Wasiiradda Fadqaladda Ah Iyo Waxgaradka Oo Ka Digaya Cawaaqib Xumada Ka Dhalan Karta Dekedda Halbawlaha U Ah Somaliland In Gacmo Shisheeye Lagu Wareejiyo

Posted by on Jan 16th, 2013 and filed under Opinion. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can skip to the end and leave a response. Pinging is currently not allowed.

kulanka1Marka hore waxaan salaamayaa dhamaan umadda somaliland, waxa beryahan ku sugnaa wadanka Emaaraadka Carabta, wasiirada loo yaqaano fadqalalo wada yaasha, oo waayahan danbe dhibaatooyin badan oo ka dhacay dalka, umaddu u tirineyso inay ka danbeeyeen, waa wasiirka madaxtooyada iyo wasiirka arimaha debeda, hadaba waxay wararku sheegayaan, dadkuna isla dhexmarayaan, in ay u joogaan dawlada Emaaraadka sidii ay uga kireyn lahaayeen dekedda halbawlaha u ah dalka ee berbera, sherekad iskugu jirta carab iyo ajaanib kale oo saldhigeedu yahay dawlada Emaaraadka,

Hadaba dad badaniyo wax garad kala jooga daafaha dunida ayaa waxay xukuumada somaliland ugu digayaan inay ku kacaan dariiqo qaldan oo sidaasi ah, hadii ay ku socdaana ay dusha ku qaadan doonaan waxa cawaaqib xumo ka timaada, dekeda berbera waa wadnaha somaliland, aduunkana lama arag qof wadnihiisa u dhiiba dad kale, dadbaa waxay ku andacoodaan in sherekadu kiraysatay dekedo kale oo aduunka ah, sida ta jemel cali iyo qaar kale oo aduunka ku yaal, jemel cali ingiriisku malaha, sidaa awgeed buu u kireeyey, dekedaha maraykankana waa qaar yaryar oo wax ahmiyad ah ugu fadhiyin dalkooda, imikana waabuu ka joojiyey, iyadoo iminka la soo afmeeraayo dhibaatooyinkii ka dhashay doorashooyinka, waxaanu mar labaad ugu digeynaa inay dalka ka abuurto qaar cusub.

QORE ;  ABDI ARRALE.


This post has been viewed 449 times.

Categories: Opinion
Tags:

Leave a Reply

Advertisement

The Most Popular Posts

Halbeeg Archives

Plugin from the creators of Brindes Personalizados :: More at Plulz Wordpress Plugins
Onlined by Samaroon Copyright