Mucamaral Qaddafi Oo Ballan Qaaday In Lagu Abaal Marin Doono 400,000 Dollar Ninka Soo Qabta Hogaamiyaha Mucaaridka

Posted by on Mar 10th, 2011 and filed under literature, today's top stories. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Tripoli (Halbeegnews.com)– Hogaamiyaha dalka Libiya Mucamaral Qaddafi oo todobaadyadii ugu danbeeyey la dala-dhacaayey kacdoono kaga furmay dalkiisa xoogaga mucaarid ah oo todobaadkii hore gacanta ku dhigay magaalo madaxdii labaad ee dalka Libiya Bengazi ayaa maanta gelinkii danbe Hogaamiyaha Libiya isagooku la hadlaayey taageerayaashiisa mid ka mid ah qasriyadiisa magaalada Tripoli wuxuu sheegay in loogu abaal gudi doono 400,000 dollarka maraykanka ah nolol iyo geeri ninka gacanta ku soo dhiga Hogaamiyaha jabhadda kacdoonka ka wadda ee todobaadkii ugu danbeeyey dagaalada aan waxba la iskula hadhin kula jirta Taliskiisa.

Mucamaral Qaddafi wuxuu sheegay in Haddii ciidamadda cirka ee dalka Libiya lagu soo rogo cunaqabatayn dhinaca duulimaadyada ah (No Fly Zone) in taasi ay horseedi doonto wuxuu ku tilmaamay masiibo horleh wuxuuna sheegay inuu ku dhiman doono nolol iyo geeriba dalkiisa hooyo isagoo ku gacan saydhay isla markaana wax lagu qoslo ku tilmaamay baaq dhawaan uu jeediyey Madaxweynaha dalka Maraykanka Barack Obama.

Hadalkani ka soo baxay Hogaamiyaha Libiyaha ayaa ku soo beegmay iyadoo xoogaga u daacadda ah Qaddafi ay maanta ka qabsadeen xoogaga mucaaridka ah Magaalada Istaaritjiyadda ku muhiimka ah ee dhinaca galbeedka u taalla ee Sahwiya oo todobaadkii hore kooxaha mucaaridka u gacan gashay

Wararka Dalka Libiya iyo weliba kuwa caalamiga ahba kala soco Hormoodka warbaahinta Geeska Halbeegnews.com ama Halbeegnews.net

Mohamed Abdi Hassan (diridhaba)

Halbeegnews, London Uk

diridhaba@gmail.com


This post has been viewed 832 times.

Categories: literature, today's top stories
Tags:

1 Response for “Mucamaral Qaddafi Oo Ballan Qaaday In Lagu Abaal Marin Doono 400,000 Dollar Ninka Soo Qabta Hogaamiyaha Mucaaridka”

  1. Dirie uk says:

    Waa filayay

Leave a Reply

Advertisement

The Most Popular Posts

Halbeeg Archives

Plugin from the creators of Brindes Personalizados :: More at Plulz Wordpress Plugins
Onlined by Samaroon Copyright