Khudbadii Madaxweyne Siilaanyo Waxay Ahayd Tii Sanadkii Hore Oo ay Ka Maqan tahay Horn Cable Tv ayaan Xidhayaa iyo Waxana Ka Maqnaa Xaqsoor ayaan Xidhayaa!

Posted by on Feb 1st, 2013 and filed under Opinion. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can skip to the end and leave a response. Pinging is currently not allowed.

haaheeyKhudbadii madaxweyne siilaanyo shalay ka jeediyay labada gole ee baarlamanka somaliland ayaa waxay ahayd mid ku salaysnayd khudbadii hore oo laga reebay oo kaliya Harn Cable oo sanadkii hore ugu han jabay madaxweynuhu in uu xidhaya ,iyada oo khudbadii sanadkii hore uu jeediyay madaxweynuhu tii oo kale ayuu shalay u jeediyay baarlamaanka iyada oo aysan waxba laga bedelin tii sanadkii hore inkasta oo meelaha qaar lagaag daray wax qabad uu sheegtay inay xukuumadiisu qabatay balse an muuqan,dadkii shalay ka qayb galay dhegeysigii khudbada madaxweynahaa ayaa waxay la yaabeen qaabka uu marka horeba madaxweynuhu u jeediyay khudbada oo ahayd mid fadhiga uu ku akhriyay iyada oo ay taasika turjumaysay in uusan madaxweynuhu taagnida ku akhriyi karayn khudbada, waxa kale oo ay tilmameen in uu madaxweynuhu soo kaxaystay kooxo badan oo guulwadayaal ah oo loogu talo galay inay sacabka u buuxiyaan inkasta oo guulwadayntii xildhibaanadu ka badisay kooxdii madaxweynuhu watay.

Hadaba marka la eego qodobada uu madaxweynuhu ka hadlay ayaa  u badnaa faan iyo waxqabad aan dalkaba ka muuqan oo uu sheegay inay xukuumadiisu qabatay ama fulisay, iyada oo xitaa uu ku faanay madaxweyne siilaanyo waxqabadka hayadaha caalamiga ah iyo waxqabadka ay iskoodu u qabsadeen dadka shacabka ahi.madaxweyne siilanyo ayaa markii uu ka hadlayay xisbiyadii dhacay wuxuu si hagar la’aan ah u amaanay sadex xisbi oo hadhay halka uusan soo hadal qaadin ururka xaqsoor oo isagu sheegay in si weyn loo boobay codadkisii kaasi oo ilaa hada xukuumada siilaanyo aysan ka qanci sababta iyo wixii xal ah ee is afgarad lagu gaadhi karo,halka uu madaxweyne siilaanyodigniinta dawlada ingiriiska uusan wax weyn ka soo qaadin khatarta dhinaca amaanka ee ay dawlada ingiriisku sheegtay inay ka jirto somaliland.

Hadaba dadka arimaha siyaasada u dhuun daloola aya waxay tibaaxayaan inay xukuumada madaxweyne siilanyo ku fashilantay inay Hargeysa ku qaban kari weyday ciyaarihii gobolada taasi oo muujinaysa maamul xumida madaxweyne siilaanyo waayo marki Hargeysa lagu qan kari waayo xaalada amaan awgeed maxaa ingiriiska u diidaya in uu muwadiniintiisa uga digo somaliland, iyada oo dadka aqoonyahanka ahi ku macneeyee fashilaada xukumada ka soo gaadhay inay ciyaarihii qaban kari weydo ma cida xukunta xaafada Axmed Dhagax oo cabsi awgeed loogu qaban kari waayay ciyaarihii gobolada somaliland?

Gabagabadii dadka faaqiyada arimaah siyaasada ayaa waxay ku macneeyee hadalkii ka soo yeedhay madaxweyanah ee ahaa inaysan somaliland qaadi kari sadex doorasho iyo diwaan gilin ayaa ahaa tariikh uu doonayo in xilka loogu kordhiyo marka uu xilkiisu ka dhamaado,wuxuuna shalay madaxweynuhuu sii afeef dhigtay sidii loogu kordhin lahaa xilka marka uu ka dhamaado taasi oo aysan xisbiyada siyaasadu aysan agolaan karayn.

Qalinka:C/casiis Bashiir Nuur freelance journalist
Tel:4144434

Email:c.casiis98@hotmail.com
Hargeysa/Somaliland


This post has been viewed 196 times.

Categories: Opinion
Tags:

Leave a Reply

Advertisement

The Most Popular Posts

Halbeeg Archives

Plugin from the creators of Brindes Personalizados :: More at Plulz Wordpress Plugins
Onlined by Samaroon Copyright