Hargeysa, February 2, 2013 (Halbeegnews) – Wasiirka Wasaaradda Duulista iyo Hawada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa soo saaray todobaadkan Wareegto uu ku amrayo in hay’adaha kala duwan ee dalka ka hawlgalaa ay bixiyaan Cashuur cusub oo uu ku sifeeyey in Parking-nada Madaarada dalka ee la dhigo baabuurtooda (Airport Parking Fee), kaas oo xusay in baabuurkasta lagu dalaci doono lacag dhan $240 sanadkii.
Wareegtadaas ayuu Wasiirku ku iftiimiyey in baabuurta Hay’adaha bixiya lacagtaas lagu soo rogay in lagu dhajin doono Waraaqo cadaynaya inay bixiyeen lacagtaas cusub, kuwaas oo sida waraaqaha Waddo marista gaadiidka Somaliland loogu dhajin doono Muraayada hore, isla markaana ku hanjabay in hay’adihii u hogaansami wayda amarkaa ama bixinwayda lacagtaasi inaan loo ogolaan doonin inay baabuurtoodu la soo galaan gudaha Madaarka wakhtiyada ay Saraakiisha Hay’adahaasi dhoofayaan ama ay soo dagayaan.
Sida ilo xogogaal ahi ay Shabakadda Caalamiga ah ee Halbeegnews u sheegeen hay’adaha Caalamiga ah ee ay gaadhay Warqadaas Wasiirka Duulista Maxamuud Xaashi ayaa intooda badani ka biyo diiday, kuwaas oo sida la sheegay shuruud uga dhigay bixinta Cashuurtaas aan wadada sharciga ah loo marin inuu Wasiirku soo sharciyeysto oo soo mariyo Baarlamaanka Somaliland si Airport Parking Fee-gaasi uu u noqdo mid sharciya oo la wada ogyahay.
Sidoo kale ilo wareedadaas ayaa waxay intaas ku dareen in qaar ka mid ah Hay’adaha lagu soo rogoy inay bixiyaan lacagtaas cusub ay la xidhiidheen Xafiisyadooda Magaaladda Nairobi, bixinta lacagtaasna shuruud uga dhigay inay soo ogolaadaan Xafiisyadooda dalka Kenya.
Dhinaca kale si aanu arintan wax uga waydiino Masuuliyiinta Wasaarada Duulista iyo Hawada, gaar ahaa Wasiirka Wasaaradaas Maxamuud Xaashi Cabdi ayaanay noo suurta-galin inaanu khadka Telefoonka ku helno.
Halbeegnews/Hargeysa Office.
halbeegnet@gmail.com
This post has been viewed 657 times.






