Halkii Ugu Macayd Khudbaddii Madaxweynaha: Beytul Qasid Qallinkii Qoraaga Caanka Ah Siyaasiga Axmed Cali Ibraahim Sabayse

Posted by on Feb 1st, 2013 and filed under Editorial, featured. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can skip to the end and leave a response. Pinging is currently not allowed.

FARGELINTA IYO WAXKA BEDELKA DISTOORKA QARANKA:
 
sabayseBal waxooga an yara kot xaadino nuxurka ay xambaarsanayd khudab sannadeedkii 2013 madaxweyne Md. Axmed Muxamed Maxamuud ka hor jeediyey labada Gole Sharci Dejineed ee Jamhuuriyadda Somaliland. Jawiga madashu wuxu ina xusuusinayaa waayo hore looga soo gudbay iyo dugsiga iyo dayaxu isku toosanaa! waxa la yidhi Sheikh ayaa la weydiiyey findhicilku ma xaraanba, mise waa xalaal? Wuxu ku jawaabay: Soo hadal qaadkiisaaba ka xun. Faanku waa xoolo ninwaliba intuu doono ka dareersado
 
Digtii hore ratigii dabarkiyo xakamihiiba daabcad kaga gooyey, doorkan xigana yeeshii, caynkii iyo baydii waa tan ablaydii lala haabhaabanayo!! Marka xadhkii ratiga korkiisa agabka isugu hayey la jaro, maxaa la filayaa?Hadda waxynu dhowrnaaba waa gurgurkii oo mar kaliya ah dhulka ka soo go’a.
Shalay xeerkii xakaymanayey wadahadalo inna dhex mara Soomaali koonfureed duuduub ayey labada Gole ee Sharci Dejintu daaqadda uga tuureen iyadoon waxba la iska weydiin doodna la yeelan.
Maanta sheekadii waxay maraysa waxanu soo wednaa oo diyaar ah kaabis iyo waxka bedel distoor iyada oo loo cuskanayo Qodobada Distoorka ee 126 iyo 127 ee tilmaamaya qaabka Distoorka wax looga bedeli karo! Waa qodobo aad u adag sababta sidaa looga dhigaynay isweydiinmeyno.
Distoor Qaran waa waxa ummad meel ku nool oo dhaqan iyo dhul wadaag ihi ku heshiisii in ay isku maamusho; wax ka bedel distoor siyaabo badan ayaa loo farsamayn karaa. Haddiise ay noqoto in wixii ummaddu ku heshiiska ahayd tiirarka isu haya ee asaaska u ah la farageliyo waxa lagu qasbanyahay in Afti dadweyne loo qaado.
Tan madaxweynuhu ka sanqadhiyey waa mid muddo afar iyo labaatan sannadood ahba aynu maqleyney, horena arrintaasi Shirarkii Baligubadle, Burco, iyo Boorama intaba waa la horjoogsadey oo waxay taabanaysaa nidaamka Jamhuuriga ah ( Madaxweyne iyo ku-Xigeeen); ujeedada arrintan ka dambeysaan waa in qaab dhismeed Barlamaani ah ( Madaxweyne iyo Ra’iisul Wasaare). Waa arrin uu muddo dheer madaxweyne Md. Axmed Muxamed Maxamuud ku taamayey maantana wuxsu arkayaa in labadan Gole ee sacabka isugu jiibinaya si hawl yar qalinka ugu duugidoonaan.
Wuxu yidhi humbaro libaaxbay soo waddaa, Kulmiye wuxu hadaaqi jirey sideedii sannadood ee uu mucaaridka ah durba waa kan oogta ka caddeeyey!! Waxaynu aragnaa dabarkii shalay oo haadaan inaga laalaadiyey oo dad iyo dal midna inoo fayoobayn, marka Distoorkiina daadka la raacsho maxaynu ku dambeyn?
Waxay ku dambeysey doogdhabasho iyo darka hore inoogu sii sahan taga. Ceelayadii madaxtooyada laga sii galbiyey waa kuwaa baarlamaankii walawaynta dhex yuurura. Talo, tusmo iyo guddoon ayaa ka dambeeyey. Shakhsi cadhooday iyo dusdus maanta wey ka weyntaahay. Weedho aan muddo dheer la maqal ayaa durba warbaahintu tebineysaa?
Waar hooyaay tiinan ayaa berri ka maalin la isku dulqabsane intay goori goor tahay xukuumaddan iyo xisbul xaakimka xera ka weydaartay mar labaad qarqarsi adag dhuyuca ha lagaga dhigo, haddii kale inala maro waaba la ogaan. Karinkaa waxa ka soo kahaya haddaan sideeda looga hortegin wax hubaal ah in la muteysandoon dhibaato riiqdeedu dheeraato oo loo maaro waayo.
Axmed Cali Ibrahim Sabeyse
January 31, 2013

This post has been viewed 293 times.

Categories: Editorial, featured
Tags:

Leave a Reply

Advertisement

The Most Popular Posts

Halbeeg Archives

Plugin from the creators of Brindes Personalizados :: More at Plulz Wordpress Plugins
Onlined by Samaroon Copyright