Hargeysa(Halbeegnews) Hodan Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo oo ka mid ah Qurbajooga Somaliland isla markaana ka mid ah caruurta Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa saaka mar kaliya lagu arkay iyada oo fadhida una soo shaqo tagtay mid ka mid ah xafiisyadda Wasaaradda Waxbarashada oo ah Xafiis ka madax banaan shaqaalaha wasaaradaasi oo ay ka caawiso Xukuumadda Midowga Yurub.

Xafiiska aya Hodan fadhiisatay ayaa ka mid ah shan xafiis oo la taliya shanta waaxood ee ay wasaaradaasi ka kooban tahay, waxaana Maamula Hay’adda CFBB(Center for British Teache’s), taasoo shaqaalaha ka hawlgala oo ah Qurbajoogta Somaliyeed Imtixaan ka qaaday Lix bilood ka hor, iyadoo mashruucu socon doono muddo laba sano ah.
Jagadan ay buuxisay Hodan Axmed Siilaanyo waxa banaysay Gabadh la yidhaahdo Naciima Maxamed Bashiir taasoo ka mid ahayd xubnaha Qurbaajooga ah ee Imtixaankii hore ku guulaysatay. Hase yeeshee si rasmi ah looma oga in ay Ina Axmed Siilaanyo jagadaas Imtixaan u gashay iyo inkale.
Dhinaca kalena waxa maalmahanba Imtixaan u socday shaqaalaha Wasaaradda Warfaafinta iyo wacyigalinta kuwaasoo isugu jira Wariyayaal, Farsamayaqaano, Maamul waxaana soo baxay natiijadii u horeysay ee Imtixaankaas oo ay u fadhiisteen in ka badan boqol wariye, waxaana imtixaankaas dhacay afartameeye ka mid ah shaqaalahaas.
Shaqaalaha dhacay ayaa ka werwersan mustaqbalkooda waxaanay su’aal weyni ka taagan tahay in loola dhaqmi doono sidii shaqaalihii wasaaradda ee Imtixaanka dhacay balse markii danbe waxbarashada loo furay ee dib u wada baasay iyadoo mushaharkoodii u socday iyo in banaanka la wada dhigi doono
Halbeegnews, Hargeysa
halbeegnet@gmail.com
This post has been viewed 2478 times.






