Hargeysa (Halbeegnews)–18/05/2013– Hawl-wadeenadda shabakaddani caalamiga ah ee Halbeegnews meel kasta oo ay dunida daafaheeda ka joogaan xarunta guud ee magaalo madaxda Somaliland ee Hargeysa, London, Washington, Brusseles iyo Nairobi waxay Hambalyo iyo bogaadin aan la koobi karayn hawada u marinayaan shucuubta reer Somaliland 22 sanno guuradda madax banaanida Somaliland oo ku beegan maanta 18 May [...]
London (Halbeegnews)–14/05/2013– Guddoomiyaha xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa weraysiyo kala duwan siinaayey warbaahinta soomaalida 24 saacadood ee la soo dhaafay kaasi oo uu kaga jawaab celinaayey war noqday kii warbaahintu ugu tabin badnayd todobaadkan iyo kii horaba kaasi oo ahaa kulan uu Guddoomiye Faysal Cali Waraabe la yeeshay madaxweynaha Soomaaliya goob lagu cashaynaayey [...]
Hargeysa (Halbeegnews)–13/05/2013– Wasiirka warfaafinta, wacyigelinta, hidaha iyo dhaqanka Somaliland mudane Abiib Diiriye Nuur Timacad ayaa shir jaraa’id oo uu maanta ku qabtay xarunta wasaaradda warfaafinta Somaliland wuxuu si adag uga hadlay kulankii dhawaan magaalada Birmingham ku dhex maray Faysal Cali Waraabe iyo madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud. Wasiirka warfaafinta Mudane Abiib Diiriye Nuur wuxuu shirkiisa [...]
Birmingham (Halbeegnews)–13/05/2013– Waxaa habeen hore markeliya lagu arkay guddoomiyaha xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe oo ag fadhiya madaxweynahii Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wasiirkiisa arrimaha dibadda Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan. Intiina ka war heshay waxaad aragteen muuqaalo sawiro ah oo tilmaamaya Faysal Cali Waraabe oo ag fadhiya Madaxweyne Culosow gurguurte iyo Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan [...]
Djibouti (Halbeegnews)–04/05/2013– Aabahii qarranka Somaliland udub dhexaadka u ahaa Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal ahaana madaxweynahii 2-aad ee Somaliland alla ha u naxariistee ayaa sannadkii 1995-kii wuxuu socdaal ku tagay magaalada Jibouti ee Jamhuuriyadda Jibouti halkaasi oo uu kaga qayb gallay shir urur goboleedka IGAD lagu samaynaayey. Alla ha u naxariistee Madaxweyne Cigaal wuxuu weraysi taariikhi [...]
London BBC SOMALI (Halbeegnews)–03/05/2013– Laanta Afka Soomaaliga ee idaacadda BBC-da ayaa weraysi la yeelatay Maxamed Ibraahim Cigaal sannadkii 1967-kii waagaasi oo uu noqday ra’isal wasaaraha Soomaaliya ka dib markii Cabdirashiid Cali Sharmarke loo doortay madaxweyne, Weriye Badawi ayaa weraysigani ka qaaday hoos ka daawo: Halbeegnews, London contact@halbeegnews.com
Hargeysa (Halbeegnews)–03/05/2013– Alla ha u naxariistee Aabahii Somaliland ahaana madaxweynahii 2-aad ee Somaliland Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal wuxuu geeriyooday 03-dii Bishii May sannadkii 2002-dii isagoo ku geeriyooday cisbitaal ku yaalla magaalada Pretoria ee dalka Koonfur Afrika, haddaba madaxa barnaamijyada telefishanka HCTV Kuraase ayaa ka diyaariyey maanta taariikh nololeedkiisa nala daawada: Halbeegnews, Hargeysa contact@halbeegnews.com
Hargeysa (Halbeegnews)–03/05/2013– Abaaro 15:00 galabnimo wakhtiga geeska Afrika 03 Bishii May sannadkii 2002-dii waxay u ahayd guud ahaanba guryaha Somaliland jahawareer iyo dawakhaad ka dib markii war dhiilo leh oo sheegaya in madaxweynahoodii ay jeclaayeen geeriyooday la soo geliyey suuqyada caasimadda Hargeysa. Idaacadda afka soomaaliga ee dalka Ethiopia ayaa ugu horaysay oo shaacisay in madaxweyne [...]
Waa kalmado ay si joogto ah, u isticmaalaan da’yartu oo dhexdooda ay isku fahmaan, balse aanay dadka waayeelka ahi fahmin. Marka laga reebo dadka waayeelka ah ee dhalinyarta xidhiidhka la leh. Bal ee hadda eeg: Erayada cusub macnahooda Wuu is-rifayaa……………………wuu qayilayaa Waad igu liin-baxday………waad iga hadhi weyday Yaa la socda………………… yaa taageersan Waa loo raran [...]
Washington Dc (Halbeegnews)–24/04/2013– Kaaliyaha xoghayaha gaashandhiga dalka maraykanka u qaabilsan qaybta siyaasadda iyo dalalka Afrika Mr. James Miller oo ay weheliso kaaliyaha xoghayaha gaashandhiga ee ka hor tagga khataraha caalamiga ah iyo xidhiidhka wasaaradda gaashandhiga iyo dunida Mrs Cyrns C Holls ayaa maanta xarunta wasaaradda gaashandhiga dalka maraykanka waxay ku qaabileen wefdigii madaxweynaha Somaliland Axmed [...]