London (Halbeegnews)-02/02/2013- Iyadoo maalin walba hannaanka casriga ah ee tiknoloojiyaddu iyo qaabka wararka loo gudbiya ay ku socoto masaafad aad u baaxad weyn ayaa durtaba Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya wuxuu si rasmi ah isaga iyo xafiiskiisa warbaahinta qaabilsani ula jaan qaadeen horumarka dhinaca tiknoolajiyadda iyo qaabka wararka loogu gudbiyo dunida iyo warbaahintaba.
Habeen Hore ayaa Xafiiska warbaahinta ee xarunta madaxtooyada Soomaaliya Ee Villa Soomaaliya waxay daaha ka fayday bog cusub oo ay ku yeelanayaan barta Youtube kaasi oo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu si maalinle ah ugu gudbin doono kolba wixii ku soo kordha safaaradiisa, hawlaha siyaasadda, iyo weliba waxyaabaha kale ee muhiimka ah.
Sidoo kale madaxtooyada Soomaaliya ayaa waxay si toos ah uga hawl-gasha bogoga Twitterka iyo Facebook oo ay bulshada caalamka kula socodsiiso dhaq-dhaqaaqyada kala duwan ee ay samaynayso taasi oo ah horumar laga gaadhay dhinaca tabinta warka, tusaale ahaan arrintani ay dawladda Soomaaliya iyo madaxweyne Xasan ku dhaqaaqeen ayaa waxaa hore u suurtagaliyey guriga cad ee dalka maraykanka, xafiiska Ra’isal wasaaraha ingiriiska Downing Street No.10 iyo dhammaanba xafiisyada madaxda iy ra’isal wasaarayaasha dunida ilaa Afrikada dimuqraadiyadda ah kuwaasi oo bogog ku leh Youtube iyo Facebook.
Qaab gudbintani casriga ah ee wararka loogu gudbiyo youtube iyo Twitterku waxay qayb weyn ka cayaaraan iibinta qaddiyadaha iyo weliba sumcadda qarran kasta oo dunida koonkeeda ah, taasi oo malaayiin qof oo aan aqooninba ay ka daalacdaan bogoga twitterka iyo youtube oo fududeeyey maqal iyo muuqaal
Somaliland Oo Qarni Badhkii Ka Hor Weli Taagan Kana Huruda Waaga Cusub Ee Tiknoloojiyadda Iyo Wararka Loo Gudbiyo
Xarunta madaxtooyada ee Hargeysa waxaa ay leedahay Afhayeen la sheegay inuu masuul ka yahay qaabka tabinta wararka, hawlaha saxaafadda iyo weliba gudbinta nuquladda warsaxafadeedyada iyo habaynta shirarka sharaa’id ee xarunta madaxtooyada.
Madaxtooyada Somaliland ayaa waxay gebi ahaanba ka dhacsan qaabka cusub iyo waaga u baryay nidaamka tabinta warka mana laha habayaraate bog Youtube hana sheegin inay kaba war hayaan oo aqoonba u leeyahiin bogogaga Twitterka iyo Facebook qaabka warka loogu xidhiidhiyo bulshooyinka reer Somaliland ee dunida daafaheeda ku nool iyo weliba qaabkii wararka xarumaha dawladaha oo isku bedelay nidaam casri ah isla markaana qiyaamahii ka soo gudbay nidaamkii qaydhiinka warka loogu gudbin jiray.
Afhayeenka madaxtooyada Axmed Saleeban Dhuxul oo hore u ahaan jiray weriye ka hawl galla warbaahinta Somaliland ayaa la sheega inuu keliya wax ku qoro luuqadda afka Soomaaliga isla markaana aanu qorin isla markaana akhriyin luuqadaha kale ee dunidu ku xidhiidho taasi oo caqabad ku ah iibinta xogta wararka ee Somaliland oo ay ahayd inuu laf dhabar u noqda.
Tusaale Hoos Ka Eeg Bogga Youtube Ee Guriga Cad Ee Dalka Maraykanka Iyo Madaxweyne Obama
Haddii aanay Madaxtooyada Somaliland iyo hawl-wadeenadoodu aqoon u lahayn ha la soo xidhiidheen Halbeegnews oo si tabaruc ah ugu hirgelin karta dhammaanba arrimahaasi, haddii kalana bal indhaha ha kala fureen oo ha la jaan qaadaan qaabka casriga ah.
Waxaanu hoos idiinku soo gudbinayna Bogga Youtube Ee Madaxtooyada Soomaaliya Villa Soomaalia iyo muuqaaladdii lagu Furay shallay iyo maanta oo Madaxweynahu safarkiisa uu London ku joogo Bulshada muuqaal ahaan xog joogta ah ka siinayo Daawasho wacan
Halbeegnews, London
halbeegnet@gmail.com
This post has been viewed 622 times.






