba’ay oo wax kale oo ba’an ku dhex bartay. Meeshu waa bahallo galeen, cidda soo gashaana waa ay bahalowdaa!

Qolka ay dhex yuuruuraan ee ay habeennada iyo maalmaha ku tirsadaan, buuqa iyo dagaalka ka dhex oogan iyo cuntada la kala boobo ee mararna laga qado waxba uma dheera. Haddii laga tagi waayo, maalmaha qaar ayaa maxaabiista qaarkood loo diraa dibadda si ay xaabo u soo guraan iyada oo hareeraha qoryo lagala taaganyahay. Taasina waa fursadda kali ah ee ay ku arkaan cadceedda, laydha iyo ifka. Waana la tirin karaa inta jeer ee ay arkeen ifka! Isagu aad ayuu uga nasiib badnaa inta kale ee kula xidhnayd meesha, oo lixdii bilood intii aanay dhammaan ayaa cafis madaxwayne maalin ciid ah lagu soo daayey! Markaas ayaa ifka dib loogu soo celiyey! Waxa uu u ekaa qof ka yimid adduun kale ama qof hadda isaga oo wayn soo dhashay oo ifka ku soo biiray. In uu la qabsado nolosha ayaa ku qaadatay waqti, waxaanu iska sii ahaa maxbuus dhulka iska guud socda oo maskaxdiisu wali xidhantahay.

Waa astaamaha dunida is-geddiga waqtigu. Afar bilood oo xadhig ah waa uu soo dhammaystay, lacagtii magdhowga ahaydna waa laga bixiyey. Inantii dhaawaca ahayd waa ay iska bogsatay walow uu nabarkii ka muuqdo dhagteeda. Waxa uu maanta la joogaa oday u adeer ah reerka u oday ah. Waxa uu aad ugala hadlayaa arrintii tuuganimada iyo budhcadnimada oo uu ka waaninayaa. Waxaa uu u sheegayey oo kale in uu shaqaysto oo muriqiisa maalo oo uu qayrkii dhinac ka raaco. Markaas ayuu ugu warceliyey in uu shaqaysanayo oo uu toobad keenayo laakiin la shaqo geeyo. Odaygu waxa uu u sheegay in uu meel uun kula galgalan doono si loo shaqo geeyo. Taasna waa uu kaga dhabeeyay oo waxa uu soo qoray Ciidanka Booliska! Haa, waxa shaqadii loo soo helay ay ahayd noqoshada Askari, isaguna waa u aqbalay oo noqday askari.

Tababar uu soo qaatay sannad ka dib ayuu ka soo baxay. Intii tababarku u socday maalin qudha looma sheegin wax aan qallafsanaan iyo gurrac ahayn. Waxa la bari jiray sida dadka loo ciqaabo ee loo cadaabo. Iska daaye isaga laftiisa intii uu ku jiray tababarka ayaa la cadaabi jiray! Sababtaas na waxa uu soo noqday qof ad-adag oo arxan daran oo dable ah oo askari ah! Markii uu ka soo baxay xeradii tababrka ee kadeednayd ayaa lagu soo celiyey magaalada. Waxa lagu soo qoray oo hadda ka shaqo galaa saldhig ka mid ah kuwa magaalada. Markiisa hore ayuu u dhashay dherer,  laxaad iyo hubqaad. Marka uu xidho dharka caarcaarka leh, suunka madow dhexda ku xidho, kabaha qadha ah isku jufo ee koofiyaddana dhakada saarto ayaa aad loolaa dhacaa quruxdiisa. Markaas ayaa qof kasta oo ka soo hor baxaa ku yidhaa “Taliye”! Ma aha taliye ee waa loogu yeedhaa uun markuu sidaas u labbisto! Laakiin waxa yar waqtiga uu waxaas oo dhan isla helo oo uu wada xidho. Waana Askari ad-adag oo arxan daran.

Caawa waxa uu marayaa meel waddo luuq ah oo madow, waxay geesta bari kaga beegan tahay waddada wayn ee magaalada dhex marta. Waxa halkaas oo kale ka muuqata gabadh da’ yar oo soo socota wadadaas madow dhexdeeda. Waa ay baqaysaa, waxay ka baqaysaa laba nin oo kale oo soo daba socda oo lafaheeda ayey u baqaysaa. Laakiin waxa ay sheedda ka aragtay askarigan isna soo socda meesha madow dhexdeeda. Markaas ayey niyadda ka nafistay oo u irkatay xaggiisa. Nasiib darro judhiiba waxa soo gaadhay raggii daba socday oo ahaa budhcad dadeed. midkood ayaa laba dible u qabtay markaas ayey qaylisay. Ka dibna kii kale ayaa dhagta soo rujiyey si arxan daran oo bahalnimo ahna uga goostay dhago dahab ah oo ay xidhnayd, iyaduna wali waa ay qaylinaysay. Cidi se uma ay gurman wali. Laakiin waxa ay wali naawilaysaa in ninka askariga ah ee halkaas soo socday u soo gurmado! Labadii nin waa ay ku maran yihiin wali, iyada dhagta ayaa dhiig ka shubmayaa oo dhaawac wayn ayaa soo gaadhay, ninkii kale ee askariga ahaana waa kan imika soo gaadhay. Waxa ay mar kale aad ugu dhawaaqaysay “Askari iga qabo.. Alla iga qab…Askari.. Alla dhagtaydii meeday!” Nasiib wanaaggooda iyo ayaan darradeeda, askarigii iyo labadii tuug ee inanta haystay waa ay is garteen ba! Waxa ay isku ahaayeen saxiibbo budhcad ah ka hor intaa aan askarinimada la qorin! Waxa ay in badan wada fuliyee hawl gallo ay ku guulaysteen iyo kuwo ay ku guul darraysteen oo isugu jiray baadhasho dad, jid gooyo iyo kufsi iyo falal kale oo aad u fool xun! Waqti badan iyo waayo badan ayey soo wada mareen oo waa ay is garteen askarigii iyo tuugtii! Iyadu waxa ay eegaysay askari u gargaari doona oo ugu yaraan waraabayaasha ka ridi doona. Laakiin kama ay duwanayn ceesaan yar oo saddex aar oo gaajaysan dhexda ugu jirta! Waa uu la heshiiyay askarigii labadii nin oo wuxuu ku biiray boobkii ay wadeen! Markaas ayaa gabadhii quus carrabkeedu qallalay oo ay qaylo daysay! Waxay moodaysay askari u gargaari doona oo tuugta ka dhicin doona,  laakiin waxa uu ahaa budhcad,  gabdho iyada oo kale ah dhegohooda hore u soo goostay oo dhiig ka shubay, ka dib meel bahallo galeen ah lagu xidhay oo sii bahaloobay, ka dib lagu daray ciidanka booliska oo ukaaday askari! Caawana waxa uu helay hilbo qalan iyo quud bisil! Waa ay moodday ee muu ahayn askari ay miciin biddo, waxa uu ahaa tuug, tuug askari noqday!

Laba Shaqo!

Qalinkii: Saddaam Xuseen Carab

Saddamcarab@Gmail.Com

Hargeysa, Somaliland.

Dhibaatada Tahriibta Iyo Mooganaanta Dhalinta Labo Isku Lamaan; W/Q: C/Raxmaan C/Laahi (Wirdaani)
1: DHIBAATADA TAHRIIBTA

Dhibatada tahriibtu ma yara, khasaare mooyee faa’ido malah, waa rafaad iyo silic, haajiraadu shay qurux leh maaha, laguma faanee waa laga faanaa, laguma cararee waa laga cararaa, haddana waxa nasiib daro ah in dhalinteenu intaaba iyadoo ogsoon inay naftooda haligaan, u babac dhigaan dhibaato iyo silic, waxay door bidaan dalal aaney lahey, kama fikiraan nimcada ay ka haajirayaan, kuma darsadaan xisaabta dhibta saxaraha yaal, kama fikiraan dhibta ay gaadhsiinayaan naftood iyo qoyskooda, waxaad maqli iyadoo lagu leeyahay hebel halkaas ayaa lagu haystaa, xaafadooduna waxba ma hayso, taasi waxay keentey inay hooyadii suuqa bac la dhex-marto si ay madaxa ilmaheeda u bad-baadiso, RASUULKA AYAA (N.N.K.H.H) XADIIS MACNIHIISU AHAA KU LAHAA ‘’CALAAMADAHA QIYAAMU SACAHA WAXA KA MIDA IN UBADKU ADOONSADAAN HOOYOOYINKA’’  waa maxay adoonsiga ka xun inaad hooyadaa ka yeesho dawarsato, way ku korisey, ku barbaarisey, wax ku bartey, kadib ugu abaal gudey ii soo dawari, maxaan ka xun in qoyskaagu maqlaan wiilkiini waa la diley, doonidaa la gadoontey, xabsi buu ku jiraa, inantii waa la fara xumeeyey, iyo wax la mida, tahriib Eebe ha inaga badbaadiyee waa wax xun,walaakayaw walwal aduunyo iyo walaac ha ku beerin waalidkaa, anfac ayaa lagaa sugayaa, garana xilka manta saaran naftaada, tahriibkuna yaanu noqon shay mugdi geliya noloshada,

2: MOOGANAANTA DHALINTA

Dhalinyaradu waa ubax wadan leeyahay, waa shayga ugu qaalisan ee ummadii  ku faanto, waa kuwa wada maanta horumarka maanta meel kasta ka socda, waa kuwa  isbadel sameeya markey wax qaloocsamaan,  nasiib daro waxa ah  in dhalintii fikiri-lahayd maanta dalkeenii ka baxayso ,  dhagahaagu aroor kasta  ay maqlaan (xalay ayuu baxay) miyaanay ogayn inaaney lahayn halkey tagayaan,  waxaad arkaysaa kuwii joogay oo sheekeysanaya kuna fikiraya kuna foorara , kuna foogan,  siday ugu xigi lahaayeen kii baxay shalay, sheekada dhexmaraysaana tahay gurigaynu gaadhi ka raaci, jaarkana weynu ku sii nasan, laba cishana weynu sii socon, saakuuntana nimcadeynu joogi,  sawir ayeyn soo gali,  markaaba face-ka  ayeynu soo dhigi, inta hadhay ayaana soo bixi markey arkaan dooga iyo nimcada, waana la inaga daba iman, mana oga in arinku sida ay moodayaan inaanu ahayn, dhibta saxaraha yaala kama warhayaan,  umay fiirsan nimcada ay haystaan, kuna darsoo nin gaajoonayaa ma tahriibo, tacliin ku filan ayuu leeyahay, dhibaato ma haysato,  nabad buu seexdaa  isagoo nabdoona wuu soo kacaa, hasa yeeshaa intaasoo dhan wuu iloobay, laakiin wadhaf iyo shinbiri kala war la’aa dhalintii tahriib, xaalkii isbadel, gaadhigii lawaa, oo’hin baa ka danbaysay, dayac iyo rafaad, ciirsi aan meel-lahayn, canaan aan waxba tarayn, sidan maan moodayn,  halkaygi ayaa ii dhaantay,  sidan dhimashada ayaa dhaanta, laakiin  waa goorma, waa goor xeedho iyo fandhaal kala dhaceen,  oo meel aan noqod lahayn, quus la taaganyahay, sidaas ayaa u danbeysay ubixii haajirey, laga yaaba iney naftooda waayaan, kuwa bad-baadana  sidey doonayaan may noqon, nimcadii ay sheegayeen may helin, ballanbal iyo calaacal ayaa ka soo hadhay, waxayna leeyihiin ‘’shalay yaa maanta ka yeela’’ nimcadaan joogney yaa nagu celiya, laakiin kuwa jooga kuma cibra qaataan iyagoo og  waxay la kulmeen kuwii hore ayey baxaan, naftoodana haligaan, horaana loo yidhi (nin meel u cadahay meeli ka madaw)

3: AAMUSNAANTA XUKUMADA

Xukuumadu iyadaa ka masuula dhamaan  shacabi waynaha , iyada ayaa loo doortay inay haqab tirto baahiyaha shacabka,  hadaba dhalinyadu miyaanay ka mid ahayn shacabka?, miyaanay ahayn laf-dhabarta ummada?,  miyaanay ahayn  ubixii wadankan? miyaanay xukuumadu ogeyn in dhalintu tahay kuwii shalay codka ka heleen? walee intaba way tahay dhalinyaradu . hadab maxay xukuumadu afka uga xidhatay ?maxay uga hadli wayday dhalinta raxan raxanta u baxaysa? mise dhalinyarada waa lagu danaystaa?  Miyaanay xukuumadan hadda jirtaa aheyn tii shalay lahayd  ‘’udub way  tagysaaye ha  tahriibina’’

Hadaba anoo ogsoon kana soo horjeeda Talaabada qaldan ee ay ku dhaqaaqayaan dhalintu, maankana ku haya taagta xukuumada, waan ka soo horjeeda aamusnaanta xukumada, kana xumahay abaalkay dhalinyaradu u gashay inay sidaa ku gudaan, Waxaan kula talinayaa inay xukumadu la timaad qorshe lagu waajahayo arinkan,  kana fikiraan siday uga baajin lahaayeen dhalinta haajiraada,  ugana dhigi lahaayeen dhalinyaro la tartanta qayrkood.

4: GUNAANAD:

Dhalinyaroy idinkaa talinaya bari, idinka ah ganacsatada bari, idinka ayaa ah cuqaasha bari, ha tahriibin adoo og in samir wax lagu gaadho, maankana ku hayso daaraha cadcad ee aad u hanqal taagaysid inaanad lahayn, ogsoonaw inaanay dadkaasi ka tahriibin dalkooda, hadaba adigu dadaal waad gaadhi himiladaadee, noloshana u qaabil siday tahay, ogow in shay kastoo adag mid fudud xigo, naftaadana runta u sheeg, nimcada ku agtaalna u fiirso kadibna rabigaa  umahadnaq, hana noqon mid la duufsado, waxaana  kugu dhaafi waanadii abwaan Ereyadii abwaan xasan daahir (weedhsame)

‘’Galbeed yurub kuu ma yeedhin

Griiguna kuuma baahna

Adiga gayigaagu waa kan

Qofbaad tahay guul abuura

Qofbaad tahay  guri yegleela

Qofbaad  tahay gaar ahantaa

Kugaaja baxoo iskeena

Gankaa kuma dheera caaro

Aqoontaaduna ma gaabna

Magaangixin aayahaagu

Dadkaagana kama giriifin

Dalkaagana kama go’aysid

Gobaad tahay moog inteed

Dhalaanbaa kugu gadaaman

Xilbaa guudkaaga saaran’’

Wirdaani@Hotmail.Com

Alpha Universty

Hargeisa Somaliland.

Madaxwayne Siilaanyo Oo Cirka Ku Sii Laalay Go’aankii Wasaaradda Duulistu Ku Mabnuucday Duulimaadadda Qaramadda Midoobay
“Xayiraadda Ay Somaliland Saartay Duulimaadyada Qaramada Midoobay, Lama Qaadi Doono Ilaa Aanu Heshiis Ka Gaadhno”Madaxwayne Siilaanyo

Hargeysa, May 24, 2013 (Halbeegnews) – Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa cadeeyay inaanay Somaliland ka noqon doonin go’aanka ay xayiraadda ku saartay duulimaadyada hay’adaha Qaramada Midoobay ee iman jiray Somaliland.

Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa qoraal kooban oo uu 19 May, ku qoray barta uu ku leeyahay twitterka, wuxuu kaga hadlay go’aankaas Somaliland ee la xidhiidha hay’adda ICAO oo ku wareejinaysa hawada Somaliland iyo Somaliya, dawladda federaalka Somaliya. “Xayiraadda ay Somaliland saartay duulimaadyada Qaramada Midoobay, lama qaadi doono ilaa aanu heshiis ka gaadhno.” Sidaas ayuu Madaxweynuhu ku yidhi qoraalka kooban ee uu ku qoray bartiisa twitterka.

Waxa kale oo uu Madaxweyne Siilaanyo isla maalintaas Twitterka geliyay, farriin kooban oo uu u diray beesha Caalamka, “Bulshada caalamku waa inay fahantaa inaan rabitaanka iyo himilooyinka reer Somaliland la iska indho tiri karin.”

Go’aankan uu Madaxweyne Siilaanyo ku ladhay xayiraadii uu wasiirka duulista iyo hawada Md. Maxamuud Xaashi Cabdi, saaray duulimaadyada Qaramada Midoobay, ayaa u muuqda mid uu Madaxweyne Siilaanyo ku sii adkaynayo xayiraadaas, islamarkaana uu ku muujinayo inuu go’aankaasi yahay mid rasmi ah oo ay hirgelintiisu dawladda Somaliland ka go’antahay.

Ciidamadda Xeebaha S/Land Ee Aaga Laas-Qoray Oo Shidaal Iyo Lacag Kala Dagey Doon U Rar-Nayd Ganacsato Reer S/Land
“Doonta La Fadhataystey Oo Dib Ugu Soo Noqotey Y Magaalo Xeebeedka Berbera Oo Baadhista Kiiskaas Laga Bilaabay”

Hargeysa, May 24, 2013 (Halbeegnews) – Qaar ka mid ah Ciidamadda Xeebaha Somaliland ee Deegaanka Laas-qoray ee bariga Sanaag ayaa la sheegay inay fadhataysteen Doon u rarnayd ganacsato reer Somaliland oo ku socotey Magaaladda Dubai ee Imaaraadka Carabta.

Doontaas la bililiqaystey ayaa sida ay Halbeegnews u sheegeen ilo xogogaal ahi Magaaladda Dekadda Berber aka qaaday Xoolo Adhi u badan iyo alaab kala duwan oo ay ka mid yihiin, Shidaal, taas oo ay ilahaasi xuseen in markii ay soo gaadhay aaga Laas-qoray ee deegaanadda bariga Sanaag ay Qaar ka mid ah Ciidanka Xeebaha ee Jiidaasi ay qabsadeen doontii isla markaana ay kala dageen 8 Foosto oo shidaal ah iyo alaab kale oo aan ilaa hada is cad loo ogayn nooca ay tahay.

Sidoo kale Doonta la sheegay inay Ciidamadu kala dageen alaabtaas ayaa shalay dib ugu soo Noqotey Dekadda Caalamiga ah ee Berbera, waxaanay Ilo-wareedadaasi intaas ku dareen in baadhista Kiiskaasi ay ka bilaabantey Magaaladda Berbera ee xarunta gobolka Saaxil, isla markaana halkaas loogu yeedhay Saraakiisha Ciidamada Xeebaha ee Aaga Laas-qoray si wax looga waydiiyo eedahaas lala xidhiidhinayo Ciidanka.Halbeegnews/Hargeysa Office.

Ninkii Labaad Ee Somalilander Ah Taariikhda Britain Mayor Ka Noqda Degmo London Ah Oo Shallay Loo Doortay Maayorka Cusub Ee Degmada Southwark Ee Magaalada London
London (Halbeegnews)–23/05/2013– Cabdilaahi Maxamed oo ah nin dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland kuna dhashay gobolka Rift Valley ee dalka Kenya ayaa shallay loo doortay inuu noqdo maayorka degmada Southwark ee magaalada London.

Cabdilaahi Maxamed ayaa taariikhda soomaalida Britain ama ku nool magaalada London wuxuu ka dhigaya markii labaad ee xilka maayornimo ay ka noqdaan degmooyinka magaalada London isagoo hore Axmed Cumar Sangoore uga noqday maayor degmada Tower Hamlet ee magaalada London sannadkii 2008-dii.

Mudane Cabdilaahi Maxamed ayaa ilaa sannadkii 1980-kii wuxuu ahaa nin ka hawl galla degmada Southwark ee magaalada London oo uu degena waa nin bartay cilmiga deegaanka isagoo horana dhawr jeer xilal uga soo qabtay degmada Southwark, wuxuu hore u ahaa intaanu xilkani qaban maayor ku xigeenka degmada  Southwark

Wuxuu sidoo kale ka soo shaqeeyey degmooyin kale oo London ku yaalla sida Haringay iyo Walthamforest, sidoo kale wuxuu ahaa xubin sare oo ka tirsan ururadda shaqaalaha ee UNISON ee dalka ingiriiska.

Degmada Southwark ayaa waxaa ku nool soomaali aad u tiro badan waana degmooyinka soomaalidu ugu badanyahiin magaalada London.

Halbeegnews, London

contact@halbeegnews.com

Dawladda Faransiiska Oo Casuumad Rasmi Ah U Fidisay Madaxweyne Siilaanyo Inuu Yimaado Paris Kulanana La Yeesho Madaxda Dalkaasi
Hargeysa (Halbeegnews)–23/05/2013– Safiirka dawladda Faransiiska u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya Ambassador Etienne De Poncins oo shallay booqasho ku yimid magaalo madaxda Somaliland ee Hargeysa ayaa u gudbiyey madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo martiqaad rasmi ah oo dawladda faransiisku u fidisay madaxweynaha Somaliland.

Ambassador Etienne De Poncins oo shallay kulan kula yeeshay madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo xarunta madaxtooyada ee caasimadda Hargeysa ayaa u dhiibay waraaq martiqaad ah oo u usoo dhiibay ra’isal wasaaraha dalka France Jean-Marc Ayrault waraaqdaasi oo weedhahii ku qora ay ahaayeen sidani

“Mudane madaxweyne waxaan halkani kuugu soo gudbinaya martiqaad rasmi ah inaad timaado France si aad kulano ula yeelato dawladda iyo madaxda dalka faransiiska markasta oo wakhtigu ku saamaxo” ayaa lagu yidhi waraaqda.

Safiirka France ee Somaliland iyo Soomaaliya Ambassador Etienne De Poncins oo la hadlaayey warfidiyeenadda ka dib markii uu kulanka la yeeshay madaxweyne Siilaanyo ayaa sheegay in faransiisku uu aad u danaynaayo inuu xidhiidh siyaasadeed iyo mid ganacsi la yeesho Somaliland “waxaan halkani u imid in la bilaabo waji cusub iyo xidhiidh cusub oo siyaasadeed oo aanu jecelahay inuu u furmo Somaliland iyo France, waxaa France ay jeceshahay inay xidhiidh ganacsi iyo mid siyaasadeedba la yeelato Somaliland” ayuu yidhi Ambassador Etienne De Poncins oo ka jawaabaayey su’aal ay war fidiyeenadu weydiiyeen.

Madaxweynaha Faransiiska Nicolas Hollande ayaa lagu wadaa inuu dhawaan ka soo qayb gallo munaasabadda 50 sanno guuradda aas aaskii ururka Midawga Afrika oo lagu qabanayo magaalada Addis Ababa.

Madaxweyne Hollande oo dhawaan la hadlaayey telefishanka Africa24 ayaa u sheegay in Faransiisku uu doonayo inuu balaadhiyo xidhiidhkii uu la lahaa qaarada Afrika.

Halbeegnews, Hargeysa

contact@halbeegnews.com

Mid Ka Mid Ah Labo Nin Oo Shallay Qudha Ka Jaray Askari Ingiriis ah Xaafadda Woolwich Ee Koonfurta Berri Ee London Oo Magaciisa La Shaaciyey “Haayadaha Ammaanku Way Yaqaaneen”
London (Halbeegnews)–23/05/2013– Saraakiil ka tirsan haayadaha ammaanka dalka ingiriiska ayaa xaqiijiyey in haayadaha ammaanku ay aqoon u lahaayeen nin ka mid ah labadii nin ee maalintii shallay weerarka foosha xun ku qaaday askari ka tirsan ciidamadda militeryga Britain goob u dhawayd xero ciidan oo ku taallay xaafadda Woolwich ee koonfurta berri ee magaalada London.

Xogta ay bixiyeen haayadaha ammaanku ayey ku sheegeen in ninkani dhawr jeer haayadaha ammaanku ay si  joogta ah ula socdeen dhaq dhaqaaqiisa iyagoo ku tilmaamay inuu ahaa xagjir aad loo yaqaanoo mararka qaarkoodna la arkay isagoo waraaqo ay qoranyahiin in ciidamadda Britishku ka baxaan Afghanistan iyo Ciraaq uu u qaybiyey goobo ka mid ah magaalada London.

Xogta ayaa tilmaamaysa in Ninkani oo magaciisu yahay Michael Adebolajo uu yahay 28 sanno jir ku dhashay magaalada London oo ehelkiisu ay ka soo jeedaan dalka Nigeria, wuxuuna la noola guri aabahii leeyahay oo ku yaalla degmada Lincoln ee isla magaalada London.

Ammaanka Oo Aad Loo Xoojiyey London

1200 oo Booliis ah ayaa lagu daadiyey goobaha muhiimka ah ee magaalada London si ammaanka loo xoojiyo, waxaana la geliyey goobaha xeryaha militeryga ee ku yaalla London heegan adag.

Falka shallaytoole ka dhacay dariiq ku yaalla degmada Woolwich ee koonfurta berri ee magaalada London ayaa ah mid aad u argagax lahaa, mid ka mid ah labada nin ee weerarka gaystay ayaa la arkaayey isagoo qof goobta ku sugan oo ka duubaayey kamarad muuqaal ah ku lahaa “waxaad disheen dadkayaga anaguna kuwiina ayaanu laynayna”

Booliiska ayaa goobta soo gaadhay dabadeedna labada nin ee falkani gaystay toogtay iyadoo la dhigay cisbitaal.

Golaha Muslimiinta Britain Oo Dhaleeceeyey Falkani

Golaha muslimiinta Britain ayaa si adag u dhaleeceeyey falkani kuna tilmaamay inuu ahaa mid waxshinimo iyagoo ku tilmaamay dadka falka gaystay qaar ceebeeyey muslimiinta iyo dadka islaamka ah ee Britain waxaana golahu ku baaqay in ciqaabta ugu weyn la mariyo labada nin.

David Cameron Oo Si Deg Deg Ah uga Soo Laabtay Safar Uu Ku Joogay Paris

Ra’isal wasaaraha Britain David Cameron ayaa dib ugu soo laabtay magaalada London xallay saqdii dhexe isagoo soo gaabiyey safar uu ku joogay xarunta dalka faransiiska ee Paris

Isagoo saaka ka hor hadlaayey xafiiskiisa Downing Street No.10 ayuu sheegay in falkani ahaa weerar lagu soo qaaday dadka Britishka ah isla markaana la doonayo in lagu kala qaybiyo, wuxuu ballan qaaday in cadaaladda la hor keeni doono, isagoo dhinaca kalana tacsi u diray eheladii ninka ku dhintay falka ee labada nin weerareen.

Weerarka Ayaa Dhacay Ka Dib Markii Nimankani Oo Mindiyo Iyo Faashash Wata

Labada Nin ayaa weeraray nin goobta maraayey sida dad goob joogayaal ahi ay warbaahinta Britian u sheegeen, ka dibna waxay la dhaceen faashash iyo midniyo ay wateen.

Falkani ayaa dhacay abaaro 14:30 galabnimo wakhtiga magaalada London, iyadoo weliba goobtaasi ay ku sugnaayeen dad aad u tiro badan oo maraayey.

Halbeegnews, London

contact@halbeegnews.com