Hargeysa (Halbeegnews)-01/02/2013- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa caawa magacaabay xilal ku cusub qarranka oo 22-kii sanno ee Somaliland jirtay aan hore u jirin kuwaasi oo ah ku xigeenadda 2-aad ee ciidamadda Booliiska iyo Talisa ciidanka Asluubta oo loo magacaabay laba masuul oo ka soo jeeda beesha Ciise, digreetada lagu magacaabay ayaa lagu yidhi sidani:
Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa caawa magacaabay Taliye ku xigeenadda labaad ee Ciidammadda Booliska iyo Asluubta.
Sidaasna waxa lagu sheegay war-saxaafadeed uu caawa soo saaray Afhayeenka Madaxtooyadda Md. Axmed Saleebaan Dhuxul, waxaanu u dhignaa sidan:-
“Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), waxa uu caawa digreeto madaxweyne oo sumadeedu tahay JSL/M/XERM/249-1554/022013 ku magacaabay taliye ku xigeenka labaad ee booliska JSL iyo Taliye ku xigeenka labaad ee Ciidanka Asluubta JSL.
MADAXWEYNUUHU:-
Markuu Arkay: Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad, ee xarafka (d) ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Arkay: Ahmiyadda ay Ciidanka Booliiska iyo Ciidanka Asluubtu u leeyihiin Dhismaha Qaranka;
Markuu Arkay: In baahi loo qabo buuxinta jagada Taliye Ku-xigeenka Labaad ee Ciidanka Booliiska JSL iyo Taliye Ku-xigeenka Labaad ee Ciidanka Asluubta JSL;
Markuu Tixgeliyey: La-tashiga Madaxda ay arrintani khusayso;
Markuu Ku Qancay: In uu hanan karo xilkan loo magacaabay;
Wuxuu go’aansaday
1. In Mudane, Daahir Cali Wacays, laga bilaabo taariikhda Xeerkan uu ahaado Taliye Ku-xigeenka Labaad ee Ciidanka Booliiska JSL.
2. In Mudane, Cali Cumar Axmed, laga bilaabo taariikhda Xeerkan uu ahaado Taliye Ku-xigeenka Labaad ee Ciidanka Asluubta JSL, ahna La Taliyaha Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Garsoorka.”
This post has been viewed 930 times.






