Hargeysa (Halbeegnews)– Sida aanu goor dhawayd ku hellay khadka internetka Waraaq dabcan ahayd mid Uu Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland usoo diray Xarunta Madaxtooyada kuna soo hagaajiyey Xoghayaha gaarka ah ee Madaxweynaha loona diray Wasiirka Madaxtooyada Xirsi Xaaji Cali isla markaana uu toos u diray Wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland ayaa lagu sheegay in Dawladda maraykanku ay uu diiday Madaxweynaha Somaliland safar uu ku bixi lahaa bishii February ee sannadkani in loo aqbalo qaab Madaxweyne.
sidoo kale waxa qoraalkani emailka ah lagu sheegay haweenay lagu magacaabo laura baker oo ka tirsan machadka maraykanka ee republicn institute ay la xidhiidhay gabadh lagu magacaabo Pamela oo ka tirsan Waaxda Arrimaha dibadda maraykanka oo diiday in Wasiirka arrimaha dibaddu uu visa-da u dalbo Madaxweynaha balse uu isagu yimaado Nairobi ama Addis Ababa si uu visa-da u dalbado.
Wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland wuxuu qoraalkiisa ku bilaabay “Cali u gudbi qoraalkani Xirsi, dalbadii Visa-du aad ayey u adkaatay, eeg farriintani hoose oo sharaxaysa” ayuu Wasiirku ku yidhi qoraalka,
Haddaba Halbeegnews oo aad uga barateen turjumaadda ayaa waxaanu idiin soo gudbinayna Turjumaadda Emailkaasi oo gabadh lagu magacaabo Laura Baker oo ka tirsan Mac-hadka maraykanka ah ee International Republican Insititute ay usoo dirtay Wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland Maxamed Cabdilaahi Cumar waxaanay Laura Emailkada ay u dirtay Wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland ku tidhi sidani:
“Waxaan imika la hadlay Pamela oo ka tirsan Waaxda Arrimaha dibadda waxaanan kala hadlay arrintii Visa-da Madaxweyne Siilaanyo, Waxay ii sheegtay in Madaxweyne Siilaanyo uu isaga laftigiisu ka dalbaddo Visa-da safaaradaha maraykanka ee Nairobi ama Jibouti midkood soo loo eego in la aqbali karo, markasta oo Visa-da la dalbanayana sida caadada ah waxaa laga raba in faraha laga qaado (Finger Prints), sida daradeed macquul maaha in qof u dalbi karo isaga.
Waxaan kale oo aan weydiiyey wakhtiga ay qaadan karto muddada Visa-du, waxay ii sheegtay in Siilaanyo uu Visa-da dalbado maalmaha soo socda si ay u dedejiyaan in lagu aqbalo muddo seddex usbuuc/todobaad ah , inkasta oo wakhtigu aad u cidhiidhi yahay oo aanay waxba ballan qaadi karaynin.
Waxaan ogahay inaanay ahayn Farriintii aad rajaynaysay laakiin waxaan qaba inaynu hellay macluumaad badan oo inaga dadna ama aynaan hore u ogayn, fadlan isoo sheeg sida aad doonayso in aynu Visa-da u dalabno diyaar ayaanu anagu dhinacayaga u nahay inaanu marti-gelino Wefdiga Madaxweynaha wax kasta oo ay nagu qaadato”. ayaa lagu yidhi Emailkaasi oo ay ku saxeexantahay Laura Baker oo ah La Taliye Sare oo ka tirsan Barnaamijka Mac-hadka International Republican Institute ee xarunteedu tahay magaalada Washington.
Haddaba Emailkii oo aanu sidiisa idiinku soo qaadayno si aad uga bogatan kuna qoran luuqadda ingiriisigu waa kani ee akhris wacan:
aakan EMAIL kii arintan cadeynayey:
From: momar@hotmail.co.uk
To: sl_victory@hotmail.com
Subject: FW: President’s Silanyo’s trip to US
Date: Tue, 15 Feb 2011 12:14:30 +0000
ALi,
Please pass on this to Hirsi. The visa process is getting complicated. See the message below.
MOhamed Abdillahi Omar.
I just spoke with Pamela from the State Department about the visa process. She informed me that President Silyano must apply in person in Djibouti or Nairobi in order to start processing his visa. All visa applicants have to be fingerprinted when they apply, so it is impossible for someone to drop off the paperwork on his behalf.
I also asked about the processing time for the visa. She that that if Silyano could apply within the next few days, that they could push to have it approved in three weeks, although it would be very close and they can’t guarantee anything.
I know this wasn’t the answer you are looking for, but at least it gives us some clarification. Please let us know how you would like to proceed. We are ready on our end to accommodate whatever makes sense to you and the delegation.
Take care,
Laura Baker
Senior Assistant Program Officer
International Republican Institute
1225 Eye St NW
Suite 700
Washington, DC 20005
(202) 471-3647
Halbeegnews, Hargeysa
halbeegnet@gmail.com
This post has been viewed 1939 times.







