ACMD “Qaadku Maaha Daroogo Waana Uu Fasaxanyahay, Mana Jirto Caddaymo Ku Filan In Khatar Ku Yahay Bulshada Britain”

Posted by on Jan 24th, 2013 and filed under featured, today's top stories. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can skip to the end and leave a response. Pinging is currently not allowed.

London (Halbeegnews)– Guddoomiyaha guddida ka tallo bixinta si xun u isticmaalka maandooriyayaasha Britain Prof Les Iversen ayaa maanta wuxuu ka hor jeediyey golaha baarlamaanka ingiriiska warbixin ku saabsan khatarta qaadku ku hayo bulshada muhaajiriinta ah ee dalka ingiriiska gaar ahaana soomaalida iyo bal in laga mamnuuco qaadka dalka ingiriiska.acmd

Prof Les Iversen wuxuu warbixintiisa ku sheegay inaanu qaadku waxyeelo sida u weyn ku lahayn caafimaadka dadka isticmaala wuxuuna sheegay in ay waayeen caddayn ku filan inuu qaadku yahay maandooriye wax u dhimaya caqliga qofka isticmaala balse uu ku jiro ayuu warbixinta ku yidhi  walax qofka dareenkiissa bedesha oo ayuu yidhi ah (Herbal) ama aan ahayn kimikal.

Warbixinta waxaa lagu sheegay inay kala duwanyahiin waxyeeladda uu geedka qaadku u leeyahay dadka isticmaala iyo dhibaatada uu ku hayo bulshada ee ay u sheegeen badiba dadka iyagu ka soo horjeeda qaadka in la mamnuuco, wuxuu sheegay in ay aad u yartahay waxyeeladda uu qaadku u gaysto qofka isticmaala balse ayuu yidhi waxaanu kula talinay dadka iyagu dhibsanaya in qofka isticmaala uu khatar ku yahay bulshada inay la xidhiidhaan waaxaha Booliiska.

Warbixinta waxaa lagu sheegay inaanay jirin sabab caddayn ku filan leh oo qaadka lagaga mamnuuco Britain isla markaana wuxuu sheegay inuu qaadku ka waxyeelo yaryahay khamradda isla markaana aanay ku jirin ayuu yidhi walax maandooriye ah oo qofka dhimirkiisa waxyeeli karta markii ayuu yidhi aanu baadhitaan ku samaynay.

Warbixinta Oo Ka Cadhaysiisay xubno guddida ACMD Ku Jira

Wallow warbixintani ay ahayd mid badiba guddida sare ee ACMD ay isku raacsanaayeen codna loo qaaday ayaa haddana waxaa jira xubno ku jira guddida oo aad uga soo horjeeda in qaadka la fasaxo, waxaanay xubnahaasi ku doodayaan inaanay guddidu tixgelin siinin dadkii iyagu soo bandhigay caddaymaha ku saabsan burburka uu qaadku u gaystay bulshada isticmaasha ee ay ka mid yahiin furriinka, isla hadalka, shaqo la’aanta iyo wixii la mid ah.

Sannadkii 2011 ilaa 2012 ayaa Britain waxaa soo gallay 2,560 tone ah oo ku dhaw lacag gaadhaysa  40 Malyuun oo dollarka maraykanka waxaana dawladda ka soo gallay cashuur dhan 13 Malyuun oo dollarka maraykanka ah waxaana dad badani aaminsanyahiin in sababta keentay in aan qaadka laga mamnuucin Britain ay tahay arrimo dhaqaale oo la xidhiidha dakhliga ka soo xaroodda qaadka.

Halbeegnews, London

halbeegnet@gmail.com


This post has been viewed 464 times.

Categories: featured, today's top stories
Tags:

Leave a Reply

Advertisement

The Most Popular Posts

Halbeeg Archives

Plugin from the creators of Brindes Personalizados :: More at Plulz Wordpress Plugins
Onlined by Samaroon Copyright