Maansadii Boqorka Afrika Axmed Naasir

Posted by on Jan 16th, 2013 and filed under Opinion. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can skip to the end and leave a response. Pinging is currently not allowed.

Maansadii Boqorka Afrika
Erayadii Abwaan Axmed C/laahi Maxamud
Axmed Fartaag  Madaxda Afrikaanka Maxaa Lagu Yaqaan?axmed naasir
Dabka kii bakhtiinlaa
Batrool buu ku sii shubay
Baalaha u sii gudub
Buulashiina wada gaadh
Budhcad baa dhex dagayoo
Biyihii la mari waaa
Barigana dhulkii jiifkii
Badankiisa maamulay
,,,,,,,,,,
Bukaan socodka liitana
Digtoorkii bogsiinlaa
Markuu baadhay cudurkii
Ifku waa balaayeee
Aakhiraa barwaaqo ah
Naftu inay ka boodiyo
Bakhti buu u soo qoray
,,,,,,,,,,,,,
Boqorkii la doortaa
Bariis sooma qaadee
Banbo wada qarxaysiyo
Baasuukayaal keen
Baaskoolad kaan hayn
Baroon buu u soo gaday
,,,,,,,,,,,
Ha busaaradoonine
Baad baa la qaataa
Berberiyo madaarada
Badh cashuuro kalidaa
Bangiyada dalkoo idil
Dadka baadho buu yidhi
,,,,,,,,,,,,,,
Babaygiyo galaydiii
Dhulka kii la yidhi beer
Biyihuu ka wada xidhay
Dalku wuu balaadhee
Ban ha wada ahaadee
Boodheeya buu yidhi
,,,,,,,,,,,
Cadays looma baahnee
Bigayskaa la qaatee
Baahidan dalkii taal
Badhkaa qaado buu yidhi
,,,,,,,,,,,,,,,,
Cilmi looma baahnee
Beelaha dhex qaadoo
Barta Reeruhuu yidhi
Hadba xaafadii ba,an
U bahayso qaar kale
,,,,,,,,,,,
Barqadaa la seexdaa
Badhtamaa habeenkii
Baar cadeeya buu yidhi
,,,,,,
Waynu bartamaynaa
Bidhaan kii i dhaafaw
Anaa kaa badshuu yidhi
,,,,,,
Hada buuq ma karayee
Bilayskaw caruuraa
Iga baajiyuu yidhi
,,,,,,
Bisadi jiir ma daysee
Booba xooluhuu yidhi

This post has been viewed 265 times.

Categories: Opinion
Tags:

Leave a Reply

Advertisement

The Most Popular Posts

Halbeeg Archives

Plugin from the creators of Brindes Personalizados :: More at Plulz Wordpress Plugins
Onlined by Samaroon Copyright