Daawo Video/Akhriso Warka: Xoghayaha Arrimaha Dibadda Maraykanka Mrs Hillary Clinton Oo Uu Weheliyo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud Oo Ku Dhawaaqday In Dalka Maraykanku Dib U Aqoonsaday Soomaaliya 20 Sanno ka Dib Sheegtayna Inay Siinayaan Soomaaliya Lacag Ku Dhaw Sannadkii 1 Bilyan Oo Dollar

Posted by on Jan 17th, 2013 and filed under Audio & Video, Editorial, featured, today's top stories. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can skip to the end and leave a response. Pinging is currently not allowed.

Washington Dc (Halbeegnews)–17/01/2013– Xoghayaha arrimaha dibadda ee dalka maraykanka Mrs Hillary Clinton oo uu wehelinaayey madaxweynaha dalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ay si wada jir ah maanta goor danbe shir jaraa’id ugu wada qabanayeen xarunta wasaaradda arrimaha dibadda dalka maraykanka ayaa shaaca ka qaaday in dalka maraykanku dib u aqoonsaday Soomaaliya ku dhawaad in ka badan 20 ssannadood.

clinton xassan

Mrs Clinton oo si tallan-taali ah shir jaraa’id ay u wada qabanayeen madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxay sheegtay in dalka maraykanku ay sii wadayaan gacanta dhaqaale, siyaasadeed, iyo weliba ka caawinta Soomaaliya dhinaca militeryga iyo ammaanka, waxaanay sheegtay Mrs Clinton in dalka maraykanku ay Soomaaliya siiyeen sannadkii 2012-kii ee dhamaaday lacag ku dhaw 450 Milyan oo dollarka ah oo 200 Milyan loo isticmaalay gargaarka dhinaca dadka tabaalaysan halka 250 Milyan ee kale si toos ah badhna loo siiyey dawladda Soomaaliya badhka kalana lagaga caawiyey dhinaca arrimaha bulshada, Mrs Clinton waxay sheegtay  in maraykanku sidoo kale  kharash dhan 650 Milyan oo dollarka sannadkii hore ku bixiyeen hawl-galka ciidamadda midawga Afrika ee ka hawl-galla magaalada Muqdisho iyo gobolada dalka.

Mrs Clinton waxay shirkeeda jaraa’id ku sheegtay inay dawladda maraykanku maanta laga bilaabo si toos ah ula macaamili doonto dawladda Soomaaliya ee ay aqoonsadeen isla markaana ay lacagaha iyo macaawinooyinka ay si toos ah gacanta ugu gelin doonta dalka Soomaaliya, Mrs Clinton waxay sheegtay in dalkeedu uu sii wadi doono sidii Soomaaliya ay markale cagaheeda iskugu istaagi lahayd, waxaanay sheegtay inay maraykanka ka go’antahay in dadka Soomaaliyeed ay hellaan dal xasiloon oo nabadgelyo iyo wadajir ku naalooda.

Mrs. Clinton waxay sheegtay inay dawladda Xasan Sheekh Maxamuud kala shaqayn doonaan sidii loo dhisi lahaa haykalkii dawladnimo, loo dhisi lahaa sharciyadii iyo nidaamkii Soomaaliya, waxaanay sheegtay inuu maraykanku gacan weyn ka gaysan doono sidii ciidamaddii ammaanka Soomaaliya dib ugu soo laaban lahaayeen.

Mrs. Clinton waxay sheegtay in maraykanku sii wadi doono gacanta dhaqaale iyo ta farsamo ee dalkeedu siiyo ciidamadda nabad ilaalinta dalka Soomaaliya ee ku sugan gudaha dalkaasi si ayey tidhi loo soo afjaro qalaalasaha iyo dagaaladda aan joogsiga lahayn ee kooxaha xagjirka ahi ay Soomaaliya ka wadaan.

Waxay Mrs Clinton sheegtay in dalka maraykanku uu deeq toos ah siin doono dawladda cusub ee Soomaaliya taasi oo qadarkeeda ay ku sheegtay 900 milyan oo dollar sannadkii si loo soo celiyo nidaamkii dawladnimo ee Soomaaliya, Mrs Clinton waxay sheegtay inay dawladda maraykanku ka go’antahay inay ixtiraamaan wada jirkii iyo midnimadii Soomaaliya.

Mrs Clinton waxay Sheegtay inuu Madaxweyne Xasan la kulmay madaxweyne Obama ka hor qadar intaanay kulmin.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa isaguna si diiran usoo dhaweeyey sida loo soo dhaweeyey wuxuu sidoo kale soo dhaweeyey dedaalka dawladda maraykanku ay siisay Soomaaliya iyo weliba inay dib u aqoonsatay dalkiisa marlabaad ka dib 20 sanno oo ay bulshada caalamka ka maqnayd, wuxuu sheegay Madaxweyne Xasan in maraykanka iyo Soomaaliya ay leeyahiin cadaw keliya iyo saaxiib keliya isla markaana ay cadawga tahay inay si wada jir ah ula dagaalamaan, wuxuu sheegay Madaxweyne Xasan inuu warbixin dhamaystiran ka siiyey xaaladda Soomaaliya Mrs Clinton

Muhiimadda Gaarka Ah Ee Kulankani Mrs Clinton Iyo Madaxweyne Xasan

Kulankani dhex maray maanta Mrs Clinton iyo Madaxweyne Xasan ayaa ahaa kii ugu horeeyey ee ay Clinton dib ugu soo laabato masraxa siyaasadda ka dib markii qalliin lagaga sameeyey isha, wuxuu sidoo kale noqonaya kulanadii ugu danbeeyey ee ay Mrs Clinton qabato intaanay ka tagin xilka muddo 48 saacadood gudahood ah oo uu xilka kala wareegi doono Senator John Kerry xoghayaha arrimaha dibadda dalka maraykanka ee cusub

 

Halkani Guji Si Aad U Akhrisato Shirka Warsaxafadeedka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Maraykanka

 Hoos Ka Daawo Video-ga Kulanka Madaxweyne Xasan iyo Hillary Clinton

 


This post has been viewed 961 times.

Leave a Reply

Advertisement

The Most Popular Posts

Halbeeg Archives

Plugin from the creators of Brindes Personalizados :: More at Plulz Wordpress Plugins
Onlined by Samaroon Copyright