Taliyaha Ciidanka Qaranka Oo Ka Waramay Tayadda Iyo Awooda Ciidanka Milatariga S/Land & Duruufaha Nololeed Ee Ay La Nool Yihiin Ciidankiisa Iyo Qoysaskoodu

Posted by on Feb 2nd, 2013 and filed under featured, today's top stories. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can skip to the end and leave a response. Pinging is currently not allowed.

“Ciidanka Qaranku Waxa Uu Ka Hawl Galay Sidii Uu U Joojin Lahaa Ugaadha Oo Laga Daad Gureeyo Xeebaha Galbeedka Dalka”

Hargeysa, February 2, 2013 (Halbeegnews) - Taliyaha Ciidanka Qaranka Somaliland Sareeye Gaas Ismaaciil Maxamed Cismaan (Shaqalle) ayaa ka war-bixiyay marxaladihii Ciidankiisu soo mareen 19-kii sanadood ee la soo dhaafay iyo tayada iyo awooda ay u leeyihiin sugida xuduudaha dalka.Taliye-Ismaaciil-Shaqalle

Taliye Ismaaciil Shaqale waxa uu sidaasi ka sheegay khudbad uu Maanta ka jeediyay sanad-guuradii 19-aad ee aasaaska ciidanka qaranka oo lagu qabtay Taliska Guud ee magaaladda Hargeysa, isla markaana halkaas uu Madaxwayne Siilaanyo darajooyin ku gudoonsiiyey 12-ka Sarkaal ee ugu sareeya Ciidamada kala duwan ee dalka.

Sareeye Gaas Ismaaciil Shaqalle oo ka hadlayay aasaaskii ciidanka qaranka, waxa uu yidhi “Mudane, Madaxweyne, waxa sunne taariikhi ah in dawlad waliba ay yeelato Ciidan Qaran oo ilaaliya sharafteda iyo karaamadeeda, suurta gal ma aha in qaran dhisnaado isaga oo aan lahayn Ciidan ka difaaca Soohdimaha cadawga dibadda iyo mid gudaha laga abuuraba, iyada oo taas laga duulayo waxay Somaliland aasaastay 2-bishii Febarury 1994-kii Ciidanka Qaran, laga bilaabo maalintaas waxa uu Ciidanku Guntiga dhiisha iskaga dhigay isaga oo curdin ah inuu dunka u rito waajibaadka culus ee qaranku u xilsaaray, si uu u hanto waajibaadkaas culus ee la saaray dhismaha cubnihiisa iyo shaqsiyaddiisaba, markaa dadaal dheeraad ah ka dib waxa suura gal noqotay inuu taabo gal noqdo Ciidanka Qaranku.”

Taliyaha oo hadalkiisa sii watay wuxuu intaasi ku daray “Waxa taas ka markhaati kacaysa Xerada aynu joogno oo uu maanta haab haabanayo inuu sugo dhaan Xuduudaha dalka oo dhan, isaga oo aan lahayn mushahar ku filan, mudadaasi 19-ka sanno ah wax uu kaga gudbay duruufihii qalafsanaa ee hortaagnaa Qaran Jacayl iyo Naftii horun-nimo iyo dadaladdii is daba joogga ahaa ee ay Madaxdii Ciidanka Qaranka soo maray ku dadaalayeen, Sannadhihii ugu dambeeyey waxa Ciidanka Qaranka ku soo kordhay dhiig Cusub oo ah Saraakiil cusub, kuwaas oo wax ku soo bartay Kulliyadaha kala duwan ee dalka iyo dalaalka kale ee aynu Jaarka nahay”. Isaga oo hadalkiisa sii watana, waxa uu intaas raaciyey “Waxaanu isagana samaynay Cutubyo aanu si gaar ah u tababarnay oo la yidhaahdo (Camandos) oo si fiican u dababaran oo aanu ugu talo galnay inay Jawaab ka bixiyaan waxyaabaha soo kordha, waxaanu kor u qaadnay Awooda Ciidan Dugsiyada tababaradda ee Ciidanku ku leeyahay, Sheekh, Darar-weyne, Gorayo-Cawl iyo Bixin, kuwaas oo si joogto ah loogu diyaariyo xirfadaha Ciidan oo ah sida Askarta cusub iyo kor u qaadista xirfadaha taliyeyaasha Ciidan ee kala duwaniyo barasha Tiknikada kala duwan ee ciidanku ku hubaysan yahay, waxaanu ku dhaqaaqnay barnaamijka tayeynta Ciidamada oo aanu samaynay sida Kutubta dhisbiniinka lagu baro Ciidanka, waxaanu samaynay Saraakiil khuburo ah oo xambaarsan dhaqanka uu dalkani leeyahay oo ah ilaa diintii, waxaanu ku dadaalnay inaanu dugsiyadaas ka soo saarno Ciidan tayeysan oo u qalma Difaaca qaranka,”ayuu yidhi Jananku.

Taliyaha oo ka hadlayay qodobadii u qabsoomay sanadkii hore ee 2012, wuxuu yidhi “Sannadkii tegay waxa noo qabsoomay inaanu samayno, dhismaha Saldhiga Ciidanka ee Caddaadley, dhamays tirka Kuulliyadda Saraakiisha ee Dararweyne, dhismaha Saldhigga Ciidanka Qaranka ee Burco, Talika Guud oo aanu dib u habayn ku samaynay.”

“Isgaadhsiinta Ciidanka Qaranka oo aanu casriyeyn ku samaynay, dhismaha Xerada Ciidanka Cirka ee Hargeysa oo aanu dib u dhis ku samaynay, hawlaha Ciidanka qaranku qabtaa kuma koobna oo keliya ta waajibka ku ah oo waxa uu la qayb sadaan Ciidanka Bileyska arrimaha Nabad gelyada gobolada kala duwan ee dalka, ciidanka qaranku waxa uu ka hawl galay sidii uu u joojin lahaa Ugaadha kala duwan oo laga daad gureeyo Xeebaha galbeedka dalka iyo Kootarabaanka oo ay isagana kala hawl galeen Bileyska”.

Halbeegnews/Hargeysa Office.


This post has been viewed 627 times.

Categories: featured, today's top stories
Tags:

1 Response for “Taliyaha Ciidanka Qaranka Oo Ka Waramay Tayadda Iyo Awooda Ciidanka Milatariga S/Land & Duruufaha Nololeed Ee Ay La Nool Yihiin Ciidankiisa Iyo Qoysaskoodu”

  1. Sakariye Suufi says:

    ciidaanka qaranka jsl allow daa.

Leave a Reply

Advertisement

The Most Popular Posts

Halbeeg Archives

Plugin from the creators of Brindes Personalizados :: More at Plulz Wordpress Plugins
Onlined by Samaroon Copyright