“Wasiirka Diinta Iyo Awaafta Sheekh Khaliil ayaa Berri Dhawayd Oo Aan Hargeysa tagay oo Aan xafiiskiisa ku booqday wuxuu igu yidhi arrin cajiib wuxuu igu yidhi dawladdu siyaasadeedu waxaa weeyi in Federaal ayaa la noqonayaaye Soomaaliya la Raaco, inta ka horaysana dadka la madadaaliyo”
“Heshiiskii Burco lagu gallay wuxuu ahaa In Muuse Biixi hankiisii Musharaxa Madaxweyne ku xigeenka ka tanaasulo, Siilaanyana uu mar qudha tartamo ama ha helo ama ha waayo, sannadka 2015-kana Muuse Biixi aan cidi kula tartamin”
“Muuse Biixi Waxaa Loo Dhiibay Yaxaas Bilaa Carab Ah”
“Qolo waxaa jirta Gang of Four ah oo Siilaanyo ku wareegsan oo iyagu ay ugu badinayso in Siilaanyo sii joogo oo iyagu waxan wada, kuwaasi waxaan leeyahay haddii aad Muuse daaqadda ka saartaan ogaada Hargeysa la kala mari maayo”
“Yarkan Waabeeyana waxaan huba in madaxtooyada dhegta looga soo saaray inuu sidaa yidhaahdo anigoo Oga siduu xilka ku qabtay”
London (Halbeengews)-27/01/2012- Guddoomiyahii hore xisbiga KULMIYE ee dalka ingiriiska iyo qaaradda yurub Mudane Ibraahim Nuux Xuseen (Dakhare) oo weraysi khaas ah siiyey shabakaddani caalamiga ah ee Halbeegnews isagoo ku sugan magaalada London ayaa wuxuu kaga hadlay arrimo kala duwa oo u badan arrin maalmahii ugu danbaysay warbaahinta soo gashay oo Guddoomiye ku xigeenka 2-aad ee xisbiga KULMIYE Xildhibaan Waabeeye ku sheegay in Madaxweyne Siilaanyo iyo ku xigeenkiisa Saylici ay sannadka 2015-ka xisbiga u tartamayaan isla markaana uu ganafka ku dhuftay musharaxnimada Muuse Biixi Cabdi.
Mudane Dakhare oo ah imika xubin ka mid ah xisbiga KULMIYE horana u ahaa Guddoomiyahii xisbiga KULMIYE ee UK ayaa digniin u diray xubno uu ku tilmaamay mooryaan siyaasadeed (Gang of four) oo ayuu yidhi ku duuban Siilaanyo oo madaxtooyada ku jira oo ayuu yidhi ay ugu badinayso inuu Siilaanyo tallada sii hayo, wuxuuna sheegay in haddii Muuse Biixi daaqadda laga tuuro ay taasi sabab u noqonayso cawaaqib xumo weyn, wuxuu Dakhare sidoo kale Weraysigani daaha kaga fayday heshiiskii sannadkii 2009-kii magaalada Burco ku dhex maray beelahii Axmed Siilaanyo iyo Muuse Biixi, haddaba weraysigani oo uu qaadayo tafatiraha shabakadda Halbeegnews Maxamed Diridhaba guji barta cad ee hoose ama ku daawo youtube Video-ga hoose
Ama Hoos Ka Daawo/Dhegayso Youtube
Halbeegnews, London
halbeegnet@gmail.com
This post has been viewed 3032 times.








This some can of cheating and fraud he done in his political part kulimye and he was cheating a one of leaders a kulimye part and that is chairman of kulimiye this time mr mouse bixe he was one of leaders a snm and but his live on the belt and this president that time he was ranging all the Africa and Somaliland but muuse he was fighter against that distorter of Somalia siyaad bare and thanks lord we win then this president he using a brain because them leader they are soldiers he using them and his tribe it’s not have a power they can control all the Somaliland but muse he his tribe is biggest tribe in Somaliland and that is (magado) its all the Somaliland but he using some political and that is defied and roll and make against each anthers anther ways he try to us a dignity of Somaliland and he try to united a Somalia by federal it good but it’s not right way in Somaliland side then we are worming this president their is court in uk against u because u kill 8 person in hargaysa and one person in borama then don’t be but in prison yourself and u should fill fed the agreement u was agree muse and that is muse he will be coming a leader kulmiye this time and that is u agree.