Hargeysa, January 22, 2013 (Halbeegnews) – Xisbiga Waddani ayaa munaasibad balaadhan ku soo dhaweeyey masuuliyiinta ururkii Hadhay ee Umadda oo uu horkacayo Guddoomiyihii ururkaas Dr. Maxamed Cabdi Gaboose, kuwaas oo si rasmiya ugu biiray xisbiga Waddani
Munaasibada lagu soo dhawaynayey masuuliyiintii ururka Umadda ayaa Maanta lagu qabtay Hotelka Ambassador ee magaalada Hargeysa ayaa waxa ka soo qayb galay hogaanka Xisbiga Waddani iyo Hogaankii ururkii hadhay ee Ummadda. Ugu horayn waxa munaasibadan ka hadlay Sheekh Maxamed Cali Geedi oo ka mid ah masuuliyinta xisbiga Waddani waxaanu sheegay inay soo dhawaynayaan masuuliyiinta ururka Umadda ee maanta ku biiray xisbiga Waddani.
Ugu horayn waxa halkaas ka hadlay Xoghayaha guud ee xisbiga Waddani Maxamed Cabdilaahi Uur-Cade, kaas oo sheegay inay soo dhawaynayaan masuuliyiintan cusub ee ku soo biiray, isaga oo arimahaas ka hadlayana, waxa uu yidhi ”Madashan maanta ee ay ku bahoobayaan ururka Umadda iyo xisbiga Waddani waanu soo dhawaynaynaa, waxaanan rajaynayaa in isbahaysigan maanta ilaahay inaga siiyo.
Waxa munaasibadan maanta ku midoobayaa ururkii Umadda ee uu hogaaminayey siyaasiga rugcadaaga ah Maxamed Cabdi Gaboose kuwaas oo la midoobaya xisbiga Waddani, waxaynu ka war haynaa inuu ururka Umadu ahaa kuwii ugu adkaa ee ka qayb galay doorashooyinkii, xisbiga Waddani waxa uu is lahaa ururka Umaddu waxa uu soo gali doona kaalinta labaad waana ururkii noogu hawl badnaa ee aanu ka war wari jirnay, xisbiga Waddani waxa maanta sharaf u ah inay iskugu yimaadeen sadexdii musharax ee u tartamayey madaxtinimada dalka kuwaas oo maanta midoobay hadaf kaliyana wada leh, hadii aanu nahay xisbiga Waddani waanu soo dhawaynaynaa hogaanka ururka Umadda”. xoghayaha guud ee xisbiga Waddani Maxamed Cabdilaahi Uurcade waxa uu ka waramay taariikhda uu Dr.Gaboose ku leeyahay dalka.
Sidoo kale Axmed Kayse Xasan Maxamed oo isaguna ka mid ah masuuliyiinta ururka Umadda oo ka hadlay munaasibadan ayaa ka waramay qodobada ay ku heshiiyeen ururka Umadda iyo xisbiga Waddani waxaanu yidhi “Ka dib markii aanu aragnay mabaadiida aasaasiga ah ee xisbiga Waddani inay tahay mid ku dhisan mucaaridad wax dhista oo danta dalka iyo dadka u taagan. Markii ay labada dhinac arkeen qodobka 14aad ee sheegaya in ururkii hadhaa uu ku biiri karo xisbiyada soo baxa.
Markii ay arkeen qodobka 22aad farxada 7aad ee xeerka xisbiga Waddani ee tilmaamaya in la kordhin karo xubnaha golaha dhexe,golaha fulinta iyo hogaanka xisbigaba.
Markii ay isla afgarteen in qaab dhismeedka xisbiga Waddani laga siiyo saami qaybsigii ay ku qanceen Ka dib markii ay labada dhinac wada hadal qoto dheer ka yeesheen isku tagooda, Waxay go,aansadeen In ururka Umaddu kusoo biiro xisbiga Waddani,maanta oo salaasa ah taariikhduna ay tahay 22/01/2013.
Hadaba waxaanu ku war gelinaynaa dadweynaha Somaliland iyo hay’addaha ay khusayso arintani inay sidaa ula socdaan”.
Gudoomiye ku xigeenka labaad ee ururka Umadda Cabdirashiid Maxamed Cali oo isaguna ka hadlay munaasibadan ayaa soo dhaweeyey go,aanka ay ugu biireen xisbiga Waddani, waxaanu yidhi “Markasta waxaanu muhiimada koowaad siinaynaa cida aanu u aragno inay wado danta dalka iyo dadka sidaas darteed waxaanu ku biirnay xisbiga Waddani anaga oo ka duulayna danta dalka iyo dadka, xildhibaanada golaha deegaanka ee ka soo baxay ururka Umadda iyo guud ahaanteenba maanta waxaynu ka mid nahay bahweynta xisbiga Waddani, waxaanu rajaynayaa inaynu danta dalka iyo dadka ka wada shaqayno iyo horu marka dalka, waxaanan rajaynayaa in xisbiga guulaysto”.
Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee ururka Umadda Qaasim Ibraahin Tubeec oo isaguna ka hadlay munaasibadan ayaa sheegay inuu soo dhawaynayo go,aanka ay ugu biireen xisbiga Waddani “Anigu kalsooni wayn ayaan ku qabaa xisbigan Waddani, inkasta oo aanan la shaqayn gudoomiyaha xisbiga Waddani laakiin mudadii aan siyaasada ku jiray waxaan la shaqeeyey gudoomiye Maxamed Cabdi Gaboose,ururka Umadda hadii aanu nahay waxaanu idiinla soconaa xisbiga Waddaniyow inaan dhismno dalka, oo aan baaabiino tuugada iyo dhaca,waxaanu idiinla soconaa in nabad galyada Somaliland ay noqoto mid ay caruurta iyo hooyooyinku ku ladaan, nabad galyaduna hadii aanu nidhaa way soo dhaafi wayday guriga madaxtooyada, mucaaridaduna waa inaan wax dhisno”.
Cali Maxamed Waran Cade oo isaguna ka mida masuuliyiinta Xisbiga Waddani oo munaasibadan ka hadlay ayaa sheegay in xisbigoodu soo dhawayno hogaanka ururka Umadda ee maanta ku soo biiray “Waxaan aad iyo aad u soo dhawaynaynaa madaxda iyo taageerayaasha ururkii awooda badnaa ee Umadda oo aanu maanta ku walaalownay miiskii aanu shalay ku hirdamaynay , isku taga ururada iyo asxaabta waxay saldhig balaadhan u noqonaysaa inay bulshadu ka baxdo qabyaalada, waxay sal dhig u tahay inay tusto inay bulshada Somaliland wax wada leeyihiin, waxaynu caalamka u sheegaynaa in ururadii sida adag u tartamay ay maanta u taagan yihiin danta dalka Somaliland,Isku taga ururadu waxay saldhig u tahay inaynu samayno mucaaridad adag oo ilaalisa danta dalka iyo dadka iyo inaynu ilaalino ujeedada shacabka Somaliland ee ah inay ku wada noolaadaan sinaan iyo cadaalada, taas oo ka madhan gobolaysi iyo qabyaalada.
Isku taga ururka Umadda iyo xisbiga Waddani Waxay bilaw u tahay inaynu xukunka qabano oo aynu dalka gaadhsiino meel wanaagsan”.
Gudoomiyaha ururka Rays Xasan Gaafaadhi oo isaguna ka hadlay munaasibadan ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay ka qayb galka munaasibada ay iskugu biirayaan ururka Umadda iyo Xisbiga Waddani.
Proff:Cabdisalaan Yaasiin oo isaguna ka hadlay munaasibadan ayaa sheegay in xisbiga Waddani soo dhawaynayo masuuliyiinta ururka Umadda ee maanta sida rasmiga ah ugu soo biiray.
Gudoomiyaha xisbiga Waddani oo isaguna ka hadlay munaasibadan ayaa sheegay inuu soo dhawaynayo masuuliyiinta ururka Umadda ee maanta ku soo biiray xisbigaasi.
Ugu danbayn waxa madashaasi ka hadlay Guddoomiyaha Xisbiga Waddani C/raxmaan Cirro iyo gudoomiyaha Umadda Dr.Maxamed Cabdi Gaboose oo munaasibadan ka hadlay ayaa balan qaaday inuu si hagar la,aan ah u wada shaqayn doono.
Dhinaca kale Munaasibadaas oo laga jeediyay khudbado badan isla-markaana ay labada Guddoomiye ka soo jeediyeen hadal Muhiim ah oo la xidhiidha danaha qaranka iyo mustaqbalka siyaasadeed ee Somaliland, ayaa waxay midowgooda ka soo saareen War-murtiyeed kooban, kaasi lagu cadeeyay midowgooda, ayaa nuqul ka mid ah oo uu helay Shabakada Caalamiga ah ee Halbeegnews ayaa iyada oo dhamaystiran u dhignaa sidan:- “Midowga Xisbiga WADANI iyo ururka Siyaasadeedka UMADDA, Ka dib markii Xisbiga WADDANI iyo Ururka siyaasadeedka UMADDU wada yeesheen wadahadal socday muddo kooban islana fahmeen in mabaadiida aasaasiga ah ee Xibiga WADDANI ay tahay mid ku salaysan mucaaradad wax dhisa oo dalka iyo dadka danohooda u taagan.
Ka dib markii labada dhinac ay tixgeliney Qodobka 24aad ee Xeer lr. 14/2011 ee tilmaamaya in ururkii ku guulaysan waaya doorashada golaha deegaanka ay tahay inuu ku biiro saddexda Xisbi Qaran ee soo baxay midkood.
Ka dib markay arkeen qodobka ….. ee xeerka xibiga WADDANI tilmaamayo in la kordhin karo xubnaha Golaha dhexe, Fulinta iyo Hogaanka xisbiga.
Ka dib markii ay labada dhinac isla afgarteen in qaabdhismeedka awoodaha Xisbiga Wadani laga siiyo Ururka siyaasadeedka UMADDA saami-qaybsi ay ku qanceen.
Ka dib markii ay labada dhinac wada tashi qotodheer ka yesheen arrinta midnimadooda, lana soo tashadeen taageerayaashoodii, islamarkaana ka soo ansixiyeen Hogaamada labada daraf, waxay isla ogolaadeen in URURKA UMADDU ku soo biiro XISBIGA WADANI maanta oo salaasa ah, taariikhduna tahay 22/01/2013.
Hadaba, waxanu ku wargelinaynaa dadweynaha reer Somaliland iyo hay’adaha ay khusayso arintani inay sidaa ula socdaan. Wabilaahi Tawfiiq”.
This post has been viewed 509 times.














Waxa is bedel ah oo ay sameeyeen & wax midnimo ah ma jirto,,waa qabiilo shirtay sawiro is qaaday,,bal yay berto wax u sheegayaa,,waa reer qudhac oo magacii iska bedelay,,wxan caruurtu xitaa iibsan mayso