Budhcad Lacageedkii Xawaaladda Qarran Oo Lacagahii Ay Ka Dhaceen Dadkii Lacagahu U Taallay Ku Furtay Xawaalad La Magac Baxday Juba Express, Halbeegnews Oo Soo Bandhigaysa Caddaymaha La Xidhiidha, Iyo Kumanaan Qof Oo Lacagahoodii Lagu Shaqaysanayo

Posted by on Jan 23rd, 2013 and filed under featured, today's top stories. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can skip to the end and leave a response. Pinging is currently not allowed.

juba expressColumbus (Halbeegnews)– Iyadoo sannadkii hore la sheegay in xawaaladdii Qaran Express ay maalin qudha ku kacday iyadoo ay hayso lacago malaayiin dollar ah oo ay lahaayeen dadka Soomaaliyeed ee xawaaladda isticmaali jiray ayaa haddaba xogo ay Halbeegnews hellaysa tibaaxayaan in aanay xawaaladdu kicin balse keliya magacii laga bedelay halka qaybtii Europe ee xawaaladduna ay weli sii shaqaynayso islamarkaana lacagta lagu shaqaynaya tahay lacagahii malaayiinka dollar ahaa ee xawaaladdii QARAN u taallay kumanaankun qof oo Soomaaliyeed.

Sida xogtani ay Halbeegnews heshay tibaaxayso budhcad xawaaladeedkaasi xawaalada qarran maamulaayey ayaa waxay si qarsoodi ah uga diiwan-geliyeen shan shariikadood oo ay kaw ka tahay xawaaladda qarran oo ay ka mid yahiin Global, East and West, iyo tan magaca lagu bedelay ee JUBA Expresss waxaanay ka diiwan geliyeen haayadda diiwangelinta ee gobolka Ohio ee dalka maraykanka.

Sida Halbeegnews xogta ku hellayso xubnahii mulkiyadda u lahaa xawaaladda Qaran ayaa cayaaray farsamo casri ah oo ay ku dhaceen lacagtii u taallay dadka Soomalida iyagoo keliya uun u bedelay magacii iyo goobta diiwan gelinta, waxaana tani ay daaha ka rogaysa daciifnimada dhinaca sharciga iyo la xisaabtanka ah ee ka jirta dhulka Soomaalida ee Somaliland ka mid tahay.

Kumanaan qof oo ay lacago ka yaalleen QARAN ayaa loo sheegay in loo soo jawaabi doono balse waxaanay ogayn in lacagtoodii la dhacay oo lagu furtay magac loo yaqaano JUBA EXPRESS oo ah xawaaladdii Qaran Express oo magaca uun bedelatay

Waxaanu uga digayna dadka Soomaaliyeed inaanay marlabaad lacagtooda khatar gelin kana foojignaadaan xawaaladdani loogu yeedhay JUBA EXPRESS oo ay ku shuraakoobeen budhcaddii hore u dhacday boqolaal qof ee lahaa xawaalada QARAN EXPRESS.

Halkani Guji Oo Akhriso Documentska Xawaaladdaasi

Halbeegnews, Hargeysa

halbeegnet@gmail.com


This post has been viewed 753 times.

Categories: featured, today's top stories
Tags:

Leave a Reply

Advertisement

The Most Popular Posts

Halbeeg Archives

Plugin from the creators of Brindes Personalizados :: More at Plulz Wordpress Plugins
Onlined by Samaroon Copyright