Xukuumada Kulmiye Guul ma ka keeni kartaa shirka 7da May 2013 ee S/land v Somalia iyada oo ay Beelihii Darafyadu Ku shaa-shoobeen

Posted by on Jan 27th, 2013 and filed under Opinion. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can skip to the end and leave a response. Pinging is currently not allowed.

Meedey Ruug-cadaanimadii siyaasadeed iyo waayo  aragnimadii  lagu tuhmi  jirtey Hogaanka  Xuk/ Kulmiye?
Maxay Soo kordhisey waxaanu dhisnay dawlad yar  oo tayo leh oo wada Dr ah ayaanu sameyney?
siilaanyo
Maxey Xukuumada  Kulmiye Hogaaminteeda iyo hadal haynteedaba ay  Dr radu uga muuqan waayeen ee Diploomadu ay ummada u-wareerisey oo Meel-walba ay  is-baarada u-dhigatey?  Hadaba Maanta Diploma & Dr ba waxaa la soo Gaadhey Waqtigii adkaa ee ay Xukuumadu iska kala guri laheyd Caqabadihii iyo tab-cooyinkii ay is dul-toomisey ee ay  iyadu isu wada dhigtey.
Ma-Markii dulmiga lala saftey ee Xaqa loo hiilin waayey, ee doorashadii dhacdey sidii la-doono laga yeelay,Markii la boobay ee la-afduubey rabitaankii iyo ilaadadii shacabka,Markii Siyaasadii Qaranku noqotey Siyaasad ay Qabyaaladu  tiir-dhexaad u-tahay taas oo reernimadiina  ay ka xoog-weynaatey Qaranimadii iyo wadaninimadii, Markii sharciyadii la dhigtey ay wada noqdeen la Jiifiyaana banaan ee Garsoorkii, Cadaaladii, Baarlamaankii, Guurtidii ay intiiba noqdeen Hal qabsi hoosta ka xariiqan  iyo “Hebelow soo dhamee oo anigana share iigu-dar.”
Markey Xukuumadii kala xigsatey Beelihii wadanka ee ay qaarna  tuurta ku-qaadatey,qaarna u-balan-qaadey,qaarna kuraas u-boobtey, qaarna Saaxadii siyaasada ka saartey, Kuwii Darafyadana Ganafka ku dhufatey ee ay shaa-shoobeen oo Xuduudaha dabada geliyeen.Markii ay xukuumadu awoodeeda iyo Muruqeeda u-sheegatey golayaashii Degaanka iyo Dhalaankii Biri-ma-geydada ahaa ee ay birta ka asa-shey.Markii ay Xukuumadii runta ku muduci noqotey ee ay iyadu uun is-dhegaysatey ee Cidii kale ee cabateyna  ay Deg-jalaq u-siin-weydey, Markii uu xaqu-dilaacay ee qarnaqsigii Saylac uu  Xuduudadaha  kala talaabtey,Markii ay muwaadiniintii iyo Musharaxiintii hadhay ay gar-naqsi u-diidey ee ay maxkamadihii ka xidhatey iyaguna Gaalo u-dacwoodeen ee Yurub Cadaalad u-doonteen, Markaad u-fiirsato shacabkeena Tabaaley ee debedyaalka u-noqdey dac-darada dabeecada iyo Godobtii iyo tiiraanyadii iyo xanaftii ay reebtey Dooradshadii xaq-darada iyo xaaraanta ku-dhamaatey ee haraatideedi iyo hataaqadeedii ay weli sii-daba-qoyan tahay, Markaad u-fiirsato xukuumadeenan aan Weli-Mucaarad adag oo mideysani aanu weli odhan Dooh , Doobir iyo Didibso midna, Markaad u fiirsato Sahanka ay diratey iyo muuqaalka hiraal u-biseylka luqada Diblumaasi ee habqanka ah ee aan duxda iyo dha-dhanka  midna aan  laheyn  ee ay xukuumadu caadeysatey in ay aduunka iyo ummadda kula hadasho,Markaad u-fiirsato Guulaha diblomaasiyeed ee ay Somaliya Gaadhey Dhawaan intii ay Xukuumada kulmiye Gondaheeda ku-jeedey ee ay Beelaheeda kala gureysey. Markaad u-fiirsato sida aaney xukuumada Kulmiye u-laheyn arati fog, curin iyo Hal-abuur siyaasadeed oo waqtigan iyo waayahan la jaan-qaadi kara- Ma kula tahay Muwaadinow in ay Xukuumadeenan Booshaaqan ay tahay Mid ka Bixi kareysa Howlahan adag ee mar-qudha afka ku-soo kala Qaadey?  Alow sahal Amuuraha!
 Su’aashaa  rog-rogeeda iyo qaa-daa dhigeeda waxaan u -daayey shacabka wadaniyiinta ah ee S/land oo 97% Go’aansadey oo u -codeeyey in ay noqdan Qaran Madax-banaan oo lugihiisa isku taaga.Su’aashaa Jawaabteedu anigase xageyga aniga oo caqligeyga iyo aqoonteyda yar  la kaa-shanaaya qodobada aan xaga sare ku soo xardhey  waxay ila tahay waa maya oo Hadii aaney sida ay hadda xukuumadu wax u wado aaney wax weyn ka bedelin ama aaney hadda u-gurman wax-garadka wadnaha farta ku hayaa in aan Tani Kob-caleen leh ka soo dur-durin kareyn.
 Bal-eega -waxaa la iclaamiyey   in ay Somaliland ay wada had-layaan Somalia Bishan 7da May  ee Sanadkan aynu ku jirno. Waxa aynu wada ognahay in Wadamada soo fara-gelinayaa ee goob-jooga ka noqonaya wareega labaad ee wada hadalka ay ka mid-noqon doonaan  wadamada Ethopia, Kenya, Ugaanda, Iyo Jabouti oo intuba ay Yihiin Wadamadii ay Somalia ka ledi weydey ee ay ugu badisey Bur-burkii Somalia haystey 22 sanadood kuwaas oo ugu heshiiyey in ay lugta jiidaan oo Cadeystey in aan marna wadanka Somalia aanu Luguhiisa isku taagin. Waxaa aynu iyana ka dheregsanahay in Xukuumada Kulmiye ay Wadamadaa aad iyo aad u Dayacdey  Mudadii Yareyd ee ay Wadanka hageysey Gaar ahaan waxay aad u Dayacdey Wadanka Kenya iyo Eithopia oo labadoodaba loo baahnaa in Xidhiidhkooda  aad iyo aad loo xoojiyo
Waxaa iyana  la is weydiinayaa Waa ku wee xulka xukuumada kulmiye ee Shaqsiyaadka Ruug-cadaa Dublumaasiyeedka ahi ee loo daba fadhiisanayaa sidii ay ugu midho dhalin lahaayeen Wada hadalkaa fool-ka-foola ah ee adag ee Soo Socda “Somaliland v Somalia”? Sawtan Xukuumadiiba iyadu hada lunsan ee kala socota ee iyadii is-dey-deysa.
Waxaynu iyana ognahay in aaney Somaliland Jirin Istraajiyada Qaran oo cad oo Qeexan taas oo ay kuu cadeyneyso iyada oo  aaney Wasiirada Xukuumada kulmiye isticmaalin Weedho Diblomaasiyadeed dux iyo iidaan leh oo kolba ku haboon marxaladaha kala duwan ee ay kaga jawaabayaan Su’aalaha la weydiiyo.waxaaba aad mar-marka qaar-kood arkeysaa iyaga oo iyagu weedhahoodu uu is burinaayo amaba ay taraaraan oo su’aalaha laweydiiyo ay ku turun-turoodaan oo kaga jawaabaaya  bad kale oo aan cidiba warsan.  ”source- Jawaabihii ay ka-bixiyeen markii dhawaan Somalia Mareykanku Ictiraafey”
Xukuumadan yar ee Brakeysan ee Baadi-goobeysa una ba-saastey in mar-uun aduunka laga ictiraafo ayaa Waqtigii Xukuumadii UDUB Siyaasada arimaheeda debadu waxay  ay mudo  8 sanadood ah ay ku soo bad-baadey
 ( Afkaa- Juuq hawga odhan Somalia) Waxaana ay Go’aan ku Gaadey  in ay Xerada yareysato oo ay Wakiilo fara-badan aduunka ku yaleelato oo ay aduunka is barto oo iska dhaa-dhiciso in ay tahay  Qaran cusub oo soo kordhey geeska Africa.
Laakiin- nasiib Daro aragtida iyo Siyaasada Xukuumada Kulmiye wuxuu noqdey mid lid ku ah Siyaasadii Xukuumadii hore oo waxay la yimaadeen aragti Siyaasadeed oo ay maankeeda biyo dhigtey aan Dabarka Goyno oo Aan wada hadalno Somalia, Taas oo shacabkuna u  macneysanaayo aan wada hadalno waa aan heshiino ee maxaa talow Lagu Hishiin-doonaa,?  Ma- waxaan lagala tashan shacabkii mowqifkooda ku-cadeeyey 97% in ay Somalia beri hore kala socdeen. Lase -arki Doonee!
Hadaba Guntii iyo Gebo-Gebobadii Muwaadinow,  Maa-daama ay Xukuumada kulmiye ku guul-dareysatey in ay isku-hayso oo isku xidho beelihii walaalaha ahaa ee S/land wada degi-jirey, Maadaama aaney hadda wada haysan kal-soonidii Shacabka S/land oo dhan, Maa-daama aaney xukuumadu caadeysan Talo wadaag, wada tashi, gar-naqsi iyo isu tanaasul ay xukuumadihii hore ku soo caano maaleen, Sideynu wada ognahayna uu Nimdaamka Siyaasadeed ee S/land ay Weligeedba Saldhig u ahaa jirtey Nabad, Talo-wadaag iyo Dimuqraadiyad, Laakiin Nasiib-daro Xukuumada Kulmiye intii ay wadanka hageysey kumey sifoobin oo muu noqon hogaanka  xukuumadu hogaan ku sifoobey Dimuqraadiyad, Talo-wadaag, Daacadnimo, run-sheeg, Aamin, Dul-qaad ,Xaq-soor ah oo u-gar-gaara cadaalada oo sharuucda dalka ilaaliya, Maa-daama aaney hadana  u-ekeyn Xukuumad aragti fog leh oo qaada dhiga karta fur-sadaha marba u-banaan ee u-suurto geli kara, Ma-daama aaney Jirin Qorsheyaal  Qaran oo cad-cad oo maskax-tuujin talo wadaag ah ku-yimi oo raarta lagu sii tiiriyey uma Muuqato  in ay ka keeni karto Xukuumadan Kulmiye  Guul Dhaxal gal ah  oo ummadu ku Diirsato kuna xusuusato Mustaqbalka. Lana arki doonee hadii Eebe raali ka ahaado.
Wehelkaa Waa Alleh iyo Nebi,
Walahum-Aclum Wabilaahi toqfiiq,
A/rahman Fidhinle
Intensive Personal advisor
United-Kingdom
__._,_.___

This post has been viewed 334 times.

Categories: Opinion
Tags:

2 Responses for “Xukuumada Kulmiye Guul ma ka keeni kartaa shirka 7da May 2013 ee S/land v Somalia iyada oo ay Beelihii Darafyadu Ku shaa-shoobeen”

  1. Cali Xood says:

    maya wax ku dhex jiira ma jiiran ee madax waynuhu ha ka noqdo shiira waa hadu rabo inu dalku muustaqbal yesho.

  2. Sakariye Suufi says:

    ma dhabba in gurigii hormoodka u ahaa dalka isagii khilaaf ka socdo?

Leave a Reply

Advertisement

The Most Popular Posts

Halbeeg Archives

Plugin from the creators of Brindes Personalizados :: More at Plulz Wordpress Plugins
Onlined by Samaroon Copyright