Dr. Elmi saeed Mouse
Aniga oo aaminsan in si cad oo buuxda looga hor tago wax kasta oo jirtaanka iyo hormarka soomaaliland ka hor imanaya ,taasi oo ay masuuliyadeeda qaaday xukuumada manta talada dalka haysa
Hadaba waxaa maalimihii u danbeeya dhagaha muwaadiiniinta Somaliland mucjiso iyo filan waa ku noqotay qaylo dhaantii dhiilada ku salaysnayd ee boqortooyda ingriisku ku amartay in wixii shaqaale britsh ah ee Somaliland jooga ay si deg deg ah uga soo baxaan taasi oo ilaa maant ay xukuumada umadani talada u dhiibatay aanay wax cad oo ay umadini ku qanaco kaga jawaabin
Umada reer soomaaliland waxaa ay kaliya hanti haystaan waa nabada ay ku caano maaleen nabadana waxaa uga masuul ah oo ay ku aamineen xukummada hadba markaa talada dalka haysa waxaa is ka cad oo aanu shaki ku jirin inay xukuumada maanta talada dalka haysaa ay ku fashilantay taladii dalka ee loo igmaday .mid gudood iyo mid dibadeed
Talada dalku waxay gacanta ugu jirtaa koox aan aqoon , waayo aragnimo maamul iyo nidaam haykal dawladnimo aan hore ug a soo shaqayn taasina waxaa ay sababtay inay xukuumada uu gadhwadeenka ka yahay Oday siilaanyo ay noqoto xukuumad ka aradan xaga maamulka oo si cad oo aanay cidna dafiri karin ay ku dhisan tahay qaraabo kiish iyo garsho taasi oo meesha laga saaray dadkii aqoonta iyo waayo aragnimada u lahaa nidaamka maamul ee dawladnimo .
Ceebaha amini daro iyo fadeexadeed ee ay sabab tay xukumada siilanyo maxaa sababay ?
Waxaa uu qofka kasta oomuwaadin ahi is waydiinayaa waxaa ku dhacay nidaamkii dawleed iyo amaan ee isku halaynta lahaa ee ka jiray soomaaliland
Mudo laga joogo ilaa 2 san iyo badh waxaa uu dalka ku jiray jiho wareer xaga amaanka dalka gudihiisaa taasina waxaa ay ka dhalatay kadib markii ay xukuumada maanta talada dalka haysaa ay dhamaanba kala dirtay qaybihii sirdoonka ee ay kala wareegtay xukuumada madaxweyne riyaale oo ay ahaayee nin waayo aragnimo iyo aqoon u lahaa shaqada ay uma u hayaan
Maanta waxaan o dhankaraa xukuumada siilaanyo waxaa ay lumisay kalsoonidii ay ku qabtay beesha caalamku iyo shacab weynaha reer soomaaliland ba taasi waxaa ay ka dhalatay in taldii iyo amaankii dalkuba uu gacanta u galay niman asalkoodii horeba looga shakisnaa inay xidhiidh la leeyihiin kooxaha argagixisada ee koonfurta soomaliya ka dagaalama
Fariimaha iyo weedhaha digniineed ee ay beesha caalamku ka yeedhaa waxaa ku tilmaami karaa inay wax ka jiraan waayo waxaan aragnaa ceebaha maamul ee dul hoganaya taliska siilaanyo astaana waxaa kuugu filan in maanta wasaaradii arimha oo ka masuul ah dhamaan arimiha amni ee dalka loo kala saaray dhawr waaxood oo magic u yaal ah sida wasiirka arimaha gudaha , wasiir ku xigeen ka amniga iyo wasiir kuxigeen kale oo aanan shaqadiisu ku cayinayn dastuurka jamuuriyda soomaaliland
Waxaa ayaan daro noqotay in si toosa looga hoos saaro wasaarada arimaha gudaha waxaada socdaalka oo runtii ah waxaada ka masuulkaa ceeb kasta oo amini daro oo ka dhacda isku socdaalka dalka iyo dibadiisa , waxaaba taa ka sii daran in shaqaalihii aqoonta iyo waayo aragnimada u lahaa laamaha socdaalka dhamaan intoodii wax garadka ahayd laga wada dareeriyay aroor qudha meeshana la keenay wiilal yar yar oo sarkaal kasta oo wax ka waaxaha kala duwan ee Emigration ay qaraabo yihiin . kaliya waxay sharaf u arkaan waxaad socdaalku dirayka shaadhka cad iyo surwaalka mawad ee loo xidhay taasina way ka wayn tahay kana balaadhan tahay shaqada meesha loo joogaa laakiin ma garanayaan cida ku shaqada lehi.
Waxaa sidoo kale cadaatay fashil weyn oo aan cidna ka doodi Karin uu kuyimid wasaarada arimaha dibada , arimaha gudaha waxaana talaydayda soo jeedineed ay tahay inay is casilaan
Mudane madwaxweyne waxaan si sharaf leh kuugu baraarujin lahaa inaad hurda ka toosto oo aad umadii ku dooratay ee kugu aamintay masiirkooda nololeed iyo tooda amaan ba aad maanli cad kala hadasho shaashadaha warbaahineed ugana waran marxalada uu haatan dalku galay iyo wixii tallo ee aad soo jeedin hayso noqona hogamiye go’aanka umadiisa oo dhan ku wada talada qaranka .
Gebo gebo iyo talo soo jeedin
Waxaan ku gababay lahaa in odayga bal cidiisa oo wax ka maqlo ay u tagaan oo u sheegaan inuu is casilo ama uu isku shaadhayn ku sameeye wasiirada Khaarajiga iyo arimaha gudaha oo sida ka muuqata ay ku fashilmeen hogaaminta xilalka uu ku aaminay
Haday noqoto cidna ma maqlayo waar bal ha loot ago gudidii shirkii Gar dag ee saleebaan geedka ku xidhay taa hadii laga quustana shacab kay u talaall
Tell: 4910833 telesom 9122150 somtel
Email: maxfuud009@hotmail.com
This post has been viewed 233 times.






