Garoowe, January 31,2013 (Halbeegnews) – Madaxwaynaha Maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland Dr Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Faroole, ayaa markii ugu horeysay afiiska laga maqlay isaga oo Magaca Somaliland ku dhawaaqaya, isla markaana qiraya horumarka bulshadda Somaliland ku talaabsatey mudadii ay jirtey.
Madaxwaynaha Puntland oo maanta ka hadlayay shirwaynihii koowaad ee xisbiga Horseed ee uu Guddoomiyaha ka yahay, ayaa sheegay in nidaamka axsaabta badan ee Puntland u wareegayso ay kaga dayatay Somaliland.
Faroole, sidoo kale waxa uu sheegay in caqabad kasta oo axsaabta siyaasada kaga timaada ay maamul ahaan dusha u ridanayaan, isaga oo tilmaamay in nidaamkani ka faa’iido badan yahay nidaamkii qabiiliga ahaa.
Madaxwaynaha Maamulka Puntland oo ka hadlaya axsaabta iyo cida ay kaga daydeen ayaa yidhi “Walaalaheena Somaliland-baynu kaga dayaney waaya-aragnimada ay ka arkeen (Axsaabta badan), wixii fiican haddii ay cidi samayso waa lagala daydaa”
Faroole waxa kale oo uu soo qaaday “Xasad iyo xumaani ma jirto, inaguna wax badan oo la inagaga daydaa way jiraan”ayuu yidhi, waxaanu intaa raaciyey in maamul ahaan ay diyaar u yihiin inay furashada axsaabta siyaasada isla-markaana soo dhawaynayaan in siyaasada lagu tartamo “Nin durbaan tumay ilaaq dalbey, anagaa ku dhawaaqnay in la tartamo Anagaana u yeedhnay waan soo dhoweyneynaa xisbi kasta oo la furo.
This post has been viewed 585 times.






