Ceebihii ay Xukuumada Kulmiye Wehesha-neysey oo mar-qudha debeda u-soo wadda baxey

Posted by on Jan 20th, 2013 and filed under Opinion. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can skip to the end and leave a response. Pinging is currently not allowed.

cancelWaxaa Bini-aadamku ka xishoodaa in ummadda illahay uumay ay mar-qudha Kuligood ilqoodha ku soo eegaan oo Ku Dhey-gagaan sida wax-loo-wado, Hadaba Waqtigan Xaadirka ah waxaa  Wax-garadkii, Shiikhii, iyo Shariifkii, Aqoonyahankii, Dhaliyaradii iyo Haweenkiiba ay la yaabeen oo la aman-kaageen  Xaalada Qalafsan iyo nabadgelyo xumadda isa soo tareysa ee hadda  dhamaan  wadanka saameysey iyo sida ay Hada Xukuumada Kulmiye ay ula-daala dhaceyso sidii ay u-maareyn lahayd caqabadaha ka hor-yimi intii ka danbeysey Doorashadii wadanka ka dhac-dey ee xaq-daradda ku-dhamaatey.
Waxaa maanta Somaliland  Nabadgelyo xumaanteeda sababey markii ay Xukuumada Kulmiye ku Mergatey  Maareyntii Diifihii ay reebtey Doorashadii Xaraanta aheyd ee Wadanka ka dhacdey 28/11/12, Waxaa Ururadii  ku-hadhey doorashadu soo Jeediyeen Cabashooyin badan oo ay Gar iyo xaqba ugu lahaayeen in laga dhegayso oo laga Garmariyo.Taas oo aaney Xukuumada iyo komishanka Qaranka midna aanu garowshiiyo siin. Waxaa muraayada laga wada Daawanaayey sidii Waxash-nimada la heyd ee ay Xukuumadu isugu daydey in ay ku bakhtiiso Dabkii ay shideen Kac-doonadii ka bilaabmey Gobolada wadanka Badankooda ee sababtey Dhimashada dhawaaca ilaa hadda sii bada qoyan. Taas oo ka markhaati kacdey in aaney haba yaraatee aaney Maanta Xukuumada kulmiye ka jirin Talo Mideysani oo xaaladaa maareyn karta.
Sidii Caadiga u ahaan jirtey  Xukuumadii UDUB marka Dhib yimaado  waxaa si wada jir ah uga howl geli jirey  Guurtida, Xukuumada iyo  Hogaan Dhaqameedka iyaga oo si isku-duubni iyo wadajir ah u-asiibi jirey caqabad-kasta oo ku saabsan hawalha arimaha Gudaha,Taas oo fududeyn jirtey in Dabka Halkiisa lagu bakh-tiiyo ,shaqsiga afuufayana  halkiisa loogu tago maadaama uu Wasiirkii UDUB ee Wasaradda Arimaha Guduhu  uu ahaa Ruug-cadaa  Siyaasada Arimaha Gudaha aad ugu fara Dhuu-dhuuban oo aqoon buuxda u leh Hayada sir-doonka iyo shebekaddaha ay ku hawl-galaan ee  Gobolada Wadanka oo Dhan, Halka uu  maanta Ka Joogaa uu yahay Layli la buubey kelidii oo ku-dur-duriyey Hawshii loo igmadey oo u baahneyd talo-wadaag iyo wada tashi dhinacyo badan leh. Xukuumada Kulmiye waxay Dube la dhacdey iyada oo aan hareerahaba  iska eegin  Haybadii, sumcadii, karaamadii  iyo Habsami u-socodkii Dimuqraadiyada  Qarankan Yar ee Barakeysan. Taas oo hada  looga baqaayo in uu ku ban-jaro Nusqaanta, Hagar-daamada  iyo Nitaakhada kaga imanaaya Xukuumadan Booshaaqa ah ee marin Habowsan.
Bal eeg Muwaadinow xagii arimmaha Debeda: Markii Xukuumada  Mudane Daahir Riyaale Kaahin ay Kulmiye ku-wareejisey Wasaarada Arimaha Debeda 2010kii waxay Xukuumadu laheyd Ilaa iyo 24 Wakiilo Sharafeedo ah oo Ku Baahsan Dunida Daafaheeda, Ku waas oo ay ka go’neyd in ay Somaliland Ku soo Xidhaan Dhamaan Wadamada ay u meteli-jireen, Taas oo Sababtey in marka Madaxda Somaliland ay Booqato wadamaddaa in lagu soo-dhaweyn-jirey  Meeqaam aad U-sareeya. Maantana Nasiib-daro Waxaa Ka sii  nool 24kii Wakiil ee hore u-jiri jirey  10 wakiil oo aan Taageero Buuxda iyo (supervision) joogta ah Midna ka haysan Xukuumada hada Jirta . Siyaasadii Xukuumada Kulmiye oo aan wax ,Taageero ah oo Buuxda aan hada ka haysan Jaaliyadaha S/land ee Qurbo-joogta ah ayaa waxay Sababtey in uu aad hoos ugu dhaco Meeqaamkii iyo Jibadii ictiraaf-raadinta iyo Hankii  ay shacabku ka -qabeen Xukuumada Kulmiye ee maamulka hada la -kacaa-kufeysa.
Bal Hadana eeg  Golayaashii Qaranka Golohii Baarlamaanka iyo Golihii  Guurtida oo Xukuumadii Jeebka u-wada Galey oo Naawilaaya uun danahooda gaarka u ah oo xeer walba oo la soo Hor-dhigo isha-ka-la-linaaya si mudayac ahna ooda uga qaadaaya oo u-sii daynaaya , waxaaba la-sheegayaa in aan qaar badan oo guurtida ahi aaney waxna qorin waxna akhriyin.Waxaa looga fadhiyey in ay noqdaan Baarlamaanka iyo Guurtidu  laba Gole wakiil oo Dabar iyo seeto isu noqda (check and palance) oo si sharfi ku jirto u kala madax banaan kuwaas oo heshiis ku ah u-adeega ummadii sharftey ee soo dooratey. laakiin Nasiib-daro waxay ku danbeeyeen (Xil-ma-dhibayaal Daneystayaal ah ) oo Weliba ay Haddana u-Muuqato in ay Guulwadeynta sii-badinayaan si  Mudo kale loogu Kordhiyo Maa Daama Habsami U-socodkii Qarankan yari uu marin-habaabey oo dayacmay mudada kooban ee u-hadheyna aaney Doorasho soo naaso cadeyn.
 Waxaa Xukuumada  Kulmiye  looga fadhiyey oo laga filaayey in ay Ummadda Somaliland ku hagto Ilbaxnimo siyaasadeed iyo hab-dhaqan Dimuqraadiyeed oo ku socda wada tashi, wada-shaqeyn, Qar-naqsi iyo isu tanaasul kuna  wajahan tub-xalaal ah , Laakiin Nasiib daro Taasi maydhicin. oo Waxaa Waqtigan Xaadirka ah xataa indhihii Caalamku Daalacdeen in ay hoos u dhacdey Amaantii badneyd iyo Qadarintii badneyd ee Somaliland ku kasban jirtey Siyaasadaheeda  arimaha Debeda, Nabadgelyada   iyo Doorashooyinkii Hore u soo marey oo dhan.
             .
Alleh ayaa Mahad Leh 
Walaahum-Aclum. Wa billaahi Towfiiq,
A/Rahman Fidhinle
Intensive  Personal  Advisor
United Kingdom.

This post has been viewed 978 times.

Categories: Opinion
Tags:

Leave a Reply

Advertisement

The Most Popular Posts

Halbeeg Archives

Plugin from the creators of Brindes Personalizados :: More at Plulz Wordpress Plugins
Onlined by Samaroon Copyright