Ergayga Gaarka Ah Ee Midawga Afrika U Qaabilsan Soomaaliya Ambassador Mahamat Saleh Annadif Oo Shaaca Ka Qaaday In Hadhaagii Alshabaab Ee Laga Saaray Soomaaliya Ay Galleen Somaliland iyo Puntland “AMISOM Sirdoonkooda Ayaa Xaqiijiyey”

Posted by on Jan 31st, 2013 and filed under featured, today's top stories. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can skip to the end and leave a response. Pinging is currently not allowed.

“Sirdoonka AMISOM ayaa Xaqiijiyey in Kooxahii ugu Khatarsana Alshabaab oo Unugyo isku qaybiyey ay galleen Somaliland iyo Puntland doonayaana inay weeraraan danaha iyo dadka reer galbeedka”

Addis Ababa (Halbeegnews)-31/01/2013- Madaxa hawlgalka midawga Afrika ee qaabilsan Soomaaliya Ambassador Mahamat Saleh Annadif oo shallay gelinkii danbe shir jaraa’id ku qabanaayey xarunta midawga Afrika ayaa shaaca ka qaaday in xubno badan oo ka mid ah hadhaagii Alshabaab ee laga saaray dalka Soomaaliya ay galleen Somaliland iyo maamul goboleedka Puntland.he

“Waxaan idin sheegaya in ciidamadda AMISOM ay gebi ahaanba ka qabsadeen kooxda Alshabaab dhulkii ay ka haysatay badhtamaha iyo koonfurta Soomaaliya, badiba dhulkaasi waa laga saaray, kooxda Alshabaab-na waxay noqdeen qaarkood inay dadka ku dhex milmaan, qaarkoodna waxay wadaan dagaalo ku dhufo oo ka dhaqaaq ah, halka badankoodna ay galleen Somaliland iyo Puntland” ayuu yidhi Ambassador Mahamat Saleh Annadif madaxa hawlgalka midawga Afrika ee dalka Soomaaliya.

Ambassador Mahamat Saleh Annadif wuxuu shaaca ka qaaday in sirdoonka AMISOM ay shaaciyeen in kooxaha Alshabaab ay galleen Somaliland iyo Puntland, iyadoo AMISOM ay warbixin arrinta la xidhiidha la wadaagtay haayadaha sirdoonka ee dalalka reer galbeedka “sida xogta AMISOM xaqiijisay dorraad qaybo ka mid ah kooxahii ugu khatarsana Alshabaab waxay galleen Somaliland iyo puntland” ayuu yidhi Mahamat Saleh Annadif

Isagoo hadalka sii wada wuxuu yidhi “waxay isku qaybiyeen kooxahaasi Alshabaab ee Somaliland iyo Puntland gallay  unugyo doonaya inay hawlgallo argagixiso ku qaadaan danaha dalalka reer galbeedka iyo weliba goobahaasi oo ka xasiloona dalka Soomaaliya intiisa kale, sababtay u galleen Somaliland iyo Puntland waxaa weeyi iyagoo ka heli kara goobo ay degi karaan waxaanay ka carareen weeraradda ay ciidamadda AMISOM ku qaadaan goobaha ay saldhigyada ku lahaayeen ee gudaha goobahii laga saaray” ayuu yidhi Ambassador Mahamat Saleh Annadif madaxa hawlgalka midawga Afrika ee Soomaaliya.

Todobaadkii hore ayaa dawladda ingiriisku ku dhawaaqday in dadkeeda ku sugan Somaliland ay ka baxaan sababahaasi awgeed iyadoo xogta sirdoonka ee arrintani la xidhiidhana laga hellay sida uu Ambassador Mahamat Saleh Annadif xaqiijiyey ciidamadda nabad ilalinta u jooga Soomaaliya ee AMISOM

Warbixintani oo uu dabacay wergeyska East Africa Ee Ka Soo Baxa Dalka Kenya Halkani Guji

Halbeegnews, Addis Ababa

halbeegnet@gmail.com


This post has been viewed 485 times.

Categories: featured, today's top stories
Tags:

Leave a Reply

Advertisement

The Most Popular Posts

Halbeeg Archives

Plugin from the creators of Brindes Personalizados :: More at Plulz Wordpress Plugins
Onlined by Samaroon Copyright