Hawraarta Halbeegnews: Faysal Cali Waraabe Waa Halgama, Geesi, Daacadnimada Somaliland Meel Dheer Ka Taagan

Posted by on Jul 26th, 2011 and filed under Editorial, literature, today's top stories. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Hargeysa (Halbeegnews)– Guddoomiyaha xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe Waa Geesi, Halgama, ilaahay ku manaystay daacadnimo iyo Qarran jecayl inbadan oo xilal ummadda u haysa aanay lahayn, Eng. Faysal Cali Waraabe wuxuu naftiisii, hugiisii, hoygiisii,ooridiisii iyo Caruurtiisii ka door biday inuu qaranimada Somaliland  mid dheer iyo ku gaabanba u koro.

9 sannadood ee ugu danbeeyey ee Somaliland ku naaloonaysay nidaamka dimuqraadiyadeed Eng. Faysal Cali Waraabe wuxuu Qaranimada iyo juhdiga Somaliland darteed u maray meel aanay u marin caada qaatayaal badan oo xilal ku cumaadan, kuwaasi oo badankood lagu keenay is xanbaar isla markaana usoo shilin doontay danyarta reer Somaliland.

Eng. Faysal Cali Waraabe waa nin quluubtiisa iyo niyadiisuba ay ku dheehantahay Somaliland, waa nin haddii uu maanta Somaliland hogaan u noqon lahaa ay hubaal ahayd inaanu ka door bideen in afar qoyskiisa ahi Madaxtooyada qarranka ka hawl gallaan, waa nin Qabiil hore uga koray una koray Qaranimo iyo dad jeceyl.

Akhriste u fiirso Nimanka doonaya inay xisbiga UCID Hogaan ka noqdaan waa qaar hore u fashilmay oo xilalkii umadnimo kuwooda gaar ahaaneed ka door biday, C/raxmaan Ciro ummaddu waxay dooratay isagoo 65 Kg miisaankiisu yahay maantana 100 Kg ayuu kor u dhaafaya, wuxuu todoba sannadood ku dhawaad ahaa ninka seddexaad ee ugu awood badan qarranka wuxuu hayey xilkii golaha sharci dejinta oo ah hawsha ugu miisaan culus qarranka Somaliland wuxuu hawshiisii ka door biday inuu todobadii sannadood ee uu xilka hayey Yurub iyo waqooyiga amerika wareego.

Xisbiga UCID ka weyn wax xil fadhiid loogu doono, waxaana hubaal ah in koox xilkii ummadda  Khasaare ku  ahi aanay xisbiga UCID ka dhigan sidii Xisbiga KULMIYE ee noqday Tareen intii Garadag ku shirtay ay madaxtooyada dalaq tidhi.

Halbeegnews waxay cod dheer ugu gudbinaysa Saxaafadda Somaliland in ay ilaaliyaan sharafta iyo karaamada xisbiga UCID isla markaana aanay ayidin baaqii ka soo baxay kooxdii faashilka ahayd ee u badheedhay burburka xisbiga UCID, Ogow Suxufi Burburka UCID wuxuu ka dhiganyahay burburka dimuqraadiyadda Somaliland, waxaa ugu danbayntii ayaan darro ah Madaxweynaha qolka Madaxtooyada ku qulufan ee xilkiisii halmaamay, Madaxweynaha xilkiisu waxay ahayd ilaalinta Qaranimada, Jiritaanka iyo Dimuqraadiyadda somaliland wuxuu doorkiisu ahaa in dhibaatadani oo kale uu xal gurmad ah ka gallo oo uu dhex dhexaadiyo balse Madaxweyne Siilaanyo wuxuu u muuqda nin dhoosha danbe ka qoslaya

Halbeegnews, Hargeysa

halbeegnet@gmail.com


This post has been viewed 722 times.

Leave a Reply

Advertisement

The Most Popular Posts

Halbeeg Archives

Plugin from the creators of Brindes Personalizados :: More at Plulz Wordpress Plugins
Onlined by Samaroon Copyright