Madaxweyne Siilaanyo Oo Magacaabay Abaandulaha 2-aad Ee Ciidanka Qarranka Somaliland

Posted by on Feb 1st, 2013 and filed under featured, today's top stories. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can skip to the end and leave a response. Pinging is currently not allowed.

Hargeysa (Halbeegnews)-01/02/2013- Madaxweynaha Somaliland ayaa digreeto labaad oo xafiiskiisa ka soo baxday caawa wuxuu ku magacaabay xil kale oo cusub oo qarrankana ku cusub oo ah abasiilaanyo afqaloocandulaha 2-aad ee ciidanka qarranka Somaliland, waxaana u  u dhigna qoraalka lagu magacaabay sidani:

“Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), waxa uu digreeto madaxweyne oo sumadeedu tahay JSL/M/XERM/249-1553/022013 ku magacaabay Abbaanduulaha Labaad ee Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.

MADAXWEYNUUHU:-

Markuu Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Arkay: In baahi loo qabo in la dardar-geliyo hawlaha Ciidanka Qaranka;

Markuu Tixgeliyey: La tashiga Madaxda ay arrintani khusayso;

Markuu Arkay: In uu hanan karo xilkan loo magacaabay;

Wuxuu go’aansaday: In Mudane, Axmed Cawaale Yuusuf (Libaax), laga bilaabo taariikhda Xeerkan uu ahaado Abbaanduulaha Labaad ee Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.”


This post has been viewed 811 times.

Categories: featured, today's top stories
Tags:

Leave a Reply

Advertisement

The Most Popular Posts

Halbeeg Archives

Plugin from the creators of Brindes Personalizados :: More at Plulz Wordpress Plugins
Onlined by Samaroon Copyright