Madaxweyne Siilaanyo Oo Darajooyinkii Ku Taxay Saraakiisha Ciidamada Somaliland, Kana Qaybgalay Xuska Sanadguurada 19-aad Ee Ciidanka Qaranka:DAAW0 SAWIRADDA

Posted by on Feb 2nd, 2013 and filed under featured, today's top stories. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can skip to the end and leave a response. Pinging is currently not allowed.

Hargeysa, February 2, 2013 (Halbeegnews) - Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed (Siilaanyo) ayaa darajooyin kala duwan ku taxay taliyeyaasha ciidamada, ku xigeenada abaanduulayaasha, Bileyska, Asluubta, Qaranka iyo ilaalada xeebaha Dalka.

Madaxweynaha ayaa ku gudoonsiiyey 12 sarkaal darajooyinka munaasibad maanta loo qabtay sanad guuradii 19-aad ee ka soo wareegtay aas aaskii ciidanka qaranka.

Munaasibadan ayaa waxa Saraakiisha la gudoonsiiyey darajada ciidamada faahfaahin ka bixiyey wasiirka gaashaandhiga Axmed X. Cali (Cadami), isaga oo sheegay in darajada ciidamadu ay la soo mareen jaran jaro kala duwan, isla markaana aad uga fiirsadeen sidii ay ugu bixin lahaayeen habka ugu haboon ee ciidanka loogu taxayo darajada.

Saraakiisha lagu taxay darajada ciidamada ayaa waxa ka mid ah.

Taliyaha guud ee ciidamada qaranka Ismaaciil Maxamuud Shaqalle oo la siiyey darajada Sareeye Gaas

Taliyaha guud ee ciidanka Bileyska C/laahi Fadal Iimaan oo la siiyey darajada Sareeye Guuto

Taliyaha Ciidanka Asluubta Maxamed Faarax Xiirane oo la siiyey darajada Sareeye Guuto

Taliyaha Ciidanka Ilaalada Xeebaha Axmed Aw Cismaan oo la siiyey darajada Sareeye guuto

Abaanduulaha ciidanka qaranka C/laahi Maxmed oo la siiyey darajada Sareeye guuto

Abaanduulaha labaad ee ciidanka qaranka Axmed Cawaale Yuusuf oo la siiyey darajada Sareeye guuto

Madaxweynaha ayaa sidoo kale guddoonsiiyey saraakiil kale oo ka kala tirsan ciidamada kala duwan ee Somaliland darajooyin kuwan oo kale ah.

Halbeegnews/Hargeysa Office.

 

 

 

 

 


This post has been viewed 1595 times.

Categories: featured, today's top stories
Tags:

1 Response for “Madaxweyne Siilaanyo Oo Darajooyinkii Ku Taxay Saraakiisha Ciidamada Somaliland, Kana Qaybgalay Xuska Sanadguurada 19-aad Ee Ciidanka Qaranka:DAAW0 SAWIRADDA”

  1. saleban says:

    taasi waa taan weligay sugayey maanshaa allah

Leave a Reply

Advertisement

The Most Popular Posts

Halbeeg Archives

Plugin from the creators of Brindes Personalizados :: More at Plulz Wordpress Plugins
Onlined by Samaroon Copyright