Qaybtii 7-aad: Xirsiyow ma shaqo badnin, dhibaato aadan geysan dalkan kama dhicin.

Posted by on Jan 10th, 2013 and filed under Editorial. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can skip to the end and leave a response. Pinging is currently not allowed.

Taxanaha ahayd oo aan u bedelnay Asbuucle ama weekly , maxaa dhacay tirade dadka aqristayaasha oo kor u dhaafay Gaadhay 4000 oo qof, hadii aan Habeenle usoo saarno rag badan oo shaqaale ah ayay dhaafaysaa.
Waxaa taa dheer horta aan idin hojiyee Maxaynu u qoreynaa maqaalkan taxanaha ah , Ma Wasiirka ayaynu xaasidaynaa? Ma shaqadiisa ayaynu uga xunahay?, Ma Qabyaalad baa ina wada? Intaaba maaha, waayo waxaa jira 25 kale oo wasiiro ah , kuwaaba ma haysano,.

Hadii uu qaranka Somaliland iyo Jiilka soo socda raasamaal ooga tegayona waaba ku faani lahayn Waxqabadka Xirsi Xaaji Cali, aniga oo maqaalkan hagayana sadex walle waxaan ku dhaaranayaa in aanu isku jifi nahay oo aan ku faani lahaa waxa uu dadkiisa gaadhsiiyo, Mana odhaneyno waxba ma taro, oo wax tar waa leeyahay illayn waa basharoo sax iyo qalad wuu yeelanayaa, laakiin is weydii muxuu rabbi qamriga u mamnuucay illay wax tar inuu leeyahay waa laynoo sheegaye, sababtu waxa weeye dhibaatadiisa ayaa ka badan waxtarkiisa.

Wadaadkan yar waxa aanu ka baqnay in ay gacantiisu ku burburto Somaliland , waxay ka fursan weysay in umada looga waramo dhibaatooyinkiisa, waxaan kaloo ka jawaabayaa 2 Su,aalood oo laysoo diray oo igu badan 1. Maxaad ka rabtaan Xirsi dalku Madaxweyne ayuu leeyahay 2. Waar iska daa xirsi ee dhibaatada waad ogtihiin cida wade ee Abaara, yacni Xaajiyada.

Suaasha 1aad, Waxaan xaqiiqsanay in Madaxweyne AxmedMaxamed Maxamuud uu u wakiishay shaqooyinka madaxtooyada mudane Xirsi Xaaji Cali, Waxaan kaloo xaqiiqsanahay in aanu odhan Cidwalba iyo Wasaarad walba faraha la gal ee ay tahay dabeecad isagu la soo baxay kuna cusub saaxada Siyaasada Somaliland.
Su,aasha 2aad, Xaasha afka iyo dhaqankuba kama raali ahaa in marwooyinka lagu soo qaato maqaalo gaar ah, laakiin meeshii ay ka fursan weyso hadii qaladku ku cadaado waa la sheegayaa.

Hadaynu usoo noqono maqaalkeenii, Waxaynu marayney Wasaarada Arrimaha debeda, runtii Madaxweyne Axmed waxa uu wasaaradda u Dhiibay wiil dhalinyaro ah oo sheegtay in uu yahay Doctor , weli laysma weydiin waxa uu ku qaatay doctorate , Waa Maxamed Cabdullahi Cumar , waxaa dhalay nin qaali ah , waxa uu ku dhashay magaaladaa Baydhabo , Waxa uu Bachelor ka qaatay wadanka Holland, waxa uu MA ku diyaariyey London, weli ma dhameynin waa xaqiiq, ma xuma waa leeyahay waxbarasho lagu wado Wasaarad yar, Ninkan Waxa ay aad u saaxiibeen Mudane Xirsi Xaaji Cali , waxa lagu heshiiyey waxa ay noqotay Mashaariic , Waxay noqdeen Ceeshoo milix, Xirsi in uu ku yeesho awood Wasaaradan Maxamed Cabdullahi marnaba kama hor istaagin, Xirsi waxa uu noqday nin ka taliya Wasaarada Arimaha Debeda, metela qaranka marka uu wafuuda ugu Baxayo debeda, Weli Xirsi marnaba kama Hadhin Wafuud Baxaysa, runtii ma aha Wasiir si Fluent ugu hadlka luuqada English laakiin waa ku geesi intiisa.

Maxamed Cabdullahi waa is daad raaciyey , waxana uu ku kasbaday kalsoonidii Marwada, Madaxweynaha, iyo Xirsi Xaaji Cali, waxa ka dhashay arinkaa in dhamaan Safaaradihii qaranka la xidho si lacagtooda loo duwado , arinkaas oo aan hadal ka iman illaa Agaasime Maxamed Raage uu Afka furtay markii uu arkay Lacagtan xaddhaafka ah ee lagu Magcaabay Safaaradaha laakiin aan la siin shaqaale safaaradeed, Waxaa illaa hada aan cidna is weydiin lacagtii $70.000 ahayd ee Wasiirku qaatay ee uu yidhi Safaarada South Sudan baa lagu furayaa, waxaynu arkeyney isaga oo leh South Sudan noogama Suurtoobin in aan xafiis ka furano,.
Hadaba xagee lacagtii martay, Waxa la cadeeyey in ay £300.000 kor u dhaaftay Vouchers uu wasiirku safaro iyo Safiiro ku magcaabay, Waanigii hore u sheegay in mashruuca budhcad Badeeda loo bedelay wasraad Wadaaga Taqaana, oo laga qaaday Wasaarada Cadaaladda.

Waxaa taa dheer Mashruuca sameynta New  electronic Somaliland Passport oo la doonayo in lagu cuno lacag aan caqliga gelayn, fikirkan waxaa lahaa Maxamed Xaashi Cilmi laakiin Maxamed Cabdullahi waxa uu ula wareegay mashruucii in la wadaago saaxiibkii Xirsi Xaaji Cali , isaga oo leh ama Buur ahow ama buur ku tiirsanow .

Waxaa kaloo Wasaaradda loo ansixiyey Budget loogu talo galay Ictiraaf raadinta , tolow yaa lasiin dhaqaalahan lagu doonayo aqoonsiga sawta sheekadiiba kusoo gudhay wadahadalka Somalia iyo Somaliland , sawta dadkeenii laga soo masaafuriyey South Sudan, Maxaa inaga haysta South Africa? Maye MPS reer UK ee u doodi jiray aqoonsiga Somaliland, goorma ayaa kuugu danbeysay in aynu u tagno EU ama AU anaga oo kala hadlayna aqoonsi iyo gooni istaaga Somaliland, Ma ogtahay go,aanka aynu siinay IGAD waxaynu ku nidhi na daaya anaga ayaa Somalia la dhamaysaneyna, Waxa aynu dhawrnaa saw maaha Fawsiya Xaaji Aadan meesha ay ina geyso, Meeyey mashruucii China ee madaxweyne Siilaanyo u dhoofay? Maxaa ku dhacay Mashruucii Berbera Port ? tolow muxuu ka shaqeeyaa DR Cabdullahi iyo Prof Xirsi ilayn isagaba waa uu la bix lahaaye qoladayada reer Burco baa odhanaya Now waar miyuu soo waashay , laakiin ragan ilbaxa reer Gabilay kuma qayliyaan qofka ee waxay yidhaahdaa waa runtii.

La soco ….xirsi gaab
Mubaabig X Ibrahim


This post has been viewed 346 times.

Categories: Editorial
Tags:

Leave a Reply

Advertisement

The Most Popular Posts

Halbeeg Archives

Plugin from the creators of Brindes Personalizados :: More at Plulz Wordpress Plugins
Onlined by Samaroon Copyright