Addis Ababa (Halbeegnews)– Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda Somaliya Foosiya Yuusuf X Aadan ayaa ka qayb gashay Shirka Wasiiradda Afrika uga bilaabmay manta Xarunta Ururka Midawga Afrika ee Addis ababa oo fadhigii ugu horeeyay manta ka qabsoomay.
Foosiya Yuusuf X Aadan waxa ay sheegtay manta inay farxad u tahay ka soo qayb galka Shirka Midawga Afrika iyadoo sheegtay inuu shirkani ku soo beegmay wakhti ay Somaliya Dawladd buuxa heshay isal markaana ay Maraykanku Ictiraafeen.
Marawo Foosiya waxa ay sheegtay Kulankii saaka in uu ahaa mid qoraalo la isku dhaafsanayay dhinacoodana ay ka gudbiyeen Ajandihii ay siteen, sidoo kale waxa ay sheegtay shirka ka hor inay la kulantay madaxa badan oo ka socota Caalamka oo Addis ababa ku sugan kuwaasoo ay kala hadashaya Marxaladda cusub ee ay Somaliya gashay.
Foosiya Yuusuf X Aadan oo Waaheen weydiisay shirka Ingiriiska ka dhacaya Bisha May in wadahadaladii Somaliya iyo Somaliland lagu sii ambaqaadi doono iyo inkale oo ay isa soo hor fadhiisan doonaan waxa ay tidhi “ Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamud waxa uu sheegay in Somaliya sii wadi doonto wadahadalada ay la bilowday Somaliland, hase yeeshee Ajandaha Shirka kama hordhici karno oo lama samayn, markaas waxaya ku xidhan tahay arrintaasi Ajandaha oo sadex geesood ah” ayay tidhi
Foosiya Yuusuf X Aadan mar aanu weydiinay dedaalada ay dibeda ka wado inay la jaan-qaadi karaan kuwa gudaha Somaliya looga baahan yahay waxa ay tidhi “ Anigu shakhsi baan ka ahay Golaha Wasiiradda haa waanu gaadhnay baan odhan karaa wax lagu faani karo, hase yeeshee sagaal ka wasiir ee kale ee gudaha joogaa iyana waxay wadaan kuwo ka badan waanan qabaa in ay wada socdaan dedaaladaasi oo dhami” ayay tidhi
Wasiir Foosiya oo jawaabta su’aashaas sii wadatay ayaa tidhi “ ilaa inta aan arko Somaliya Horumar la taaban karo ayay gaadhay mudadii aanu joognay, sanadkana waxa aan rajaynaynaa inay cagaheeda isku taagto oo waxyaabo la taaban karo aanu bulshada iyo Caalamkaba tusno” ayay kaga baxday.
Xigasho Wergeyska Waaheen Addis Ababa
Halbeegnews, Addis Ababa
halbeegnet@gmail.com
This post has been viewed 819 times.






