Nin xoolo-dhaqato ah baa marar tiro badan culimada ka maqlay sheekooyin ku saabsan qiyaamaha iyo goorta ay saacadu dhacayso! Markaa wuxu yidhi, “Walaahi gacalkii dahhoow Kaliil dheeraatay uunbaa la ina rogi baan u malayn!”
Kaliil dheeraatay qofkii garanaaya ayuunbaa qiyaasi kara, waana qiyaame dunida la isku sii tusay dhibta iyo rafaadka dad iyo duunyoba haysta markaad aragto. Waxa manta taagan abaar iyo oodo-lul. Waxa is raacay xaaluf iyo oon oo ah laba aad u daran markay is kaashadaan. Marar badan oo biyo yaraani dhacdo, laakiin dhulku daaq leeyahay; iyo marar daaqu yarado, laakiin biyo la heli karo ayaa dhacda, laakiin markan sidaas maaha. Labadiiba waa la waayay dhulka intiisa badan, waxaana biyo booyad lagu geeyaa boqolaal KM dhul jira oo dad iyo duunyo ku rafaadsanyihiin. Dhibaato wayn, oo aad u kulul ayaa umadii haysata, xal mustaqbalka ahina waa lama huraan. Waxa qorshe soo jeedshay Eng M. Xaashi, Wasiirka Dhaqaalaha ee Somaliland oo baryahaba war dhagtii fayowi ku diirsataa ka soo yeedhaayay. Qormadani qorshahaas ayay taageero boqolkiiba kun ah u muujinaysaa, isla markaana talo ku biirinaysaa sidii uu ku wacnaan lahaa qorshahaasi, waxaanay ku dhamaanaysaa sheeko gaaban oo dhab ah, mawduucana la xidhiidha.
Ma aha markii ugu horaysay ee dhibta manta taagani ay dhacdo, mana filaayo inay markii ugu dambaysay noqonayso. Aadmigu wuxu can ku yahay, noolaha kalena uga duwanyahay inuu u fikiro waxyeelada ku xeeran ee nolosha ku Milan, dabeeto xal u raadiyo. Raadinta xalku mararka qaar way murugsantahay oo dhudhub bay ku jirtaa, mararka qaarkoodna way ku hor taalaa oo I hoo uun bay ku leedahay! Nabi Maxamed (SCW) ayaa laga soo tabiyay inuu yidhi, “Xanuun kasta daawo ayaa Ilaahay u yeelay, kiinii gartaana wuu gartay, kina garan waayaana wuu garan waayay!” Marka dhinac laga eego, cudurka iyo caafimaadka oo kaliya ma khusayso ee dhibaatada aduunyada oo dhan baa noocaas ah. Dadka qaarkiis madaxa ayay tuujiyaan, ismaqal iyo kala dambayna way la yimaadaan, inta ugu badan ee suurowda ee dhibaatooyinka aduunyada ah baanay ka bogsoodaan, “Tabteenay ahaayeen ragas tayga lulayaa, Tashi iyo is-maqal buu ka kacay taqadumkoodii.” Ugaas Taffe Aw Siciid. Qaarkoodna way iska dugsadaan duruufaha ku xeeran, wax xal ahna ma raadiyaan, markaas bay qadarka iyo xukunka Ilaahay wax saaraan oo xal-raadinta ay ka gaabiyeen ku qariyaan ereyga ah, “Waa qadar”! Runtu se waa taas cakiskeeda!
Abaaraha iyo oonka deegaanka, dadka iyo duunyadaba dishooday horey iyo dib toona xal laguma dayin. Waakan Axmed Ismaaciil Diiriye (Qaasim) oo isla arintaas uun tilmaamaaya, “Sidii baa degmadu ceelashii ugu dar-leeftaaye; Sidii baa ducaaloow biyihii loo dawariyaaye; Ooy waliba dibindaabyo iyo dirir dheertahaye!” Umad kastaa liis can ah, oo lagu tilmaamo ama xaddido halista dadka iyo deegaanka ku xeeran bay leeyihiin, inagana waxa halis dhab ah inagu haya abaaro iyo nabaad-guur. Hadii biyo yaraantu sidaan ku sii socoto, deegaankuna sii baaba’o, oo nabaad-guurka iyo dhir gumaadistu ay sidda haatan ku sii socdaan waxa hubaal ah in farta dhexda laga qaanini doono:
“Aboorkuna dhareer iyo wuxuu ciid isugu dhoobay.
Oo uu dundumadowga dhigay ama u dheeraystay
Waa jinacuu dhiilada ka qabay inuu ka dhuuntaaye.”
“Dhimir iyo garaad waan qabnaa, fiiro dhumuc wayn
Maskaxdaa dhan, hadalkiina waan dhihi naqaanaaye
Dhabahaan marayniyo libtuna waysu dhawdahaye
Isxilqaanka noo dhiman maxaan uga dhabcaalownay?” Macalin Dhoodaan.
Shir ay dhawaan Wasaarada Dhaqaaluhu soo abaabushay wuxu Wasiir M. Xaashi kaga dhawaaqay inay xukuumadiisu lacag ilaa laba malyuun oo Doolar ah ku bixinayso sidii biyo-xidheeno loo dhisi lahaa. Waa qorshe aad u fiican oo loogu fikiraayo dhibaatada soo noqnoqoata ee imikadan dabkeedu ina gubaayo. Dhulkeenu waa dhulka kulaylaha ah (Tropical zone) ee lagu yaqaano roob yaraanta. Tiiyoo ay sidaas tahay, ayaa hadana biyo-roobaadka yare en helnaa oo dhami siday u idilyihiin badda ku shubmaan. Uma baahna baddu ee dadka iyo duunyada ayaa u baahan, laakiin waynu qabsan kari waynay, ama ma doonayno inaan qabsano. Wasiirka waxan u sheegayaa inaanay isku dayin inay lacagtaas qandaraasyo ku siiyaan shirkado khaas loo leeyahay oo dhaamam soo qoda. Taasi waa sida ugu qaalisan ee dhaam lagu qodi karo. Waxa ka faaiido badan iyadoo cagafyada qudhooda ay dawladu soo gadato.
Cagafyada dhaamamka qoda ee waawayn oo mustacmal ah, laakiin inaga wax badan inoo taraaya ayaa Europe laga helaa. Sidoo kale dawladaha aad wax wada qabsiga leeedihiin iyo ururada caalamiga ah ee fadhigoodu Hargeysa yahay ka dalbada inay cagafyo idinku taageeraan. Hadii mishiinadaas culus la helo, shanta ama lixda gobol ee wadanka ayaa midkiiba 10 ilaa 20 biyo xidheen laga samayn lahaa iyadoo la eegaayo siday goboladu u kala baaxad waynyihiin. Hadday taasi dhacdo, oo ilaa sadex sanno gudahiis mashaariicdaas lagu dhamays tiro waxa isku mar laga bogsanayaa nabaadguurkii (Soil erosion ) iyo biyo-la’aantii (droughts). Hadii aad sidaas yeeshaan dadka iyo dhulkuba waa idiin abaal gudi. Hadii aad sidii cadiga ahayd iska eegataana doqomo taariikhdu diiwaan galiso oo raaca doqomadii ilaa lixdanki ayaad noqon doontaan.
“MARUUN BAY DARUUR CAAFIMAAD DOOXA SOO ROGIYE
DAARADAAS ABAARTA AH MARUUN BUU DOOG KA SOO BIXIYE
DIBJIRKA IYO REER-MIYIGU MARBAY DAASADAHA QUBIYE” Abwaan Qaasim.
Sheeko gaaban: Nin oday ah oo bad-mareenadii Somaliland ka yimid 1940s kii iyo 1950s kii ayaa magaalada Cardiff ee gobolka Wales degey. Ninkaasi wuxu guursaday haweenay cadaan ah sidii ay waayadaas badiyaa bad-mareenadu samayn jireen. Ninkii odayga ahaa markuu mudo gaaban joogoba mar buu waraaq ka helaa reerahoodii taas oo loogu sheegaayo inay abaar xumi dhacday gurmadna looga baahanyahay. Muddo sodomeeyo sanno ku dhaw bay haweenaydii u fiirsanaysay waxa soconaaya, waraaq kasta oo ay helaan oo ay u akhridona way fayl garaysaa. Maantii dambe ayaa waraaq kuwii hore la qolo ahi timid, markaas bay gabadhii yaabtay oo odaygii u yeedhay. Waxay tidhi dhagayso: “Waraaqahan dadka soo diraa ama way waalanyihiin ama been bay sheegayaan!” Waxay tidhi, “Waraaqaha waxad moodaa inuu isku qof qudhi soo wada qoray, isku ujeedona way ka hadlayaan. Siday ku suuroobi kartaa inay dadka waraaqahan soo qoraa sodomeeyo sanno ka cabanayaan dhibaato isku mid ah? Meesha miyaanu dad ku noolayn? Sidee dhibaato isla tii uun ah looga cabanayaa mudadaas dheer? Haa, bal hadda u fiirso! Waa su’aalo adag saw maaha? Xalkii maalin kasta wuu yaalaa, dhibtiina halkeedii bay joogtaa. Hadaan cidiba in la daaweeyo u dhaqaaqin in laga cawdo mooyee dhibtu way joogi doontaa. “Hadaan g’uga kuu kordhaa, gabow mooyee ku tarin, garaad iyo waayo-arag, ogow ma gudbaad tahee!” Gaariye.
Nabadeey.
Waa M. Haaruun.
Email: mbiixi@gmail.com.
This post has been viewed 1196 times.







