Dacwad Labaad Oo Ururadda Jaaliyadaha Gobolka Awdal Ee Dalka Ingiriisku Ku Furayaan Madaxweyne Siilaanyo Iyo Xubo Ka Mid Ah Xukuumadiisa Oo La Xidhiidha Dilkii Wiil Yar Oo Dhawaan Lagu Dilay Gobolka Awdal

Posted by on Jan 26th, 2013 and filed under featured, today's top stories. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can skip to the end and leave a response. Pinging is currently not allowed.

London (Halbeegnews)– Waxaa magaalada London ee xarunta dalka ingiriiska ka bilaabantay qaban-qaabadda dacwad labaad oo ay soo abaabuleen jaaliyadaha gobolka Awdal ee Somaliland ee ku nool dalka ingiriiska taasi oo la xidhiidha dil dhawaan loo gaystay wiil yar oo ka soo jeeda magaalada Boorama oo markii la tooganaayey laga duubay kamarad.

Dacwadani oo la filayo inay todobaadka soo socota loo gudbiyo garyaqaano qaabilsan dhinaca sharciga dalkani ingiriiska ayaa sida xogo ay Halbeegnews ka hellayso tibaxayaan in toos loogu oogayo Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, ku xigeenkiisa Cabdiraxmaan Cabdilaahi Saylici, iyo xubno wasiiro ah oo ay ka mid yahiin wasiirka arrimaha gudaha Maxamed Nuur Caraale Duur.

Dacwadda ayaa waxay ku soo beegantay iyadoo dacwad kale oo muddo soo socotay oo ay wadaan taageerayaasha urur siyaasadeedkii XAQSOOR dhawaan la filayo in loo gudbiyo Garyaqaanadda guud ee qarranka taasi oo lagu soo oogi doono madaxweyne Siilaanyo danbi ah gabood fal xuquuqda aadamaha ka dhan ah iyo xasuuq inuu fuliyey.

Ka dib tallo ka timid garyaqaanadda kiiskani qaadaya oo ay ku sheegeen inaanu Madaxweyne Siilaanyo wax xasanad ah ku lahayn Britain lana xidhi karo ayaa albaabada u furtay in dacwado is daba joog ah lagaga oogo dalka ingiriiska taasi oo xaq u siinaysa Booliiska dalka ingiriiska iyo guud ahaanba qaaradda yurub inay xidhi karaan oo ay usoo gudbin karaan Siilaanyo maxkamadda si uu uga jawaabo eedaha loo haysto.

Hoos Ka Daawo Dilka Wiilka Yar Ee Jimcaale

 

Halbeegnews, London

halbeegnet@gmail.com


This post has been viewed 665 times.

Categories: featured, today's top stories
Tags:

Leave a Reply

Advertisement

The Most Popular Posts

Halbeeg Archives

Plugin from the creators of Brindes Personalizados :: More at Plulz Wordpress Plugins
Onlined by Samaroon Copyright