Xukuumadda Somaliland Oo Xabsiga Ka Sii Daysay Shan Nin Oo Hore Ugu Eedaysna Falal Argagixiso Oo La Sheegay In Falkaasi Lagu Waayey

Posted by on Mar 6th, 2011 and filed under analysis, Archieve, congratulations, featured, Opinion, somaliland news. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Hargeysa (Halbeegnews)– Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ayaa maanta xabsiga ka sii daysay shan nin oo hore loogu eedeeyey inay falal argagixiso ah faraha kula jireen oo muddo laba bilood ka hor ah lagu qabtay magaalo madaxda gobolka Togdheer ee Burco, Wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland oo caawa fiidkii u waramaayey shabakadda caalamiga ah ee Halbeegnews.com ayaa sheegay in shantani nin oo muddo 4 maalmood ah baadhitaankoodu socday gebi ahaanba wax danbi ah lagu waayey isla markaana waarankooda sii daynta uu bixiyey Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo.

Shanta Nin ee maanta xorriyadoodii loo soo celiyey ayaa waxay kala yahiin Yuusuf Faarax, Saleebaan Maxamuud Xuseen, Xasan Maxamed Sh. Cabdilaahi, Khaalid Xasan Sheekh Cabdilaahi, iyo Jaamac Ismaaciil, gebi ahaantood ayaa maanta waxaa laga sii daayey xabsiga dhexe ee magaalada Hargeysa.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Mudane Gaboose wuxuu u sheegay Shabakadda Caalamig ah ee Halbeegnews in gebi ahaanba ay ku caddaan wayday falalkii lagu soo eedeeyey nimankaasi magacyadoodu kor ku xusanyahiin isagoo sheegay Wasiirku in laba ka mid ah raggani xorriyadooda loo soo celiyey ay asal ahaan ka soo jeedaan dalka Soomaaliya halka seddex kalana ay ka soo jeedaan Jamhuuriyadda Somaliland.

Muddo hadda laga joogo laba bilood ayaa qabashada shantani nin waxaa iska kaashaday Sirdoonada Somaliland iyo dalka Ingiriiska iyadoo looga shakiyey inay nimankaasi gacanta kula jireen hawlo ay ku maleegayeen inay falal argagixiso ah ka fuliyaan magaalooyinka waaweyn ee Somaliland.

C/sataar Dubad
Xafiiska Wararka Halbeegnews
Hargeysa, Somaliland
Halbeegnews@gmail.com


This post has been viewed 1215 times.

Leave a Reply

Advertisement

The Most Popular Posts

Halbeeg Archives

Plugin from the creators of Brindes Personalizados :: More at Plulz Wordpress Plugins
Onlined by Samaroon Copyright