Xudun, January 22, 2013 (Halbeegnews) – Maleeshiyada falaagada kooxda Somaliland diidka ah ee Khaatumo, ayaa maanta weerar gaadmo ah ku qaaday guuto ka tirsan ciidamada Somaliland oo fadhigeedu yahay degmada Xudun ee gobolka Sool.
Dagaalkan, ayaa qarxay saaka barqadii, waxaana ay ciidamada Somaliland iska difaaceen weerarka lagu soo qaaday, iyada oo maleeshiyada dib loogu celiyey deegaankii ay duulaanka ka soo qaadeen oo ah meel dhanka Bari ka xigta Magaalada Xudun.
Weerarkan ayaan la ogayn khasaaraha ka dhashay , laakiin wararka ka imanaya deegaankaas, ayaa sheegaya in uu jiro dhaawac aan badnayn oo gaadhay maleeshiyada Khaatumo ee weerarka qaaday.
Si kasta ha ahaatee Kooxda Khaatumo, ayaa toddobaadyadii u dambeeyay bilowday dagaal ku dhufo oo ka dhaqaaq ah.
Wixii Weeraradaas ka soo kordha kala soco Shabakada Caalamiga ah ee Halbeegnews wakhtikasta.
This post has been viewed 679 times.






