Waxan maanta qalinka iyo waraqadan isku dul dhigay in an bal inaan aragtideyda ka dhiibto khilaafka labad xisbi mucaarid iyo labadooda gudoomiye oo an u arkey kuwo laga faa’iisan karo haddii ay ku si jiraan marxaladaasi maanta ay ku sugan yihiin ee ah khilaafka ragaadiyay mudada dheer, maanta waxa loo baahan yahay o xiligeedi la gaadhey in mucaaridada labada xisb la mideyo oo dawalada iyo xisbul xaakimka ba la xakameyo oo lala xisaabtimo.
Runtii intii la cilaamiyay sadexda xisbi qaran ee doorashooyinkii golayaasah dagaanka kuso guuleystey wuxu shacabkii dareensan yahay ama shaki iyo mugdi kaga jira labada xisbi qaran UCID iyo Wadani oo runtii khilaafkoodu wali sii socdo iyagoo ah labada xisbi o mucaarid aha islamarkan aney rajo wada shaqeyni kamuuqan muxgzabzlkz mawqifyada ay kala taagan yihiin ..
Shacabku wuxu aaminsan yihiinmaadaama labadii xisbi mucaarid yihiin kuwa an wada shaqeyn karin kuwa u adeegaya xisbul xaakimka oo maalin ba mid lagu guuri doono, mustaqbalkan la waayi doono xisbi mucaarid ah oo shacabku aaminaan mustaqbalka…
Fule xantiisa ma mooge wuxu shacabku calool xumo iyo mas’uuliyad daro ku tilmaamayan markaad wareysato inta mucaaridada daneysa wada shaqeyn la’aanta labad xisbi qaran ee mucaaridka ah iyo labadooda gudoomiye iyo guudahaan ba labada hogaan ee UCID iyo Wadani..
.Sowtii LA ODHAN JIREY SIYAASADU MA LAHA SAAXIIB JOOGTA AH EE DAN JOOGTA AH BEY LEEDAHAY.. MAANTA WAA IN AD DANTA LABAD XISBI EE MUCAARIDKA AH AD HOOS U EEGTAN IYO DANTA SHACABKIINA IDIN SO DOORTEY.. EE MUCAARIDKA AH..
Khilaafkaasi labada mas’uul runtii wuxu dib udhac ku yahay wada shaqeynta labada xisbi ee mucaaridka ah madaxdooda, khilaafkaasi wuxu faa’iido uu leeyahay xisbul xaakimka oo doonaya inu labada xisbi qaran e mucaaridka marwalba isku dhufto iyaga o jahawareer iyo kalsooni la’aan dhex dhigo, maalin ba wuxu doonaya inu awrkiisa ku kicsto xisbiga u rabo kuna guuro.
Si taasi looga hortago waxan odhan laha labada xisbi qaran ee UCID iyo Wadani madaxdooda sare e an iyagu khilaafka iyo muranku hore uso dhexmarin e doonaya in mucaaridada mideysan laga yeesho xisbul xaakimku ay isku yimaadan oo ay fududeyaan sidii labada xisbi wada shaqeyn iyo iskaashi u lahaan layeen.. haddii midba midka kale ilgaar ah ku eego waxa lumeysa mucaaridadii iyo hawlihii labadan xisbi loo igmaday ama loo doortey..
Waxan leeyahay madaxda labada xisbi qaran ee UCID iyo Wadani wa in laga gudba jarjarandan ina hortaala o la noqda laba xisbi oo mucaarid ah o aragtidoodu mideysan tahay haddii kale xaaladeenu wa BARIGA DHEX IYO KULMIYE OO MAALIN BA MID KU GUURA.
Wa aragtideyda ee maaha mid cid kale ila qabto ama ila wadaagto waxan odhan laha wa in laba gudi o labad xisbi qaran ee UCID iyo Wadani isku yimaadan oo ay ka wada tashadan sidii ay wada shaqeyn iyo mucaaridada mideysan u yeelan laheyn.. ila taasi la helo mucaaridadi ma jirto xusbul xaakimkan lama xakameyn karo..shacabkuna wuxu u baahan yahay mucaarid mideysan o isku aragtiya.. looma baahan mucaarid iyagu isku muuqda oo si gaar ah isku eegaya iyagu..Wa in xal loo hela khilaafka labada gudoomiye xisbi ee Wadani iyo UCID, si ay mucaaridadu isula jaan qaado oo meel looga so wada jeedo hawsha qaranka.
Maanta Xaalada wadanku meesha ay mareyso wa mid qofwal o waxgaradihi ba maanta og yahay.. wa xaalad u baahan dawlad iyo mucaaridba meel looga so wada jeedo oo qaranimadeen aynu difaaco, oo dhibaatooyinka jira aynu damina oo aynu caqli saliim ah la nimaadna.
Wa bilaahi tawfiq
Omar Darood Hassan
Norway
This post has been viewed 216 times.






