Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Maxamed Cabdilaahi Cumar weraysi uu siiyey warbaahinta wuxuu u sheegay in Shirkii ka dhacay magaalada Steyning uu hadal ka jeediyey wuxuuna Weraysigaasi Wasiirku ku sheegay in shirkaasi ka dhacay magaalada yar ee Steyning inuu faa´iido u lahaa Somaliland, wuxuuna carabka ku dhuftay in shirkani uu yahay mid ka duwan kuwii hore ee Soomaalida loo qabtay, Wasiirku wuxuu sheegay inaan loo baahnayn marka shirarkani oo kale laga qayb gelayo in tallo wadaag siyaasadeed laga yeesho isla markaana ay arrintani tahay mid xukuumadeed oo aan u baahnayn in lagala tashado golayaasha Qarranka.
1.
Wasiirku Wuxuu Sheegay Inuu Shirku Ahaa Mid Caalami Ah Oo Aan Loo Qaban Soomaaliya Inagoo jawaabta su´aashani ku dabaqayna weedhahii ku qorna Warbixintii ugu danbaysay ee shirka laga soo saaray isla markaana ay soo saareen Xaruntani Wilton Park waxaa Gundhig U Ahaa Shirka oo Ciwaan looga dhigay Somalia Building Stability, Accepting Reality Haddii aynu gundhiga shirka macnayno weedhaha uu ku qoranyahay wuxuu ahaa oo afka soomaaliga ku noqonaya macnawiyan Soomaaliya Dhisidda Deganaanshaha iyo Aqbalsiinta Xaqiiqda Jirta, Wasiirku wuxuu sheegay inuu shirka uga qayb gallay isagoo matalaya Somaliland, Su´aasha wasiirka hor taalla waxay tahay Adduunyadu ma aqoonsantahay Somaliland madax banaanideeda (Does the international Community including those bodies who attend this conference acknowledge the recognition of Somaliland), Somaliland lama aqoonsana adduunyaduna waxay u aqoonsantahay gobol ka tirsan Soomaaliya, cidda aynu xaqeena kula gorgortamaynaana waa Beesha caalamka laftigeeda, marka Wasiirka waxaa looga fadhiya inuu si cad usoo bandhigo Casuumadda rasmiga ah ee shirkaasi loogu fidiyey inuu ku matalayo Qarran Somaliland ah.Marka kale inagoo ku noqonayna Weedhahii ku qorna Warbixintii kama dambaysta ahayd ee laga soo saaray natiijaddii shirka Seddexda Maalmood socday isla markaana bar bar dhigayna sheegashada Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland ayaa waxaa keliya Somaliland lagaga sheegay hal meel ama qodob keliya qodobkaasi keliya ee shirka lagaga sheegayna wuxuu u dhigna sidani isagoo afka ingirisiga ku qoran What lessons can we learn from areas of relative stability, in particular about peace building in Somaliland, Puntland and Galmudug?. Haddii aynu weedh weedh u macnayno waxay noqonaysa Maxaa Casharo Beesha caalamku ka baratay goobaha kale ee Soomaaliya ee nabadi ka jirto sida Somaliland, Puntland iyo Galmudug.
Qodobkaasi wuxuu si cad oo aan mugdi ku jirin u caddaynaya in Somaliland shirka ay uga qayb gashay iyadoo ah gobol ama qayb ka mid ah Soomaaliya waxaana qodobkaasi uu ina macno tusaysa in Somaliland, Puntland iyo Galmudug ay yahiin goobaha nabadda dalka Soomaaliya.
2.
Wasiirku Wuxuu Sheegay Inuu Hadal Ka Jeediyey Shirkaasi Akhristayaal inagoon meel kale caddayn uga raadin isla markaana aan mala´awaal kale doonin Warbixintii ugu danbaysay ee habeenkii xallay ahaa laga soo saaray Shirkaasi oo si cad u iftiiminaysa gebi ahaanba siduu shirku u dhacay, cidii ka hadashay, cidii faalo ku darsatay cidii doodda ka qayb gashay waxaa Warbixintu xustay in magacyadani oo keliya ahi ay hadleenMaalintii 1-aad Ee Shirkaasi Isniin 07/02/2011
1. Waxaa Khudbadii ugu horaysay ee Furitaanka Shirka Furtay Gabadha magaceeda la yidhaahdo Camila Fenning oo ah Madaxa Barnaamijyada Doodaha ee xarunta Wilton Park
2. Mrs Sally Healy Oo ah Gabadh ka socotay Xarunta Cheltanham House isla markaana ah khabiirad aad ugu dhaw Arrimaha Soomaaliya
3 Mark Bowden Oo Ah Xidhiidhiyaha Barnaamijyada Gargaarka ee Qaramada Midoobay u Qaabilsan Soomaaliya
4. Augustine Mahiga Oo ah wakiilka xoghayaha guud ee qaramada midoobay u Qaabilsan Soomaaliya
5.Maxamed Cabdilaahi Oomaar Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Dawladda Federaalka Soomaaliya
6.Professor Ken Menkhaus Oo Ah Gabadh Cilmiga Siyaasadda iyo xidhiidhka Caalamiga ah ka barta Kuuliyadda Davidson ee ku taalla Gobolka Waqooyiga Carolina ee dalka maraykanka
7.Andre LeSage Oo Ah Xeeldheere Arrimaha Ammaanka Difaaca wax laga weydiiyo oo ka tirsan Mac-hadka Barashada Istaaratijiyada ee Jaamacadda Difaaca ee Magaalada Washington
Ajandaha Shirku wuxuu Ahaa: Soomaaliya iyo Wakhtiga Fog Ama Soomaaliya iyo Qorshaha Fog
Waxaa Ka Hadlay
8.Jeremy Brickhill Oo Ah Khabiir Si Madax Banaan La Taliye U Ah
9.Susana Malcorra Oo Ah Madaxa Qaramada Midoobay U Qaabilsan Gargaarka Goobaha
10. Kirsti Samuels Oo ah Qoraa isla markaana lafa gura isla markaana fallanqeeya arrimaha dhismaha qarran iyo qorshayaashooda
11. Pat Johnson Oo Ah Sarkaal Sare oo ka tirsan Haayadda Nabadda Ee Soomaaliya (Interpeace)
Maalintii 3-aad Ahaydna Maalintii Ugu Danbaysay Ee Shirka
Wuxuu Ajandahah Shirku Ahaa In La Lafa Guro Qodobadii Xubnahaasi Ka Hadleen
Waxaa Maalintaasi ay xubnahu lafa gureen qodobadii laga hadlay, waxaana ugu danbayntii Maalintaasi khudbadii shirka lagu soo xidhay hadal ka jeediyey Augustina Mahiga oo ah Wakiilka Qaramada Midoobay Ee Soomaaliya
Akhristayaal Intaasi Waa Xubnahii ka hadlay Shirka isweydiinta waxay tahay, isla markaana qumanayd inuu wasiirku ka hadlo Sababta magaciisa loogu xusi waayey Warbixinta Waxaa Warbixinta si cad ugu xusan magaca Wasiirka Arrimaha Dibadda Ee Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Oomaar oo shirka hadal ka jeediyey maalintii ugu horaysay isaguna ahaa keliya qofka Soomaali aha ama matalaayey Soomaaliya ee shirkaasi ka hadlay Qoraalkaasi oo aanu hore idiinku soo gudbinay isagoo ku xardhan Barnaamijka PD File halkani guji oo is bar bar dhig magacyadani iyo kuwa ku qoran Warqadaasi
http://www.farshaxan.com/WP1078_Provisional_Programme_%20151210_3.pdf
Haddaba Wasiirka sheegashadiisu Maxaynu u macnayn karna ma inaga waalan mise cadan ayaa laga heesaya.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Wuxuu Sheegay In Shirkani Uu Ka Duwanyahay Kii Hore Ee Soomaalida Loo Qaban Jiray Akhristayaal Inagoo Mar kale soo ictiraaraqayna isla markaana ka tusaale qaadanayna Warbixintaasi shirka ka soo baxday ayaa anigoo Tusaale idiinka soo qaadaya ujeedada shirka gundhiga u ahayd waxaa bilawga Warbixinta lagu yidhi
The international community needs to work with Somalis to build stability in their country and deny space to those who cause harm. The security threats posed to Somalis, the region, and the international community are serious and growing. Security symptoms will not be solved without addressing the cause, in particular chronic and endemic instability. The aim of the conference, hosted by the Foreign and Commonwealth Office is to agree on the international activity needed to deliver long-term political change in Somalia. Discussion will focus on the key policy issues and strategic choices, agreeing what is needed to help Somalia move forward, and how. We will learn lessons from elsewhere on counter-insurgency and state-building operations. The resulting action plan will help build a coherent international approach and maximise the impact of our collective effort.
Objectives:
-
To secure agreement on the long-term policy solutions and the framework required to effect real change in Somalia;
-
To identify helpful and unhelpful forms of international intervention and therefore to agree how the international community can best provide assistance;
-
To develop an action plan to implement the above, including strategic choices and means/methods of implementation.
-
To help Somalia move from a ‘country in crisis’ towards normalisation of the Somali ‘space’.
Turjumidda Ajandaha Shirka Oo Aynu Weedh Weedh U Turjamayno
Beesha Caalamku Waxay u baahantahay inay kala shaqayso Soomaalida sidii ay dalkooda ugu soo dabaali lahaayeen Deganaansho isla markaana ay iskaga saari lahaayeen kuwa dhibaatada ku haya dadka Soomaalida, Khatarta Ammaan ee ka jirta Soomaaliya, gobolka iyo Caalamka oo dhan waa mid aan la dhayalsan karin oo sii soo kordhaysa, dhibaatooyinkaasi ammaan darro lama xallin karo ilaa aan la taaban oo aan la gorfayn waxaa u ah sabab ah gaar ahaana mushkiladdani aan xalka lahayn ee soo noq noqonaysa.
Ujeedada Shirkani oo ay fududaysay Wasaaradda Arrimaha dibadda iyo Barwaaqo Sooranka ee dalka ingiriisku wuxuu ku saabsanyahay sidii dedaaladda caalamiga ah ee ku wajahan xalka Soomaaliya ay u noqon lahaayeen qaar midho dhala oo muddo badan waari kara hormoodna u noqon kara isbedel siyaasadeed oo la taaban karo kaasi oo jiri kara wakhti badan, fallanqaynta Kulankani wuxuu ku saabsanaan doona arrimaha siyaasadeed ee ugu muhiimsan iyo kala doorashada jihooyinka la raacaayo iyadoo la isku raaci doono tallaabada ugu weyn ee looga baahanyahay sidii Soomaaliya hore ugu socon lahayd iyo qaabkii arrintaasi loo heli lahaa, Waxaanu casharo ka baran doona meelaha kale ee deganaanshahu ka jiro sidii taasi loogu dabaqi lahaa dhisida qarrankii Soomaaliyeed, go´aanada natiijadda noqon doonaana waxay qorshe u noqon doonaan sidii ay uga caawin Soomaalida dedaal aan loo kala hadhin oo beesha caalamku ay ku kordhin doonto tallaabooyin kasta oo xal lagaga gaadhayo dhibta jirta.
Ujeedooyinka Shirka
-
Sidii Heshiis rasmi ah looga gaadhi lahaa xalka ku sallaysan siyaasad qoto dheer iyo iskaashi buuxda oo laga yeesho sidii isbedel dhab ah looga gaadhi lahaa dhibta soomaaliya
-
Sidii loo heli lahaa ee la loo xaqiijin lahaa faa´iidada iyo faa´iida darrada ay faragelinta Beesha Caalamku ku leedahay arrimaha Soomaalida iyo sidii meel la iskula dhigi lahaa sidii Beesha caalamku ay gacan wax ku ool ah u siin lahayd Soomaaliya
-
Sidii loo horumarin lahaa Qorshe wax ku ool ah oo ku saabsan sidii loo fulin lahaa qodobada kor ku xusan kuwaasi ay ku jirto kala doorashada istaratijayadeed iyo qaabkii iyo loo fulin lahaaba
-
Sidii Soomaalida gacan looga siin lahaa inay dalkooda ka saaran carqaladda iyo dhibta kuna hagaan dalkooda degenaansho iyo nabadgelyo Soomaalida dhex marta
Haddana Iyadoo Shirka Ujeedadiisa Qodobadii Aas Aasiga ahaa Ee Lagaga Dooday Lagu Fallanqaynaayo la sii wada Waxaa Warbixinta Lagu yidhi:
-
What do we envisage Somalia to look like in 2015 – what is our vision and that of Somalis?
-
What should happen after August 2011? What would the international community be unable to support?
-
How could the Transitional Federal Institutions be held to account for the delivery of the transitional tasks by the international community and the Somali people?
-
How can the progress made in developing the Transitional Federal Institutions be protected beyond the transition?
-
How to ensure that the process of agreeing a Somali Constitution brings Somalis behind the peace process and brings in those not currently part of the TFIs?
Turjumaadda Qodobada Afka Soomaaliga
-
Maxaa Dhici Doona Ka Dib August 2011, Maxaanay Beesha Caalamku Awood U Lahayn Inay Wax Ka Qabato
-
Sidee Qodobadda Aas-aasiga u ah Qaab Dhismeedka sharciyeed looga dhigi lahaa qaar hanta oo soo jiita bulshada caalamka iyo Soomaalida laftigeeda
-
Sidee Qaabka Ku meel gaadhka ah iyo Xeerarka ku meel gaadhka ah looga dhigi lahaa qaar hanan kara oo jooga noqda
-
Sidii Loo Xaqiijin Lahaa ee la iskugu raaci lahaa in Dastuur dhab ah oo Soomaalida loo sameeyo ay noqoto natiijadda rasmiga ah ee ka danbaysa in lagu soo daro Hanaanka Federaalka qaybaha ka maqan oo ah dabcan (Somaliland puntland iyo Galmudug)
Haddaba Isweydiintu Waxay Tahay Faa´iidada inoogu jirta ma waxay tahay in aynu qayb ka noqono oo Beesha caalamku aynu faan kaga helo inaynu nahay qayb ka mid ah Soomaaliya sida Puntland iyo Galmudug oo degenaansho haysta, miyaanay ka hor imanaynin Mawqifkii Qaranimad iyo Madax Banaanida Jamhuuriyadda Somaliland ee ahaa in aan la fadhiisan Goob Qaranimada Somaliland la mid tahay gobol sida Galmudug iyo Puntland, Ma Wasiirka ayaa hadalkiisu saxyahay mise tallow Warbixinta Shirka ka soo baxday. Waa Mid u taalla shacabka Somaliland Ee 1991-kii ku gaadhay Madax banaanidooda isla markaana 2001-dii %97 ugu codeeyey in Madax banaanida Somaliland ay ayidsanyahiin.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland wuxuu ku sheegay Weraysigiisa in Wasaaradiisu ay u madax banaantahay wixii waajib ah oo ay ka mid tahay in shirkani ay ka qayb gasho oo dabcana ah shir Somaliland mansab ahaan ay la mid ahayd Puntland iyo Galmudug, Wasiirku Miyuu iloobay Qodobka Dastuurka Somaliland ee u dhigan sidani Xubinta 3-aad Qodobka 94-aad faqradiisa 4-aad ee Dastuurka Somaliland oo si cad u iftiiminaysa Awoodda xubinta golaha wasiiradda ku jirta inaanay awood u lahayn wax ka baxsan axdiga qarranka qodobkaasi oo fasilan wuxuu u dhiganyahay sidani “Wasiirada ama Wasiir-ku-xigeenadu ma qaban karaan shaqo kale oo ka baxsan tan Qaranka”.
Dabcan jawaabta su´aashaasi waa mid fudud, waana maya kama qayb geli karo Somaliland maaha xero digaag, waa qarran leh shuruuc u yaalla, wuxuu leeyahay Dastuur ay ummaddu u codaysay, waxaana qodobada dastuurku iftiiminaya in Haddiiba ay dhacayso in Soomaaliya oo ah dalkii ay midnimadu ma inaga dhexaysay wada hadal mar inoo furmaayo inay noqoto mid tallo qarran laga yeesho, tallada qarranka waxaa looga jeeda Xukuumadda, Baarlamaanka, Axsaabta, Ururada Bulshada ka dibna shacabka si dimuqraadi ah loogu soo bandhigo shacabkuna ay u cod qaadaan “constitutional Mandate”,.
Wasiirka Su’aalaha Inuu Ka Jawaabo U Baahan
- Inuu Soo Bandhigo Qaabkii Shirka Loogu Casuumay? Meeqaam Ahaan siduu sheegay waxaa loogu casuumay meeqaam la mid ah sida Ethiopia, Kenya iyo Yuganda?
- Inuu Soo Bandhigo Faa’iidada Ugu Jirta Somaliland in aynu la meeqaam noqono Puntland iyo Galmudug?
- Wasiirku wuxuu sheegay inuu Khudbad ka jeediyey Shirka Maxaa loogu dari waayey magaciisa Minuteska shirka ka soo baxay (Key Note Speaker) marka laga reebo 11 magac ee kor ku xusan?
- Markuu Wasiirku leeyahay Faa’iido ayaa shirka inoogu jirta Muxuu U Jeeda, Haddiiba uu leeyahay Shirka Somaliland oo ah qarran la aqoonsanyahay sida Kenya iyo Ethiopi ayaanu uga qayb gallay waa inuu keeno oo idin tuso caddayntii (official invitation letter) la mid ah in lagu casuumay Somaliland si la mid ah Ethiopia iyo Kenya?
- Shir kan ku xiga ayaa ka dhici doona Yuganda sannadka badhtamahiisa kaasi oo lagu sii ambaqaadaayo shirkani Wasiirku wuu ka qayb gallaya, waa inaad wax ka weydiisaan
- Shir lagu qabanayo Maraykan oo la iskugu keenaayo Somaliland, Puntland iyo TFG oo uu qabanayo Donald Payne oo isagana uu Siilaanyo March ka qayb galayo muxuu ka ogyahay wasiirku
Mohamed Abdi Hassan (diridhaba)
Halbeegnews, Editorial
halbeegnet@gmail.com
This post has been viewed 1288 times.







waa cadasay balse dhago uma laha dawda siiranyo waayo way ku mamasan tahay inay la midawdo somalia dadkan ula hadasho sii caruur aan waxba fahmay wuxuu u haystaa in la joogi 1960 ay dadka in yari wax qori jirtay akhroiyina jira taasi oo suuro galisay inay inaga lunto xoriyadeenii 1960 kuna dhacdo bohol dheer balse maanta waa tii uu ku dhimanayay ma ku tagayay isaga iyo inta kursi isku xejiska ee doonaya inay dadka caad indhaha ka saaraan haday tahay baarlamaan wasiir guurti ma dhacayso midaw danbe sidii abdirahmaan tuur baad adigoo afar reekaga ah wata siiraanyow tagi xamar balse maah somaliland ku qanac