Hambalyo Iyo Bogaadin ay Dirayaan Ururka Samafalka Saaxil Women UK

Posted by on Mar 16th, 2011 and filed under Audio & Video, Opinion. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

“MAHAD OO DHAN ALLE (SWT) AYAA ISKA LEH ”

Xubnaha Guddiga Ururka Samafalka ee Saaxil Women Uk, waxay si wada-jira mahadnaq ugu dirayaan aan la koobi Karin dhamaan cid kastoo nagala qayb-qaadatay hawshii samafalka kheyriga ahayd ee gargaarka loogu uruurinaayey cisbitaalada Berbera, Isla-markaana waxaan si gaara ugu mahad-celinaynaa Marwo, Jawaahir Adan Omar oo taakullo waxtar lahayd ururkan hore ugu keentay lana gaadhsiisay Cisbitaalka Nasashadda (Ex-Dhimirka) Berbera, taasoo lagu fuliyey hawlihii adeegyadiisa gaar ahaneed.

Sidoo kale waxaa iyana mahad-gaara aanu gaadhsiinaynaa Marwo, Sahra Bare oo madashii shirka lagu qabtay iyadu ahayd qofkii suurta-geliyey ,isla-markaana si qiimo-Badan u hawlgashay ilaa dhamaystirkii munaasibaddaa samafalka ahayd.

Waxaan mar kale aad ugu mahadnaqaynaa oo leenahay dhamaantiin “Jazakum Allaah khayran” intii soo qaban-qaabisay , intii samafalka ku deeqday, intii ka soo qaybgashay iyo intii nagu garabtaag-nayd,dadkaas oo dhamaantood si lixaad leh ugu qayb-qaatay hawshaasi baaxada lahayd, “Ilaahayna haydinka jizaa,I Siiyo”.

-Allaa Mahad Leh-

Dhamaan Xubnaha Guddiga

Ururka Samafalka Saaxil Women UK


This post has been viewed 2872 times.

Categories: Audio & Video, Opinion
Tags:

Leave a Reply

Advertisement

The Most Popular Posts

Halbeeg Archives

Plugin from the creators of Brindes Personalizados :: More at Plulz Wordpress Plugins
Onlined by Samaroon Copyright