Sarkaalkii ugu horeeyey, ee halgankii dib u la soo noqoshadii xornimada Somaliland ku shahiidey, waxa uu ahaa (AHUN) Mujaahid Cabdiraxmaan Cali (Baranbaro),

Posted by on Jan 27th, 2013 and filed under Editorial, featured. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can skip to the end and leave a response. Pinging is currently not allowed.

cali baranbaroSarkaalkii ugu horeeyey, ee halgankii dib u la soo noqoshadii xornimada Somaliland ku shahiidey, waxa uu ahaa (AHUN) Mujaahid Cabdiraxmaan Cali (Baranbaro), oo ku geeriyooday shirqool diyaaradeed sanadku markuu ahaa 1981 uu u maleegay taliskii dhiigyacabka ahaa ee xukunkii la odhan jirey J.D.S.

(2012-03-19) Dr. Maxamuud Sheekh Xasan Taani, oo dhakhaatiirtii husbitaalka Hargeysa, ee ururkii “UFFO” ee “Iskaa Wax u Qabso” ku jirtey ka mid ahaa, oo dhacdadii dhagax-tuurkii iyo sidii iyaga loo xidh-xidhey ka waramayey, ayaa yidhi:

Xaaladda dalku aad ayaay xilligaa u xumeyd. Dugsiyadu aad ayay u dayacnaayeen. Agab la’aan iyo daryeel la’aan baahsan, ayaa ka jirtey. Husbitaalku aad ayuu u liitey, oo daawo la’aan, daryeel la’aan iyo nadaafad xumo, ayaa ka jirtey. Markii aanu u adkaysan kari weyney, ayaanu “Iskaa Wax u Qabso” isku bahaysanay; oo aanu hirgaliney.

Hawl fiican oo la taaban karayey, ayaanu isla markiiba qabaney. Is-baddalkii aanu husbitaalka ku sameyney, ee aanu ku nadiifiney, ee aanu ku hagaajiney, ayaa isla markiiba maamulkii Gaani argagax weyn galiyey.

Waxa xafiiskii nabad sugidda xilligaa taliye ka ahaa: (AHUN) aqoonyahan Mujaahid Cabdiraxmaan Cali (Baranbaro) oo ka mid ahaa aqoonyahanadii gobolka u dhashey, ee gobolka dib ugu soo noqonayey.

Gaani oo doonayey inuu dhallinyaradii ”UFFO” ugaadhsado, ayaa dhinac uu (AHUN) Mujaahid Cabdiraxmaan Cali (Baranbaro) ka maro waayey. Sidaa daraadeed, Afweyne ayuu marar badan kaga dacwoodey; oo waxa uu ku andacoon jirey: in aanu shaqadiisa – xadhiga iyo dilka ah – aanu (AHUN) Mujaahid Cabdiraxmaan Cali (Baranbaro) ka qabsan kareyn.

(AHUN) Mujaahid Cabdiraxmaan Cali (Baranbaro) oo dareenka dhallinyaradii “UFFO” la qabey, ayaa isla markiiba reerkiisii Xamar ka soo wada rarey, oo Hargeysa soo wada dajiyey.

Gacan ku dhiiglehii Gaani, oo joogitaankii (AHUN) Mujaahid Cabdiraxmaan Cali (Baranbaro) aad u dhibsanayey, ayaa Afweyne ka dhaadhiciyey, in uu (AHUN) Mujaahid Cabdiraxmaan Cali (Baranbaro) uu shaqadiisa caqabad ku yahey, oo aanu qorshihiisa – xadhiga iyo dilka ah – aanu ka fushan kareyn.

(AHUN) Mujaahid Cabdiraxmaan Cali (Baranbaro) oo waqtigaa Hargeysa ku sugnaa, ayaa Xamar looga yeehey; oo amar uu Afweyne bixiyey, ayaa loogaga yeedhey.

Shil diyaaradeed oo loo qorsheeyey, ayaa bishii Juun 20keedii 1981kii (AHUN) Mujaahid Cabdiraxmaan Cali (Baranbaro) lagu khaarijiyey, oo lagu dilley.

(AHUN) Mujaahid Cabdiraxmaan Cali (Baranbaro) waxa uu sidaa ku noqdey, sarkaalkii ugu horeeyey ee halgankii dib u la soo noqoshadii xornimada Somaliland ku shahiidey.

Mida kale, laba goor oo hore ayaa (AHUN) Mujaahid Cabdiraxmaan Cali (Baranbaro) shirqool loo dhigey, oo uu Alla ka badbaadiyey; laakiin markii saddexaad ayuu ku shahiidey.

Qore. Yacquub Abdilaahi Omar
Hargeisa .Somaliland


This post has been viewed 412 times.

Categories: Editorial, featured
Tags:

Leave a Reply

Advertisement

The Most Popular Posts

Halbeeg Archives

Plugin from the creators of Brindes Personalizados :: More at Plulz Wordpress Plugins
Onlined by Samaroon Copyright