Waxaa lagu war gelinayaa dhamaan xubnaha Jaaliyada Somaliland,iyo guud ahaanba bulsha weynta u dhalatay Jamhuuriyada Somaliland ee Dalka Jarmalka in xafladii sanad guurada labaatanaad ee kasoo wareegtey maalinta qaranimada JSL sanadkan lagu qaban doono Gobolka Hessen,khaasatan Magaalada Gross-Gerau,Xafladaas oo oo si weyn loo soo agaasimay ,shan iyo tobon-ka Gobol ee kalee Dalku ka kooban yahayna marti noogu noqon doonaan hadii Illaahay raali kanoqdo.
Wixii talo iyo tusaale ah ee dheeraada ee aad nagu biirinayso ama faah-faahin ah ee aad u baahantahay waxaad kusoo hagaajin kartaa E-mail-ka iyo Telefoonka hoos kuxusan.
Goobta Xafladu kadhacaysaa waa sidatan:
Odanwald Str 7-9
64521 Gross-Gerau
Maalinta Sabtida ,Habeenka Axadu soo gelayso ee Bishu tahay 14 May 2011.
Waqtigu waa todobada fiidnimo ilaa Shanta iyo badhka subaxnimo.
Tel:017637318665
E-mail-kuna waa somalilandverein@yahoo.de
Jaaliyada Somaliland ee Germany
This post has been viewed 1586 times.







