Musuq-Maasuqa isa soo Taraaya ee Dul-Hoganaaya Xukuumada Kulmiye

Posted by on Jan 16th, 2013 and filed under Opinion. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can skip to the end and leave a response. Pinging is currently not allowed.

kulanka2Waxaa Beryahan dambe isa soo taraaya Warar xogagaal ah oo sheegaya in Xukuumadii ay u nuglaatey Dilaaliin u dhuun-daloola  Shirkado waaweyn oo Gacan-wadaaga yaqaan kuwaas oo ay wada shaqeystaan Ganac-sadeyaasha Reer   Somaliland  Qaar ka mid ah, iyo Xubno wasiiro ah oo Af-dhuunyaaleynta iyo Dilaalnimo ku-caan baxey. Dilaaliintaa ayaa sida ay noo cadeeyeen Looga qaateyaal Mac-quul ahi waxay noo cadeeyeen in ay Dilaaliinta qaar ka mid ahi  ay  Albaabada  Madaxtooyadu ay u furan yahiin. Kuwaas oo Hore ugu Guuleystey Sanadkii ina soo dhaafey Badh-tankiisii in ay Lacag Dilaalnimo ah oo buuran ay ka qaateen Shirkadii Batrolka ee La magac Baxdey HAAS, Kadib markii Saxeexa loogu duugay  Shirkadaas Mudo 20 Sanadood ah in ay Somaliland Shidaalka keenaan oo Kaalmo shidaalna ay Gobol-walba ka furtaan. Iyaga oo weliba Dulsaar uu u saaran yahay hadba&nb sp;Faa’idada Shirkadaasi ka hesho Batrolka ay ku iibiso Gudaha  Somaliland.
Waxaa kale oo ay ilaa iyo Mudo Sanad ku-dhawaad ah ay isla Dilaaliintaasi ay  Miiqayeen oo ay  Wadeen   sidii Wakaalada Biyaha ee Gobolka Togdheer Magaaladiisa Burco loogu wareejin lahaa oo looga  iibin lahaa Shirkad Ganacsi oo Gobolkaa  macruuf ka ah, iyada oo aan ilaa iyo hada aan  ummadda reer Somaliland aan loo soo Bandhigin  Taas oo u muuqata in fara guudkood lagu kala dhameysanayo iyada oo aan Bidhinba aan la sameyn.
Maadaamaa ay Qaar Ka mid ah Wasiiradii Xukuumada Kulmiye ay Hadda Dilaaliin u-Xuub-siibteen .
Intaaba waxaa ka sii daran oo Bishan  aynu ku jirno  loogu balamey Waddanka Imaaraadka Carabta Mashuur ay Gacan-wadaagleydii iyo dilaaliinta Xukuumada Shidhka ugu jirey ay ilaa iyo Badhtankii Sanad kii ina soo dhaafey ay ku  riyoonayeen in ay Mashruucan Baaxada leh oo uu u saaran-yahay Milyan Doolar Dilaal ahi in ay Mar-uun ku Guuleystaan.Mashruucaas oo ah sidii DPW ( Dubai Port World) Looga iibin lahaa ama looga kireyn lahaa Dekeda Berbera. Si ay Dekeda Berberi ay u-noqoto Deked Hawl-gab ah oo ay ku nastaan Containarada  Dekeda D-Jabuuti ay la-daala dhaceyso. Hadaba waa imisa Qiimaha  la isku mari layahay ilaa iyo Hadda?  ,Ilo wadareedyo ka soo baxey gacan yareyaal looga qaateen ahi oo u dhuun-daloola Mashruucan  ayaa sheegay in shirkada  DPW  oo ah shirkad macruuf ah oo aduunka oo dhan sumcad weyn  ku leh gaar-ahaan Maamulka iyo maareynta Dekadada ha waa-weyn ee Aduunka ayna u-kireysan yihiin hadda  tiraba ilaa 33 Dekadood oo ku kala Yaala  Daafaha dunida  ayaa waxay  ku baayac tameysaa Lacag aad iyo aad u yar- madaama aan wadankeena aduunka laga ictiraafin taas oo ay doonayso  in Dekeda Berbera ku  kireystaan mudo 50 sanadood ah lacag Gaadheysa $300 oo Millyan oo Doolarka Mareykan ah Taas oo ah lacag aad iyo aad u yar marka loo bar-bar dhigo Lacagtii DPW ay  20ka  sanadood ay kaga  kireysatey Dekeda Dawlada D-Jabuuti.
Hadaba Waxaa Wax-garadkii iyo Dhamaan Muwaadiniinta reer Somaliland ee Wadanka ka naxaaya una- damqanaaya Hantida Ummadda ka dhaxeysa waxaa ka degi waayey oo ay Liqi kari-waayeen sida Deg-Degu ku jiro  ee iyada oo aan loogala tashan Hayadii ay arintani khuseysey iyo weliba iyada oo ay jirto  Qabyo badan oo xaga  sharciga ahi  gaar ahaan xeerarkii Maalgashiga,iyo Saami-qaybsiga, ku wii Contractyada  Shirkadaha Waa weyn ee Ajanebiga ah iyo kuwa Maxaliga ahba, Ku wii Baananka Somaliland ku waas oo Qaar ka mid ahi ay  hada horyaalaan hayadaha sharci dejinta Laakiin Xukuumadu ay si Badheedha  oo  indho la’aan ah ay u-doorbidey in -ay ka-dul-boodo  si ay ugu  Naas-nuujiso Xubno ka mid ah  Ganacsatada iyo shirkadaha Maxaliga ah ee hore loogu shaan-badeeyey in  yaqaanaan   ama laguba soo xuley markoodii horeba waayo aragnimada Gacan-Wadaaga iyo Dus-dus ka iyo malafsiga  Hantida Ummadda ka dhaxeysa si ay iyaguna u-sii naas-nuujiyaan  Kooxda Budcad Dawladeeda ah iyo Shirkadaha  is barkan ee Cadeystey in ay iyagu noqdaan Mustaqbalka Mulkiilayaasha Dhabta ah ee Maamula Mashaariicdii Ummadda ka dhaxeysey.Waxaa iyana jira Dilaaliin iyo Malaaliin Dalqada indho ku leh oo dha-dhan raac ku-caan baxey, kuwaas oo isku xidha  Budhcad Dawladeeda hadda ka dilaacdey Somaliland iyo Shirkadaha Waa weyn ee Gudaha wadanka iyo debadiisaba ,Ku waas oo Hada wadanka ku sii Badanaaya oo aduunka isaga Habar-wacanaaya oo u-baahan in il-gaar lagu eego.
Waxaa iyana la yaab leh iyada oo ay wada qabyo yihiin sharciyadii Maalgashiga  iyo saami u-qaysiga ahaa , sharciyadii Qandarayada Shirkadaha Waa-weyn ee Ajanebiga ahaa iyo kuwa  maxaliga ahaaba ,Sharciyadii Baananka Somaliland, Iyadoo aan Xukuumadu u soo ban-dhigin Hayadaha ay arintani Khuseysey si ay uga gudato waajibkeeda oo ay ugu dhereriyaan uguna Cabiraan wixii xeer jira iyo Dastuurka Somaliland u-yaala in ay xukuumadii u badheedhey in ay si Bilaa sharci ah  u -Hor-cararto Dilaaliintaa  Ku dhexmilmay Ganacsatada Somaliland ugu cad-cad iyo Xubno Gacan-wadaaga yaqaan oo ka mid-ah Xukuumada Kulmiye si ay uga  yeelaan sidii ay iyaga ugu badineysey ee  Dantu ugu jirtey  iyaga oo aan u-aabo yeeleyn  Hantidii iyo Asadkii yaraa ee Ummadda Dan-yarta ahi  ay isha ku kulaaleysey.
-Waxaan u soo Jeedinayaa Wasiirada Doobinaaya ee Dhibi-Shaxleynaaya, ee u-dalacey in Shaqadii loo-igmadey  ay ka door-bidaan in ay Dilaaliin Noqdaan,waxaan leeyahay waad  ka tilmaaman tihiin Xukuumada inteeda kale oo Wasiiradu Mawada Xuma , Waa Cadaan oo Cid-waliba wey arkeysaa in aad ku caan baxeen Gacan- Wadaag, Musuq-maasuq,Dilaalnimo, iyo in aad  Xoolo ku dhaqataan Magaca iyo Mansabka aad ummadda u Haysaan , Waxaan leeyahay Waa dhaarateen oo kitaab ayaa Gacanta saarteen ee Ka waan tooba oo Ilahay ka Baqa oo Hadii aad  Wadanka wax ku-soo Kordhineysaan u-mara Sifihii Sharciga ahaa.
- Kooxdan is bahaystey ee Budh-cad Dawladeeda ah ee Wadanka u Heshiiyey ee Hada ay Ummaddu ula Baxdey Budhcad-Dawladeeda Maa-daama ay Wasiiro ay Hor-boodayaan Waxaan Leeyahay Waa La idin ogyahay waana la idinku daba jiraa meel kasta oo  aad Hantida ummadda dhigataana Waa la ogaanayaa ee Ka waan-tooba Boobka iyo Musuq- Maasuqa aad dhex-dabaalaneysaan waxaana aad  ogaataan in ay maanta aduunyadu tahay (Golobal Village) oo si yar-oo fudud  loo ogaan karo Lacag-kasta oo buuran oo Xawaalad ama Baan lagu Xafido.
Gebo-Gebo: Waxaa Xukuumada Kulmiye laga filaayey in ay wadanka iyo Shacabka Somaliland ay Mideyso oo ay ku hagto kuna maamusho waayo aragnimo iyo ilbaxnimo siyaasadeed iyo hab-dhaqan Dimuqraadi ah  oo huwan Haykal Dawladnimo oo Qorsheysan kuna socda Tubta toosan , Laakiin Nasiib-daro Taasi may dhicin Ee Ee Ee Ee
Waxaa Xukuumada Kulmiye Wax kasta oo qabatayba ay ku Caab baxdey oo lagu suntey  mudadaii Yareyd ee Hogaanka wadanka haysey: Budhcad-Dawladeed, Budh-cad-Dhuleed, Cod-boob,Hanti Boob, Degaan-Boob, Maayaro-boob ,Musuq-Maasuq, isir-raac iyo Sad-bursi, Qandaraas-bursi  Joogto ah oo lawada arkaayo. 
 Masiirka iyo Nidaamka Dawladnimo ee aynu Jeexaney  ayaa ku soo Hana-Qaadey wada- tashi, Talo -wadaag ,
Gar-naqsi iyo isu -Tanaasul taas oo  hadda u-muuqata in ay intuba ay meesha ka baxeen Saameyn Weyna ku yeelatey  Nabadgelyadii Guud ahaaneed ee Wadanka oo Dhan.
 Alleh ayaa Mahada leh
 Walaahum-Aclam Wa bilaahi Towfiiq
 A/Rahman  Fidhinle
  Intensive PA
  United Kingdom
 

This post has been viewed 460 times.

Categories: Opinion
Tags:

Leave a Reply

Advertisement

The Most Popular Posts

Halbeeg Archives

Plugin from the creators of Brindes Personalizados :: More at Plulz Wordpress Plugins
Onlined by Samaroon Copyright