Mahad waxa iska leh Ilaahay SWT, Mahada Alle ka dib, waxa aan Salaan hawada u soo marinayaa dhamaan Akhristayaasha sharafta leh meel kasta oo aad joogtaan dunida dacaladeeda.
Waxa aan isku dayi doonaa inaan iftiimin ku sameeyo xeerka sirdoonka Qaranka ee dhowaan madaxweynuhu digreetada ku soo saaray iyo saamaynta uu ku yeelan doono xoriyadii hadalka iyo saxaafadaba.
Xeerka sirdoonka Qaranku waa mid laga qariyey bulshada Somaliland oo aan faahfaahin (Detailed) lagu samayn.
Xeerkani waa mid ay ansixiyeen (Approved) baarlamaanka Somaliland madaxweynuhuna saxeexay.
Arrinta layaabka leh waxa weeyaan in Aqalka wakiiladu (Representative House) xeerkani aanu ka doodin (Debate) isla markaana ay duuduub ku ansixiyeen Iyada oo ay ku jiraan qoddobo liddi ku ah madaxbanaanida saxaafada iyo xoriyatulqowlka.
Xeerkani waa mid dabar ku noqon doona madaxbanaanidii saxaafada iyo xoriyatul qowlkii (Qalinkii iyo Qoraaladii).
Xeerkani sida ka muuqata qodobadiisa, waa mid lagu mutaysanayo xadhig (Prison) iyada oo dhinaca kalena uu damaanad qaad (Guarantee) ku samaynayo ilaalinta qof aan xaqiisa (Right) la duudsiyin.
Xeerka sirdoonka Qaranka oo dhaqangal noqday maalintii Arbacadii ee todobaakii hore markaas oo madaxweyne Siilaanyo qalinka duugay kadib markii ay u soo gudbiyeen golaha wakiiladu ayaa gebi ahaanba meesha ka tirtiray sirdoonkii Qaranka ee hore u jirey una bedelay hay’ad cusub oo magac kale loo bixiyay.
Xeerkan oo madaxweynuhu si lama filaan ah u dhaqan galiyey ayay saxaafada iyo hay’adaha Madaxa banaan ee u dooda xuquuqda bani’aadamku aad uga qayliyeen, waxaanay isku dayeen in aanu xeerkaasi dhaqan –gal noqon, hase ahaatee arintaasi waxa ay noqotay mid goreygu ka hadaafey.
Xeerkan Sirdoonka ee dhaqangalka ah ayaa ka kooban 23 qodob, kaas oo ay ku wada cad-yihiin qaabdhismeedka hay’addaas, awoodaheeda iyo gabi-ahaanba hawlaha loo igmaday, kaas oo sidoo kale ay ku muusaysan yihiin qodobo Allow sahal ah.
Madaxweyne Ahmed Mohamed Siilaanyo oo xeerkani u cuskaday qodobada 75aad iyo 90aad ee dastuurka S/land, tixgeliyayna go’aanka golaha wakiilada ee ku astaysan Go’aan Lr. GW/G/KF-19/581/2012 ayaa soo saaray Dhaqan-galka Xeerka Hay’adda Sirdoonka Qaranka Xeer Lr. 59/2012 ee Jamhuuriyadda Somaliland.
Akhristow markii aan dhuuxay (Akhriyey) xeerkani waa mid ila qumanaan waayay, dareen sas iyo cabsi lehna igu abuuray, taasi oo ila wadaagaan in badan oo bulshada ka mid ahi.
Haddaba qaar ka mida qodobada xeerkani aan idiin soo bandhigo ee bal ila akhriya:
ü Tusaale ahaan qodobka 4-aad ee xeerkani waxa uu sheegayaa in hay’adaasi ay hoostagi doonto madaxwaynaha, waajibaadkeedana u gudanayso si madaxbanaan oo xeerka waafaqsan.
ü Qodobka 7-aad ee Xeerkaas farqadiisa 11-aad ayaa hay’adan u fasaxaysa la socodka qalabka warbaahinta iyo qoraaladeeda sida wararka iyo maqaaladda, kaas oo odhanaya Hay’addaasi waxay awood u leedahay “La socodka qalabyadda Warbaahinta, qoraalada iyo meelkasta oo ay ku wajahan yihiin iyo in la hubiyo ujeedooyinka ay xambaarsan yihiin & waxkasta oo ku duugan (Publication Press and Propaganda)”. Taas macneheedu waa in aan wargeys, telefishan, website, radio IWM aanay waxba diyaarin karin ilaa ay soo maraan Hay’adda sirdoonka Qaranka.
ü Qodobka 10-aad ayaa isaguna qeexaya shuruudaha qofka noqonaya Agaasimaha guud iyo ku xigeenka Agaasimaha hay’adaasi, xubnaha loo magacaabayo ayaa la adkeeyey, iyada oo masuuliyiinta jagooyinkaasi loo magacaabayo lagu xidhay shuruudo ay ka mid yihiin inuu haysto shahaado Jaamacadeed, isla markaana leeyahay waayo-aragnimo maamul iyo khibrad ku taxaluqda jagada loo magacaabay, oo mudadeedu aanay ka yarayn Shan (5) sano ilaa Toban (10) sano.
ü Qodobka 13-aad ayaa ka hadlaya magacaabista iyo xil ka qaadista Agaasimaha iyo ku xigeenka Hay’adda Sirdoonka Qaranka iyadoo lagu sheegay in Agaasimaha iyo ku xigeenka Hay’adaasi Magacaabistooda uu awood u leeyahay Madaxweynuhu, Cod Haldheeri ahna ay ku ansixinayaan Golaha Wakiiladu, iyada oo sida oo kalena qodobkaas farqadiisa B ay dhigayso in Xil ka qaadista Agaasimaha iyo ku xigeenkiisa uu Madaxwaynuhu awoodeeda uu leeyahay.
ü Qodobka 16-aad ee xeerkaasi ayaa lagu cadeeyey in xubinkasta oo ka tirsan hay’adaasi ay ka reeban yihiin inay si toos ah iyo si dadbanba uga qaybqaadato dhaqdhaqaaq xisbi iyo urur siyaasadeed, in si aan sharciga waafaqsanayn ay u gasho ama u baadho goob gaar loo leeyahay, isla markaana ay u qabato hanti si aan xeerka waafaqsanayn. Iyada oo farqada D lagaga mamnuucay in qof muwaadin ah ay ku xadgudbaan Xoriyadiisa aas aasiga ah ee Distuuriga ah iyada oo looga faa’idaysanayo dano siyaasadeed.
ü Qodobka 18-aad ee Xeerka Sirdoonka Qaranka waxa uu isaguna ka hadlaya galista goobaha hay’adaasi isagoo mamnuucaya galida ama sawir ka qaadashada dhulka ama goobaha hay’adaasi ogolaansho la’aan, taas oo farqada labaadna dhigayso in qofka falkaasi ku kaca lagu xukumayo laba ilaa saddex sanadood oo xadhig ah.
ü Qodobka 19-aad ee Xeerkan ayaa isagu dhigaya in Agaasimaha iyo xubinkasta oo ka tirsan hay’adaasi intaanay shaqada galin la dhaariyo, iyada oo Taliyiihii Sirdoonka Qarankana loo badalay Agaasimaha Guud ee Hay’addaasi, isla markaana Madaxwaynaha hortiisa uu ku dhaarinayo Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, iyada oo Saraakiisha kale ee Hay’adaasi lagu hordhaarinayo Agaasimaha hortiisa.
Dhinaca kale Akhristow Xeerkan Sirdoonka ee Madaxwaynuhu dhaqangaliyey ayaa awoodaha iyo waajibaadka hay’ada Sirdoonka qaranka uu siiyey waxa ka mid ah, magaca hay’adaas oo loo bixiyey hay’ada Sirdoonka Qaranka National Intelligence Agency (NIA).
Ma diidani in aynu sirdoon yeelano, oo dabcan dalkeyga Somaliland in uu ka mid noqdo wadamada ugu sirdoonka wanaagsan dunida ayaan la rabaa, dal aan sirdoon adag lahaynina waa dal amnigiisu khatar gelayo, lakin waxa aan ka biyo diiday in xeerkan la hoos galiyo qodobo waxyeelo u geysan kara muwaadiniinta oo xaqoodii la duudsiyayo marka la yidhaa waxaad qoraysaan hay’addan ha soo maraan, taa macneheedu miyaanay ahayn in xukuumadii la toosin lahaa ay diidayso, tilmaantii iyo toosintii lagu tabayay? Bal Adba!
Sidee bay isku qabanayaan saxaafadu ha madaxbanaanato iyo xeerkani saxaafadii ha dabro?
Sidee bay isku waafiqi karaan tilmaantii iyo toosintii, dhaliishii iyo amaantii, xoriyadii hadalka iyo xadhigu? Miyaanu dabrayn xeerkani .Waa kaaf iyo kala dheeri!
Runtii golihii shacabku soo doortay ( Golaha Wakiilada) ee ay ahayd inay xukuumada la xisaabtamaan sida xeerkan oo kale ayaa howshoodii dayacay.
Aniga oo runtii si wayn u taageersan Xukuumada talada haysa ee uu hogaaminayo madaxweyne Siilaanyo, hadana waxaan u soo jeedin lahaa in aanay xeerkani ku degdegin dhaqan-gelintiisa oo dib ugu noqoto.
Qalinka: Hamse Haaji Mohamed (Rantiisi)
This post has been viewed 188 times.







