Dawladda Ingiriiska Oo Faahfaahin Dheeraad Ah Ka Soo Saartay Shirka Soomaaliya Ee London Ka Dhacaya 7-da Bisha May 2013 Qoraalka Oo Aanu Turjunay Iyo Isagii Oo Ingiriisi Ah Akhriso

Posted by on Feb 2nd, 2013 and filed under Audio & Video, Editorial, featured, today's top stories. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can skip to the end and leave a response. Pinging is currently not allowed.

“Shirka Waxaa ka soo qayb gallaya ururadda gobolka, dalalka jaarka, ururadda caalamiga ah iyo kuwa kale, cidda kale ee shirka ka soo qayb gallaysa waxaa si wada jir ah uga tashan doona oo isku raaci doona dawladaha  Soomaaliya Iyo Britain Oo Shirkani Iyagu Wada Qabanaya” Qoraalka Wasaaradda Arrimaha Dibadda 

bulshada caalamku waxay taageero ka gaysan doonta sidii ay gacan u siin lahayd  dawladda cusub oo loo dhanyahay oo laga wada dhex muuqdo, isla markaana dawladda waa inay bilawdo xallinta iyo xal u hellidda arrimaha ugu waaweyn sida ammaanka, degenaansho la’aanta iyo weliba inay gacan wax qabad u muuqata u  samayso dadkeeda Soomaaliyeed.

“Waxaa Shirkani Lagaga Caawinaya Soomaaliya sidii loo dhisi lahaa ciidamadii militeryga iyo ammaanka, Booliiska, Ilaalada xeebaha, iyo habka maamulka maaliyada iyo dhaqaalaha” Qoraalka FCO

“Sannadka 2015-ka gargaarka lacageed ee Britain Soomaaliya siinaysa wuxuu qayb weyn ka qaadan doona dibu dhiska haayadaha ugu waaweyn ee dawladda Soomaaliya taasi oo horseedi doonta in 45000 (shan iyo afartan kun) oo qof oo Soomaali ahi ay shaqo ka heli doonaan, 3000 (seddex kun) oo haween iy hablo  ahina ay heli doonaan hab cadaaladeed, 20,000 oo caruur ahina ay noqon doonaan arday” Qoraalka FCO

London (Halbeegnews)-02/02/2013- Qoraal ay wasaaradda arrimaha dibadda iyo barwaaqo sooranka ee dalka ingiriisku kaga hadlayso qaabka shirka Soomaliya ee London ka dhacaya 7 Bisha May 2013 uu u qabsoomayo ayaa shabakaddani caalamiga ah ee Halbeegnews u suurtagashay inay hesho, qoraalkani oo aan weli lagu daabicin bogga wasaaradda arrimaha dibadda ayaanu idiin soo turjunay isagoo dhamaystiran wuxuuna u dhigna sidani:

Mark Simmons Wasiirka arrimaha dibadda Britain Qaybta Afrika

Mark Simmons Wasiirka arrimaha dibadda Britain Qaybta Afrika

Qoraalkani Waxaa iska leh mulkiyadooda Dawladda Britain iyo haayadaha ay khusayso la dagaalanka Argagixisada, waxaana qoraalkani loogu tallo gallay inay kaa caawiso sidaad u fahmi lahayd su’aalaha ay bulshadu iska weydiinayso shirkani, Baahinta waraaqdani ama qoraalkani waa mid u yaalla oo khuseeya shaacintiisu qaybta warbaahinta ee u Qaabilsan

Shirka Soomaaliya Loo Qabanayo Bisha May 2013-ka

Dawladaha Britain iyo Soomaaliya waxay isku waafaqeen ama isku raaceen inay si wada-jir ah u martigeliyaan shir caalami ah oo loo qabanayo Soomaaliya 07-da Bisha May 2013-ka, ujeedada shirkani waxaa weeyi in la siiyo taageero caalami ah dawladda cusub ee Soomaaliya oo laga caawiyo arrimaha ugu muhiimsan ee hadda hor yaalla si dalka dib loogu dhiso.

Waa Maxay Ujeedooyinka Shirkani Loo Qabanaya

Shirkani wuxuu ka caawin doona dawladda Soomaaliya in laga gacan siiiyo ahmiyadaha ugu mudan ee ay dawladda Soomaaliya codsatay in laga caawiyo kuwaasi oo ay ka mid yahiin dibu-dhiska ciidamaddii Militeryga, Booliiska, ciidamadda Ilaalada xeebaha, waaxda cadaaladda iyo dhismahii habka maamulka maaliyadda Soomaaliya

Maxaa Hadda Muhiim Ka Dhigay Ee  Loo Qabanaya Shirkani Soomaaliy?

Soomaaliya waxay hadda yeelatay baarlamaan cusub oo ay soo xuleen odayaasha dhaqanku iyo Madaxweyne cusub oo uu baarlamaanku soo doortay, natiijadda soo baxday darteed Soomaaliya waxay hadda yeelatay dawladd xallaal/sharci ah muddo dheer ka dib, waxaa taasi usii raaca ka dib markii kooxda mamnuuca ah ee Alshabaab laga saaray magaalooyin waaweyn oo ku yaalla dalka Soomaaliya, taasi waxay sii kordhisay kalsoonida, taasi oo sabab u noqotay in qurbe-joog farabadani ku soo laabanayaan  Soomaaliya, isbedelka ku yimid Soomaaliya sannadkii ugu danbeeyey taasi oo suurtagalisay fursad weyn oo keentay degenaansho iyo amaan ka hirgelay Soomaaliya, waxaanay dawladda Soomaaliya codsatay in laga taageero sidii loo sii xoojin lahaa degenaanshaha ujeedooyinkeedana u gaadhi lahayd.

Maxaa Horumar Laga Gaadhay Shirkii Hore Ee Soomaaliya Loo Qabtay Bishii February

Shirkii loo qabtay Soomaaliya bishii February sannadkii 2012-kii wuxuu door muhiim ah ka cayaaray sidii Soomaaliya looga gacan siin lahaa in la soo afjaro siyaasaddii ku-meel gaadhka ahayad ee ay Soomaaliya ku jirtay, gaar ahaan waxay beesha caalamku shirkaasi si wada jir ah uga gudbiyeen oo ay u direen farriin adag oo ah in xilliga ku meel gaadhku ku soo afjarmo Bishii August ee sannadkii hore 2012-kii, waxaa sidoo kale la qaaday iskaashi caalami ah kaasi oo horseed ka noqday shir golaha ammaanku qabtay oo laga soo saaray qodob axdiyeedkii qaramada midoobay kaasi oo lagu kordhiyey ciidamada naad ilaalinta Afrikaanka ee Soomaaliya jooga oo markii hore tiradoodu ahayd 12000 Askari oo laga dhigay 17000 iyadoo ka dib markii tirada la kordhiyey ay AMISOM u suurtagashay inay horumar weyn samayaan, isla markaana ay qabsadeen magaalooyin iyo degmooyin cusub oo ay ka saareen kooxaha Alshabaabka.

Dawladda Ingiriisku waxay taageero siinaysay tababarka la siinayo ciidamadda nabad sugidda iyo qarranka ee Soomaaliya, iyadoo deeqdaasina u mairnaysay barnaamijka midawga yurub  ee loo yaqaano barnaamika hawlgalka tababarka Midawga yurub (European Union Training Mission (EUTM), taageeradda ay Britain bixinaysay oo iskugu jirtay mid dhaqaale iyo  mid gacmeedba (tababarayaal British ah), Dawladda ingiriisku waxay bixisay qallabka diiwangelinta ee faraha lagu qaado kaasi oo u sahlaya ciidamadda la tababarayo in la aqoonsado, (biometric identification system), kaasi oo ay dawladda ingiriisku hadda ku kordhinaysay kharash lacageed oo dhan 2.4 Milyan oo Pound ka dalka ingiriiska ah  seddexda sanno ee soo socda, waxaa intaasi dheer in Britain ahaan aanu kala shaqaynaynay maraykanka mashruucyo dib loogu dhisayo  xeryaha militeryga oo loo samaynayo ciidamadda Soomaaliya ee magaalada Muqdisho, dawladda Britain waxay ku bixisay 1 milyan oo Pound ingiriiska ka ah, ciidamada AMISOM oo aanu gacan siino ayaa sidoo kale ka qayb ah tababarkani la siinayo ciidamadda Soomaaliya.

Yaa Ka Soo Qayb Gallaya Shirkani Soomaaliya Loo Qabanayo 7 May 2013

Shirka waxaa ka soo qayb gallaya dalal badan sida  dalalka dariska ah, urur goboleedyada  iyo kuwa caalamiga ah iyo weliba ururo waaweyn oo iyaguna caalami ah, cidda kale ee shirka ka soo qayb gallaysa waxaa si wada jir ah uga tashan doona oo isku raaci doona dawladaha Britain iyo Soomaaliya.

Doorkee Ayey Jaaliyadaha Soomaaliya Ku Yeelanayaan Shirkani

Jaaliyadaha Soomaalida ee dalka ingiriisku waxay qayb weyn ka cayaaraan horumarka iyo dibu dhiska ka socda dalkooda hooyo oo ay muddo badan ku jireen, jaaliyadaha Soomaaliyeed ee daafaha dunida ku nooli waxay dadkooda ku sugan dalkii hooyo u diraan lacago ay u mariyaan xawaaladaha lacagtaasi oo ka badan dhammaanba lacagaha iyo gargaarka dawladaha iyo haayadaha caalamigu siiyaan Soomaaliya, iyadoo dawladda ingiriisku ay shirkani weyn la qabanayso Soomaaliya, dawladda ingiriisku waxaa ka go’an inay dhegaysato cidd alla iy ciddii gacan ka gaysanaysa horumarka Soomaaliya ka socda, waxaanu ka hawl gali doona fursad kasta  sidii ay jaaliyaddu cod ugu yeelan lahayd shirka.

Tallow Shirkani Ma Caawin Doona Dadka  Soomaaliyeed?

Shirkani wuxuu si dhab ah u caawin doona dadka Soomaaliyeed, waxaanu gacan ka siinaya shirkani sidii beesha caalamku ay qayb uga gaysan lahayd dibu dhiska Soomaaliya iyo sidii gacan loo siin lahaa dawladda Soomaaliya loogana siin lahaa arrimaha ugu mudan sida dibu dhiska ciidamadda Militeryga iyo ammaanka, Booliiska, ilaalada xeebaha, habka maamulka maaliyadda iyo dhaqaalaha, bulshada caalamku waxay taageero ka gaysan doonta sidii ay gacan u siin lahayd  dawladda cusub oo loo dhanyahay oo laga wada dhex muuqdo, isla markaana dawladda waa inay bilawdo xallinta iyo xal u hellidda arrimaha ugu waaweyn sida ammaanka, degenaansho la’aanta iyo weliba inay gacan wax qabad u muuqata u  samayso dadkeeda Soomaaliyeed.

Degenaansho iyo xasilooni Soomaaliya hesho waxay hoos u dhigi doonta khataraha masiibooyinka dabiiciga ah sida tusaale ahaan abaartii sannadkii hore ee isku bedeshay macaluusha iyo gaajadda taasi oo sababta ugu weyni ahayd degenaansho la’aanta iyo dagaaladda ka jiray Soomaaliya, inkastoo lagu dhawaaqay in macaluushii Soomaaliya ka dilaacday sannadkii hore ay dhamaatay bishii February ee sannadkii hore haddana in ka badan laba malyuun oo qof oo Soomaaliyeed ayaa maanta baahi weyn qaba.

Maxay Dawladda Britain Sabaalaynta/Tixgelinta Intaa Le’eg Ugu Haysa Soomaaliya

Waxaa ka dhaca Soomaaliya wuxuu saamayn toos ah ku yeelanaya xuduudaha ka baxsan Soomaaliya, in Soomaaliya laga caawiyo sidii looga badbaadin lahaa dal fashilmay waxay gacan weyn ka gaysanaysa in la horumariyo ammaanka dalka Soomaaliya waxay sidoo kale qayb ka tahay sidii loo yarayn lahaa khatarta budhcad badeeda, argagixisada, sidii gacan looga siin lahaa dadka qaxoontiga Soomaaliya inay dalkooda dib ugu soo laabtaan, iyo sidii loo hagaajin lahaa nolosha malaayiin qof oo Soomaaliyeed.

In la caawiyo oo gacan la siiyo dawladda Soomaaliya hadda waxay fure u tahay sidii xidida loogu siibi laha arrimaha sababta weyn u ah in Soomaaliya ay ku sii socoto dal fashilmay taasina waxay horseed ka noqon doonta in ammaanka Soomaliya uu dan u noqdo dalalka la dariska ah.

Dawladda Britain waxay ballan-qaaday inay sannad kasta ku bixinayso 63 Milyan oo giniga dalka ingiriiska ah sidii loola dagaalami lahaa arrimaha saamaynaya faqriga iyo collaadaha Soomaaliya ka jira, sannadka 2015-ka gargaarka lacageed ee Britain Soomaaliya siinaysa wuxuu qayb weyn ka qaadan doona dibu dhiska haayadaha ugu waaweyn ee dawladda Soomaaliya taasi oo horseedi doonta in 45000 (shan iyo afartan kun) oo qof oo Soomaali ahi ay shaqo ka heli doonaan, 3000 (seddex kun) oo haween iy hablo  ahina ay heli doonaan hab cadaaladeed, 20,000 oo caruur ahina ay noqon doonaan arday oo ay waxbarasho ku heli doonaan, waxaa sidoo kale la dhisi doona waddooyinka, xarumaha caafimaadka, iyo kaabayaasha dhaqaale sida biyaha iyo laydhka, kuwaasi oo ah arrimaha nolosha ugu muhiimsan.

Fiiro Gaar ah Halbeegnews

Qoraalkani waxaa soo turjumay oo wakhti iyo hanti badani kaga baxday shabakadda caalamiga ah ee Halbeegnews nuqulka ingiriisiga ah ee hoos ku xidhan waxaa keydintiisa iska leh Halbeegnews fadlan dhawra xuquuqda lahaanshaha qoraalka (Copyright)

Halkani Guji si aad u akhrisato Nuqulka Asalka Ah Ee Aanu Turjunay Oo Ingiriisi Ku qoran PDF

Halbeegnews, London

halbeegnet@gmail.com


This post has been viewed 2953 times.

Leave a Reply

Advertisement

The Most Popular Posts

Halbeeg Archives

Plugin from the creators of Brindes Personalizados :: More at Plulz Wordpress Plugins
Onlined by Samaroon Copyright