Hargeysa (Halbeegnews)– Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa habeen hore xilkii ka qaaday taliyahii sirdoonka qarranka ee gobolka Maroodi-jeex Muxsin Aw Cali oo warar ay Halbeegnews hellayso tibaaxayaan in sababta looga qaaday ay la xidhiidho xogo dhinaca sirdoonka ah oo la sheegay inuu masuulkaasi shaaciyey isla markaana ay haayadaha sirdoonka ee dalalka reer galbeedku kaga cawdeen in uu ka mid yahay xubnaha aan lagu aamini karin in wada shaqayn ay la yeeshaan.
Mr. Muxsin oo xilkani haayadda sirdoonka ee gobolka Hargeysa hayey muddo laba sanno ku siman ayaa sida ay Halbeegnews xogta ku hellayso iftiiminaya in muddo ahba inay haayadaha sirdoonka ee dalalka ingiriiska iyo reer galbeedku ka dardaar warinayeen xubno ku jira haayadaha ammaanka Somaliland oo gudbiya xogaha aan loo baahnayn in la shaaciyo isla markaana uu dhawr jeer oo is xig xiga Muxsin Aw Cali shaaciyey magacyada xubno lagu daba jiray oo magacyadooda lagu qoray warbaahinta, lama sheegin cidda lagu bedelay laakiin xogta ayaa iftiimisay in dhammaanba saraakiisha sirdoonka magacyadooda aan la shaacin.
Isku Shaandhayn Madaxweyne Siilaanyo Soo Wado Todobaad Gudahood Oo Sahayn Doonta Xubno Badan Wasaarado Badan Oo Isku Shaandhayn Lagu Samaynayo Iyo Xubnaha ugu Cadcad ee lagu soo biirin doono.
Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo ayaa la filaya inuu isbedel baaxadleh ku sameeyo golaha xukuumadiisa isagoo la filayo inuu diiradda saaro arrimaha gudaha io dibadda oo uu bedelaad ku samayn doono.
Xogta ay Halbeegnews hellayso ayaa tibaaxaya in wasaaradda arrimaha gudaha loo bedeli doono Wasaaradda Amniga qarranka iyo xidhiidhka gobolada iyadoo xilkaasina loo magacaabi doono wasiirkii hore ee arrimaha gudaha Cabdilaahi Ismaaciil Cali Ciro waxaana warka aanu hellayna tibaaxayaan in toos loo hoos gayn doono sirdoonka qarranka, ciidamadda Booliiska, ciidamadda ilaalada xeebaha,haayadda socdaalka qarranka iyo waaxda danbi baadhista ee C.I.D-da
Wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ayaa sida aanu xogta ku hellayno waxaa uu madaxweyne Siilaanyo kala dooranaya laba masuul oo kala ah Shugri Xaaji Baandaro iyo Dr. Axmed Xuseen Ciise, halka wasaaradda cadaaladda, kalluumaysiga, iyo hawlaha guud la filayo inay saamayso isku shaandhayntani, sidoo kale warka aanu hellayno ayaa tibaaxaya in wasiirka madaxtooyada Xirsi Cali Xasan loo bedeli doono wasaarad cusub oo ah Maamulka Dekedaha iyo wadooyinka, halka wasiirkii hore ee arrimaha gudaha Maxamed Nuur Caraale Duur loo magacaabi doono wasaaradda madaxtooyada, wasaaradda duulista ayaa sidoo kale aanu war ku hellayna in la eryi doono wasiirkeeda Maxamuud Xaashi Cabdi laguna bedeli doono Guddoomiyaha urur siyaasadeedka RAYS Xasan Gafaadhi.
Halbeegnews, Hargeysa
halbeegnet@gmail.com
This post has been viewed 1773 times.






