Waxa aan halkan ka salaamayaa cid kasta oo jecel jiritaanka iyo qarannimada Somaliland ee ka sareeya qof nacaybka iyo qof jeclaysigaba.Intaa ka dib waxa aan maanta u qalin qaatay inaan wax ka idhaahdo xaaladda murugada leh ee ay marayso xaaladda guud ee siyaasadda somaliland ee ay gaadhsiisay xukuumaddan Kulmiye ee u muuqata aafo ama musiibo ku dhacday somaliland haddii ay dad tahay iyo haddii ay dalkiiba tahay.

Bal aan wax yar ka tilmaamo dhaqanka foosha xun ee ay la timi Xukuumadda Kulmiye iyo xubnaha sida indho la’aanta ah u taageera Kulmiye ama aan idhaahdo Dumiye, soomaalidu waxay tidhaahdaa mayd maxaa u danbeeyay iyo kaa la sii sido, waa aragnaa in wasiirka Duulista Mr Maxamuud Xaashi oo guran jiray lacag Xaaraan ah oo aan meelna sharciga kaga jirin inuu weli la soo hor fadhiyo Golahii ay ahayd inay shacabka wakiil ka yihiin ha la ii ansixiyo xaarantan.
Waa ogayn ama war bahinta dalka waa ku aragnay maalin dhowayd in nin Ganacsade ah lagu xidhay kaftan wasiir sidii dhaqankii afweyne ee ahaa ku qosle Kabtan kufay, inkasta oo wararka rasmiga ihi sheegayaan in ninkaas ganacsadaha ah lagu xidhay maxaad Kulmiye iyo xukuumadiisa lacag u siin weyday.
Waa aragtaaan siyaasaddii arrimaha debedda ee dalka in god dheer maanta lagu riday runtiina aan odhan karo somaliland maanta waxay dul taal Xabaal u baahan inaan la sii sugin inta ciida lagu rogayo.
Waxa shacabka guud ahaan iyo hayadaha qaranka haddii ay jiraanba in si mug leh la isu dul taago meesha Kulmiye iyo xukuumaddiisu innagu wadaan.
Arrintan cusub ee dawladda maraykanka ka soo baxdayna waa natiijadii madh-naantii siyaasadda arrimaha debedda ee somaliland iyo weliba debecii ay xukuumaddani ka muujisay qadiyaddi somaliland, iyada xukuumaddani hilmaansan in arrinta jiritaanku yahay wax ku yimi talada shacabka xalaasha ah iyo heshiiskii beelihii somaliland ee shirkii Burco.
Dhinaca heshiisyada caalamiga ah: Waxa aad moodaa in xukuumadda Kulmiye dalkii ka dhigtay
goob u gaar ah Kulmiye iyo budhcadda ku gadaaman, waan og nahay in Xukuumadda maanta jirtaa u tirtirtay heshiiskii Shirkaddii Total waayo waxay yidhaahdeen, heshiiska Total Sharci ma ahayn waayo Golaha Baarlamaanku muu ansaxin.
Maanta oo Dubai loo tegay heshiis in lala soo galo shirkad Ajnabi ah oo lagu wareejiyo Dekedda Berbera, waxa heshiiskaasi sharci noqon doonaa marka golayaasha qaranka la horkeeno, haddii kale heshiiskaas iyo mid kale toona ka shaqayn maayaan wadanka oo lama odhan karo Totalna sharcibaa la marinayaa kuwana waa laga daynayaa. Waxa iyana la mid ah sharciga macdanta oo aan suura gal noqon doonin haddii aanu Baarlamaanku ansaxin, hadii xad gudubyadan joogtada ah iyo sharcigan la baal marayo la joojin, waxa dadku ku khasbanaan doonaa in ay iyagu ilaaliyaan khayraadka guud ee dalka oo laga yeelin in cid gaar ihi gacanta ku dhigto iyada oo noqon doonta in degaano la isu habeeyo.
Runtii $10 ee Maxamuud xaashi dhacay haddii aan wax laga qaban isagana Maxkamad loo dirin, waxa ay u muuqan doontaa inaan dawladi jirin ee meesha ay ka dilaacday budhcad-dawladeed u baahan in la suuliyo si sharciga waafaqsan.
Waxa aan si mug leh ugu baaqayaa in si degdeg ah la isugu yimaado Talo Qaran oo lagu badbaadinayo waxii umadani u soo samirtay in ka badan labaatan sano, waa in laga gaadhaa xukuumaddan Kulmiye inta aanay baabi’in haykalka qarannimo ee jira inat aanay dumin kala danbaynta iyo ku dhaqanka nidaamka iyo maamulka dawladnnimo ee imminkaba sii daciifaya.
Xisbiyada Mucaaradka ahi ha qaataan doorkooda oo ha hor galaan bad-baadada dalka iyaka oo maraya wada kasta oo lagu bad-baadin karo, waxa kale oo muuqata inaan lagu halayn karin talada qarankan xukuumaddan albaabada u laabtay jidkii loo marayay aqoonsi raadintii somaliland kana door bidday waxoogaa lacag ah oo debedda guryo lagaga ga’tay.
Lama eegan karo xaaladda dalku marayo ee ha laga kaco fadhiga oo ha la bad-baadiyo qarankan
Inta aan waqtigu ina dhaafin si aan hadhow farta dhexda looga qaniinin,ama loo qooma-mayn.
Ibrahim Duale Sulaiman(Talaabo)
somaliland44@hotmail.com
This post has been viewed 505 times.






