Dalka Tanzania Iyo Dalal Badan Oo Afrikaan Ah Oo Ghana Ka Mid Tahay Oo Ka Dalbaday Maraykanku inuu Faahfaahin Ka Bixiyo Aqoonsiga Uu Siiyey Dawladda Soomaaliya “Dawladda Soomaaliya Dadkeedu Ma Wada Aqoonsana, Mana Jirto haykalkii dawladnimo” Wasiirka arrimaha dibadda Tanzania Mahadhi Juma Maalim

Posted by on Jan 25th, 2013 and filed under featured, today's top stories. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can skip to the end and leave a response. Pinging is currently not allowed.

Addis Ababa (Halbeegnews)– Dalalka Ethiopia, Tanzania, Ghana iyo Senegal ayaa ka dalbaday dalka maraykanku inuu faahfaahin ka bixiyo aqoonsiga dalkiisu siiyey dawladda Muqdisho iyadoo ayey sheegeen aanay jirin haykal dawladeed oo wada gaadhsiisan dhulka Soomaalida oo lagula shaqayn karo.tanzania

Wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Tanzania Mahadhi Juma Maalim oo u waramaayey telefishanka Africa24 gallabta isagoo ka qayb gallaayey shirka wasiiradda arrimaha dibadda ee dalalka Midawga Afrika oo ku soo gebo geboobay magaalada Addis Ababa ayaa weraysigaasi ku sheegay in aqoonsigaasi maraykanku siiyey dawladda Soomaaliya aanu ahayn mid faahfaahin laga siiyey dalalka xubnaha ka ah ururka Midawga Afrika isagoo taasi ka hadlaya wuxuu yidhi “waxaynu ognahay in ay Soomaaliya joogaan ciidamo ay Midawga Afrika direen oo halka u jooga ilaalinta nabadgelyada, ma jiraan ciidamo ay dawladda Soomaaliya leedahay oo xoog weyn oo maanta wada hanan kara Soomaaliya dhamaanteed haddii ay Muqdisho ka baxaan ciidamadda Afrikaanku wayno ognahay waxaa dhici kara, taasi markaad ka timaado ma jiraan haayad dawladda Soomaaliya leedahay oo dalka Soomaaliya ka shaqaysa ama dadka Soomaaliyeed ka midaysanyahiin”

Wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Tanzania isagoo hadalka sii wada wuxuu yidhi “hawsha dawladda Soomaaliya waxay ahayd inay hanato oo ciidamadda Afrika kala wareegan hawsha si loogu aqoonsado dawlad dalkeeda iyo dadkeedaba hanatay laakiin dawlad aan degmo Muqdisho ka tirsan maamulkeedu gaadhin oo aanay jirin haayad dawladeed oo shaqaynaysa anagu ma qabno in si rasmi ah loo aqoonsado, aqoonsigu wuxuu iman kara marka ay aqoonsi ka hesho dhammaan dadka gudaha Soomaaliya ku dhaqan” ayuu yidhi Wasiirka arrimaha dibadda Tanzania

Mahadhi Juma Maalim isagoo sii wada jawaabta wuxuu yidhi “Dawladda Soomaaliya xidhiidhka aanu la lahayn waxay ahayd xidhiidh wada shaqayneed iyadoo marka la eegayo kolba horumarka ay ka sameeyeen dhinaca siyaasadda iyo ammaanka, marka maraykanka waxaanu weydiinay inay faahfaahin ka bixiyaan aqoonsiga ay siiyeen qaabku yahay” ayuu yidhi wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Tanzania.

isagoo ka hadlaya arrintaasi wuxuu yidhi “waxaynu ognahay inuu dalkii Soomaaliya kala qaybsanyahay, dawladda nidaamkeeda dawladnimo ma dhaafo degmooyin ka mid ah Muqdisho, waxaa jiray hannaan (Frame-work) ka soo farcamay dariiqyadii lagu dhisay dawladdani ee loo yaqaano (Road Map) kuwaasi oo dhigaayey in aqoonsi kasta oo la siiyo dawladda Soomaaliya ay ku timaado dedaalkay la yimaaadan, aqoonsiguna uu ka yimaado dadka Soomaaliya oo dhan” ayuu yidhi Mahadhi Juma Maalim wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee dalka Tanzania

hadalkani wasiirka ayaa ku soo beegmaya iyadoo dalal ka mid ah Midawga Afrika ay maanta kulan kula yeesheen magaalada Addis ababa ergayga maraykanka u fadhiya xarunta Midawga Afrika kana dalbadeen inay faahfaahiyaan aqoonsiga ay siiyeen Soomaaliya

Halbeegnews, Addis Ababa

halbeegnet@gmail.com


This post has been viewed 985 times.

Categories: featured, today's top stories
Tags:

Leave a Reply

Advertisement

The Most Popular Posts

Halbeeg Archives

Plugin from the creators of Brindes Personalizados :: More at Plulz Wordpress Plugins
Onlined by Samaroon Copyright