Somaliland Ma Goblanba Mise Waa Loogu Tallo Gallay Qallinkii Mukhtaar Xaaji Cabaydh

Posted by on Jan 22nd, 2013 and filed under Opinion. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can skip to the end and leave a response. Pinging is currently not allowed.

cabaydh1Bacda salaam, muwaadin kasta oo damiirkiisu nool yahay isla markaana u tudhaya dadkiisa, kana fekeraya mustaqbalka dalkiisa, xog-ogaalna u ah wadankiisa wuxuu is weydiin karaa ama is weydiinayaa su’aalo badan oo ay ugu horayso su’aasha kor ku xusan ee aynu cinwaanka u dooranay, waxa kale oo uu is weydiin karaa horta Somaliland xagay u socotaa, ujeedo iyo hadaf se miyay leedahay. Ha degdegin horta maqaalka si fiican u akhri intaanad waxba xukumin. Waxaynu nool nahay casri ama wakhti ay aduunyaddu noqotay tuulo ama magaalo iska war haysa, isla markaana wax kala baran karta ama cid kasta la ogyahay waxa ay ku nooshahay iyo sida ay u nooshahay, taas oo sahlaysa cid kasta oo rabta inay korto ama horumar samayso inay heli karto wado dhow oo looga horeeyey, lana soo tijaabiyey dhibkeeda iyo dheefteeda, halka ummaddaha ay wakhtiyadii hore ku qaadan jirtay xataa inay ogaadaan sida jaarkoodu u noolyahay wakhti badan, isla markaana ay qaadanaysay muddo qarniyo ah in ummaddi ay dhaxasho xaddaarad ama ilbaxnimo ummad kale.

Wax lala yaabo maaha in la isku dhex yaaco, ama meel loo cararo la waayo marka arrinku adkaado, ama ummadda hiigsigeedii mugdi galo, sababta oo ah marka horeba Somaliland cidina ma taqaan meel loo socdo, isla markaana ma jirto cid ummadda u fekerta ama u dejisa istraatijiyad ama qorshe ku wajahan mustaqbalka iyo jiritaanka qaranka Somaliland. Waxaynu si fiican u naqaan inaynu dalkeena goosanay, waxaynu kaloo si fiican u naqaan sidii aynu kursiga u kala ridan lahayn ama isugu qabsan lahayn. Laakiin cidina iskuma mashquuliso war horta xagaynu u soconaa, haddiiba ay inaga dhab tahay inaynu qarannimadda Somaliland hirgelino. Weli ma maqashay Xukuumad, Guurti, Baarlamaan, Madax-dhaqameed, Aqoonyahan, Siyaasiyiin iyo cid kale oo ku mashquulsan ama meel u fadhida in wax la iska weydiiyo mustaqbalka qarannimadda Somaliland. Miyay inagu filan tahay waanu goosanay oo haddii boqol sano ka soo wareegayso ka noqon mayno go’aankayaga oo afka uun laga yidhaahdo, loona diyaar garoobin duruufaha iyo caqabadaha siyaasaddeed oo la hubo inay imanayaan maalin maalmaha ka mid ah.

Hadaad u fiirsato dhawr arrimood waxaa kuu soo baxaya inaan Somaliland meel ay u socotaa aanay jirin, waa ta koowaad hadaad u fiirsato Siyaasadda Arrimaha Gudaha Somaliland oo ku salaysan qabiil iyo qof jeclaysi, laakiin aan marna ku dhisnayn yaa dalka iyo dadka wax tari kara, daacad ah, aqoontii iyo xirfaddii leh, iyadoo la heli karo maanta aqoonyahano badan oo u dhashay Somaliland, khibradiina leh oo buuxin kara field kasta (qayb kasta oo shaqo), laakiin laga door biday dano gaar ah, taasina ay caqabad weyn ku tahay inaynu u sii jirno qaran ahaan. Halkii dadka lagu beeri lahaa dareen qarannimo waxaad moodaa inaynu hoos u socono ilaa la ina gaadhsiiyey ama caqligeenii dhaafi la yahay, tuulo heblaayo anagaa leh, iyo wasiir hebel waa anaga, arrimahani waxay ka markhaati yihiin ama sawir inaga siinayaan meesha loo socdo oo aan ahayn wadaddii qarannimo.

Ta labaad hadaad u fiirsato Siyaasadda Arrimaha Debeda ee Somaliland oo aad moodo inaanay jirin wax straatiijiyad ama qorshe degsan oo ay ku socoto, laakiin hadba wasiirka arrimaha debeda ee wakhtigaa jooga ayaa aragtidiisa iyo caqligiisa u isticmaala hadba duruufta siyaasadeed ee soo korodha. Waana sababta siyaasiyiinteenu ugu hadlaan waxyaabo is burinaya oo iska hor imanaya marka arrini ka soo cusboonaato arrimaha Soomaaliya,Jabuti, Ethiopia, Carabta ama Wadamadda Yurub iyo Maraykan. maxaa yeelay waxaan jirin wax qaranku meel dhigtay oo lama taabtaan ah. Weli ma dhegaysatay wasiir inta su’aal laga weydiiyey wadan ka mid ah wadamadda aynu xidhiidhka leenahay, dabadeedna ku haftay ama garan waayey kelmadii uu isticmaali lahaa, isla markaana waraysiga gudihiisii mar yidhi, wadanka walaaleheen, oo mar labaad ku celin kari waayey kelmadii walaaleheen, oo yidhi wadanka aynu saaxiibka nahay, mar kale xataa saaxiibnimadii ka shakiyey oo yidhi wadan heblaayo oo ka midda wadamada aynu xidhiidhka leenahay, waa wasiir dhan oo dal metela laakiin wuxuu garan la yahay wadankan uu ka hadlayo waxa wadankiisa looga yaqaan, ama siyaasadda wadankiisu maxay u tixgelisaa, ma walaalnimo, ma jaarnimo, ma saaxiibtinimo, ma xidhiidh dublamaasiyadeed iwm.

Weli intii Somaliland  jirtay, miyaad aragteen cid is weydiisay waar horta xagaynu u soconaa, siyaasiyiinteenu waxay inoo sheegaan in ictiraafkii soo dhaw yahay iyo in lagu mashquulsan yahay, yaa arkay Xukuumad Somaliland ah oo talo raadinaysa, ama dadkeeda inta aqoonta leh u soo bandhigaysa duruufaha iyo waayaha lama dhaafaanka ah ee ina  hor yaal si  wax looga yidhaahdo. Waxaad moodaa in Somaliland la isku waafaqsan yahay inaan laga wada hadal xaqiiqda laakiin la jeedo ilaa gidaarka la soo taabanayo. Waxa haboon in qaranku talo ka leeyahay, haddii ictiraaf al raadinayo la is weydiiyo xagay tahay in laga raadiyo, iyo side loo raadiyaa, yaa inaga caawin kara, maxaa inaga hortaaga iyo su’aalo la mid ah. Haddii aan ictiraaf loo socon ee goosashadu inagu filan tahay, iyana waxay tahay in la is weydiiyo sidii aynu ugu diyaar garoobi lahayn duruufaha siyaasadeed ee inaga soo waajihi kara marka Somaliya inteeda kale cagaheeda isku taagto, iyo sidii aynu Geeska Afrika ugu noolaan lahayn inagoon cidna ku xidhnayn isuguna tashan lahayn. Laakiin kursiga ha la kala rito, shacabka yaan runta loo sheegin, iyo iska daba wareeg hadba nin iska qayliya oo inta kale eedeeya isagoon isaguba xal ahayn, runtana ka xishoonaya, waxaan filayaa inaanay sidaasi muddo dheer ina sii wadayn. Ilaahay sida khayrku ku jiro ha ina waafajiyo, way fiicnaan lahayd inaynaan ubadkeena dhaxal la’aan iyo been uga tagin.

Hadaad u fiirsato dhamaan arrimaha aan soo sheegay waxaa kuu soo baxaysa su’aasha kor ku xusan ee ah dalku ma goblan baa mise waa loogu tala galay? Waxa kale oo kuu soo baxaya qaar badan oo siyaasiyiin inoo sheegta inaanayba garanayn waxan aynu ka hadlayno, in kale oo badani way og tahay xaqiiqda laakiin waxay ka doorbiday inay iska danaysato maalinta dadkoodu degaana ay la degaan, ama ay rumaysan yihiin inay badbaadinayso xoogaaga ay ka dhex shaqaysteen.

Waa qalinkii
Mukhtaar Xaaji Cabaydh (Maxamed)
Mxcabaydh1@hotmail.com
+252 2 402 7373


This post has been viewed 420 times.

Categories: Opinion
Tags:

4 Responses for “Somaliland Ma Goblanba Mise Waa Loogu Tallo Gallay Qallinkii Mukhtaar Xaaji Cabaydh”

  1. We are sorry because u don't have concept for the somali culture because u are just trying to scold the people who made u man! Silanyo is a wonderful president so u have to shame on your self because he is the grandfather of the gift that u have!

  2. rageedii inder farhan wadaad marisay

  3. thanks Mujaahid Mohamed Jenius the most teenagers don't understand how the politics going on just they know how to scold some one don't know how to right the misktakes.

  4. jama says:

    miyaanan odhan waar dadka runta u sheega mufaaja,ada hala suginee

Leave a Reply

Advertisement

The Most Popular Posts

Halbeeg Archives

Plugin from the creators of Brindes Personalizados :: More at Plulz Wordpress Plugins
Onlined by Samaroon Copyright