Waabeeye muu hadlay mise uu hadray?

Posted by on Jan 27th, 2013 and filed under Opinion. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can skip to the end and leave a response. Pinging is currently not allowed.

waabeeyeBal inuu hanfade waalan yahay,
Habi la’aantiisu… hadmuu ku hirtay,
Dadka kale tashiga waa hojaa,
Kay hadhaw noqone,
Halna kuma xaraysida ,
Dadkaad ku hawaraysaaye,

Waxan idin hormarinayaa salaan gobeed dhamanba akhristayaasha ,,,
Waa iska sunaha aadmaha in qofba gees ka halacsado waayaha iyo dhacdo maalin laha ee dagalkan ay ku uumanahay ka curan dhararta iyo habayka is dhaafaya.

Wuxuunba se asal iyo nuxur ah waxa maanka garsoorayaasha( akhristayaasha ) ka gadma ama u cuntama,
Dhawanbay ahayd markii gudoomiya ku xigeenka 2aad ee xisbiga kulmiye , mudane maxamed x.yuusuf waabeeye warbaahinta ka sheegay in madaxwayne siilaanyo iyo ku xigeenkiisu murashaxiin yihiin shanta sano ee soo socota, waa xaq iyo xuquuq uu mudanayaashan siinayo dastuurka qaranka Somaliland iyo kan xisbiga kulmiyaba, waxaase yaab iyo fajac ahayd in waabeeye ka dhawaajiyay inan cidi la tartami Karin isagoo tusaale iyo daliilba u cuskaday dawlada guunka ah ee maraykanka .

Tiisaba aan u raacno saxiibkeen waabeye haduu marjac inoo yahay maraykan ma og tahay in ninka mar murashax noqda ee guul daraystaa marlabad isa soo taagin xisbiyada maraykanka, siilanyona 2003 intuu guul daraystay 2010 hadana is sharaxay, mise waxay aragtidaa siyaasadeed heer caalami gaadhay intuu obama talada maraykan qabtay.

Waabaaye , miyaanu xeer hoosadka xisbiga kulmiye sheegayn in xubin kasta oo golaha dhexe ee kulmiye ka tirsani u tartami karto ka mid noqoshada hogaanka iyo murashixiinta xisbiga kulmiye? Miyaanu go’aanka cida murashixiinta xisbiga kulmiye noqonaysa lahayn golaha dhexe? Mise mabad haleelin inad akhrido shuruucda xisbiga aad hogaankiisa ka mid tahaye waa laguu liqimay uun? Haddaba akhrista ma la odhan karaa hadalka waabeeye wuxuu ahaa yool baadh aan dalo iyo qiil toona loo alifin oo mudanihii loo xilsaarayna (waabeeye) la bariiqday? Mise hadalba ma ahayne hadar buu ahaa sidii baryahan danbe dhaqanka noqotay 2:00 AM lala soo kacay?
Wabilahi tawfiiq,,,.

Qalinkii: mustafe iid maxamed ( wali)
Master candidate in human resource management
Xubin golaha dhexee kulmiye
Uganda – kampala


This post has been viewed 500 times.

Categories: Opinion
Tags:

1 Response for “Waabeeye muu hadlay mise uu hadray?”

  1. kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk war adeer ma muusa ku soo diray waabeeye runbuu sheeg sida doonto u qaado.

Leave a Reply

Advertisement

The Most Popular Posts

Halbeeg Archives

Plugin from the creators of Brindes Personalizados :: More at Plulz Wordpress Plugins
Onlined by Samaroon Copyright