Xoghayaha Arrimaha Dibadda Dalka Maraykanka Oo Maanta Meesha Ka Saartay Siyaasaddii Labada Dhinac Ahayd Ee Maraykanku Kula Dhaqmaayey Dalkii Soomaaliya La Isku Odhan Jiray (Dual Track Policy) Sheegtayna Inay Soomaaliya Tahay Dal Keliya Oo Ay U Macaamilayaan Laba Dal Oo Siman Taasi Oo Meesha Ka Saaraysa Somaliland

Posted by on Jan 18th, 2013 and filed under Audio & Video, Editorial, featured, today's top stories. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can skip to the end and leave a response. Pinging is currently not allowed.

Washington (Halbeegnews)– Shirka jaraa’id ee ay maanta sida wada jir ah u qabteen madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Xoghayaha xilka ka sii degaysa ee dalka maraykanka Mrs Hillary Clinton ayaa labaduba waxay si isku mid ah u xaqiijiyeen in laga gudbay xilligii siyaasaddii loo yaqaanay labada jiho (Dual Track Policy) isla markaana loo gudbay laba dal oo siman oo si isku mid ah u macaamilaya.state department

Su’aal ay weydiisay suxufiyad Soomaaliyad ah oo ka shaqaysa idaacadda VOA-da laanta afka Soomaaliga oo la yidhaahdo Falastiin ayaa waxay ku tidhi “maraykanku miyuu weli sii wadaya siyaasaddii uu kula dhaqmaayey Soomaaliya dhawaanahan ee ahayd labada jiho (Dual Track Policy) mise maanta ayey ku egtahay? waxaa ku hor maray jawaabta Madaxweyne Xasan wuxuuna yidhi “Soomaaliya waxay ka soo baxday labaatan sano ka badan oo kala qaybsanaan ah taasi oo ku keliftay beesha caalamka oo maraykanku ka mid yahay inay ula xidhiidhaan Soomaaliya sidii ugu macquulsan waxaana keenay nidaamka labada jiho xaaladdii marka Soomaaliya ku jirtay, laakiin maanta laga bilaabo Soomaaliya iyo maraykanku waxay noqdeen laba dal oo leh dawlado siman oo madax banaan oo si saaxiibtinimo ah u macaamilaya marka waxaa maanta bilaabmay waa cusub” ayuu yidhi Madaxweyne Xasan.

Dhinaca kalana Mrs Clinton oo iyaduna dhinaceeda ka jawaabaysay su’aashaasi ayaa tidhi “marxaladda ay maanta Soomaaliya gashay waa marxalad ah dawlad madax banaan oo dadkeeda iyo dalkeedaba matalaysa, taasi ayaanu anaguna kula dhaqmayna waana sababta aanu ugu dhawaaqnay in dawladda Madaxwyene Xasan aanu aqoonsanay, marka waxaanu nahay laba dawladood oo si siman u macaamilaya oo labaduba madax banaan, wixii hore u jirayna waxay la tagayaan taariikhda, Soomaaliya waxay ku istaagtay cagaheeda waxaana ay heshay dawlad si sharci ah loo soo doortay, baarlamaan, Ra’isal wasaare, Madaxweyne iyo xukuumad, waxaa sidoo kale jira in Safiirkayaga Soomaaliya Ambassador Swan uu hawsha Soomaaliya wado isla markaana uu dawladda cusub la macaamili doono” ayey tidhi Mrs Clinton.

Arrintani Waxay Caqabad Ku Noqonaysa Siyaasaddii Maraykanka Ee Ay Somaliland Kula Dhaqmayeen

Barnaamijkii loo yaqaanay labada jiho Dual Track Policy oo ahaa barnaamij ay dawladda maraykanku si siman ula macaamilaysay Somaliland iyo Soomaaliya ayaa sida imika u muuqda meesha ka baxay waxaana lagu bedelay in dawladda Xasan Sheekh Maxamuud ay maraykanku u aqoonsadeen in ay Soomaaliya oo dhan matasho oo ay Somaliland ku jirto, taasi waxay caqabad diblomaasiyadeed oo horleh ku noqonnaysa Somaliland oo 21 kii sannadood ee ugu danbeeyey soo dhisaayey nidaam diblomaasiyadeed.

Kaaliyaha Xoghayaha arrimaha dibadda maraykanka Afrika Jendie Freizer Oo sanadkii 2008-dii Hargeysa timid Lana Tamashlaynaysay Madaxweyne Rayaale.

Kaaliyaha Xoghayaha arrimaha dibadda maraykanka Afrika Jendie Freizer Oo sanadkii 2008-dii Hargeysa timid Lana Tamashlaynaysay Madaxweyne Rayaale.

Xukuumadda Siilaanyo ayaa markii ay tallada dalka qabatay waxay masiirkii Somaliland gacanta u gelisay wada hadalo lala yeesho Soomaaliya iyadoo meesha ka saartay gebi ahaanba dedaalkii diblomaasiyadeed ee xukuumadahii ka horeeyey heer fiican soo gaadhsiiyeen taasi oo keentay in sannadkii 2008-dii ay Hargeysa socdaal ku timaado kaaliyahii hore ee xogyahaha arrimaha dibadda maraykanka Mrs Jendei Freizer, dedaalkaasi oo ku yimid ka dib markii madaxweynahii hore ee Somaliland Rayaale uu socdaal ku tagay Washington isla markaana uu kulano la yeeshay maamulkii Madaxweyne Bush ee Jamhuuriga ahaa.

Sida ay daabacday wakaaladda siraha maraykanka faafisay ee Wikileaks Bishii August 8-deedii sannadkii 2008-diii in wasiiru dawlahii wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka ingiriiska Kim Howell iyo xoghayahii hore ee arrimaha dibadda ingiriiska David Miliband ay ka wada xidhiidheen sidii loo aqoonsan lahaa Somaliland iyadoo wasiiru dawlaha arrimaha dibadda ee ingiriisku Kim Howell uu wakhtigaasi ku tilmaamay Somaliland Jamhuuriyad u qallanta in la aqoonsado ka akhriso wergeyska ugu weyn Britain ee Telegraph oo soo xiganaya warbixinta Wikileaks guji halkani siyaasadda arrimaha dibadda Somaliland ee heerka maraysay ayaa maanta waxay gacanta u gashay dawlad wax bilo ku siman Xamar ka talinaysay oo weliba aan caasimadii Muqdisho aan gacanta ku wada hayn, Professor Simon Rofe oo cilmiga siyaasadda iyo xidhiidhka caalamiga ah ka dhiga Jaamacadda Leicester ee dalka ingiriiska  oo arrimaha Soomaaliya la socda ayaa Halbeegnews u sheegay inay Somaliland iyadoo sallaanka siyaasadda si fiican ugu dul socota ay dib jaran jarrada iyadu gacmaheeda iskaga soo riday, isagoo Professor Rofe ula jeeday sida maamulka Siilaanyo u bedelay jihadii siyaasadda Somaliland keliyana ugu xidhay in wada hadal Soomaaliya lala gallo ay rajada aqoonsigu ku xidhanyahay, wuxuu sheegay in jaaniskii Somaliland dhamaaday.

Professor Simon Rofe Political Science Liecester University

Professor Simon Rofe Political Science Liecester University

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wuxuu cayaaray farsamo siyaasadeed tii ugu cajiibsanayd isagoo gebi ahaanba doonaya inuu ood ku soo wareejiyo dalkii Soomaaliya la isku odhan jiray oo Somaliland ku jirto isla markaana uu albaabada usoo laabo gebi ahaanba duul duulkii dedaalka ahaa ee Somaliland beesha caalamka kula macaamilaysay, waxaase ka sii darran xukuumadda Siilaanyo oo iyadu u mmuuqata inay hurdo dheer ka gashay dedaaladii diblomaasiyadeed ee Somaliland kuna mashquushay mashruucyo fara guudkood ah.

Hoos Ka Daawo Oo Eeg Su’aasha Ugu Danbaysa Shirka
Jaraa’id

Hoos Ka Daawo Kaaliyaha Xogyahayaha Arrimaha Dibadda Maraykanka Ee Afrika Johnnie Carson Oo Sharaxaya Siyaasaddii  Labada Jiho Ee Maraykanku Maanta Soo Afjaray USA DUAL TRACK POLICY TO SO CALLED SOMALIA. Kal Hore Isagoo ka hadlaayey Machadka barashada istaraatijiyadda calamiga ah (Center for strategic of international studies CSIS Waa Barnaamij Dhamaystiran

Halbeegnews, Washington dc

Halbeegnet@gmail.com


This post has been viewed 5012 times.

1 Response for “Xoghayaha Arrimaha Dibadda Dalka Maraykanka Oo Maanta Meesha Ka Saartay Siyaasaddii Labada Dhinac Ahayd Ee Maraykanku Kula Dhaqmaayey Dalkii Soomaaliya La Isku Odhan Jiray (Dual Track Policy) Sheegtayna Inay Soomaaliya Tahay Dal Keliya Oo Ay U Macaamilayaan Laba Dal Oo Siman Taasi Oo Meesha Ka Saaraysa Somaliland”

  1. Faisa Rabi says:

    Wan ween ilaa la GOOWRACO INDHIHIISU CIRKA Ma ARKAAN. Aawalaba intaas baad sugayseen

Leave a Reply

Advertisement

The Most Popular Posts

Halbeeg Archives

Plugin from the creators of Brindes Personalizados :: More at Plulz Wordpress Plugins
Onlined by Samaroon Copyright