Ummad Alle Doortay Oo Uu Galladay Baanu Nahay!! Jawaab Ku Socota Maxamed Baashe Xaaji Xasan—

Posted by on Jan 28th, 2013 and filed under Editorial, featured. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can skip to the end and leave a response. Pinging is currently not allowed.

Ali Omer
omeralihs@gmail.com
somaliland flagMaxay dadka qaarkood Somaliland ugu musluxaan in go’aankii ummadu ay qaadatay dib loo eego ama wax laga bedalo kolka ay dhibaato yari inalasoo darisdaba? Maxay u timaadaa sua’aasha ah malaha Xamar oo lagu noqdo ayaa sidan inoo dhaanta iwm?Tusaale Mr.Maxamed Baashe oo ku taliyey in si kale looga wareego.

Somaliland waxa ay ku caan tahay, oo ku soo caana maashay, oo ay burbur iyo halaagba kaga gudubtay hab gaar ah oo ay u furdaamiyaan  dhibaato kasta oo la soo darista. Hanaanka ah in geed hoostii la doonyeysto  oo la rogrogo murran kasta oo ka dhex aloosma, weeyaan ta ay ku liibaantay ee ay kaga mudhay qeyrkeed. Waa gallad uu Eebaheen, SWT, ku manneystay ummadeena.

Tiiyoo ay sidaa tahay  ayaa waxa jira dad aan badneyn oo iyagu si kale uga kaluumeysta mar kasta oo ay dhibaato ama turunturooyin cusub soo waajahaan Somaliland. Ashkhaastaasu markasta oo murran yimaadba waxay ku andacoodaan oo hoos u dhigaan horumarka iyo wanaagga u soo qabsoomay Somaliland. Ashkhaastaasu waxa ay si khaldan u tilmaamaan oo u eekeysiiyaan in mabda’ii Somaliland, ee lagu qabowsaday,  ee rafaadkii dheeraa lagaga reystay, aanu dhinacna inoo wadeyn. Qoomkaasu waxa ay sawiraan in xaalka Somaliland iyo Somalia aanu faraq buurani u dhaxeyn. Waxa ay waliba saadaaliyaan in mugdi inaga horeeyo, sidaa daraadeedna loo bahan yahay in laga tabaabusheysto. Waxa ay qoomkaasu kol kol ku taliyaan in Xamar oo arrin loogula noqdaa lafteedu aanay dhibi ku jirrin. Qoomkaasu waxa ay isku dayaan in ay ummadda niyad jabiyaan oo jahawareeriyaan si ay uga noqdaan go’aankoodii ahaa dib-u-la soo noqoshada xoriyadoodii ka dayaccantay 1960.

“Ilaahayow na dil oo ha na Doorin”! Waa Hal-heys haweenku ay yidhaahdaan.

Mudane Baashe: ALLE DOORI MA’AN NIHIN, WAXANU NAHAY KUWA ALLE DOORTAY OO UU WALIBA GALLADAY

Qoomkaas waxa ka mid ah qoraaga la yidhaa Maxamed Baashe oo dhowaan warbaahinta ku soo tuuray maqaal uu ugu magac darray “Alla Dooribaan ahay”. Qoraagu waxa uu tilmaamayaa oo uu inoo sheegayaa in Somaliland ay rajo la’aan taagan tahay oo ay haboon tahay in fekerkaas si kale looga wareego. Mudane Baashe waxa uu si dadban u sheegayaa in Xamar oo lagu noqdaa ay malaha inoo dhaami laheyd sidan(“malaha waxaa-ba la qaadan lahaa in Xamar lagu noqdaa”!)  Waxa kaliya ee taa imika inaga horjoogaana ay tahay buu tilmaamayaa, deganaansho la’aanta halkaa ka jirta (“Oo ri’yo hadday dib leeyihiin saw dabadooda ku ma aanay qarsadeen iyo ninka aad kab ka tolanayso kabihiisaa la eegaa” ).
Fasiraada fekerkiisaasu waxa weeyaan: Ha loo jarmaado Xamar haddii ay hagaagto.

Mudane Baashe kolka uu sidaa ku talinayo malaha waxa uu isleeyahay maadaama uu halgankii SNM  qeyb laxaadleh ka soo qaatay in fekerkiisa khalad loo qaadan karrin oo nasteex u yahay ummadda Somaliland. Laakiin iyaba waxa jira qaar badan oo halgankii ku jiray oo maanta baadi ku ah xero aan laga dooneyn. Waxanse qabaa in ay kuwaasu kaba wanaagsan yihiin oo ay mabda’ooda  daacad u yihiin oo Xamar iska xaadiriyeen,  isaguse tiisu ay tahay dhuumasho dhabarku muuqdo

Mudane Baashe ma aha kolkii ugu horeysay ee uu sidan ku taliyo. Waagii ay maxkamaduhu mudada yar ka talinayeen Xamar wuxu ku tallin jiray in loo gurmado oo laga difaaco cadowgooda oo xidhiidh lalala yeesho. Waagii qaadhaanka loo ururinayeyna dadka ay abaaruhu haysteen ee Somaliyana, waxa uu afka iskaga duubi jiray cid kasta oo tidhaa :” Masaakiinta Somaliland oo loo qaadhaamo ayaa ka horeysa inta loo xaydan yahay masaafo kumanaan kun oo kilometer dad inoo jira”!

Gunaanad.
Maxamed Baashe waxa haboon in uu badheedho oo uu Xagaayada Xamar iyo xeebta liido u qabowsi doonto oo uu ka daba tago kuwii horeba u joogay, oo uu reer Somaliland kala tago shugux-shuguxda uu ruxayo iyo niyad jabinta uu la daba joogo kol wal oo dhibaato yari timaadba. Saaxiib Maxamed Baashow, iska tag halkaad jamatay waliba duco iyo tusan baanu kuugu sii sagootiyiye.

Allaa Mahad Leh


This post has been viewed 474 times.

Categories: Editorial, featured
Tags:

1 Response for “Ummad Alle Doortay Oo Uu Galladay Baanu Nahay!! Jawaab Ku Socota Maxamed Baashe Xaaji Xasan—”

  1. Dacar Jaamac says:

    ASC HALBEEG WAD SALAMNATIHN LKN MAXAMED BAASHE MAQAALKIISU WAXA UU AHAA DUUR XUL EE IDINKA AYAAN FAHMINE WAXAAD EEGTEEN DOODII MAQAALKA KA DANBAYSEY EE UU SOMALILAND METELEYEY IYO WACDARIHII UU KA DHIGAY HALKAA EE BAL DHUGTA OO KA DIBNA ISKU NOQDA WAAD DEDEGTEENE. MISE SIDAA AYAD ISKULA SAXNANDOONTAAN.

Leave a Reply

Advertisement

The Most Popular Posts

Halbeeg Archives

Plugin from the creators of Brindes Personalizados :: More at Plulz Wordpress Plugins
Onlined by Samaroon Copyright