Hargeysa (Halbeegnews)– Guddida joogtada ah ee golaha Wakiiladda Somaliland ayaa maanta kulan aan saxaafadda goob joog looga dhigin waxay la yeesheen Wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland Maxamed Cabdilaahi Cumar.
Kulankani oo aan hore loo shaacin balse hadal hayntiisu aad suuqa ugu jirtay ayaa xubno u xogogaal ahaa oo Halbeegnews maanta uga waramay ajandayaashii lagaga hadlay waxaa ka mid ahaa socdaaladii Wasiirka Arrimaha dibaddu uu tiraba seddex jeer oo aan kala fogayn kaga qayb gallay shirar loo qabtay kooxaha Soomaalida, Guddidu waxay Wasiirka weydiiyeen su’aalo la xidhiidha sababta ay Wasaaradiisu ula socodsiin wayday golayaasha qarranka kulanada noocaasi ee xasaasiga ah, waxaa sidoo kale lagaga hadlay kulankaasi oo Guddidu ay su’aalo ka weydiisay Wasiirka Qaraarkii labada gole ee Somaliland soo saareen sannadkii 2000 ee ka mamnuucaayey madaxda Somaliland inay ka qayb gallaan Shirarka Soomaalida.
Kulanka ayaa la sheegay inuu ahaa mid weerar iyo isdaacid u badan iyadoo Wasiirka Arrimaha dibaddu uu ku difaacaayey siyaasadda cusub ee Xukuumadda oo uu sheegay inay tahay siyaasad cusub oo qarranka waxtar badan u leh, balse Wasiirku kulankaasi wuxuu kaga war wareegay inuu si toos ah u qirtay inuu jabiyey Xeerkii golayaasha Qarranku u dhigeen ka qayb galka shirarka Soomaalida
Halbeegnews, Hargeysa
halbeegnet@gmail.com
This post has been viewed 1991 times.







